19 May 2007 04:22

SOMALIA WATCH

 
 
  • [SW Analysis] (Courtesy APL) Faalo: Shirarka Kenya ee Somalida.  :Posted on [15 Dec 2001]

 Faalo: Shirarka Kenya ee Somalida.

 

Shir ayaa lagu wadaa inuu dhawaan  uga furmo kooxo Somaliyeed magaalada Nairobi ee dalka Kenya, shirkaas oo daba jooga shirkii mudo hadda laga joogo bil iyo dheeraad isla magaaladaas ku dhexmaray Cusmaan Caato iyo Mawliid Macaani oo dhinac ah oo sida ay sheegeen matalayay golaha SRRC iyo Cabdiqaasim Salaad iyo rag la socday oo matalaya DKMG ah.

Shirkaan cusub ayaa ilaa hadda waxaa ka soo qaybgalaya oo kaliya kooxihii horay shirka ugu yeeshay Nairobi.

Natiijada ka soo bixi doonta ayaa u muuqata midaan wax badan ka duwanayn tii shirkii hore Nairobi lagu qabtay oo isagu u dhacay qaabkan:

Warar diblamaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in shirkaasi hore ee Nairobi uu ka dhashay shirar hoose oo horay Muqdisho ugu dhexmaray Cusmaan Caato oo ka mid ah kooxaha diiday wixii ka soo baxay shirkii Carta iyo DKMG ah, kaasi oo xitaa gor gortan lacageed ay ku gaareen sidii Cusmaan ugu soo biiri lahaa DKMG ah, markii heshiiskaas qarsoodiga ahi uu ka dhacay Muqdisho ayaa ku dhawaaqistiisa loo arkay in looga faa'iidaysto dhanka diblaamisiyada gaar ahaan tan dawladaha Dariska la ah Somaliya, fikirkaan ayaa waxaa lug weyn ku lahaa dawlada Jabuuti oo iyada dalkeeda lagu qabtay shirkii lagu dhisay DKMG ah ee Carta,  isla markaana  uga wakiilka ahayd dawladaha carbeed oo ay ugu horayso Masar oo iyadu gadaal ka taagnayd Jabuuti tan iyo markii ay fooda isku dareen Dawlada Itoobiya arimaha Somaliya, DKMG ah iyo dawladaha taageera ayaa u arkay inuusan heshiiska Cusmaan Cato iyo DKMG ah  waxbadan soo kor dhinayn sidii kuwii ka horeeyay ee Maxamed Qanyare iyo Xuseen Xaaji Bood haddii ay wali maqan yihiin kooxihii muhiimka ahaa ee Somalida iyo kaalinta muhiimka ah ee dawladaha kale ee dariska la ah Somaliya.

Kenya oo ah dal deris la ah Somaliya ahna dalka labaad ee xuduudka ugu dheer la wadaagta Somaliya marka laga tago Itoobiya, Kenya oo u muuqatay inay tahay dal dhexdhexaad ka ahaa dawladaha Carabta iyo kuwa gobolka ee isku jiid jiidanaya arimaha Somaliya ayna u dheer tahay inay tahay dal xaga diblaamisayada gobolka magacweyn ku leh, isla markaana ayan cadayn mawqifkeeda wixii ka soo baxay shirkii Carta ayaa loo arkay in looga faa'iidaysto ku dhawaaqista heshiiska hoose ee dhexmaray DKMG ah iyo Cusmaan Caato.

Mawliid Macaani oo ahaa gaashaanle dhexe oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Somaliya, soona noqday garsoore Kubadda Cagta, marna ahaa xoghayaha joogtada ah ee golaha shacabka Somaaliya xiligii xukuumadii Maxamed Siyaad Barre, xiligii dagaalada sokeeyana sheegay inuu yahay gudoomiyaha ururka Jareer Weyn sida uu ugu yeero Mawliid garabka mid ah oo ay isku haysteen jagadaas Maxamed Arbow Ramadaan oo garabka SSA ee Cali Mahdi ahaa iyo Sheekh Jaamac oo isaguna ahaa garabkii SNA ee Caydiid, Mawliid  oo mudooyinkaan dambe gacanta midig ee Cusmaan Caato noqday, una raacayay safaradii Cusmaan ee Hargaysa iyo wadamada gobolka, Mawliid oo ugu dambayntii soo gaaray jagada xoghayaha Golaha SRRC  wuxuu qorshan DKMG ah iyo Cusmaan Caato u noqday fure aad looga faa'iidaysan karo markay timaado darajada uu ka hayo ururka SRRC iyo aqoonta wada shaqayneed ee ay isu lee yihiin Madaxweynaha DKMG Cabdiqaasim oo ay la soo wada shaqeeyeen Dawladii Maxamed Siyaad Barre.

Sidda uu noo sheegay qof xog ogaal ah oo aan doonayn in la magacaabo waxaa qorshaha  ugu weyn ee shirka Nairobi ahaa in lagu saxiixo heshiiskaas Muqdisho lagu gaaray si beesha caalamka loogu tusiyo heshiis guud  oo dhexmaray kooxaha Somalida (SRRC) oo iyagu aanba Nairobi tagin iyo  DKMG ah, tani oo sigaara loogu raadinayay taageero aqoonsi oo DKMG ahi kaga hesho ugu yaraan Dawlada Kenya oo mawqifkeeda shirkii Carta uu yahay mid aan cadayn, isla markaana haddii dawlada  Itoobiya ay shirkaas Kenya diido in ay iska horyimaadaan  Kenya oo loo muujinayo inay hirgalisay heshiiskaan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay dawlada Kenya u tageen rag ay ka mid yihiin Cusmaan Caato iyo Mawliid Macaani , waxayna dawlada Kenya u sheegeen in ay matalayaan Golaha SRRC, waxayna ka dalbadeen in ay Kenya wada hadalsiiso Golaha SRRC iyo DKMG ah  ayna diyaar u yihiin in la gaaro heshiis, DKMG ah ayaa iyana dhankeeda ka codsatay Dawlada Liibiya  inay  Liibiya madaxweynaha Kenya ka codsato inuu Marti galiyo shir ay isugu yimaadaan Golaha SRRC iyo DKMG ah taasi oo Liibiya Ogolaatay, Dawlada Liibiyana waxay markaas ka dib ka codsatay Kenya inay Marti galiso shir kooxaha Somalida lagu heshiisiinayo oo ay Liibiyana bixiso wixii kharash ku baxaya.

Dawlada Kenya oo rumaysatay in Mawliid Macaani iyo Cusmaan Caato ay si buuxda wakiil uga Yihiin golaha SRRC, kana heshay Liibiya codsi  iyo kharshkii  Somalida la isugu keeni lahaa ayaa ku dhaqaaqday Casuumad loo diray DKMG ah iyo xubnihii kale ee Golaha SRRC, taasi oo markiiba ay DKMG ah  ay ku aqbashay si deg deg ah iyadoo ku xoojisay inayba riday Dawladii Cali Khaliif Galayr si ay ugu muujiso Kenya inay diyaar u tahay heshiiska,  Kooxda SRRC ayaa iyagu casuumadii Kenya ay ku noqotay wax deg deg ah, waxayna sheegeen inay shirkaan ku hoos jirto khiyaamo qarsoon, waxayna kaga jawaabeen siday horayba ugu sheegi jireen in ay shirka imaanayaan oo kaliya haddii looga soo qaybgalo dhamaan dhinacyada Somaliya si siman oo aan kooxina sheeganayn wax darajo ah (Dawladnimo).

Dawlada Itoobiya oo  laftigeeda qorshaha shirkaan kaga warheshay Casuumada Kenya ee loo diray kooxaha Somalida ayaa iyana qaaday talaabo deg deg ah, waxayna dhankeeda casuumaad ugaga dirtay kooxaha Somaalida ee ay xiriirka lahaayeen iyadoo ku casuntay inay dalkeeda isugu yimaadaan taasi oo ay aqbaleen.

Tani waxay keentay inay Nairobi tagaan Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti oo qorshaha shirka dawladiisu wax kaga jirtay, Madaxweynaha DKMG ah Cabdiqaasim oo matalaya Maamulaka Carta iyo Cusmaan Caato iyo Mawliid Macaani oo iyagu sheegay inay matalayaan golaha SRRC oo gabi ahaanba intiisii kale ay diideen shirkaas Nairobi ka qaybgalkiisa badalkiisiina shir wada tashi ah ku yeeshay  Itoobiya kaasi oo gunaanadkiisii ay ku sheegeen mawqifkoodii hore .

Waxaa shirkaas Nairobi ka soo baxday in Kenya  ayna wax badan ka ogayn shirka ay casuumadiisa Somalida u ugu yeertay dalkeeda, oo ay ku dhacday qorshe ay soo sameeyeen Somalida inta Nairobi tagtay iyo dawlado kale.

Kenya laf tigeedu way garatay in waxbadani ka qaldanaayeen qorshaha shirkaan ay isugu yeertay, markay timaado kaalinteedii dhex dhexaadnimo ee arimaha Somaliya, oo ay dhex dhexaad ugu ahayd Somalida iyo dawladaha kale sida Itoobiya oo dhinac ah iyo dawlada Jabuuti oo kana wakiil ah dawladaha carbeed ee ay ugu horeeyaan Masar iyo  Libiya oo iyagu dhawr goor oo hore fooda isku dareen arimaha Somaliya Itoobiya oo ka wakiil ah Ururka Afrika.

Shirkaas hore wuxuu ku soo dhamaaday iyadoon wax natiijo ah lagu gaarin, marka laga reebo iyadoo lagu soo balamay inay Kenya ka shaqayso inay dawlada Itoobiya ku qanciso in kooxaha ay gacan saarka leeyihiin yimaadaan shirka Nairobi, loona tusay Kenya in Itoobiya ay tahay tan shirka Nairobi iyadu kala dhantaashay, balse Gudoomiyaha RRA ahna gudoomiyaha wareega ah ee golaha SRRC ee xiligaan Xassan Maxamed Shaati Gaduud ayaa isagu tagay Nairobi markii shirkii dhamaaday ka dib isagoo la kulmay madaxweynaha Kenya oo uu u sheegay Mawqifkooda rasmiga ah ee arimaha dib u heshiisiinta, isagoo ka sheegay in Ururkooda SRRC ay ka dhab tahay dib u heshiisiin laga garo arimaha Somaliya taasi oo looga baahan yahay sidaas oo kale dhinacyada kale ee Somalida, wuxuuna sheegay wixii shir la isugu imanayo in kooxaha oo dhami si siman uga soo qaybgalaan iyadoon darajo gaara kooxina sheeganayn, wuxuu raaciyay intaas in sidda keliye ee dib u heshiisiin loo dhan yahay lagu heli karo ay tahay iyadoo hindisaha nabad raadintu uu kawada yimaado ururka IGAD ee ay ku bahooween dowladaha Bariga Afrika, ma ahan ayuu yiri in kolba dowlad gaar ihi xil iska saarto arimaha Somaliya.

Isku soo duuboo shirka hadda ay isugu tagayaan Nairobi DKMG ah, Mawliid Macaani oo isagu marakan aan sidan darajadii (Xoghayaha Guud ee SRRC) oo uu kaga qayb galay shirkii hore iyo Cusmaan Caato  ayaa dadka aadka ula socda qorshahooda waxay sheegayaan in kaliya lagu soo saxiixayo heshiiskii bilaha ka hor dhexmaray Cusmaan Caato iyo DKMG ah iyadoo loola jeedo in lagu raali galiyo Madaxweynaha Kenya fadeexadii shirkii hore ka dhalatay.

Heshiiska DKMG ah iyo Cusmaan Cato ayaa ilo xog ogaal ahi noo sheegeen in  ay qayb ka tahay in dawlada uu soo magacaabi doono Xasan Abshir ay qayb ka noqdaan rag kooxda Cusmaan Caato ka mid ah iyo Mawliid Macaani oo isaga la xaqiijiyay inuu ugu yaraan heli doona jago wasiirnimo, warku wuxuu sheegayaa in Cusmaan Caato uusan qof ahaan ka qaybgali doonin jagooyinka dawlada balse uu u matali doono door kale oo aan la cadayn, isagoo heli doona isla markaana lacagtii horay loogu balan qaaday.

Ka qaybgalida Cusmaan Caato ee DKMG ah ayaa loo arkaa mid faa'iidada dawlada Cabdiqaasim ay ka helaysaa ay tahay  in taageerada Beesha Sacad ee Xuseen Caydiid ay ku yareeyaan mar haddii uu ku soo biiro Cusmaan oo ay Xuseen isku beel yihiin.

Xuseen iyo Cusmaan ayaa waxaa u dhexeeyay loolan xagga awooda beesha dhexdeeda ah marka laga soo tago dhimashadii Maxamed Farax Caydiid oo ku dhintay dagaaladii dhexmaray Maleeshiyada Cusmaan Caato iyo tii Dawladii Salbalaar ee Maxamed Farax Caydiid, Waxayaabaha Cusmaan Caato dadajiyay heshiis uu la galo Dawlada Cabdiqaasim marka laga tago arimaha dhaqaalaha ee uu ka helayo heshiiska DKMG ah uu la galay  ayaa la sheegayaa inay tahay iyadoo Cusmaan uusan kaalin weyn oo siyaasadeed ka helin golaha SRRC oo Xuseen Caydiid uu buuxiyay booskii Beeshoodu ka heli lahayd golahaas, Cismaana marakan uu doonayo inuu kaalin muuqato uu ku yeesho DKMG ah si uu fursad ugu helo loolanka awoodeed ee Beesha dhexdeeda ka socda.

Waxaa soo uruuriyay

M. Kaahin   - Muqdisho AllPuntland News.

 


[ Analysis]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:10 AM. Webmaster HomePage