19 May 2007 04:23

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • [SW News] ( Qaranimo - Mogadisho) The Lives of 18 American Soldiers Are Not Better Than Thousands of Somali Lives They Killed, Somalia’s TNG Prime Minister Col. Hassan Abshir Farah says  : Posted on [20 Jan 2002 ]

The Lives of 18 American Soldiers Are Not Better Than Thousands of Somali Lives They Killed, Somalia’s TNG Prime Minister Col. Hassan Abshir Farah says

Mogadishu: Thursday January 17, 2002

The Prime Minister of the Transitional National Government (TNG) of Somalia, Col. Hassan Abshir Farah had the day before yesterday held many hours long session with the commanders of the armed forces and the Banadir regional administration officials at Hotel Ramadan, Mogadishu. The focal point of the meeting was to address the security situation of Mogadishu. The officials in the meeting discussed ways in which they could improve the deteriorating security situation of the city.

In an emotionally charged speech, Mr. Farah said that he was fed up with the long period of waiting for the opposition leaders to join his government. He stated that two months has passed since he was appointed to the position, and yet he had to nominate his cabinet and therefore he could not do anything because he had to wait for the opposition to join them.  “We are not going out to retake the areas held by the opposition factions; however, we are not going to tolerate anyone who supports the robbery”, he announced. Mr. Farah declared that any thug who does not lay down his gun would be shot at, adding that those willing to protect them (the thugs) should come forth. You see how women and children are being treated in the streets of Mogadishu and others are being forced to pay illegal charge for using the public streets, Mr. Farah has been quoted as saying. “Here he is, the chief of operations of the armed forces” Mr. Farah Said, pointing his finger at General Naji, sitting close to him. “We will stand firm against the robbers, and the public has to give hand to the police forces with their duties and their responsibilities; by Allah, by Allah, the national force can not be matched by any clan militia, and General Naji is here; what we have our weapons for is to use against the internal (local) enemy and against the external (foreign) enemy”, he said; adding that “Sometime in the past, the folks that were in Mogadishu had a dispute with the Americans, and they (the Americans) lost 18 soldiers as a result, but they killed thousands of thousands of Somalis, therefore, those 18 soldiers are not better than the number of Somalis killed”.

Bin Laden and his group have no presence in Mogadishu, and they have no objections to the Americans to come to Mogadishu, Mr. Farah said. He also stated that they are willing to show them everywhere. 


KULAN BALLAARAN OO AY YEESHEEN XASAN ABSHIR IYO TALIYAYAASHA CIIDAMMADA IYO MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR

XASAN ABSHIR "Tuugii diida in uu Qoriga dhigo waa in xabad lagu dhuftaa ciddii difaaci lahaydna ha timaado"

Muqdisho:

Xasan Abshir Faarax oo ah Ra’isul Wasaaraha Dowladda KMG ah ayaa maalinimadii Dorraad shir saacado badan qaatay kula yeeshay Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho taliyayaasha ciidammada iyo maamulka Gobolka Banaadir, kulankaas oo ku saabsanaa wax ka qabashada ammaanka magaalada Muqdisho ayaa waxay mas’uuliyiintii isugu timid isla gorfeeyeen suurtagalnimada in si muuqata wax looga qabto nabadgelyada siixumaaneysa ee ka jirta magaalada Muqdisho.

"Markii la I doortay ilaa iyo hadda waxaa la sii caga cageynayaa 2 Bilood ilaa iyo haddana waxba waan dhisi la’nahay, waxa aan u dhisi lanahayna waa in ay mucaaradka nagu soo biiraan, laakiin ma ahan in aan goobaha mucaaradka weerareyno, kamana gambaneyno ninkii burcadda gacan siinaya, tuugii diida in uu Qoriga dhigo waa in xabad lagu dhiftaa ciddii difaaci lahaydna ha timaado" ayuu si kulul u yiri Xasan Abshir oo intaasi raaciyey "waad arkeysaan magaalada Muqdisho sida dariiqyada farqaha loogu heysto haweenkii iyo caruurtii kuwana waxaa laga qaadayaa lacagta xaaraanta ah oo loo yaqaano leejada, waa kanaa abbaanduulihii ciidammada (isagoo farta ku fiiqaya Jen. Naji oo agtiisa fadhiyey) ka gambanmeyno burcadda dadkuna waa in ay gacan ku siiyaan ciidammada Booliska waajibaadka ay gudanayaan, ciidammada Qaranku Qabiil u daahi maayaan Walaahi Bilaahi, Naajina waa kan waa joogaa, hubka aan heysanana waxaan u heysanaa cadowga gudaha iyo kan dibadda" ayuu yiri isagoo intaasi raaciyey "hadda ka hor qoladii Xamar joogtay ayey is khilaafeen Mareykanka waxaana laga dilay 18 Askari, Soomaalidana waxaa laga laayey kummaan kun, haddaba intii uu laayey kama fiicna Askartii laga dilay, Bin Ladin iyo Qoladiisana Xamar ma joogaan anaga ayaanna ogol in uu Mareykanka Xamar yimaado, waxaana diyaar u nahay in aan meel kasta geyno.

Weriyaha Qaranimo ee Muqdisho Cabdishakuur Cilmi Xasan


 

Source: wariyaha Qaranimo ee Muqdisho Cabdishakuur Cilmi Xasan 0


Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:11 AM. Webmaster HomePage