19 May 2007 04:21

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country]WP74
  • Posted by/on:[AAJ][29 Dec 2000]

Warsidaha Puntland

Tirsi 74

Garoowe – Khamiis 21 December 2000

 

TUSMADA

 

Z PRESIDENTIAL CONGRATULATORY MASSAGE ON THE OCCASION OF EID AL-FITRI  BOGGA 2AAD

Z        MADAXWEYNAHA OO DADWEYNAHA KU HAMBALYEEYAY MUNAASABADA CIIDDA FIDRIGA BOGGA 3AAD

Z        GUDDOMIYE GOBOL IYO DUQ MAGAALO MADAXWEYNAHA OO KELIYA AYAA MAGACAABI KARA BOGGA 4AAD

Z        XIIRKA GUUD EE DAWLADU WAA XILKA WASAARADDA ISKAASHIGA CAALAMIGA AH BOGGA 4AAD

Z        REER SANAAG:- DAWLADDA PUNTLAND CAGTA HA NAGU BADISO BOGGA 4AAD

Z        REER EYL OO CASUMAY MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND BOGGA 5AAD

Z        HAWLGALKA GUDDIYADA SARE EE GOBOLLADA BOGGA 6AAD

Z        RIYAAQ” OO NOQOTAY AFHAYEENKA QAADKA BOGGA 7AAD

Z        BAARLAMAANKA YURUB OO KA DAYRIYEY WAXA CARTA KA SOO BAXAY BOGGA 8AAD

Z        SO DAF-TII DJIBOUTI MIYAA???!!! BOGGA 7AAD

Z        DHUUGGII HOWD IYO INA SALAAD-BOY-BA DUULDUULKII WAY JOOJIYEEN BOGGA 7AAD

Z        KOOXDA QAADKU DAL- XUMAYN CID KALE MA KU EEDEYN KARAAN BOGGA 7AAD

Z        OGAYSII IYO  WARGELIN BOGGA 8AAD 

CIID WANAAGSAN

 

 

PRESIDENTIAL CONGRATULATORY MESSAGE ON THE OCCASION OF EID AL-FITRI

 

OUTLINE OF THE MESSAGE: 

1.     I send a message of congratulation to the people of the State and Government of Puntland, wishing them a happy Eid Al-fitri, having successfully and peacefully completed one of the pillars of Islam, the fasting in the month of Ramadan. On this occasion, I wish the people of Somalia in general and of the Puntland State of Somalia in particular, peace and prosperity for years to come. 

2.     I urge the people of Puntland State to maintain their unity, sense of purpose and to safeguard their political and economic achievements. Peace and stability are the corner stones of human progress and civility. We should maintain this at any cost. We have already achieved a lot in the State through democratic transformation of our public institutions. It is important to remind the people of Puntland State that they are in an envious position as they are better off than many residents in the rest of Somalia. My Government is committed to further consolidate and develop this multi-faced progress of the Puntland communities. Above all, we are planning and building  a decent future for our children and next generation. 

Major Policy Statement By the State Government of Puntland. 

3.     Taking advantage of this noble occasion, my Government is here to announce to the people of Somalia, its leaders and the international community at large the following guiding principles of Puntland State towards resolving the Somalia crisis. 

I.       Puntland State was not a party to the Arta Conference and therefore it does not recognize the Arta outcome as a National Government. 

II.    Puntland State, however, is committed to any future all-inclusive talks on the National Reconciliation Process to reconstruct a Somali Central Federal State. 

III. Puntland State of Somalia is convinced and strongly believes that any future Somali National Reconciliation and Peace Process must be based on the principle of  ‘Bottom-Up Approach’ (Building-Blocks). 

IV. Puntland State rejects any military solution in resolving the Somali national crisis.

 V.     Puntland State is committed to fight for and preserve the territorial integrity of Somalia. 

VI. Non-native militia that occupy other clans’ land and territories should withdraw to their respective native regions as condition to hold an all-inclusive national conference. Modalities to implement such a formula are to be worked out in a joint effort by both Somalis and the members of International community. 

VII.         Finally, Puntland State resists and rejects outright any foreign meddling in the internal affairs of Somalia and rules out any influence or decision imposed by any foreign power(s) (e.g. Djibouti) on the National Reconciliation Process.

 

Abdullahi Yusuf Ahmed

State President of  Puntland

 

MADAXWEYNAHA OO DADWEYNAHA KU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA CIIDDA FITRIGA.

 

GUUD MAR FARRIINTA MADAXWEYNAHA.

1.      Dadweynaha iyo Xukuuma-dda Reer Puntland waxaan ku hambalyaynayaa munaasabada barakaysan ee Ciidda fitriga, innagoo si wanaagsan u soo gudanay mid ka mid ah tiirarka Islaamka, kaasoo ah Soonkii Ramadaan. Guud ahaan Dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan iyo gaar ahaan dadka reer Puntland, waxaan u rajaynayaa nabad iyo barwaaqo… 

2.      Waxaan dadka Reer Puntl-and ku guubaabinayaa inay adkaystaan wadajirkooda, u feejignaanta himilooyinkooda iyo ilaalinta guulahooda siyaas-adeed iyo dhaqaale oo ay gaareen. Nabadda iyo Xasilloonidu waa assaaska horumarka iyo ilbaxnimada Bani-Aadmiga. Sidaas darted, waxay inaga mudan yihiin inaynnu ku mintidnno. Inagoo ah Dawlad Gobole-edka Puntland horumar weyn ayaynu ka gaarnay inaynu si dimuqraaddi ah u dhisano Hay’adaheenna… 

Dadka Reer Puntland waa in ay ogaadaan inay marayaan heer lagu kuunyo oo ay kaga hormarsan yihiin qaybaha kale ee Soomaaliya. Xukuumadda aan Madaxa ka ahay way ku mintidaysaa inay sii xoojiso horumarkaas wejiya-da badan ee bulshada Puntland ay gaartay. Waxba kala harimayno inaannu ubadkeenna dhisno mustaqbal wanaagsan.

 

Siyaasada Xukuumada oo kooban. 

3.      Annagoo ku beegeynna munaasabada barakaysan, xuku-umadaydu, waxay shacbiga Soomaaliyeed, hoggaamiyeyaa-shiisa iyo adduunweynahaba u caddeynaysaa qodobadaan Da-wlad Goboleedka Puntland ay u marayso xalinta dhibaatada Soomaaliya. 

1.     Puntland kama qaybgelin shirka Carta, sidaas darted wixii Carta lagu dhisay ma aqoonsana xukuumad Qaran …. 

2.     Dawlad Goboleedka Pun-tland Waxay diyaar u tahay wada hadal kasta oo lagu raadinayo dib-u-heshiisiin, laguna dhisayo qaran Soomaaliyeed oo Federal ah…. 

3.      Dawlad Goboleedka Punt-land ee Soomaaliya waxay ku qanacsan tahay aadna u rumaysan tahay dib-u- heshii-siin kasta iyo nabadayn kasta oo Soom-aaliya lagu raadiyaa waa inay ku salaysnaataa hoos-ka soo dhiska (Iyadoo dalka loo dhisayo waaxo leh maamu-llo)… 

4.      Puntland way ka soo horjeeddaa isku day kasta oo la isku dayo in arrinta soomaaliya lagu xalliyo xoog millateri…. 

5.      Puntland waxay ku mitidaysaa una halgamaysaa ilaalinta midnnimada Soomaa-liya… 

6.      malleeshiya kasta oo xoog ku deggan deegaan aan ahayn keedii, waa inay uga kacdaa deegaan kaas cidii lahayd iyana ku noqotaa keedii… arrintaasi waa inay ka hormartaa shir kasta oo lagu raadinayo dib-u-heshiisiin soomaaliyeed… fars-amda arintaas loo fulinayana waa inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan Soomaalida iyo adduunweynuhu…  

7.      Ugu dambayn, Puntland way ka soo horjeedda, waxayna ku diidaysaa si toos ah, faragelin kasta oo dibad lagaga faragelyo arrimaha Soomaaliya ee daakhiliga ah, waxayna Puntl-and ku gacan saydhaysaa go’aama kasta oo cid kale kor kaga soo dejiso Soomaaliya iyo hawsha dib-u-heshiisiinta soom-aaliya (sida Djibouti oo kale)….

 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md. C/laahi Yuusuf  Axmed

 

 

GUDDOOMIYE GOBOL IYO MAYOR MADAXWEYNAHA KELIYA AYAA MAGACAABI KARA

 

Madaxweynaha Dawlad Gobolee-dka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa 19/12/2000 soo saaray Wareegto ku saabsan Arrintaan…..  

Waxayna u qoran  tahay sidatan:- 

Ku: Dhammaan Golaha Wasiirada Dawlad Goboleedka Puntland Gar-oowe.

Og: Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland  Garoowe. 

Ujeeddo:- Magacaabidda Gudd-oomiyayaasha Gobollada iyo Duqowda Magaalooyinka:- 

Anigoo tixraacaya go’aanka Golaha Wasiirada ee Lr. XM/DPS/ 2000 ee Jun 28, 2000 kuna saab-sanayd dib u habaynta maamullada Gobollada iyo Degmooyinka. 

Haddaba, waxaan idinla socod siinayaa in go’aan-kaas waqtigiisii dhammaaday. 

Sidaas darteed, laga bilaabo 20/12/2000 Guddoomiyayaasha Gobollada iyo Duqowda Degmooyinka waxaa magacaabi  kara Madaxweynaha Dawlada Goboleedka Puntland oo kaliya, Wasiir ama cid kale oo magacaabi karta ma jirto Sidaasna waxaa qaba sharciga.

 

Guul & Hawlgal Wacan.

 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed

 

XIRIIRKA GUUD EE DAWLADDU WAA XILKA WASAARADDA ISKAASHIGA CAALAMIGA AH

 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa soo saaray Wareegto arrintan ku saabsan una qoran sidan:- 

Ku:- Dhammaan Wasaaradaha Dawlad Goboleedka Puntland Garoowe. 

Ku:- Dhammaan Hay’adaha Madaxa Banaan ee Dawlad Goboleedka Puntland Garoowe.

 UJEEDDO:- WAREEGTO MADAXWEYNE:-

 

Waxaa dhammaan madaxda kor ku xusan lagu wargelinayaa in Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo qorsheynta ay mas’uul ka tahay Xiriirkii Guud ee Dawladda (Government Focal Point) 

Haddaba, waxaa la farayaa dhammaan Wasaaradaha Dawladda iyo Hay’adaha Madaxa Banaan ee Dawladda in ay tixgeliyaan, fuliyaana wareegtadan

  

Guul Eebe iyo Hawlgal Wacan 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland          

 Mudane C/laahi Yuusuf Axmed

 

 

REER SANAAG:- DAWLADDA PUNTLAND CAGTA HA NAGU BADISO.

Guddiga sare ee Siyaasdda, nabadgelyada iyo Dhaqaalaha ee uu hoggaaminayo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta Mudane Maxamed Xasan Nuur, wuxuu shirar dadweyne ku qabtay, kulamo kala duwanna kula yeeshay odayaasha, aqoonyahanada, Haweenka iyo Dhalinyarada meelo badan oo Gobolka ah ayna ka mid yihiin:- 

Baran, Xingalool, Ceel-Buh, Dhahar iyo Hadaftimo.... 

Guddigu wuxuu hadaaftimo kula kulmay Sulddaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamud..... 

Wasiirka oo habeenkii 23/12/2000 Hotel Guureeye ee Garoowe ugu warramayey Wariye ka tirsan Warsidaha Puntland, dhibaatooyinka Gobolka hadda ka jira wuxuu ka tilmaamay, in dhirta dhuxusha loo gubaa ay sii badatay intii hadda dhoofka Xooluhu xayirmay iyo macallimiinta Reer Sanaag. Goboka oo muddo ah lix bilood aan helin mushaar (Wefidiga waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Bulshada).

Wasiirku wuxuu Warsidaha u sheegay in Reer Sanaag codsadeen in dawladda Puntland kormeerrada Gobolka ku badiso....
 

Guddoomiyihii Gobolku Caafim-aad ayuu ugu maqanyahay dalka Imaaraadka Carabta.... 

Wasiirku kormeerkii Gobolka dib ugu laabtay, sidaa darteed, ayaannu akhristayaasha uga soo tebinddoona Warka Gobolka Sanaag oo intan ka faahfaahsan.....

 

Haddii Alla idmo.

 


REER EYL OO CASUMAY MADAXWEYNAHA DGPL

 Sabti 23/12/2000 27 Ramadan 1421 PUNA Garoowe. 

Weriye ka socda Warsidaha Puntland ayaa maanta Xafiiskiisa ku waraystay Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Siyaasadda, Nabadgelyada & Dhaqaalaha isla markaana ah Wasiirka Wasaaradda X.X. Beeraha iyo Deegaanka Mudane Max’ed X. Aadan Wasiirku wuxuu weriyaha uga warramay kormeerkii Guddigiisu dhowaan ku tegey degmad Eyl (Eil) .. Xog-warrankii uu siiyayna waxaa ka mid ahaa arrimaha soo socda:- 

Guddiga degmada Eyl wuxuu joogay 5 (Shan)  Maalmood... wuxuuna muddadaas degmada ku qabtay shirarka hoos ku tilmaaman:- 

1.      Shirweyne guud oo dadweynaha loogu qabtay Beerta Dawladda, halkaasna Guddigu ugu jeediyay khudbad ballaaran oo ah xog-warran iyo hogatusaalayn....

2.      Shir Guddigu kula kulmay Odayaasha iyo Haweenka Degmada oo ay Guddiga isku weydaarsadeen issu warran iyo talo isweydaarsi....

3.      Shir Guddigu la yeeshay maamulka iyo mas’uuliinta dawladda ee degmada.... 

Guddigu muddadii uu joogay degmada Eyl wuxuu qaaday tallaabooyinka hoos ku qoran:-

 B- Wuxuu magaacabay Guddoomiye Degmo Cusub...

T-  Wuxuu  magacaabay xog-haye degmo Cusub.

J- Xoghayihii hore ayuu u magacaabay Xisaabiye degmo

(Khibraaddiisa oo dhinacaas u badan darteed).

X- Wuxuu furay maxkamaddii degmada o xirnayd....

Kh- Wuxuu Furay xabsigii degmada oo xirnaa una magaacabay Taliye Cusub iyo Askar la shaqeysa.

 

D- Wuxuu furay dugsigii dawladda oo muddo xirnaa...

R- Wuxuu habeeyay oo socodsiiyay cashuurtii Dawladda hoose....

S- Wuxuu soo qabtay dad la baxsaday lacag cashuur ahayd, lacagtiina uu ka soo celiyay.....

Sh- Wuxuu jid wada shaqayn ah u dhigay Maamulka iyo waxgaradka kale ee degmada....

 

F.G:- Degmada Eyl, waa degmo aad u ballaaran oo leh xeeb aad u dheer.... oo ay ka hawlgalaan shirkado kala duwan oo fara badani.... waxay leedahay dhowr iyo toban Tuulo oo waaweyn oo magaalada Eyl dhanac walba ka jira.... waxay leedahay labo garoon dayuuradeed.... waxay leedahay dhulbeereed dalagyo kala duwani ka baxaan.... waxay leedahay xoolo fara badan oo ah nooc kasta.... waxay leedahay biyo joogto ah oo dhan walba ka jira.... waxaa dega qabaa’iil fara badan oo kala duwan kormeerada dawladdu way ku yaraayeen degmada Eyl muddadii ay dhisnayd dawlad Goboleedka Puntland.....

 

Dadweynaha Reer Eyl waxay Madaxweynaha Puntland mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed u soo direen casuumad ay ku codsanayaan in uu degmada Eyl booqasho ku tago..

 

CIID WANAAGSAN DHAMMAAN DADWEYNAHA KU NOOL GOBOLADA PUNTLAND IYO UMMADDA ISLAAMKA AHI MEEL KASTA OO AY JOOGAAN.

 

WAXAANU LEENAHAY CIID WANAAGSAN MEEL KASTA OO JOOGTAAN.

 

CIID WANAAGSAN

 

GUDDIYADA SARE IYO GOBOLLADA

REER GAALKACAYO WAA ISKU RAACEEN

 

20/12/200 24 Ramadan 1421 PUNA Gaalkacayo.

 

Weriyaha PUNA ee Gobolka Mudug Cabdi Maxamed Jaamac, ayaa maanta noo soo sheegay inuu wareystay Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Siyaasadda, Nabadgelyada iyo Dhaqaalaha Gobolka Mudug, ahna Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Cigaal uuna u sheegay arrimaha soo socda:- 

Guddiga markii hawlihiisa ka bilaabay, wuxuu shirar kala gooni-gooni ah la kala yeeshay oo ka kala qaatay warbixino ku saabsan xaaladda Gobolka:- 

1.   Guddiga Horumarinta Gobolka.

2.   Guddiga Nabadgelyada Gobolka...

3.   Duqa Magaalada Gaalkacayo iyo Maamulaha Degmada Galkacayo.

4.   Xubnaha Golaha Wakiillada ee ka tirsan Gobolka Mudug.... ee Gobolka ku sugan.

5.   Issimmada ku sugan Gobolka.

6.   Koox Matilaysa aqoonyahanka Gobolka.

7.   Ganacsatada Gobolka guddiga Odayaasha Nabadda Gobolka. 

Dhammaan xoogaggaas, Guddiga wuxuu ka waraystay xaaladda guud ee Gobolka iyo tan

Magaalada Gaalkacayo .... iyo sida xal loogu helikaro wixii dhibaatooyin jira.... 

Wada tashiyadaas iyo xog-baaristaa ka dib, guddigu isagoo ku salaynaya talooyinkii loo soo jeediyay. 

Guddigu wuxuu soo saaray go’aamamada soo socda:- 

1.   In la joojiyo dadka sharci darrada ku soo galaya Gobollada Puntland....

2.   In Wasaaradda Maaliyaddu bixiso dhammaan  gunooyinka odyaasha Nabadda (iyadoo la fulinayo go’aankii Golaha Wasiirrada ee 24/06/2000).

3.   in la furo xafiiso shaqada iyo shaqaalaha.

4.   In olole nadaafadeed lagu qaado Magaalada Gaalkacayo. 

Fulinta go’aammadan waxaa loo xilsaaray guddiga nabadgelyada Gobolka iyo Agaasinka Guud ee Shaqada & Shaqaalaha..... 

Guddoomiyaha Guddigu wuxuu Weriyaha PUNA u sheegay in qodobbadaas qaarkood la fuliyay....

 

Galdogob qaar degey iyo qaar Dallacay. 

Wariyaha PUNA ee Gobolka Mudug wuxuu soo sheegay in Guddiga sare ee Gobolka Mudug kormeerkii uu ku tegey degmada Galdogob in halkaas shirar kala duwan kula yeeshay:- Madaxda Maamulka Degmada ciidammada---- laamaha dawladda--- Guurtida----Culimada-----Haweenka-----Dhallinyarada----- 

Wada tashiyadaas oo ay ka dhasheen in la qaaday tallaabooyinka soo socda:-

 

1.   Ciidammada Daraawiishta iyo kuwa Asluubta oo loo raray meelo ku habboon.

2.   Ciidanka Booliiska Degmada-iyo Maxkamadda Degmada, mid walba  

waxaa loo ijaaray xarun hows-hoodu ku fusho.....

3.   Suuq Cusub ayaa magaalada loo cabbiray....

4)     waxaa la go’aanmiyay in ceelasha xooluhu ka cabbaan ee magaalada ku dhaxyaalla loo sameeyo dhuumo dhaadheer oo biyaha xoolaha ugu saara       magaalada dibaddeeda.....

5.     waxaa la beddelay:- 

B- Guddoomiyihii Degmada.

T- Xisaabiyihii Degmada.

J-  Taliyihii Saldhiga Booliiska 

    Degmada.

X- Madaxii kastamka degmada....

 

KUWADA CIIDA CIID  WANAAGSAN

 

SODAF-TII DJIBOUTI MIYAA?

 

Joornalka Maalin laha ee Hargeysa ka soo baxa ee Jamhuuriya, ayaa cadadkiisii 1393 ee soo baxay isniin-tii 22 Ramada 1421, 18/12/2000 ayaa qoray 600 (Lix-boqol) oo ka tirsanaa Askartii iyo Saraakiishii Boliska Djoubti ee ka qaybgalay inqilaabkii dhowaan ka dhici soobay ciidammadaas inay la bexeen hub fara badan, iskuna urursadeen deegaanka Cali Sabiix, halkaas oo uu ka soo jeedo Janaraalkii hoggaaminayay Inqilaabkii dhicisoobay ee 07/12/2000 Janaraal Yaasiin Yaabe…. 

Joornalkaasi wuxuu sheegay in ciidankaasi wataan ilaa 10 kun oo ah qoryo fudud…. Iyo in deegaanka ay ka bilaabmeen kacdoonno ciidankaas la jiraa… 

Dadka ammuuraha Geeska Afrika indha-indheeya, ciidammadaas waxay ku tilmaameen SODAF-tii Djibouti…. Iyagoo halkaas ka tibaaxaya in tallaabooyinkii kalana dabajoogaan….. 

Djibouti-na ay ku socoto tubtii Soomaaliya, Dadkaasi waxay calaamad weyn ka dhigeen saraakiisha iyo askarta faraha badan ee la xirxiray…. Dadka maalqabeenka ah iyo dadka tacliinta leh oo bilaabay inay tartartiib Djibouti uga guuraan…. Iyo dadka Reer Djibouti oo ciiddan ku ciidaya qalalaase, welwel iyo murug. 

Waxaa la wada ogyahay in Reer Djibouti eelku ku soo maray Tuulada Carta.

 

 

 

DHUUGGII HOWD IYO INA SALAAD BOY-BA

DUULDUULKII JOOJIYE.

Waxaa la galay gamashigii dayrta… waxaa Soomaaliya taabtay gabaddanadii (Qabowgii) dayradhaafka… 

Dabayshii ayaa isbeddeleysa oo jaho cusub ka soo dhacaysa… 

Dhuuggii howdka Carro-cadka geela ku dhibayay ayaa jabay oo joojiyay duulduulkii… sidoo kale ina Salaad-Boy ayaa isna galay diraac siyaasi ah oo ayaamahaan danbe isna joojiyay duulduulkii.

 

KOOXDA QAADKU DAL-XUMEYN CID KALE MA KU EEDAYN KARAAN

 

Joornaalka toddobaad laha ah ee RIYAAQ ee ka soo baxa Garoowe ayaa cadakiisii 313 ee 22/12/2000 kooxda ka ganacsata ee dalka u soo waaridda Qaadka ka soo wariyay inay dawladda Puntland ku eedaynayaan inay dalka ku abuurtay sicir barar… 

Inta aynnan hoos ugu daadegin xaqiiqa ahaan waxa eedayntaas ka run ama ka been ah, su’aasha inoo soo boodeysaa waxay tahay:- marka la miisaamo dunuubta kala duwan ee dalka laga geli karo, kooxda iyadu Qaadka ka mushtartaa ee dalka u soo waaridda, cid kale dal-xumayn ma ku eedayn kartaa??!!! Iyada hadalba ma u furan yahay???!!! Aan isbarbar dhigno kooxaha duurjoogta dalka dibadda u dhoofisa….. kooxda deegaanka xaalufisa!!!! Oo qooyswalba xaalufisa!!! Sow ma aha kooxda guryaha xaalufisa!!! Oo carruuraha macaluulisa???!!! Sow ma aha kooxda sababta dhibaatooyin badan oo leh dil, dhac iyo dhaawac intaba???!!! Haddii dadku kala garqaadanayo, kooxdaasi cid kale ma eedayn kartaa???!!!

Joornaalka RIYAAQ ma ku habboontahay inuu kooxda Qaadka soo waaridda daafaco???!!! Ama u noqdo af-hayeen???!!! Waa haddii uu xisaabtamayo???!!!

  

DHALASHO WACAN

 

Anagoo kala ah Cabdi Bashiir X. Maxamuud iyo Xaaskiisa Sacdiyo Axmed Maxamuud, Hooyo Nuuro X. Maxamuud iyo Carruurteeda, Muxuyadiin Axmed Maxamuud iyo Xaaskiisa Xaawo Axmed Nuur, Maryan Siciid Maxamuud, Safiyo Axmed Maxamuud, Deeqo Axmed Maxamuud Cabdullaahi Axmed Maxamuud Cabdi-Mahad Caafi X. Maxamuud, iyo dhammaan Reer Xaaji Maxamuud waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan C/rashiid Axmed Nuur iyo Farxiyo Axmed Maxamuud oo Jimcihii la soo dhaafay 22/12/2000 gabari ugu dhalatay magaalada Garoowe, Gabadhaaas ha noqoto tii dalkeeda, iyo Diinteeda iyo dadkeeda anfacda.

 

Aammiin Aamiin… 

 

BAARLAMAANKA YURUB OO KA DAYRIYAY WAXA CARTA KA SOO BAXAY

Raadiyow Gaalkacayo 25/12/2000 29 Ramadaan. 1421.

 

Xildhibaanno Talyaani ah ayaa soo bandhigay fikirka ay ka qabaan Soomaaliya waxyna sheegeen in kooxaha Carta isugu tegey aysan ahayn kuwo matali kara Soomaaliya waayo bay yiraahdeen sida la wada Ogsoon yahayba kama aysan qayb gelin Maamullada jira Sida Puntland iyo Somali land. 

Qoraal xambaarsan arrimahasi oo idil oo xildhibaan talyaani ahi qoray ayaa noqotay keyd u xerooda Baarlamaanka reer yurub. Qoraalkan oo lagu faafiyay shabakadda Internetka ayaa muujisay khatarta ka imaan karta kala googo’a iyo xasillooni darrada ku soo fool yeelatay Siyaasadda Soomaalida.  

Xildhibaanadu waxa ay qireen in dib u heshiisiinta Soomaaliya ay qabanqaabisay beesha Caalamku si ay uga  baxaan  dagaalka sokeeye ee ka jira dhulkooda balse waxa ay ka digeen in qaabkaan imminka wax lagu socodsiiyaa ay keeni karto cawaaqib xuno dhanka kale ah taaso bay yiraahdeen taageerada Kooxaha Carta ay xasiilloni darro ka abuuri karto Puntland iyo Soomaaliland  oo in muddo ah ka shaqeynayey Nabadgelyada iyo horumarka dhulkooda.

Qoraalkaas ay qoreen qaar ka mid ah xil dhibaanda talyaanigu waxa ay qirtay in xildhibaanda Kooxaha Carta aysan lahayn asaas dhab ah oo ka soo jeeda talooyinkii Qaramada midoobay ay siisay madaxweynaha Dalka Jabuuti, taasoo ah in go’doomiyo qab-qablayaasha, doorkii  Bulshada Rayidka ahna  waa laga tegey. 

Isbadalkiina waxaa ku yimi kooxihii Siyaad Barre iyo kuwo mintidiin ah, su’aasha la isweydiiyay waxa ay noqotay maxaa aqoonsiga C/qaasin kii ugu horreeyey ka dhigay Madaxweynaha Suudaan.

 Si kastaba xaal ha noqdee waxa ay xidhibaannadu walaac ka muujiyeen xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho. 

OGAYSIIS

 

Ku: Taliyaha Qaybta Booliska G/Nugal Garoowe

Ku: K/S Duqa Magaalada Garoowe.

Og: Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Ujeeddo:- Ogaysiis. 

Waxaa lagu wargalinayaa dhammaan dadweynaha ku nool Caasimadda D.G.Puntland ee Garoowe, in garoonka Dayuura-dda lagu sameeyay kaa bado dhismo ah oo caalaamad looga dhigay Garoonka si aan loogu xad gudbin.

 Sidaa darted waxaa la ogaysiinayaa in aan cidina ku samayn Karin kaabadaha dhexd-ooda iyo garoonka dhexdiisaba jeexis, dhagax iyo dhoobo la dhigto iyo qashinba, cidii amarkan ku xad gudubta waxaa la la tiigsan doonaa sharciga fulinta amarkan, waxaana u xilsaaran Dawladda Hoose iyo Ciidanka Booliska.

 

WADA SHAQAYN WACAN.

 

C/laahi Xasan Faarax Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

 

 

WARGELIN CANSHUUR

Wasaaradda Maaliyadda qaybta Canshuuraha Barriga ee Gobolka Nugaal Garoowe

 

Ku: Dhammaan Kaalimada iyo meheradaha Shidaalka ee G/Nugaal.

Ku: Dhammaan Taararka ama raadiyayaasha Isticmaalka gaar ahaaneed ee G/Nugaal

Ku: Dhammaan Goobaha lagu sameeyo qalabka guryaha albaabada iwm ee G/Nugaal.

 

Tixraac sharci Lam 9 ee 14/9/99, kuna saabsan hirgalinta canshuuraha dhexe (Canshuuraha Barriga) ee D/G/Puntland. 

Hadaba iyada oo lafulinayo laguna dhaqmayo sharuucda u degsan canshuuraha D/G/Puntland, ayaa waxaa lagu wargalinayaa goobaha ganacsi ee kor ku xusan ee Magaalada Garoowe in laga bilaabo 1/1/2001, laga qaadi doono canshuurtii ku waajibta, canshuurtaas oo ah canshuurta Gadista (Sales Tax). 

Haddaba waxaa lala socodsiinayaa mulkiilayaasha goobahaas oo horay loo soo tirikoobay in ay la soo xiriiraan xafiiska Wasaaradda Maaliyadda qaybtiisa canshuuraha barriga ee Garoowe kuwa Buurtinlena hala xiriirina shaqaalaha W/Maaliyadda ee Degmada Burtinle.

Ka hor wakhtiga ay canshuurtu dhaqan galayso si loola socod siiyo qaabkacanshuur bixinta iyo arrimo kale oo khusaya.

WARGELIN WACAN

 

Maamulaha Canshuuraha Barriga ee Gobolka Nugaal

Dr. C/risaaq Cali Siciid.

 

 


[Country]

Copyright � 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:09 AM. Webmaster HomePage