19 May 2007 04:22

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country]WP75 - Been-Abuur iyo .......
  • Posted by/on:[AAJ][5 Jan 2001]

 Carta la iskuma raacin oo waxa Carta ay dhashay waa uun koox cusub . Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu qabay, kuna shaqeeyey anigana uu toos iigu sheegay in ciddii dagaalkii sokeeye ku adkaatay ay iyadu iska leedahay Madaxnimada Soomaaliya oo muran la'aan ah. AYA 5 Jan 01

 

WP Tirsi 75 Khamiis, 4 January, 2001

 

WP Tirsi 75, Garowe , Khamiis 4 Jan 2001

 

(Cillad naga qabsatay xagga farsamada awgeed, waxaan u soo gudbinaynaa akhristayaasha bogga 3aad oo kaliya)

 

MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO SHAACA KA QAADAY BEEN-ABUUR LAGU MARIN-HABABINAYAY DGP

ISNIIN 01/01/2001 06/SHAWA-AL 1421 PUNA GAROOWE.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa galabta xarunta Madaxtooyada ee Garoowe, kula shiray 29 (Labaatan iyo sagaal) ka mid ah Nabaddoonnada Gobolka Nugaal.

Waxaa kale oo shirkaas ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, ku xigeenka labaad ee gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo Agaasimaha Waaxda xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada.

Madaxweynuhu nabadoonada wuxuu siiyey Warbixin guud ee duruufaha Puntland iyo Soomaaliya ee waqtigaaan.

Wuxuu uga xog waramay qulquladaha Qabiil ee ka socda maalmahaan meelo ka mid ah Gobolka Mudug (Degmada Jiriiban). Madaxweynuhu wuxuu Odayada u sheegay in markii uu caafimaadka ugu maqnaa magaalada London loo soo diray qaylo dhaan la yiri dalkii dhibaato culus ayaa ka dhacday. Taasina ay keentay in uu soo deg dego, markii uu yimidna la siiyey warbixin sheegaysa:

1. In Madaxda Dawlad Goboleedka Puntaland qaarkood isku dayeen in Madaxweynaha oo maqan lagu sameeyo inqilaab.

2. In la qorsheeyey in Puntland lagu laayo culimo iyo odayal reer Puntland ah, si Goboladda Puntland fidmo uga dilaacdo.

3. In laga shaqeeyey in beelaha Puntland qarkood laysku dilo si wada jirka beelaha Puntland loo burburiyo.

4. In kooxda Carta loo yeero oo madaxnimadooda looga hirgeliyo degaanada Puntland. Arrintaas oo madaxda Puntland qarkood ku jireen

Madaxweynuhu wuxuu yiri arrimahaas waxaanu u xilsaarnay guddi ku filan oo khibrad weyn oo dhinac walba ah leh madaxna uu u yahay Janaraal Cismaan fatiig, Madaxweynuhyu wuxuu sheegay in guddigaasi baaris qota dheer ka dib ay ku soo warbixiyeen sidatan:

1. Saddexda qodob ee hore waa been abuur .

2. Qodobka 4aad, waxbaa ka jira. Wixii ka jirana waxaa ku kacay dad shacabka ka mid ah, mana aha wax Dowlad Goboleedka Puntland ku keenay culays weyn ama khatar. Cid ka mid ah madaxda Dawlad Goboleedka Puntland oo ka qaybgashayna ma jirin.

Madaxweynuhu wuxuu yiri sidaa darteed, annagoo racaynna talo bixintii guddigaas, waxannu shaqada Dawladda ka saarnay intii been-abuurkaas ka qaybgashay ee wax ka abaabushay iyagoo haya shaqada Dawlad Goboleedka Puntland , isla markaasna xurmayn waayey mas'uuliyadii ay u hayeen shacabka reer Puntland. Waxaanu dooranay in aan arrintaas cidma loo xirin. Nin siyaasad u xirnaan jiray ku deg degi mayo in uu siyaasad wax u xir xiro, ayuu raaciyay madaxweynaha.

Intaas ka dib, Madaxweynuhu wuxuu shirkii nabadoonada uga xog waramay guud ahaan arrimaha Soomaalida oo uu yiri way calowsan yihiin sababaha soo socda dartood.

1. Carta la iskuma raacin oo waxa Carta ay dhashay waa uun koox cusub . Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu qabay, kuna shaqeeyey anigana uu toos iigu sheegay in ciddii dagaalkii sokeeye ku adkaatay ay iyadu iska leedahay Madaxnimada Soomaaliya oo muran la'aan ah.

2. Kooxda Carta innana Dawlad Qaran uma aqoonsanin. Iyana Puntland Dawlad Goboleed uma aqoonsana.

3. Dawlad Goboleedka Puntland waa u diyaar, wayna ka shaqaynaysaa oo ku dadaalaysaa in la helo dib u heshiisiin Soomaaliyeed iyo qaran Soomaaliyeed oo u dhisma si xaq ah, oo aan dibadda laga dhisine , Soomaalidu dhisato.

4. Qaranka cusub ee Soomaaliya dhisanaysaa waa inuu noqdaa Federal hoos ka soo dhismay ee aan kor laga keenin.

5. Garowe waxay ahaaneysaa Caasimada Puntland, Caasimadda Soomaaliyana xaq ayay u leedahay inay noqoto . Inay noqotana waannu ku doodaynaa ee Muqdisho khasab ma aha.

6. Soomaaliya lama kala goyn karo, oo wax kala qaybsami kara ma aha.

7. Nabadeynta Soomaaliya waa inaan dibadda laga maamulin.

8. Marka Soomaaliya la nabadeynayo, waa inaan cidna cid kale deegaan xoog kaga haysan.,

Ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dhibaatada ku saabsan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe. Wuxuuna amray in guddigii arrintaas horay loogu xilsaaray ay xilkeeda sida waajibka ah u gudato. Intaas ka dib hadalkii wuxuu u wareegay nabaddoonada, waxaana ka hadlay.

1. Nabddoon Faarax Guureeye

2. Nabddoon Daahir Max'ed Garaase

3. Nabaddoon Xirsi Firito

4. Nabaddoon C/laahi Jaamac Careef

5. Nabaddoon Salaad Caaggane

6. Nabaddoon Max'ed Faarax Bulay

7. Nabaddoon Cisman Max'ud Aw-Cismaan iyo

8. Nabddoon Yuusuf Nuur Geedi.

Shirkaas oo uu si fiican oo caafimaad qabta ku dhamaaday, hadalladii nabaddoonada oo buuxa ka akhriso caddadka soo socda ee warsidaha (Arbacada dambe haddii Alla Idmo)


[Country]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:10 AM. Webmaster HomePage  Hit Counter