19 May 2007 04:22

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (S/net) Wareysi Muuse Suudi Yalahow
  • Posted by/on:[AMJ][Saturday, January 13, 2001]

WAREYSI MUUSE SUUDI: ANIGU DOWLAD UMA ARKO NIMANKAN 12 Jan 2001 at 22:05
(SomaliNet) Muuse Suudi Yalaxow oo ka mida hogaamiye kooxeedyada ka jira magaalada Muqdisho ahna kuwa sida weyn uga soo horjeeda dowladda KMG ah ayaa waxaa noo suurto gashay inaan wareysi layeelano. Suudi oo aanu kula xiriirney qadka telefoonka waxana ay su'aaluhu u dhaceeen sidan.

Su'aal: Ka waran xaalada goobaha aad gacanta ku heyso ee uu maamulkaagu ka shaqeeyo?

Suudi: Anaga waxaan ka mid nahay hogaamiye yaasha waxka maamula gobolka Banaadir, dadkeyguna amase taageerayaasheyduna waxa ay igu raaceen mabd'a, waxaana ka taliyaa Koonfur galbeed Muqdisho ilaa dagmooyinka Balcad iyo Xararyaale iyo weliba inta u dhaxeysa.

Su'aal: Muuse adigu hogaamiye noocee ah baad tahay ma mid qabiil mise mid ku hadli kara magaca Gobolka Banaadir?

Suudi: Anigu waxaan ahay mid ku hadli kara magaca banaadir oo waa la weydiinkaraa dhamaan dadka nala dagan ee hoos yimaada maamulkeena, taariikhdaana shegeyso.

Su'aal: Maxaad uga soo horjeedaa dowladda KMG ah?

Suudi: Umaba aqoonsani dowlad adinka hadaad u aragtaan in ay yihiin dowlad ma aqaan, maxow qaban karaa Cali Khaliif maxowse qaban karaa C/qasim, anigu waxaan u arkaa in Cali Khaliif looga baahan yahay dhulkiisa hatago oo dadkiisa ha heshiisiisto, C7qasimna waxaan u arkaa Xussen Ceydiid falago ka leexatay.

Su'aal: Muuse inooma cadeyn sababta aad ugaga soo horjeedo dowladda ee ma inoo qeexi kartaa?

Suudi: Meesha dowlad ma jirto, dalkase waa la kala heystaa, Waqooyiga Soomaaliya Ibrahim Cigal ayaa looga dambeeyaa Gobolada dhexena waxaa loga dambeeyaa Cabdulahi Yusuf, Xamarna rag ayaa isku heysto oo aan C/qasim iyo kooxdi Carta aanku jirin ilen iyagu meel ma heystaane, kuwa dagalka ku jira haleysku keene markaasaa Soomaali ay heshiinkartaa.

Su'aal: Waxaa laguugu eedeeyay in aad gacan saar la leedahay dalka Itoobiya, hadana uu hub kaaga yimid arintaasi ma jirtaa?

Suudi: Waxaasi waa waxey ku tuugsi tagaan qolooyinkaan Carta, waa la yiri ma ahee aawey hubka intow soo marey maxaa loo qaban waayay hadoo hub ii imaanaayay ileen Markab ama Dayuuradaa keeni laheydee, Soomaaliya hubka waa ka xeran yahay ayagaa Yaman iyo Liibiya hubu keentay oo waxaa ay yiraaheen dharey noo keentay Yaman, taasi waa been oo hub ayaa loo keenay.

Su'aal: Muuse ma waxaad ileedahay hub iigama iman Itoobiya?

Suudi: Haa! wax hub ah oo ii yimid ma jiro, aniga waxaan Calamka u sheegaa in aan hub la soo dagin balse C/qasim iyo in ay hada wadamadii Rushka ahaa ee bur burey inay hubka soo gadanooyaan, anaguse wax hub ah ma noo soo dago.

Su'aal: Waxaad tiri Itoobiya ima caawinto, xagee ka keenta hadaba biilka iyo hubka aad ku kala hagto ciidankaaga?

Suudi: Anaga ilaahaan tala saaranaa, taageera yaasheyda oo dibada iyo gudahana waa i soo caawiyaan, waa isku filan nahay.

Su'aal: Adiga iyo xiriirka Itoobiya waa sidee?

Suudi: Aniga iyo Itoobiya wax dhiba nama kala heysto, waa dad walaalahena oo aan darisnahay waana isku fican nahay waana is jecelnahay oo wax dhib ah nama kala heysto,balse waxaan idiin sheegaa dadkaan yeysan nagu diri dadkaan walaalaheyna, Itoobiyase waa meesha kaliya ee Soomaali ayku joogto fiisa la'aan labadaan nin o leh Itoobiya nasoo weerarooso ee ah Cali Khaliif iyo C/qasim dadkooda ayaa ugu badan qaxootiga ay Itoobiya heyso.

Su'aal: Adiga iyo C/qasim wax wada hadal ah oo mar idiin bilowday miyey jiraan?

Suudi: Wax wada hadal ah oo noo bilowday ma jiraan, maxaanse ku wada hadalnaa maxow yahay C/qasim cidka socotana iima imaankarto, meelahaasey wad wadaan in ay wada hadal bilowday aniga iyo ayaga taasna waa wax ay ku suuqtagaan oo caalamka ayey wax uga raadinayaan, aniga iyo ayagana ma kulmin mana wada kulmeyno!.

Su'aal: Hadii uu C/qasim soo codsado in uu kula kulmo mala kulmi laheyd?

Suudi: Hadow ii yimaado asigoon sheeganeyn waxa owhada sheeganaayo waa laga yaabaa in aan la kulmo, balse inta uu leeyahay Madaxweyne ayaan ahay la kulmi maayo.

Su'aal: Shirka Yaman ay wado maxaad ku diiday?

Suudi: Yaman waxey isku tilmaantey iney Soomaali taqaan waana been, maxey Soomaali ka taqaan Yaman, mideeda kale manoo cadeyn shirka waxa uu ku saabsan yahay waxeyna aqoonsadeen C/qasim anagana tagimeyno cid C/qasim maxadaxweyne oow u yahay.

Su'aalaha kolkii aanu dhameynay ayaa Muuse Suudi waxaa uu na weydiiyay in aan wada shaqeyno BBC-da afsoomaaliga, anagoo markaasi ugu jawaabney in aysan wada shaqeyn ka dhaxeyn hada idaacada BBC-da balse aanu axsaabnahay shaqalaheeda ayuu yiri waxaan rabaa in aan ka hadlo cadaalad daro oo ay BBC-da nagu sameysay isagoo arintaas ka hadlayana waxaa uu yiri Suudi "BBC-da magacii xageena waa laga badalay oo waxaa loo baxshay idaacda C/qasim iyada iyo HornAfrik iyo midan la yiraahdo STN, BBC-da waxey nagu sameysaa cadaalad daro oo marka aan war saxaafadeed aanu soo dirnana hoos ayaa la dhigaa marka waxaan Soomaalida u sheegayaa in aan wararkeeda lagu kal soonan waana idaacad u adeegta C/qasim iyo koodi Carta".

Hadaba wareysiga oo maqal ah galabta Axada ah kala soco RADIO SWEDEN adigoo halkan rixaya

Waxaa wareysigan qaadey: Saciid Axmed Cabdulwaxid - Sweden

 

Radio Sweden Dhegeyso Raadiyaha Web Page 

Wararka iyo waraysiyada usbuucan.

- E-Mail This Story -

Related Link

[SW News](Radio Minnesota) Interview With Newsmaker of the Year :[AMJ][Saturday, December 30, 2000]

 


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:10 AM. Webmaster HomePage