Column |
|
- Title: [SW Column](M. X. Adow) Dhibanayaasha Siyaasadda Qaybi oo
Xukun
- Posted by/on:[AMJ][Friday, January 12, 2001]
|
Opinions expressed in this column
are those of the contributors and not necessarily those of SW.
DHIBANAYAASHA SIYAASADDA QAYBI OO XUKUN
W.Q. Maxamed Xaaji Cadow
London, England Email: tl8074@qmw.ac.uk
Baydhabo Jan 11, 2001 (BP)-Dhacdooyinkii maalmihii
la soo dhaafay ka dhacay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool waa kuwo
miranaya maanka qof kasta oo u dhashay qowmiyadda Digil iyo Mirifle,
dibna usoo nooleeyay xusuusta murugada leh ee ay maskaxdooda ku reebtay
siyaasadda gurracan ee qaybi oo xukun oo ay in muddo ah bar tilmaameed u
noqdeen oo ah siyaasadda ay Soomaalidu inteeda kale qowmiyadda kula
dhaqmaysay in muddo ah oo aan liishka marna laga wareejin.
Ujeedada maqaalkan waa in daaha laga qaado siyaasadan qallafsan oo ay
kaabiye u noqdeen fikrado khiyaali ah oo aan aqoon iyo xog ku dhisnayn
oo ay Soomalida kale qowmiyadan ka aaminsanyihiin.
Muddo hadda ka soo wareegatay dhowr sanadood ayaa oday u dhasahay
qowiyadda Digil iyo Mirifle, gaar ahaan qabiilka Geledi la yiraahdo iiga
sheekeeyay in asaga oo caruur ah oo kubbad ku ciyaaraya degmada Afgooye
ay caruurtii u ciyaaar wadaaga la ahaa oo Soomaali kale ahayd ku
yiraahadeen, "war naga tag Eeelaayohow", oo uu marka goobtii
kubbada ka soocatay uu ka soo cararay oo asaga oo ordaya aabihii oo
markaa guriga joogay soo dul istaagay, asaga oo la amankaaksan eraygan
shakiga geliyay maadamaa uu asagu ku abtirsado qabiilka Gelediga oo afka
Mayga ku waydiiyay " Aaw any Eelaya eha"? oo
micnaheedu yahay, Aabe ma Eelaaybaan ahay? Odaygii wuxuu ugu jawaabay "Aa
uwoow uung Ilaahay ya eti" oo micnaheedu yahay, Aaabe
abuur Ilaahaybaa tahay (Ilaahay baa ku abuurtay)! Odayga halkii uu ka
oran lahaa, waxaa tahay Geledi oo ma tihid Eelaay waxaa uu siiyay jawaab
toosan oo laakiin aan si toos ah uga jawaabayn su'aasha wiilkaa yar.
Wuxuu yiri Aabahay jawaabtii uu bixiyay ayaa iiga yaabka badnayd hadlkii
ay caruurtu ku yiraahdeen, wuxuna dib ugu soo laabtay kubad ciyaarkii
asaga oo yaaban.
Dhacdada noocan ah waxay daliil u thay laba shay: marka hore waxay
muujinaysaa aqoondarrida ka soo billaabata caruurnimada ee Soomaalida ka
haysta in ay kala saaraan Eelaay oo ah hal qabiil oo ka mid ah qabiilada
qowmiydda Digil iyo Mirifle iyo qabiilada kale ee Digil iyo Mirifle. Tan
labaad, waxaa ay dhacdadan tilmaamaysaa in isku aqoonsiga qabiil inkasta
oo uu qabiil kasta oo qomiyadda Digil iyo Mirifle ah sida Soomalida kale
uu abtirsigiisa iyo jilibyadiisa uu leeyahay hadana marka ay timaado
isku aqoonsi qabiil uusaan miisan culus lahayn iyagoo taas kaga duwan
Soomaalida kale. Run ahaantiina dhaqankan waa dhaqan ilbaxnimo oo ay
dadyowga Soomaalida kale kaga sareeyaan balse aan loo ictiraafin.
Deegaan in la isku aqoonsado waa wax shucuubta hore u martay dhaqan u
ah.
Tusaale ahaan marka aad ku safarto dalka Taliyaaniga oo aad waydiso
qofka halka uu ka sooi jeedo wuxuu kuugu jawaabayaa waxaan ahay (Napolitan)
ama reer Napoli. Qof Digil iyo Mirifle ahna marka aad waydiiso yaa tahay?
wuxuu kuugu jawaabayaa: waxaan ahay reer Baydhabo, Diinsoor IWM, halkii
uu ka oran lahaa waxaan ahay reer Suubow, Maamow IWM oo ah jilibyo
qabiil.Taas oo la oran karo waxay saldhiga u tahay aqoondarrida ay
Soomalida kale ka qabaan dadyowgan, oo sababtay in lagu tilmaamo dad ka
kooban qabiillo isu tegay oo kasoo kala jeeday qabiilada kala gedisan ee
Soomaalida oo aan dhiig iyo dhaxal wadaagin oo si fudud loo kala qaybin
karo, maadaama ay la'yiihn wax isku dhejiya ama isku xira oo dhidabo
qabiil ama dhalasho qoto dheer aysan ka dhaxaynin oo sida tusbaxa ukala
firdha taas oo aasaas u ah siyaasadda gurracan ee qaybi oo xukun oo ay
dawladihii isdaba jooga ahaa ee Sooomaalida soo maray u adeegsanayeen
qowmiyaddan oo bartilmaameed u noqday siyaasaddan, oo maantadan aynu
joogno sidii hore u nool, waana dulucda sadarrada soo socda bidhaaminta
taariikh kooban oo ku saabsan siyaasadan ay dadyowga Digil iyo Mirifle
ay dhibanayaasheedu yihiin.
Markii uu isticmaarki Taliyaaniga ka soo degay xeebaha Banaadir
dabayaaqadii qarnigii 19aad ayaa sida caadudu u ahayd dhamaan quwadihii
gumaystyaasha ahaa waxaa tallaabadii ugu horraysay ee uu qaaday ahayd ka
faa'iidaysiga khayraadkii dabiiciga ahaa ee uu lahaa dhulka Soomaalida.
Khayraadkan waxaa ugu waynaa dhul beereed oo uu isticmaarkii Taliyaaniga
durbadiiba la wareegay. Marka laga reebo deegaanka Jowhar dhul
beereedkii uu isticmaarku la wareegay, waxaa uu dhamaanba deegaankii u
gumaystaha la wareegay dhaxal awoowe u lahaa dadyowga Digil iyo Mirifle.
Hadaba isticmaarka asaga oo maanka ku haya in dadkan dhulka lagala
wareegay oo ah dadyowga Digil iyo Mirifle ayaa had iyo jeeraale oo ku
jirtay dareenka ah in ay dadkan aasaas u noqon doonaan ka dhiidhinta
gumaysiga ayaa waxaa uu kula dhaqmayay siyaasad ka duwan tii uu kula
dhaqmayay Soomaalida kale. Dhinaca waxbarashada isticmaarku wuxuu u
eexan jiray Soomaalida kale iyadoo badi ciidamadii gumaysiga u adeegayay
ay ahaayeen Soomaalida kale.
Taas waxay u horseeday dadyowga Digil iyo Mirifle in ay hormuud u
noqdaan u dagaalanka gobonimada Soomaliyeed. Tusaale ahaan Madaxweynihii
ugu horreeyay ee ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee Somali
Youth Club (SYC) ee gobonimodoonka ahaa waxaa uu ahaa Cabdulqaadir
Sakhaawadiin oo ahaa halgamaa u dhashay qowmiyadda Digil iyo
Mirifle.
Siyaasiyiintii u dhalatay Digil iyo Mirifle iyaga oo ka dheregsan
xaaladda umadda ay ka dhasheen, dareensanna cadaalad darradii
taariikhiga ahayd, laga soo billaabo xilligii bilowga isticmaarka oo ay
ka mid ahaayeen dhul beereedkii lagala wareegay, waxbarashada oo lagala
dagaalamay iyo badi ciidamadii uu gumaystuhu qortay oo ay si xad dhaaf
ah ay Soomaalida kale taliskiisa gacanta ugu haayeen ayay u guntadeen
xuquuqdooda siyaasadeed. Waxaa kaloo xusid mudan in intii uu socday u
diyaar garowgii gobonimada ee uu dalka ka jiray ismaamul hoosaadka (Dawladii
Daakhiliga) ay iyaduna si xad dhaaf ay jagooyinkii howlwadeenada dawladu
loo tababarayay ay Soomalida kale fara maroorsadeen.
Xilligaas oo ahaa xilli uu majarah xukunka dalka ay Soomaalidu
qabsanaysay ay siyaasiyiintii Digil iyo Mirifle abureen xisbi u dooda
xuquuqda siyaasadeed ee dadyowgooda.
Taas oo wadanka ka abuurtay in ururkii qowmiyadan u ololeeynayay loo
arko khatar siyaasadeed iyo in magaca laga dhoobeeyo oo laguna tilmaamo
urur gumaysi u adeega. Iyadoo taasna xaqiiqda ka fogayd oo uu ururku
ahaa urur qowmiyadeed oo si dimuqraadi ah ugu ololeeynayay xaqa dadka uu
matalo.
Muuqaalka siyaasadda Soomaaliya dabayaaqadii kontomeeyadii oo ahaa xilli
tabaabushe loogu jiro madax banaani wuxuu ahaa wakhti ay duruufaha
siyaasadeed ee qowmiyada Digil iyo Mirifle ay aad u qallafsanayeen marka
la eego waxa ku soo food lahaa Digil iyo Mirifle xilligaas kala guurka
ahaa. Sababta oo ah mabaadi'idii uu urukooda u doodayy oo ay ka mid
ahaayeen hanaanka Federaalka waxaa laga tuuray daaqadda.
Sababta ay nidaamka Federaalka qowmiyadda Digil iyo Mirifle ugu
doodaysay ma ahayn sababo siyaasadeed oo keliya oo waxay dareensanayeen
in duruufihii uu isticmaarku abuuray ay ayagu khasaaro ba'an u ahayd oo
ay lama huraan ahayd in dib loo saxo cadaalad darradii iyaga ku habsatay.
Wadada keliye oo ay ku hanan lahaayeen xaqa ka maqanna uu ahaa nidaamka
Federaalka oo ah nidaam u saamixi lahaa in ay geyigooda ka teliyaan oo
ay dhulka ay dhaxal awoowe u lahaayeenna ay hantiyaan oo ay afkooda iyo
dhaqaankooduna si xor ah oo aan faragelin lahayn dhulkooda uga fuliyaan.
Nasiib darro riyadoodii ma dhaboowin.
Markii uu curtay qaran Soomaaliyeedna waxaa uu curtay iyaga oo dareensan
in xaqii iyo kaalintii ay ku lahayeen qaranka cusub ay gabeen. Iyagoo
dareensan in ay ku hungoobeen hadafkoodii siyaasadeed ayay hadana
halgankii siyaasadeed halkiisii kasii wadeen. Waxaana halgankaas astaan
u ahaa ururkii Xisbiyada oo ahaa xisbi matala danaha dadyowgan oo ahaa
xisbiga mucaaradka ee dalka ugu waynaa, kuraas badanna ku laha
Baarlamaanki rayidka ahaa oo uu xisbiga SYLna u arkayay khatarta ugu
waynaa ee siyaasadeed. Si loo baab'iyo himiladii iyo yoolkii ururka
Xisbiyada ururka SYL wuxuu dadaal u galay sidii ay tafaraaruq ugu dhex
abuuri lahaayeen ururka xisbiyada. Dhab ahaantiina way ku guulaysteen in
ay kala jebiyaan ururka oo waxaa ururka ka soo baxsaday siyaasiyiin caan
ku ahaa ururka Xisbiyada oo ku biiray ururka SYL ee uu Xisbiyadu
loolanka siyaasadeed ka dhexeeyay. Waxayna ahayd guushii ugu horreeysay
ee siyasadda qaybi oo xukun ee ka dhanka ahayd qowmiyadda Digil iyo
Mirifle.
Markii uu kacaan ku sheegii inkaarnaa uu majarah xukunka qabtay waxaa
qomwiyadda u furmay bog cusub oo murugo leh. Waxaana lagula kacay falal
fool xun oo ihaano iyo ixtiqaar ku dheehantay. Waaxaa tusaale cad u ha
quursigii siyaasadeed ee kacaan ku sheega kula kacay dadyowga Digil iyo
Mirifle in uu afgembigii ka dhacay dalka oo ay ciidamada kula wareegeen
hogaanka dalka in shantii xubnood ee ugu sareeysay golihii sare ee
kacaanka ee talada dalka hayay oo bidhaan ahaan u muuqday isu dheelitir
la isu dheelitirayay beelaha Soomalida aan si ula kac lagu soo darin
xitaa hal xubin oo ay iyaga iskaga dhex arki karaan golihii dalka
hagayay.
Intii xukunka militeri uu dalka ka jirayna siyaasaddihii gurracnaa ee
lagu kala qaybinayay dadyowga Digil iyo Mirifle marna hakad ma gelin oo
waxaa ay noqdeen dad galay hurdo dheer oo siyaasadeed oo dhul beereedkii
ay lahayeenna si xaaraan ah dad kasoo barakacay deegaamo oomane ah loogu
wareejiyay.
Markii xukunka laga tuuray dawladii militeriga, waxaa dadyowga Digil iyo
Mirifle ku abuurmay yididiilo ah in bog cusub oo taariikhdooda ah uu
furmay oo ay markii ugu horeeysay in ka badan sagaashan sanadood (laga
soo billaabo maalintii uu gumaysiga soo caga dhigtay xeebaha Soomaaliya)
ay dhamaan khladaadyadii iyo cadaalad darradii ku habsatay dib loo sixi
karo. Hase yeeshee nasiib darro yididiiladan waxay isu rogtay "Kud
ka goor oo qaanjo u guur". Iyadoo la adeegsanayo
siyaasadda qaybi oo xukun ayaa ururkii qowmiyadan matalayay ee SDM loo
kala jejebiyay qaybo kala raacsan garabyada siyaasadda ee Soomaalida
kale taas oo wiiqday midnimadii u horseedi lahayd tabar xoogan oo
miltiri oo ay ay ku difaacaan hantidooda, karaamadooda iyo deegaamadooda
taariikhiga ah noqotayna qowmiyad tabar yar oo xitaa aan awood u lahayn
in ay yeesheen hogaan militeri oo ay iskaga caabiyaan kooxaha leh
dhaqanka gaamuray ee booli quudashada.
Waxaana laga wada dheregsanyahay in magaalada Baydhabo xudun u
noqotay tabaaladii xagga beni-aadannimo ee soo martay Soomaalida
taariikhda la xasuusan karo.
Dhacdooyinkii Baydhabo waa kuwo ku adag in uu fahmo qof deegaankaas ku
dhashay(aniga), ku koray ama kasoo shaqeeyay! Waxaan aniga shakhsiyan
xasuustaa in waagii dagaalkii sokeeya ee dalka Mozambique uu socday in
gawaari kolonyo ah oo sitta sumadda hay'adda Qaramada Midoobay u
qaabilsan arrimaha qaxootiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ay
magaalada Baydhabo iyagoo buux dhaafay lagaga rari jiray dalagyada kala
duwan ee ka soo go'a beeraha deegaankaas si oo ay ganacsatada magaalada
hay'adaas qandaraas la gashay si loogu quudiyo qaxootigii ku
tabaalaysnaadalka Mozambique. Waa su'aal madax daalinaysa in laga
jawaabo su'aasha ah : Maxay magaaladan hodanka ku ah noocyada kala duwan
ee miraha beeraha kasoo go'a iyo xoolaha noolba ay xudun ugu noqotay
gaajadii ugu xumayd ee ka dhacda dhul Soomaali ay degto?
Markii uu aduun waynaha danqaday muuqaaladii murugada lahaa ee lagu
baahiyay idaacadaha la iska arko ee aduunka oo gurmadku soo gaaray oo ay
naftu ku soo noqatay dadweynaha deegaankaas ayaa waxaa dhowr sanadooda
ka dib markii ay soo kabsadeen ay waxgarad iyo siyaasiyiin u dhashay
qowmiyadda Digil iyo Mirifle aasaaska u dhigeen maamul goboleedkii ugu
horreeyay ee ka curtay Soomaaliya, marka laga reebo Somaliland. Waxaaa
durbadiiba maamulkaa kala didiyay kooxo aan ku faraxsanayn in dadyowga
Digil iyo Mirifle ay cagahooda ku istaagaan iyagoo isticmaalaya
siyaasadda qaybi oo xukun ayaa waxaa weerarkooda ku weheliyay kooxo
dabadhilif ah oo iyaga u adeega. Dhacdadan waxay sababtay in magaalada
Baydhabo muddo dhowr sanadood ah ay ku amar ku taagleeyaan kooxo
qoowleeysato ah oo dhaqankii islaamka iyo ilbaxnimaba uu ka suulay kuna
xadgudbay mabda'a ah: Soomaali dhulku way wada leedahay, hadana way kala
leedahay. Oo ah mabda'a mandiqi ah oo uu bin-aadankuba iyagoo walaalo ah
oo uur hooyo wadaagay hadana hantidoodu kala leeyhiin. Marka ay timaado
heer qaranna mabd'aan sidiisu uu taagnaanayo oo muwadiniinta ay kala
leeyihiin hantidooda iyo deegaamadooda.
Waxaa ka dhiidhiyay dhul ballaarsigan qaawan ee lagu kala jeexay dhulka
dadyowga Digil iyo Mirifle ururuka xaq u dirirka ah ee RRA oo
aan si gabasho ku jirin ugu istaagay xuquuda qowmiyadda Digil iyo
Mirifle aakhirkiina ku guulaystay in uu soo celiyo qaybo ka mid ah
deegaamada taariikhiga ah ee ay dhaxal awoowe u leeyihiin dadyowga Digil
iyo Mirifle haatanna halgan ugu jira in uu soo celiyo inta harsan. Waana
urur ay kooxaha dareensan in halganka ururkan uu halis gelinayo cadaalad
darada qaawan iyo sida xaaranta ku jirta oo ay ugu tanaadeed burburkii
qaranka Soomaalida oo maanta Soomaali inteeda kale ay ka wada
dheregsantahay in ay si booli ah ah ku hanti fara badan oo isugu jirta
dhul bereed, deegaamo iyo noocyada kal duwan oo hanti ah ay dadaal aan
kal go' lahayn ugu jiraan in ay magaca ururkan dhoobeeyaan iyagoo
halkudheg ka dhiganaya erayo ay ka mid yihiin: "RRA, waa
dabadhilif Xabasho, waa urur gumaysi u adeega" IWM" iyagoo
indhaha ka daboolanaya dhaqamada lala fajaco oo ka baxsan caadooyinkii
Soomalida oo ay ku dhaqmayayeen intii uu dalka kala burburay hadana weli
ku dhaqmaya iyada oo la joogo qarniga 21aad oo wacyiga muwaadiniinta
Soomaaliduna uu aad u sareeyo oo aan qolona xaqeeda laga fara maroorsan
karin
Kooxdan aan carababay waxay iyadoo oo adeegsanaysa siyaasadihii halaaga
iyo baab'a u horseeday dadyowga Digil iyo Mirifle ee qaybi xukun mar
kale ku tallaabsadeen markii uu furmayay shirkii Carta iyagoo durbadiiba
ku dadaalay in ergadii Digil iyo Mirifle shirka uga qayb gashay
tafaraaruq ku kala ridaan. Isku daygoodii ugu horeeyay wuxuu ahaa in
marka hore ay ruux iyaga u adeega helaan. Run ahaantii way heleen,
waxayna ku guulaysteen in ay shirka ka weeciyaan tubtii la filayay
markii hore oo ahayd in dawladii ka dhalata shirka ay noqonayso mid ku
dhaqanta nidaamka Federaalka iyo in dhulka xooga lagu haystana laga raro
kooxaha caadada waxshiga ah leh ee caadada ka dhigtay ah in la dul
saarnaado deegaamo ay beelo kale leeyhiin. Dawladaa lagu soo dhisay
Carta waxaa hubaal ah in uu qof kasta oo Digil iyo Mirifle u dhashay uu
ka dheregsanyahay in ay ku dhalatay siyaasadda qaawan ee qaybi oo xukun
oo ay had iyo jeeraale dadyowga Digil iyo Miriflana dhibanyaashedu
yihiin.
Waxaa marag ma doonto ah in Socdaalkii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Carta
uu ugu kictimay degmada Tiyeeglow ee deegaanka Bakool
uu ahaa mid si bareer ah ay kooxda Carta u istcmaalaysay siyaasadda
gurracn ee sida takooran loogula dhaqmo dadyowga Digil iyo Mirifle oo ah
in mar walba ayaga la isu adeegsado oo ay geesaha is daraan oo raqdooda
la dhigo oo ka dibna loo taliyo. Waxaa daliil u ah in booqashadii
Gudoomiyaha Baarlamaanka Carta ay ahayd mid uu ku fulinayay dano ka dhan
ah dadyowga Digil iyo Mirifle asagoo doorbiday in uu gawaari kolonyo ah
ay asaga iyo wefdigiisa ku safreen oo ay hareeraha ka gelbinayeen
maleeshiyo hal qabiil halkii ay asaga iyo wefidigiisu ku safri lahayeen
dayaaradaha maalin walba isaga goosha Muqdisho iyo Baydhabo ee
duulimaadyada jaban leh oo aan filayo in kharashka kolonyada gawaarida
ah kaga baxday kooxda Carta ka yar uu ka bixi laha hadii aasaga oon la
socon ilaalo maliishyo qabiil oo aan deegaanka u dhalan uu Baydhabo ka
degi lahaa. Waxaa hubaal ah in dad badan oo anigan qoraalka qorayaba ka
mid ahay kasoo horjeesan lahaayeen in asaga oo aan la socon ilaalo
hubaysan oo fikradihiisa siyasadeed cabiraya lagu caburiyo deegaanka uu
kasoo jeedo. Taas ma dhicin, oo waxaa uu gudoomiyihu damacsanaa in mar
kale uu maro tubti dhaqankii siyaasaddi qaybi oo xukun si uu u kala dilo
dadyowga Digil iyo Mirifle oo ay dhamaantooda ka wada dheregsenyhiin in
ay u horseeday quursiga siyaasadeed ee ay Soomaalida kala kula
dhaqmaysay in muddo ah. Waxaan qoraalkan ku soo gunaanadaya in qof kasta
oo u dhashay Digil iyo Mirifle uu maankiisa geliyo in siyaasaddan aan
hore usoo xusay ee ah qaybi oo xukun uu liishaankeedu ayagu saaran yahay
ayna tahay siyaasad gaamurtay oo ay iyagu bar tilmaameedka u ahaayeen
muddo dheer oo u horseeday dhibaatooyinka taariikhiga ahaa iyo kuwa
hadda taaganba ay ka feejignaadaan. Waa in ay casharadii hore u soo
maray ka tusaale qaataan oo aan godkan mar kale laga qaniinin.
W.Q. Maxamed Xaaji Cadow
London, England tl8074@qmw.ac.uk
[Column]