19 May 2007 04:23

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • [SW News] (HOL ) Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo Garoowe kula kulmay weriyeyaashii xaqiiqo-raadiska ahaa : Posted on [11 Dec 2001]

 

Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo Garoowe kula kulmay weriyeyaashii xaqiiqo-raadiska ahaa

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Garoowe-Puntland, Soomaaliya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com

Dec 10 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay kula shiray guriga uu ka deggan yahay magaalada Garoowe suxufiyiintii xaqiiqo-raadiska ahaa ee ka yimid magaalada Muqdisho.

Ka hor intii aanu hadalka furin waxa uu nagu amray in sal iyo baar na loo baaro, gaar ahaan qalabka digital camera. “Waad ogtihiin in lagu dilay waxa aad wadataan oo kale Axmed Shaah Mascuud oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga ee dowladdii Burhaanuddiin Rabbaani” ayuu yiri Kornaylku.

Waxa uu nagu eedeeyey inaan u adeegayno dano ay leeyihiin koox ka mid ah kooxaha siyaasadeed ee ku loollamaya xukunka dalka. “Anigu inta aan lay waraysan aniga ayaa dadka waraysta” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf. “Carta ayaa idin soo dirtay, wixii ay idiin soo dirtayna waan ka war hayaa” ayuu yiri Kornaylka oo aad isu adkeeyey, waxaana uu nagu cambaareeyey intii aan joognay magaalada Boosaaso inaan marti u ahayn Jaamac Cali Jaamac iyo ururka Al-Itixaad. “Dad xor ah maydnaan ahayn” ayuu yiri, waayo hoteelka aad deggenayd ninka iska leh Khaliif Ciise Mudan waa raga Jaamac.

“Hadda anigu been idiin sheegi maayo, haddaad iga sheegtaana idinka aqbali mayo” ayuu yiri Kornaylka oo ku daray “weligey weriyihii been iga tebiya dib dambe iiguma soo laabto.” Waxa uu ku dhaliilay Hiiraan Online inuu yahay bogga Internet-ka ee ugu beenta badan web sites-ka Soomaalida. U sheeg ayuu igu yiri mas`uuliyiinta web-kaas inay joojiyaan waxa ay mar kasta iga qoraan. “Waxaad qortaan wixii aad doontaan, waa dad qalato xitaa waad i tiraahdeen” ayuu yiri Col. C/llaahi Yuusuf.

Hadalka intii uu watay waxaa aad iiga yaabiyey inuu Kornaylku noo sheegay saacaddii aan magaalada Muqdisho ka soo baxnay, saacaddii aan nimid Boosaaso, diyaaraddii aan soo raacnay, dadkii nala socday, dadkii na soo dhoweeyey iyo hoteelkii aan ku degnay ee Panorama. “Howsha aad u socotaan waan ogahay ee ka warrama Boosaaso?” ayuu na weydiiyey, mana aannaan siinin wax jawaab ah.

Su`aalaha markay billowdeen, waxa uu ugu horreyntiiba ku nuuxnuuxsaday in aynaan booqanin Shimbiraale, hase ahaatee “halka aad tagteen waa deked macmal ah oo la yiraahdo Raxma oo doomaha dhuumaaleysigu ay ku xirtaan.” Waxaan weydiiyey haddii ay sidaa tahay inuu na geeyo Shimbiraale-da rasmiga ah, waxaana uu ka meermeeray inuu jawaab hufan ka bixiyo hadalkaas, inkastoo uu nagu yiri “haddii aad daneynaysaan diyaar ayaan idiin nahay.”

Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, waxa uu dul-mar guud naga siiyey geographically Puntland halka ay ku taallo, halka ay kaga jirto dhaqaalaha Soomaaliya iyo tirada dadka ku nool oo uu ku sheegay 2.5 milyan (laba milyan iyo bar). Ma sheegin Kornaylku halka uu ka keenay tirakoobkaas, iyadoo arrimaha laga sugayey inuu ku dhaqaaqo muddadii saddexda sano ahayd ee uu xilka hayey ay ahayd inuu sameeyo tirakoob sax ah oo sugan (exact census).

Waxa uu si kulul u weeraray waxa uu ugu yeeray kooxda Carta, waxaana uu yiri “waxay laaluush ciiddaa ka badan ku soo hurgufeen Puntland iyagoo kala gadaya dadka ku nool gobolladan, dhaqaalahaasna waxaa u baahnaa dadka reer Muqdisho oo gaajo la il daran, annaguna gaajo nama hayso.” Waxa uu tibaaxay in dhaqaalahaasi ay si wadajir ah u wada walamsan doonaan dadweynuhu.

Waxaan maqlay ayuu yiri in lacagahaasi lagu soo daray sixir oo la leeyahay ciddii cunta way waalanaysaa, laakiin ku waaban mayno taas, waanan ka qaadanaynaa. “Lacagtaas oo ay ka soo baryeen Carabta waxba kuma qaban, iskuullo kuma dhisin, isbitaallo waxba uguma qaban ee waxay keeneen gobolladan si ay noola diriraan” ayuu sii raaciyey. Ma aqbali karo ayuu yiri dowlad ina Cumar Geelle u soo duceeyey.

Si gaar ah ayuu Col. C/llaahi Yuusuf farta ugu fiiqay Madaxweynaha KMG ah. “Cabdiqaasim Salaad Xasan (anigu ma oranayo ina Salaad Booy oo waan ka reebayaaye) igama da’yara, Raashiya ayaan wax iskula baranaynay, waase iga gar weyn yahay” ayuu yiri Kornaylka oo tilmaamay in Cabdiqaasim uu doonayo inuu noqdo dowlad, isagoo buu yiri ahaa dadkii muddada dheer dowladdii Siyaad Barre ka tirsanaa ee wax walaaqayey anigoo xabsi ku jira. “Wuxuu isaga key dhigayaa nin shariif ah, laakiin si fiican ayaan anigu u garanayaa” ayuu yiri.

“Cabdiqaasim hadda waa Al-Islaax, waana wahaabi, horeyna wuxuu u ahaa shuuci, aniguna ma noqon weligey shuuci iwm” ayuu yiri Col. C/llaahi Yuusuf. Mar aan weydiiyey waxa isagu uu yahay waxa uu yiri “waxaan ahay Muslim, waxaana ka ahay Shaafici, waxaana ka sii ahay Qaadiriya, waxaana ka ahay Ahlu-sunna Wal Jameeca.” “Dhammaan reer Carta waan aqaannaa, sida Cali Khaliif Galayr, Xasan Abshir, Cusmaan Kalluun, Ismaaciil Buubaa, Daahir Dayax iyo Cabdulqaadir Madexey” ayuu yiri.

Isagoo ku hadlaya ereyo siyaasadeed oo kul kulul ayaa Col. C/llaahi Yuusuf waxa uu is weydiiyey waxa ay kala yihiin Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka jiri jiray Muqdisho iyo ururka Al-Itixaad. “Ma Kitaabka Ilaahay baa diin ah, mise waxaa diin ah buugga uu qoray Maxamed Cabduwahaab oo markaan anigu dhashay noolaa” ayuu yiri.

Mar aan weydiinnay inta uu qodan yahay xiriirka uu la leeyahay dowladda Itoobiya, waxa uu xusay inay isku xiran yihiin, ayna wadaagaan dano gaar ah oo danahaasina ay yihiin buu yiri kuwo Soomaaliyeed. Waxa uu fogeeyey in ciidamo Itoobiyaan ah aanay gacan ku siinin qabsashadiisii Garoowe, “Xasan Abshir baa qirtay inaysan ciidamo Amxaaro ah imaanin Puntland, halka Jaamac Cali Jaamac ka yiri Amxaaro ayuu la soo galay Garoowe” ayuu yiri.

Col. C/llaahi Yuusuf oo ka hadlayey arrimaha Puntland, waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha cusub, Jaamac Cali Jaamac inuu yahay nin dabada ku wata Carta iyo Al-Itixaad. “Laba dowladood kama jirayso Puntland, taasna ma aqbalayo, mana aqbali doono, halkaanna wax uu ka noqonayo ma jirto, maxaa yeelay Jaamac waa laaji deggan London” ayuu yiri.

Waxa uu caddeeyey inuusan aqoonsanayn go’aamadii ka soo baxay shirkii Garoowe. “Markii aan maqlay doorashada Jaamac Cali Jaamac ayaan soo qaatay madaafiicdeydii” ayuu yiri, isagoo qeexay inuusan wax wada hadal ah la galaynin Jaamac Cali Jaamac, waxaanse raalli ka ahay ayuu yiri shirweyne dib u heshiisiin ah oo Soomaali isugu timaaddo, una wada dhan tahay. Col. C/llaahi Yuusuf, waxa uu ku sifeeyey Jaamac Cali Jaamac iyo Yuusuf Xaaji Nuur inay yihiin dad dhacay qasnaddii lacagta ee dekedda Boosaaso.

Waxaan su’aalay “waxaad dhowaan ku qab-qabatay magaalada Gaalkacyo dad aad ku sheegtay inay yihiin Al-Qaacida, maxay ku dhacday inaad madaxa ka xiirto dhallinyaro tahriib ah oo aad magacyadooda u gudbiso dalal ajnabi ah?” Waxa uu iigu jawaabay “xaqiiqo jirta oo sugan bay ahayd inaan qab qabannay dad gaaraya 300 illaa 400 oo Al-Qaacida ay ku soo tababartay Luuq. Madaxa ayaan ka xiirnay, waa runtaa, waana qirteen inay arrintaasi jirto, waana noo sheegeen. Waxaan u keennay weriyeyaal ajnabi ah, annagoon la socon ayay waraysteen weriyeyaashyu, waana qirteen inay argagixiso yihiin.”

Waxa uu sheegay inay sidoo kale dadkaasi qirteen inay u socdeen xeryo ku yaalla Afgaanistaan. Waxaan u soconnaa ayay nagu yiraahdeen buu yiri inaan wax ka difaacno Daalibaan iyo Al-Qaacida, lana dagaallanno Mareykanka. “Saldhigga argagixisadu waa Muqdisho” ayuu yiri Col. C/llaahi Yuusuf oo caraysan.

Waxaan ku iri Kornaylka “raggii aad isku da’da ahaydeen waa ka sii baxayaan siyaasadda sida Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Ibraahim Cigaal. Haddaba, waxa aad u sii dhex dabaalanayso sow lama oran karo waa xukun jacayl?” waxa uu Kornaylku yiri “adeer, anigu raggaas aad sheegeyso ku fil ma ahi, meel ha igaga dhicin, hana ii gefin.”

Shirkaasi kaddib, Col. C/llaahi Yuusuf waxa uu na tusay documents fara badan oo uu sheegay inuu ka soo bixiyey Internet-ka. Qaar ka mid ah; waxaa ku qornaa hambalyo Jaamac Cali Jaamac uu ka helay urur Islaami ah oo sheegay inuu si qarsoodi ah uga aasaasan yahay Puntland. Mid kale, waxaa ku qornaa lacagihii uu mid walba qaatay ergooyinkii u codeeyey Madaxweynaha cusub.

Sidoo kale, waxaa dhinaciisa isna maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso Jaamac Cali Jaamac, waxaana uu naqdiyey hadalkii shalay ka soo yeeray Col. C/llaahi Yuusuf. “Argagixiso aan isaga ahayni kama jirto Puntland” ayuu yiri.

Jaamac, waxa uu intaa ku daray in C/llaahi Yuusuf uu isku dayayo inuu ku soo jeediyo gobollada Puntland indhaha beesha caalamka oo haatan la tacaalaysa argagixisada, kulana jirta dagaalkii ugu cuslaa.


Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:11 AM. Webmaster HomePage