|
|
Xubno
ka wakiil ah Qowmiyada Digil & Mirifle oo Baaq ka soo
saaray shir ay dhowaan ku yeesheen magalaada Manchester ee
wadanka Biriitaaniya
Waxaa dhowaan magaalada Manchester ee wadanka
Biriitaaniya lagu qabtay shirweyne ay ka soo qeybgaleen xubno
ka kala socday dhamaan beelaha qowmiyadda Digil & Mirifle
ee wadanka Biriitaaniya deggan. Tirrada wakiilada shirkaas ka
soo qeybgalay ayaa waxa ay aheyd mid 50 qof kor u dhaafay.
Waxay dadku isugu jireen rag iyo dumar wada qaan-gaar ah oo
aqoonyahano, caaqilo, siyaasiyiin kuwii hore iyo kuwa cusubba
isugu jira, iyo weliba in badan oo jaamacaha wadankan
waxbarasho u joogta. Qofka ugu da' weyn ee ugu waayo arragsan
ee shirka fadhiyey waxa uu ahaan Honourable Xaaji Abdi Buulle
Aadan ( Ebdih Buulih Eedin) oo hadda 82 sano jir ah.
- Ajandaha shirka waxaa ugu muhiimsanaa waxaa ka mid
ahaa: Taariikhda qowmiyadda Digil& Mirifle oo loo kala
eegay xiliyadii kala ahaa isticmaarkii ka hore, hornimo
doonkii federaaliyadda ku dhisneyd ee uu ururkii XISBIYA
uu hormuudka u ahaa, xilliggii dowladdii xisbiyada badneyd
ee 1969kii ka horeysey, dowladdii militeriga aheyd ee 1991
dhacday, iyo xilligan dagaalada sokeeye socdaan, intii
DKMG ah CARTA lagu soo dhisey.
- Ka wada hadalka xaalada ay maanta ku sugan yihiin
umadda iyo gobollada Qowmiyada Digil iyo Mirifle
- SOO SAARIDDA BAAQ KU WAJAHAN UMADDA DIGIL&
MIRIFLE IYO SOOMAALIDDA INTEEDA KALE.
Ka qeybgaleyaashii shirka waxa ay nasiib u yeesheen in
ay taariikhdii oo dhab ah uu u soo bandhibo Mudane Xaaji A B
Aadan laga soo bilaabo horaantii sanadihii 1900yadii ilaa
hadda iyo sidii ay mar walba qowmiyadda Digil&Mirifle u
dooneysey helitaanka nidaamka Federaaliga ah iyo sidii ay
Soomaalidda kale intooda badan oo ay reer Soomalileen
(Somaliland) ay u doonayeen dowlad dhexe oo xoog leh oo
federaaliyada ogoleyn. Mudanaha waxaa kale oo ka hadlay sidii
ay wax garashada, taariikhda, damaca iyo xoriyad doonka
Soomaalidda oo idil isu bedeleen oo ay dadka u bilaabeen
doonidda nidaamkii federaaliga ay XISBIYA horey u weysey ay
hadda qabaa'ilkii kale ee Soomaaliyeed intooda badan u
doonayaan iyada oo ay qaarkood doonayaan in ay Soomaaliyaba
isaga madaxbanaanaadaan. Xaaji C B Aadan waxa uu shirka uga
waramay in uu wixii 1940kii ka bilowdaw uu siyaasada
Soomaaliya dhexgalay.Waxa uu ka mid noqday Xisbigii
XISBIYA,Baarlamaankii daakhiliyadda iyo kii dowladdii shicibka
aheydba isaga oo siyaasada iskiis isaga baxay dhamaadkii
1960dii. Xaaji C B Aadan waxa ay isla soo shaqeeyeen in badan
oo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee hore ka mid ah sida Aadan
Cabdulle Osmaan, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Cabdulqaadir
Zoobe, Maxamed Ibrahim Ciqaal, Cabdirizaaq Xaaji Xuseen, iyo
rag kale oobadan.
Wuxuu Xaajiga shirka kula talliyey in ay waajib tahay in
ummadda DIGIL& MIRIFLE xaqooda u diriraan oo ay nidaamka
federaaliga ah sidii loo heli lahaa ku dadaalaan iyada oo aan
qabaa'ilka kale ee Soomaaliyeed lagu xadgudbeyn iyagana inay
soo xadgudbaan laga ogolaaneyn iyo in ay mid ahaanshaha
Soomaaliya muhiim tahay.
Wakiiladdii shirka ka soo qeybgalay ayaa fursad weyn u
helay in ay halkaas ra'yiga isku dhaafsadaan oo hab su'aal iyo
jaawab ah uga dhergaan taariikhda 100kii sano ee la soo
dhaafay ka helaan qof nool ee inteeda badan u soo joogey inta
kalena maqalkooda dadka Soomaaliyeed ee maanta nool uga
xog-ogaalsan.
Intaas ka dib shirku waxa uu gudagalay ka wadahadalka
xaalada maanta iyo dowrka RRA iyo midda ragga iyo haweenka
Qowmiyada DIGIL&MIRIFLE u dhashey ee DKMG ah taageersan
iyo sidii si wadahal, istixgelin iyo nabadbe leh wax loo wada
dhisan lahaa iyada oo habkii federaaliga ahaa ku dhaqankiia la
doonayo sidii lagu helaba,.
Ugu dambeyntii shirka waxaa ka soo baxay BAAQQA ku
saleysan qodobada soo socda:
- In la xiriiriyo dhamaan xubnaha Qowmiyadda D&M u
dhashey ee dunida dacaladeeda ku kala baahsan si urur
ahaan ahna la isugu soo duwo iyada.
- In la taageero idaacada Baydhabo oo ah midda keliyah
ee Af May-Mayga ku baxda marka Soomaaliyada oo idil la
eego.
- In lagu dadaalo sidii marwalba looga hortagi lahaa
dagaal dhex mara Q D&M iyada oo lagu dadaalayo sidii
loo wada hadalsiin lahaa hoggaamiyeyaasha Qowmiyada oo ay
dhici karto ama ay dhacdo in ay is-qilaafaan.
- In la isku taxalujiyo sidii nabad looga dhex
dhalinlahaa qowmiyadda D&M iyo beelaha kale ee
Soomaaliyeed ee ay jaarka yihiin.
- In RRA iyo siyaasiyiinta Q D&M lagu taageero
goolkeeda ugu muhiimsan ee ah helitaanka dowlada
Soomaaliyeed oo federaali ku dhisan 5-6 dowlad goboleed (
midda Soomaalilaand, Midda Puntland, Midda Dhexe, midda
Koonfur Galbeed, iyo caasimadda federaaliga ah ee
Mogadishu ).
|
|
Dhambaalo taagero ah oo ay jaaliyadaha
Digil iyo Mirifle iyo dad kale u soo direen maamulka RRA.
Jan
8, 2001 More....
Jaaliyada D&M ee dalka Denmark oo
canbaareysey dagaalkii Tiyeeglow.
Jan
8, 2001 More....
Cambaareyn weerarkii hubaysnaa
maleyshiyada C/qaasim ee degmada Tijeeglow Gobolka Bakool.
Jan
7, 2001 More....
Dagaal khasaaro badan geystay oo saaka
dhexmaray Maleshiyada Kooxda CARTA iyo Ciidamada RRA.
Jan
6, 2001 More.....
The plight of thr people in the lower
Shabelle of Somalia. Qoryoley.
Jan 1, 2001-More....
Federaalism in la qaato waa xalka keliya
ee furan Ummadda Somaaliyeed si loo helo dowlad.
Jan
2, 2001 More....

Somalia
- Complex Emergency/Drought
Sep, 11, 2000
U.S. Agency for International Development
UNICEF
Somalia - Children's Photo Exhibition
UNICEF's 50th Anniversary (1996-97)
Consolidated
Inter-Agency Appeals Process Strategy Paper for Somalia 2001
UN Office for the Coordination of Humanitarian
Affairs (OCHA) Date: 10 Nov 2000
|