Warsidaha Puntland
Tirsi 75Garoowe – Khamiis 4 Janaayo 2001
Tusmada
MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO TACSI U DIRAY EHELADII MARXUUM UGAAS YAASIIN UGAAS C/RAXMAAN BOGGA 2AAD
SARAAKIIL SHAQADA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND QAARNA LAGA JOOJIYEY QAARNA LOO MAGACAABAY BOGGA 2AAD
MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO CAFIS U FIDIYEY MAXAABIIS BOGGA 2AAD
MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO SHAACA KA QAADAY BEEN-ABUUR LAGU MARIN HABAABINAYAY DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND BOGGA 3AAD
MADAXWEYNE KU XIGEENKA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO UMMADDA KA TACSIYEEYAY BOGGA 4AAD
SHACBIGA REER PUNTLAND OO ISAGA TACSIYAYNAYA GEERIDII UGAASKA BOGGA 4AAD
AMMARRO KU SAABSAN GAROONKA GAROOWE IYO DHULKA OO KA SOO BAXAY GUDOONKA GOBOLKA NUGAAL BOGGA 5AAD
DAWLADAHA HOOSE EE NUGAAL WAXAA HAYSATA TAYO-XUMO SHAQAALE (Guddoomiyaha Gobolka Nugaal) BOGGA 6AAD
FAALLAYNTA WARARKII DIBADA EE BISHII DISEMBAR 2000 BOGGA 8AAD
WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDA EE MAREYKANKU SIDEE AYUU U ARKAA PUNTLAND???!!! BOGGA 7AAD
SHIRKII CUQAASHA ADDUUNKA BOGGA 8AAD
MASAAJIDKII AYAA QAYLADA KA SOO YEERTAY BOGGA 8AAD
MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO TACSI U DIRAY EHELADII MURXUUM UGAAS YAASIIN UGAAS C/RAXMAAN
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka
wakiil ah dhammaan Dawladda, Shacabka iyo Issimada Puntland, wuxuu aad uga naxay geeridii
lama filaanka ahayd ee ku timid Ugaas Yaasiin C/raxmaan oo ku geeriyooday Magaalada
Bosaaso Taariikhdu markay ahayd 31/12/2000, 9:00kii aroornimo.
Wuxuu Madaxweynuhu Tacsi u dirayaa
qoyskii iyo Eheladii Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan iyo dhammaan Issimada iyo Dadweynaha
Puntland.
Allaha u naxariistee, Ugaas Yaasiin
Ugaas C/raxmaan, wuxuu ahaa halgamaa muddo dheer u soo dagaalamay xorriyaddii ummadda
Soomaaliyeed, kana ahaa xildhibaan Baarlamaanka muddo 13 sano ah dawladihii ugu horeeyey
ee Soomaalia.
Wuxuu Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan
ahaa isimada ugu magaca dheer, uguna ikhyaarsan isimada Dawlad Goboleedka Puntland.
Waxaan marxuumka Ila-ahay uga
baryeynaa in uu u naxariisto, samir iyo imaanna ka siiyo qoyski, eheladii iyo qaraabadii
uu ka geeriyooday Marxuu-mku.
Aamiin Aamiin
SARAAKIIL SHAQADA D.G.PUNTLAND QAARNA LAGA JOOJIYAY QAARNA LOO
MAGACAABAY.
1.
Xeer Madaxwetbe
lam. 164 ee taariikh 07/12/2000, jagada kaaliyaha Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha
Madaxtooyada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa loogu magacaabay Maxamed Cawil Qambi, jaadaas
oo Xasan Nuur C/salaan laga joojiyay xeer Madaxweyne Lam 397.
2.
Sidoo kale xer
Madaxweyne Lam. 167 ee taariikhda 21/12/2000 ayaa jagada kaaliyaha xiriirka Dadweynaha
Madaxtooyada Dawlad Goboleedka Puntland loogu Magacaabay C/raxmaan Xuseen Islaan....
3.
Xeer Madaweyne Lam.
397, waxaa Saraakiisha hoos ku oqran lagaga fariisiyay Jagooyinka ku hor qoran oo ay hore
u hayeen:-
1. Axmed Cabdi Dhaga qool
Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada.
2. Jaamac Caydiid (Soo dhaqsade) Guddoomiyaha K/Xigeenka Guddiga Qandaraasyada.
3. Xasan Nuur C/salaan
Kaaliyaha Agaasimaha Waaxda Xiriirka
Dadweynaha.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
Mudane C/laahi Yuusuf Axmed
MADAXWEYNAHA DAWLAD
GOBOLEEDKA PUNTLAND OO CAFIS U FIDIYAY MAXAABIIS.
Madaxweynaha
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray Xeerka hoos ku qoran:-
MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND,
MARKUU ARKAY Axdiga Dawladda,
MARKUU ARKAY Warqadda ku-simaha
Wasiirka W. Caddaaladda & Arrimaha Diinta, ee summadeedu tahay WACD/1-234/2000,
MARKUU ARKAY Warqaddii Taliyaha Xabsiga Gobolka Bari, ee
summadeedu tahay XGB/G/1/082-/2000,
SI LOOGU BEEGO Bisha barakaysan
ee Ramadaanka,
WUXUU CAFIS U FIDIYEY:
1.
Cali Colaad Guure.
2.
C/xakiin Colaad
Guure.
3.
Xasan Raabi Faarax
4.
Axmed Yuusuf Axmed
5.
Maxamed Nuur Jaamac
6.
Maxamed Maxamud
Daad.
7.
Maxamed Maxamud
Xasan
8.
Cabdi-xafiid Xasan
9.
Garaas Maxamed
Qaasim
10. Ibraahim Cali Xaaji
11. C/qaadur
Cismaan Maxamed
12. Sakariye
Saalim Xaaji
13. Cali
Cabdi Maxamed
14. Axmed Cabdi Maxamed
15. C/qani C/raxmaan
16. Faysal Jaabir Muuse
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
C/laahi
Yuusuf Axmed
MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND
OO SHAACA KA QAADAY BEEN-ABUUR LAGU MARIN-HABAABINAYAY
DGP
ISNIIN
01/01/2001 06/SHAWA-AL 1421 PUNA GAROOWE.
Madaxweynaha
Dawlad Gobole-edka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa galabta xarunta Madaxtooyada
ee Garoowe, kula shiray 29 (Labaatan iyo sagaal) ka mid ah Nabadadoonnada Gobolka
Nugaal…
Waxaa kale oo
shirkaas ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga,
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Ku xigeenka labaad ee Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo
Agaasimaha Waaxda xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada.
Madaweynuhu
nabadoonada wuxuu siiyey Warbixin guud ee Duruufaha Puntland iyo Soomaaliya ee
Waqtigaan…..
Wuxuu uga xog
waramay qulquladaha Qabiil ee ka socda
maalmahaan meelo ka mid ah Gobolka Mudug
(Degmada Jiriiban)….. Madaxweynuhu wuxuu Odayada u sheegay in Markii uu caafimaadka ugu
maqnaa Magaalada London loo soo diray qaylo dhaan la yiri dalkii dhibaato culus ayaa ka
dhacday… taasina ay keentay in uu soo deg dego… markii uu yimidna la siiyey warbixin
sheegaysa:-
1. In Madaxda Dawlad
Goboleedka Puntland qaarkood isku dayeen in Madaxweynaha oo maqan lagu sameeyo inqilaab…
2. In la qorsheeyey
in Puntland lagu laayo culimo iyo Odayaal Reer Puntland ah, si Gobollada Puntland fidno
uga dilaacdo…
3. In laga shaqeeyay
in Beelaha Puntland qaarkood laysku dilo si wada jirka Beelaha Puntland loo bur buriyo….
4. In Kooxda Carta loo
yeero oo Madaxnimo looga hirgeliyo deegaanada Puntland….
Arrintaas oo
Madaxda Puntland qaarkood ku jireen…. Madaxweynuhu
wuxuu yiri:- arrintaas waxaannu u
xilsaarnay Guddi ku filan oo khibrad weyn oo dhinac walba ah leh madaxna uu u yahay
Janaraal Cismaan Fatiig…. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Guddigaasi, baaris qota dheer ka
dib ay ku soo warbixiyeen sidan:-
1. Saddexda qodob ee
hore waa been-abuur.
2. Qodobka 4aad,
waxbaa ka jira…. Wixii ka jirana waxaa ku kacay dad shacabka ka mid ah…. Mana aha wax
Dawlad Goboleedka Puntland ku keenay culays weyn ama khatar…. cid ka mid ah madaxda
Dawlad Goboleedka Puntland oo ka qaybgashayna ma jirin…..
Madaxweynuhu wuxuu
yiri:- sidaa darteed, annagoo raacaynna talo bixintii guddigaas, waxaannu shaqada Dawladda
ka saarnay intii been abuurkaasi ka qaybgashay ee wax ka abaabushay iyagoo haya shaqada
Dawlad Goboleedka Puntland, isla markaasna xurmayn waayay mas’uuliyadii ay u hayeen
shacabka Reer Puntland.
Waxaanu dooranay
in aan arintaas cidna loo xirin…. Nin siyaasad u xirnaan-jiray ku deg-degi mayo in uu
siyaasad wax-u-xirxiro, ayuu raaciyay Madaxweynaha…. Intaas ka dib, Madaxweynuhu wuxuu
shirkii Nabadoonada uga xog-waramay guud ahaan arrimaha Soomaalida oo uu yiri way
calowsanyihiin…. Sababaha soo socda dartood:-
1. Carta la iskuma
raacin oo waxa Carta ay dhashay waa uun Koox cusub, Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu qabay,
kuna shaqeeyay, anigana uu toos iigu sheegay in ciddii dagaalkii sokeeye ku adkaatay ay
iyadu iska leedahay Madaxnnimada Somaliya oo muran la’aan ah…
2. Kooxda Carta,
innana dawlad Qaran uma aqoonsanin, iyana Puntland Dawlad Goboleed uma aqoonsana.
Dawlad Goboleedka
Puntland waa u diyaar, wayna ka shaqaynaysaa oo ku dadaalaysaa in la helo dib-u-heshiisiin
Soomaaliyeed iyo qaran soomaaliyeed oo u dhisma si xaq ah…. Oo aan dibad laga dhisine,
soomaalidu dhisato…. Qaranka cusub ee soomaaliya dhisanaysaa waa inuu noqdaa federal
hoos ka soo dhismay ee aan kor laga keenin…
5. Garowe waxay
ahaaneysaa Caasimadda Puntland, Caasimadda Soomaaliyana xaq ayay u leedahay inay
noqoto…. Inay noqotana waannu ku doodaynnaa ee Muqdisho khasab ma aha….
6. Soomaaliya lama
kala goyn karo… oo wax kala qaybsami kara ma aha…
7. Nabadeynta
Soomaaliya waa inaan dibadda laga maamulin….
8. Marka
soomaaliya la nabadeynayo, waa inaan cidina cid kale deegaan xoog kaga haysan…..
ugu dambayntii
Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dhibaatada ku saabsan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada
Garoowe…. Wuxuuna amray in Guddigii arrintaas horay loogu xilsaaray ay xilkeeda sida
waajibka ah u gudato…. Intaas ka dib hadalkii wuxuu u wareegay nabaddoonada, waxaana ka
hadlay
1. Nabaddoon Faarax Guureeye
2. “ “ Daahir max’ed Garaase
3. “ “ Xirsi
Firito
4. “ “
C/laahi jaamac Careef
5. “ “ Salaad Caaggane
6. “ “ Max’ed Faarax
Bulay
7. “ “ Cismaan Max’ud Aw-Cismaan
8. Nabadoon Yuusuf
Nuur Geedi.
Shirkaas
oo si fiican oo caafimaad qabta ku dhammaaday, hadalladii nabadoonada oo buuxa ka akhriso
cadadka soo socda ee Warsidaha (Arbacada danbe haddii Alla idmo)
Madaxweyne
ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland oo ummadda ka tacsiyaynaya marxuum Ugaas Yaasiin
Ugaas C/raxmaan.
Madaxweyne ku xigeenka Dawlad
Goboleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu yiri:-
Waxaan
tacsi qalbiga ah u dirayaa Eheladii marxuun Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan iyo dhammaan
shacbiga Reer Puntland…. Marxuumka oo ahaa shakhsiyad la wada yiqiin wanaaggiisa iyo
qiimo-sarrayntiisa, waxaan Ilaah uga baryayaa Janno iyo naxariis, ehelkiisa iyo ummaddana
samir iyo iimaan. Aamiin Aaamiin
GOLAHA
WAKIILADA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO INAGA WADA
TACSIYEYNAYA MARXUUM UGAAS YAASIIN UGAAS C/RAXMAAN.
Mudane
Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) isagoo ku hadlaya Magiciisa iyo magaca Golaha
Wakiilada Dawlad Goboleedka Puntland oo dhan, wuxuu Tacsi u dirayaa Eheladii iyo dhammaan Shacbiga Reer Puntland isagoo ka
tacsiyeynaya Geeridii Murxuum Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan, oo leh:- Murxuumkana
Ilaahay ha siiyo Janno iyo naxariis,
Eheladii iyo Reer Puntland-na samir iyo iimaan
Aamiin
Aamiin…
ISSIMADA REER
SANAAG OO TACSI KA DIRAYA MARXUUM UGAAS YAASIIN UGAAS C/RAXMAAN
1. Suldaan Siciid
Suldaan C/salaan
2. “ “ Cali-Mahdi Suldan Max’ud.
3. Garad Saleebaan
Garad Max’ed
4. Suldaan C/laahi
Cartan Faarax.
5. Islan Xuseen Xaaji
C/salaan.
6. Suldan C/laahi Cali
Ciid.
Dhammaantood waxay geeridii
Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan tacsi uga dirayaan eheladiisii iyo dhammaan ummaddeen…
iyagoo marxuumka u rajeynaya naxariis iyo janno, eheladiisii iyo ummaddana samir iyo
iimaan…
DHAMMAAN
ISSIMMADA SOOL IYO BUUHOODLE OO TACSI KA DIRAYA MARXUUM UGAAS YAASIIN….
Garaad C/qani Garaad
Jaamac, Garaad Saleebaan Garaad Max’ed, Garaad Ismaaciil Ducaale, Garaad C/laahi Garaad
Soofe, Suldaan Siciid Cismaan Cali, Garaad Abshir Saalax, Ugaas C/laahi Ciise Nuur, Boqor
C/laahi Axmed Cali, Garaad Cali Buraale Xasan iyo Suldaan Cali Xaaji Ismaaciil……
Dhammaantood waxay tacsi uga dirayaan Eheladii iyo Shacbiga Reer Puntland iyo shacbiga Soomaaliyeed-ba Geeridii marxuum Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan… waxay marxuumka Ilaahay uga baryayaan Jano iyo raxmo, eheladii iyo shacbigii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan.
Aamiin -
Aamiin..
ISLAN MAXAMED IYO SIMMO KALE OO SHACBIGA PUNTLAND KA TACSIYAYNAYA MARXUUM
UGAAS YAASIIN
Waxaa Eheladii iyo
shacbigeenna oo dhan ka tacsiyaynayaa geeridii Marxuum Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan
Issimmada hoos ku qoran:-
1. Islaan Maxamed Islaan Muuse.
2. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.
3. Ugaas Cumar Geelle Max’ed
4. Suldaan C/laahi X. Nuur
5. Suldaan C/qaadir Cumar.
6. Maxamed Suldaan Xasan Cali
Marxuumka waxay
Ilahay uga rajeynayaan janno iyo raxmo, Eheladii iyo ummaddana samir iyo iimaan..
Aamiin iyo Aamiin
SULDAN SICIID MAXAMED GARAASE IYO MUDAN KALE OO
TACSI DIRAYA
Suldan
Siciid Max’ed Garaase, Siciid Aw-Nuur Cali, Xirsi Ma’ed Jaamac Xaaji Mahad Bulxan,
Daahir Max’ed Garaase, Khaalid Yuusuf Faarax, Yuusuf Jaamac (Cambe), Maxamud C/laahi X.
Xuseen, C/risaaq Ciise X.Xuseen (Khatumi), Cali Max’ed C/maan (Cali hayaan), Juujaale,
Caydiid Cismaan, Max’ed Khyre, Cali Faarax Dheere, Siciid Diiriye, Yuusuf Cilmi Mataan,
Axmed Deni Cabbaas Faarax, Xaaji Cali-Nuur Axmed waxay dhammaan dadkaasi iyaga oo ka
tiiraanyeysan geeridii ku timid Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan u tacsiyadeynayaan dhammmaan
Eheladii iyo
qaraabadii uu ka geeriyooday Ugaasku. Waxayna marxuumka Ilaahay uga baryayaan inu
Jannadii
ka waraabiyo
Dhammaanteenna
Samir
Iyo Iimaan
Aamiin - Aamiin.
AMMARRO KU SAABSAN GAROONKA GAROOWE IYO
DHULKA OO KA SOO BAXAY GUDDONKA GOBOLKA NUGAAL.
Guddoomiyaha
Gobolka Nugaal ayaa soo saaray labadaan wareegto oo hoos ku qoran:-
Wareegtada koowaad oo summaddeedu ahayd
PL/GN/419/2001-kuna Jan. taariikheysnayd 01/01/2001 toosna ugu socotay Duqa Magaalada
Garoowe, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Garoowe, Taliyaha Saldhigga Degmada
Garoowe, Ogeysiisna ku ahayd Maxkamadda Darajada Koowaad ee Garoowe, Warsidaha Puntland,
Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Wasaaradda
Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Madaxtooyada Dawlad Goboleedka Puntland uuna ku saxiixnaa
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane C/laahi Xasan Faarax ayaa u qornayd sidatan:
Markuu arkay.
Axdiga Dawlad Goboleedka Puntland.
Sharicga dhismaha Wasaaradda Arrimaha
Gudaha iyo Amniga Dadweynaha iyo Dhismaha Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka. Soo jeedinta
dhulka ee Caasimadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo
Gaadiidka.
Dhulka Caasimada oo boob lagu hayo.
Go’aankii guddiga fulinta Gobolka ee
ku saabsanaa xayiraad ku soo rogidda iyo joojinta dhul bixinta agagaarka dhismayaasha
Dawladda iyo Garoonka Diyaaradaha..
? Baahida loo qabo bilicsamida Caasimadda
iyo ilaalinta naqshadaha (Town Plan).
Wuxuu Xeeriyey:-
1. Laga bilaabo 2/1/2001 Mas’uuliyada
Garoonka Diyaaradaha waxaa wakiil uga ah Dawladda dhexe Maamulka Garoonka G/Nugaal iyo
Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.
2. Qofkii lagu arko o dhiga qalab dhisme
sida dhagax, dhoobo ama jeexdin waxaa lagu ciqaabayaa hantida oo laga qaado iyo ganaax
dhan Sh.So 500,000/= (Shan boqol oo kun Shin So) ama saddex bilood oo xarig ah.
3. Baabuurkii dhiga Qalab dhisme sida
dhagax dhoobo iwm waxaa lagu ciqaabayaa ganaax dhan Sh.So 1000,000 (Hal malyan Sh.So) ama
Lix bilood oo xarig ah.
4. Dhulka Garoonka u calaamadsan wixii
qalab yaala haddeysan dadkii lahaa ku qaadan muddo 3 maalmood ah oo laga bilaabo 2/1/2001
ilaa 5/1/2001, waxaa hantidaa la wareegi doona Dawladda.
5. Dawladda Hoose ee Degmada Garoowe waxaa
laga doonayaa inay gaarsiiso dadweynaha Awaamiirta oo ay naadiyaan.
6. Fulinta amarradaan waxaa u xilsaaran
Ciidamada Qalabka sida, Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.
FG. Cidka kasta oo sharci u haysata dhulka Garoonka
waa lagala Noqday.
Mida kale oo sumadeedu ahayd PL/GN/421/2001 kuna taariikhsnayd Jan. 01/01/2001 toosna ugu socotay Duqa Magaalada Garoowe, Taliyaha Qaybta Booliiska G/Nugaal, Taliyaha Saldhiga Degmada Garoowe, Ogeysiisna ay ku lahaayeen Warsidaha Puntland Maxkamadda Darajada Koowaad ee Degmada Garoowe, Amniga, Madaxtooyada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa u qornayd sidan:-
UJEEDDO WARGELIN
Waxaa Idinku Wargelinay-naa inaad ku
dhaqantaan Awaamiirta laydin siiyay una fulisaan sida ay yihiin qodobadaan hoos ku qoran:-
1. Wax dhul ah oo aad bixin kartaan ma
jirto laga bilaabo bisha jannaayo 2-deeda 2001 ilaa 2/3/2001, Waxaana laga shaqaynayaa
labadaa bilood canshuuraha kale oo D/Hoose oo dhan, oo ku waajiba dadweynaha nooc kasta oo
ay yihiin.
2. Waxaa laydin farayaa in uu naqshad ka
soo sameeyo Joomitarka Degmada Garoowe Gobolkana u soo gudbisaan.
3. Gurayaha D/Hoose waa inaad ka keentaan
warbixin tifatrian, muddo 7 Beri gudohood ah, sida cidda deggan, meesha uu ku yaal
(Deegaan iyo Ganacsiba), ma kireysan yahay mise ma kireysna, inta uu ku kireysan
yahay iyo heshiiskii lala galay dadka guryaha Deggan oo qoraal ah.
WAREYSI LALA YEESHAY
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA NUGAAL (Qaybtii 2aad)
W/PL:- Arrinta Nabadgelyada
waxaad sheegtay inaad wax ka qabatay waxaana la sheegayaa tuugo farabadan oo xabsiga laga
siidaayay oo magaalada faro kulul ku haya, marka taa maxaa ka jira?
Baasaweyne:- Arrintaas
ninka tuugga ah waa la soo xiraa waxaa la geeyaa xabsiga, Boliiska ayaa soo qabta,
baaritaan ayaa lagu sameeyaa xabsi waa la baaraa ayna sameeyaan Boliiska, Maxkamadda ayaa
la geeyaa kii dambiile ahna haddee dambigiisa ayaa lagu qaadaa, kii aan dambi lahayna
haddee sharciga ma ogola in la iska hayo, marka cidda aan la damiinan ama waa in uu
Ruumaan ahaadaa oo xabsiga ku jiraa ama waa in uu xukun ku dhacaa, marka Booliiska soo
qabto repoorkiisa u gudbiyo Maxkamadda ayaa la saaraa, awoodda siidaynta inta Maxkamadda
ayaa iska leh.
W/PL:- Waxaad kale oo
Carabaabtay in habac ku jiro Dawladaha Hoose ee Gobolka, marka maxaad is oran kartaa waa
keentay, sidaas waa looga gudbi karaa?
Baasaweyne:- Tayo xumida ayaa
keentay, tayo xumida shaqaalaha Dawladaha Hoose ayaa keentay, dad aan shaqadii u
firfircoonayn ama…. Ciidamadaa la shaqeeye Dawladaha Hoose, waxaa si toos ah ah ula
shaqeeya Taliska Ciidanka Booliiska dhib badana kala kulma, inta uu ka qabto Boliiska
Degmada, shaqadiisu caadiga ahaa dhulalkaana u badan, waayo dhulka dadkiibaa iimaankii si
ka noqday habeenkii bay jeex jeexayaan dhul boob wax la yiraahdo, dadkii ma sugayaan
sharciga, sharcigii ma dhowrayaan xattaa ayraboorkii, habeenkii waa la jeexdaa calaamadaa
la dhigtaa subaxdiina Booliiska iyo Dawladda Hoose ayaa baabiya Marka waa jug-jug meeshada jog dhibaatadaasi waa
jirtaa tayo xumi iyo jileec Dawladda Hoose ayaa jira, hawlaha guud oo Ayraboorada
shaqaalaha iyaga waxaad moodaa inay ogayn xilkii Ayraboorka ka saaraan.
W/PL:- Waxaad iyadana
carabaabtay markii aad shirkii Carta ka hadlaysay inaad wax ka qabateen, waxaa la sheegaa
in hadda Gobolka dhexdiisa lagu qabtay weliba magaalada Garoowe arrintaa iyada maxaa ka
jira sideese wax uga ogtihiin?
Baasaweyne:- Ma jirin wax shir
ah oo lagu qabtay oo ofishal ah, dhowr nin oo guri isku xiray oo joornaal wax ku qoray
Borobaleem ma aha wax dhibaato ah ma aha shirna haddee lama oran karo taa, waa jirtay waan
maqlay iyagana talaabadii ku haboonayd baanu ka qaadnay waayo, waxaanu u sheegnay in aan
shir la ogolayn mid qarsoodi ah iyo mid muuqda, kooxihii wixii aan garanweynay digniin
baan siinay inay ka waantoobaan ilaa hadeerna wax caynkaas ah ma jiraan.
W/PL:- Waxaa jirtay 16kii bishii
la soo dhaafay ee November in Madaxweyne ku xigeenku Guddiyo magacaabay dabadeedna Gobolka
Nugaal Guddigu uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Baa loo magacaabay marka
Guddigaas sidee baad u wada shaqaysaan.
Baasaweyne:- Guddigaas waxaa loo
magacaabay xaalada ka jirta Gobolka ama Gobolladeena oo dhan, shanta Gobol iyo Deegaanka
Buuhoodle intaasba Guddiyo baa loo magacaabay kala duwan Guddigaas Wasiirka Xanaanada
Xoolaha Maxamed Xaaji Aadan uu ka madaxda yahay baa loo magacaabay wada shaqayntayaduna si
fiican baanu u wada shaqaynaa si toos ah ayaan u wada shaqaynaa, wax walba waan isla
qabanaa sidii shaqada noogu fiicnaan lahayd baanu u wada shaqaynaa.
W/PL:- Arrintaasi mark uu ka
hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha waxay u ekeyd mid ka biyo diidsan yahay, dabcan oo u
muuqata in Maamuladu Goboladu ayan la shaqayn Karin guddiyadaasi la Magacaabay marka
arrintaasi sidee tahay?
Baasaweyne:- Walaahi ninba
figrad buu leeyahay, Wasiirka Arrimaha Gudaha
ayaa taas Guddiyadaas la magacaabay waa uu
xanuunsanaa, hadda laftigeed aad buu u xanuunsan yahay wuxuuna dhakhtar u aaday Bosaaso
Allaha Caafiyo.
W/PL:- Mudadaas koobnayd oo aad
Guddoomiye ka ahayd Gobolka ma jiraan wax dhibaatooyin ah oo aad la kulantay.
Baasaweyne:- Qof ahaan dhibaato-oyin lama kulmin: oo aniga
dalkaygii iyo dadkaygii baa joogaa, laakiin waa jirtaa dhibaatooyin shaqada kaaga hor imaanaysa, oo ku saabsan xagga
dhaqaalaha, Gobolka saad u ogsoon tihiin malaha Gaadiid iyo shidaal Hawlaha lagu fuliyo marka sidii la
rabay in aad wax u qabatid waxaa laga yaabaa in stakol kaa hor yimaado ama aad weydid
shidaal ama aad weydid wixii aad wax ku kordhin lahayd, dhibaatadaa, Gaadiid la’aanta
iyo shidaal la’aanta ma’ahee wax kale oo dhibaato ah oo naga hor yimaada ma jirto,
dabcan taasi waa hor imaanaysaa, horey waa nogu hortimi, haddana waa naga hor imaanaysaa,
Ilaa la daboolo oo Dawladdu daboosho waana sugaynaa inaan helno Gaadiid iyo shidaal
sanadka cusub Janaayo wixii loo gaaro insha Allah.
W/PL:- Adigoo ka
faa’iidaysanaya fursadaan maxaad shacabka Reer Puntland ama Gobolka Nugaal aad u jeedin
lahayd?
Baasaweyne:- Waxaan u jeedinayaa shacabka Reer Puntland oo walaalaha ah oo isir wadaagga ah waxaan u jeedinaynaa inay nabada xasiliyaan oo ku dadaalaan meelna uga soo wada jeedsadaan oo aan la oran xukuumad iyo shacab ee laysku duubnaado oo nabada iyo wanaaga iyo wax wada qabsiga iyo cadawga dibada iyo gudaha meel looga soo wada jeedsado oo loo feejignaado dantana la garto, waxaan kaloo u soo jeedinayaa guul iyo caafimaad iyo khayr dantoodana in Ilahaay garansiiyo baan u soo jeedinayaa ummadda Reer Puntland iyo Soomaaliyeed.
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA EE MARAYKANKU SIDEE AYUU U ARKAA PUNTULAAND??? !!!
Sida la inoo sheegay, Madaxweynaha hadda la doortay ee dalka maraykan ku,
wuxuu Wasiirka Arrimihiisa dibadda u doortay Jananka madow ee la yiraahdo Koolin Bowl….
Isagoo ah janankii hoggaam-inayay dagaalkii adduunkoo dhammi Ciraq ku
hujuuntay sannadkii 1991…. Sidee ayuu u arkaa arrimaha Soomaaliya guud ahaan iyo kuwa
Puntland gaar ahaan???
Waxaynnu ku bilaabaynnaa horta siduu u fekeraa janankaasi??? Markii uu ka soo
jeestay dagaalkii Ciraaq, saaxiibkiis oo la yiraahdo Josef Brisco ayaa inoo soo faafiyay
oo ka dhigay buug, waraaqihii Janankaasi lafihiisa kaga xog-warramay (Biography)….
Buuggaas oo magaciisu yahay:- Xusuus-Qorkii Koolin Bowl…. Bal aan erayo ka soo
qaadanno:-
1. Fasalka 9aad, Bogga:- 277:-
<<Aragti saafi ah oo aad leedahay, kaligeed wax kuma fulinkartid…. Aragtidaas waxaa dhab la taaban karo u beddeli kara, rag ad-adag keliya…. Adiga iyo iyagu raq badan wara…. Ka dibna iskaga dhaqaaq, wadaaddada iyo kuwa samafalka ka shaqeeyaa lafaha ha ururiyeene u daa>>
2. <<Waxaynnu ku noolnnahay nolol hoosta ka maran oo aynnu aad ugu cidllooneynno… cadowyo dhab ah si sahlan ayaynnu ku helikarnaa…. Laakiin way adagtahay inaynnu helnno saaxiibbo run ah>>
3. Fasalka 14aad:-
<<Anigu maamulka aan jeclahay waxaa weeye:- arrimaha oo lagu fuliyo naxaariis la’aan kor qabow>> bogga 452
4. <<Anigu
ragga ila shaqeeya marwalba waxaan ka rabaa:- caqli soofeysan, daacadnnimo buuxda, dhega
nuglaan ebyan, dareen sarreeya, arrimaha dhicidoona oo la sii arko, qofnnimo isu-miisaaman
iyo howlfulin lagu mintido>> Bogga 452.
5.
<<Madaxweynahayagu
(Reagan) wuxuu ahaa nin caqligiisu kala daadsanyahay oo maskaxdiisu kala quban
tahay>> Bogga 462
6. <<uur-ku-jirta qofku, caafimaadka
ugu sarreeya waxay ka heshaa faras guudkii>> waxaa yiri Madaxweyne Reegan Bogga 496.
7. <<Hoggaamiyeyaasha waaweyne,
kibir ma laha, dooddana ma nacaan, wayna shaki-badan yihiin, xalka ay keenaanna waa mid
dadweynuhu fahmi-karo>> Bogga 501.
8.
Fasalka 17aad:-
<< Inta aad
leedahay cadow heer sare ah ayaa adigana arrimahaagu kor u soconkaraan>> Bogga 505
9.
Fasalka 18aad:-
<<Millateriga
Amerika oo hoggaanka loo dhuftay, inkaaraha dunida waa ka mid>> Bogga 589
10. <<Panama ayaannu ku qaadannay tababbar nuxurkiisu yahay:- Adigoo baallaweyn sii hadaaf, arrintana dhakhso u soo afjar>> Bogga 615.
11. << Carabtu dhan ayay ka ahaayeen walaalkooda habowsan, laakiin diyaar uma ahayn inay Israa’il saf la soo galaan>> Bogga 616
12. Ciraaq-dii aan ku luqluqday waxay ahayd
xoogga 4aad ee dunida>> Bogga 622.
13. waxaanu Ciraaq u maggaabinnay, inaanu
indhaha Iran wax tusno>> Bogga 668
Lasaco
Tirsiyada dambe
BAHDA
WARSIDAHA OO TACSI DIRAYSA.
Dhammaan Bahda
Warsidaha Puntland waxay akh-ristayaa-sha, dhammaan shacabka Reer Puntland iyo dhammaan
shacabka Soomaaliyeed ka tacsiyaynaysaa Geeridii Uga-as Yaasiin Ugaas
C/rax-maan…..Marxuumka Allaha u naxariisto, Eheladiisii, Qaraa-badiisii iyo dhamm-aan
shacbiga Puntlandna samir iyo iimaan ha ka siiyo..
Aamiin Aamiin.
WARSIDAHA
WAXAA HORJOOGE U AH:-
1. Axmed Sheekh Jaamac.
WAXAA QORA:-
2. Tifaftire:- Cabdi Bashiir
Xaaji Maxamuud.
3. kaaliye Tifaftire:- Yaasiin
Aadan Rooble
4. Qoraa:-
Faarax Yuusuf Nuur (K.K)
5. Computer Operator:- Maxamuud
C/laahi X. Xuseen (Alex).
Arbaco kasta ayuu ka soo baxaa Madbacada N.P.C-Garoowe.
Tel. 252-944-2600 - Puntland-Somalia
FALLEYNTA
WARARKII DIBADDA EE BISHII DISAMBAR 2000.
BBC- 12-12-2000 16 Ramadan 1421.
Iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee
Ramadaan ayaa nin Muslinnimo sheeganayaa intii uu weeraray Masaajid lau tukanayo oo ku
yaalla Magaalada Ummu-durmaan ee Dalka Suudaan ayuu wuxuu qudha ka jaray oo dilay 20
(Labaatan) isla markaasna wuxuu dhawaacay 30 (Soddon) kale oo ah dadkii Salaadda ku
jiray…..
Wakaaladaha Wararka ee Adduunku waxay
sheegeen in ninkaasi ka tirsan yahay Garabka Al-Takfiir wal-Hijra….
Innaba
hadda Soomaaliya waxaynnu ku aragnaa rag diiday mad-habta shaaficiyada oo u leexday
mad-habta xanbbaliyada. Waxaynu aragnaa qaar aan cunin waxa iyagu gowracaan mooyee wax
kale…..
Haddaba
wadiiqo aad la leexatay waa kula fogaan kartaa….
2.
Kuwait Gudaha ayay ka qarxaysaa:-
14/12/2000 17 Ramadaan 1421
Joornaalka
Al-Sharqul-Awsad
Joornaalka Al-Sharqul-Awsad oo todobaad laha ah ee ka soo baxa dalka sucuudiga ayaa qoray in dalka Kuwait gudihiisa laga helay Maqaasiinno muslimiinta mintidka ahi ku qarsadeen hub fara-badan…
Faalada
Warsidaha:-
Xukuumaddii
Kuwait hadda ayay marna eegeysa maqaasinnada hubku ka buuxo ee gudaha…. Marna eegeysaa
dhinaca ciraaq… waase nabsiyoo iyaba waxaa lagu xantaa inay shuftooyinka qaarkood gacan
siiso.
3.
London.
10/12/2000 14 Ramadaan 1421
Mudnaanta Siyaasadda waxaa leh ilaalinta Degaanka.
Xisbiga
Shaqaalaha ee dalka Britain, oo dareemay in dadweynuhu
ka sii jeedsanayo, ayaa soo saaray barnaamij Cusub oo ka turjimaya
siyaassaddiisa… wuxuuna qodobka ugu muhiimsan ka dhigay ilaalinta deegaanka (Enviroment
Protection)…. si uu dadka mar kale u soo jiito….
FAALADA WARSIDAHA:-
Kala
maan fogaa dadkaas iyo Soolka ragga jooga qaarkii !!!
4)
LONDON.
04/12/2000 12 Ramadaan 1421 joornaalka the Times.
Cuqaashii
Adduunka oo shiraysa.
Joornaalka the Times ee maalin walba ka
soo baxa London, ayaa wuxuu qoray inay shir dhowaan issugu yimaaddeen dad ay awooweyaal u
yihiin haamaanadii dagaalkii 2aad ee Adduunka, Roosevelt, Churchil iyo Stalin….
Sheekooyinkooda, waxaa u muhimsanaa
sida Joornaalku sheegay, inay eegaan inta adduunku ka dhaqaaqay meeshii awoowayaashood
kaga tageen iyo xilkasnnimada dadka manta adduunka xukuma….
FAALADA WRSIDAHA:-
Idinba nala arka kooxda Deerow Isaaq ee
haddeer qarafaysiga gorofta u qaadatay….
4. MIYAADAN
GABAYGII KHALIIF HORE U DHEGEY-SAN.:
08/12/2000 12 Ramadaan 1421 Wakaaladaha Wararka.
Hogaamiyaha Reer Falastiin Mudane,
Yaassir Carafaat, oo ka soo degayay Garoonka dayuuradaha ee Qaza, ayaa Butukh boobe ah
garabka surtay, Bistoladna waraaqa ka laalaadiyay markii la yiri:-
Jidgooyo Yuhuudda ah ayaa Suurtagal
ah….
FAALADA
WARSIDAHA:-
Carafaadow miyaadan hore u dhegeysan
gabaygii Khaliif ee ahaa:-
Ma inaan colaad maamulaa dani I
moodsiisay…
5. DADKA
FALASTIIN HUBKA WAXAY KA HELAAN YUHUUDDA 17/12/2000 21
RAMADAAN 1421.
Joornaalka ka soo baxa London ee
magaciisu la yiraahdo Gardian ayaa manta qoray in dadka reer Falastiin ee Shacbiga ahi
hubka ay kula dagaalamayaan Yuhuuda ay ka helaan Saraakiisha iyo Askarta Dawladda
Israa’iil.
Annagaa soo
joognay dawlad saraakiisheeda ciidammadu hubka ku wareejiyaan cadowga…. Waa
tubtayadii…