ISNIIN 01/01/2001 06/SHAWA-AL 1421 PUNA GAROOWE.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed,
ayaa galabta xarunta Madaxtooyada ee Garoowe, kula shiray 29 (Labaatan
iyo sagaal) ka mid ah Nabaddoonnada Gobolka Nugaal.
Waxaa kale oo shirkaas ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, ku
xigeenka labaad ee gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo Agaasimaha Waaxda
xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada.
Madaxweynuhu nabadoonada wuxuu siiyey Warbixin guud ee duruufaha
Puntland iyo Soomaaliya ee waqtigaaan.
Wuxuu uga xog waramay qulquladaha Qabiil ee ka socda maalmahaan
meelo ka mid ah Gobolka Mudug (Degmada Jiriiban). Madaxweynuhu wuxuu
Odayada u sheegay in markii uu caafimaadka ugu maqnaa magaalada London
loo soo diray qaylo dhaan la yiri dalkii dhibaato culus ayaa ka
dhacday. Taasina ay keentay in uu soo deg dego, markii uu yimidna la
siiyey warbixin sheegaysa:
1. In Madaxda Dawlad Goboleedka Puntaland qaarkood isku dayeen
in Madaxweynaha oo maqan lagu sameeyo inqilaab.
2. In la qorsheeyey in Puntland lagu laayo culimo iyo odayal
reer Puntland ah, si Goboladda Puntland fidmo uga dilaacdo.
3. In laga shaqeeyey in beelaha Puntland qarkood laysku dilo si
wada jirka beelaha Puntland loo burburiyo.
4. In kooxda Carta loo yeero oo madaxnimadooda looga hirgeliyo
degaanada Puntland. Arrintaas oo madaxda Puntland qarkood ku
jireen
Madaxweynuhu wuxuu yiri arrimahaas waxaanu u xilsaarnay guddi ku
filan oo khibrad weyn oo dhinac walba ah leh madaxna uu u yahay
Janaraal Cismaan fatiig, Madaxweynuhyu wuxuu sheegay in guddigaasi
baaris qota dheer ka dib ay ku soo warbixiyeen sidatan:
1. Saddexda qodob ee hore waa been abuur .
2. Qodobka 4aad, waxbaa ka jira. Wixii ka jirana waxaa ku kacay
dad shacabka ka mid ah, mana aha wax Dowlad Goboleedka Puntland ku
keenay culays weyn ama khatar. Cid ka mid ah madaxda Dawlad
Goboleedka Puntland oo ka qaybgashayna ma jirin.
Madaxweynuhu wuxuu yiri sidaa darteed, annagoo racaynna talo
bixintii guddigaas, waxannu shaqada Dawladda ka saarnay intii been-abuurkaas
ka qaybgashay ee wax ka abaabushay iyagoo haya shaqada Dawlad
Goboleedka Puntland , isla markaasna xurmayn waayey mas'uuliyadii ay u
hayeen shacabka reer Puntland. Waxaanu dooranay in aan arrintaas cidma
loo xirin. Nin siyaasad u xirnaan jiray ku deg degi mayo in uu
siyaasad wax u xir xiro, ayuu raaciyay madaxweynaha.
Intaas ka dib, Madaxweynuhu wuxuu shirkii nabadoonada uga xog
waramay guud ahaan arrimaha Soomaalida oo uu yiri way calowsan yihiin
sababaha soo socda dartood.
1. Carta la iskuma raacin oo waxa Carta ay dhashay waa uun koox
cusub . Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu qabay, kuna shaqeeyey anigana
uu toos iigu sheegay in ciddii dagaalkii sokeeye ku adkaatay ay
iyadu iska leedahay Madaxnimada Soomaaliya oo muran la'aan ah.
2. Kooxda Carta innana Dawlad Qaran uma aqoonsanin. Iyana
Puntland Dawlad Goboleed uma aqoonsana.
3. Dawlad Goboleedka Puntland waa u diyaar, wayna ka
shaqaynaysaa oo ku dadaalaysaa in la helo dib u heshiisiin
Soomaaliyeed iyo qaran Soomaaliyeed oo u dhisma si xaq ah, oo aan
dibadda laga dhisine , Soomaalidu dhisato.
4. Qaranka cusub ee Soomaaliya dhisanaysaa waa inuu noqdaa
Federal hoos ka soo dhismay ee aan kor laga keenin.
5. Garowe waxay ahaaneysaa Caasimada Puntland, Caasimadda
Soomaaliyana xaq ayay u leedahay inay noqoto . Inay noqotana
waannu ku doodaynaa ee Muqdisho khasab ma aha.
6. Soomaaliya lama kala goyn karo, oo wax kala qaybsami kara ma
aha.
7. Nabadeynta Soomaaliya waa inaan dibadda laga maamulin.
8. Marka Soomaaliya la nabadeynayo, waa inaan cidna cid kale
deegaan xoog kaga haysan.,
Ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dhibaatada ku saabsan
Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe. Wuxuuna amray in guddigii
arrintaas horay loogu xilsaaray ay xilkeeda sida waajibka ah u gudato.
Intaas ka dib hadalkii wuxuu u wareegay nabaddoonada, waxaana ka
hadlay.
1. Nabddoon Faarax Guureeye
2. Nabddoon Daahir Max'ed Garaase
3. Nabaddoon Xirsi Firito
4. Nabaddoon C/laahi Jaamac Careef
5. Nabaddoon Salaad Caaggane
6. Nabaddoon Max'ed Faarax Bulay
7. Nabaddoon Cisman Max'ud Aw-Cismaan iyo
8. Nabddoon Yuusuf Nuur Geedi.
Shirkaas oo uu si fiican oo caafimaad qabta ku dhamaaday,
hadalladii nabaddoonada oo buuxa ka akhriso caddadka soo socda ee
warsidaha (Arbacada dambe haddii Alla Idmo)