|
||||
Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.
Isimmadu
Waa Ilaaliyayaasha Siyaasisyiinta ee Ma Aha Siyaasiyiin Maxamuud Abdi - Moabdi21@aol.com
Hordhac Go'aankii ay
soo saareen Islaam Maxamed Islaan Muse iyo Suldaan Siciid Maxamed
Garaase oo ku sheegeen in ayan aqoonsanayn madaxweynanimada Cabdullahi
Yusuf ama midda Jaamac Cali Jaamac iyo inay labadaas nin ciidammadooda
kala baxaan Garoowe wuxuu ahaa mid garab maray marinkii habboonaa. Waxaa
laga yaabaa inay islahaayeen dhibaato taagan bay xallinayaan; laakiin
nasiib darro go'aankoodu wuxuu abuurayaa dhibaato middii hore ka weyn.
Islaan
Maxamed iyo Suldaan Siciid ma aha laba nin oo caadi ah oo waxay rabaan
intay ku hadlaan laga gudbayo; waxay ka mid yihiin odayaasha waaweyn ee
Puntland, hadalkooduna wuxuu leeyahay ahamiyad weyn oo uusan lahayn
hadalka qofka caadiga ah. Go'aankaas waxay ku soo saareen magaca beesha
Nugaal oo ay madax u yihiin. Waxaan rajeynayaa in beesha Nugaal ayan ku
raacsaneen go'aankooda, iyagoo arkaya halka oo ka khaldan yahay. Mu’aamaraadka ay DKMG Xamar u Maleegeysa DG Puntland Islaan
Maxamed iyo Suldaan Siciid waxay isasiiyeen awood ayan xaq u lehayn:
middaas oo ah inay labadooda oo keli ah ay goosteen inay ka taliyaan
aayaha Puntland (dad iyo dalba). Waa arrin la yaab leh in laba nin oo
madax u ah hal beel oo ka tirsan beelaha isku bahaystay Puntland ay
go'aamiyaan in la burburiyo maamul goboleedki Puntland iyagoo aan talada
la wadaagin beelihii kale ee maamulka ka mid ahaa. Dhibaatada
siyaasadeed ee ka taagan Puntland waa la wada og yahay. Waxaa loo
baahnaa in dhibaatadaas si nabad ah loo xalliyo iyada oo aan wax loo
dhimin maamulka. Waa waajib saarnaa odayaasha beelaha Puntland. Go'aanka
kasta oo ayan beeluhu u dhammayn wuxuu wax yeelleynayaa midnimada reer
Puntland. Wixii midnimadooda waxyeelleynaya wuxuuna u adeegayaa dadka ka
soo horjeeda jiritaanka maamulka Puntland. Dhibaatada
Puntland maanta haysata way ka weyn tahay Cabdullahi Yusuf Axmed iyo
Jaamac Cali Jaamac. Maanta jiritaanki dawlad-gonoleeda Puntland (DGPL)
ayaa khatar u jira, wuxuuna u baahan yahay dad wax garad ah oo fiira
dheer oo badbaadiya. Arrintu ma taagna madaxweyne iyo isin iyo boqor;
waxaa halis ku jira ayaaha dadka reer Puntland. Badabaadad DGPL waxay
mas'uul ka ah hoggaannada beelaha, mar haddii uu hoggaankii siyaasadeed
ku guuleysan waayey inuu ka soo baxo kaalintiisi. Marinkoodu
wuxuu ahaa inay isugu yeeraan madaxda beelaha ku bahoobay maamulka
Puntland oo ay si dhab ah uaga wada xaajoodaan dhibaatada soo
foodsaartay gobolka. Waxay ahayd inay la tashadaan indheergaradka,
siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada, markaasna ay soo saaraan go'aan kama
dameys ah oo lagu turxaan bixinayo khaladki galay siyaasaddii Puntland.
Tallabada noocaas ah ayaa dhibaatada siyaasadeed iyo nabadgelyo xal u
noqon lahayd. Nasiib darro, odayaashi beelaha waxay noqdeen siyaasiyiin,
waxayna u fashileen sidii ay siyaasiyiinti u fashileen. Go'aanka
ay soo saareen Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid wuxuu si toos ah ugu
adeegayaa Dawladda ku-meelgaarka ah (DKMG) ee Xamar ka dhisan;
dawladdaas oo aan marna qarsan ujeeddadeed ah inay burburiso DGPL.
Ujeeddada DKMG waxay tahay in uusan waddanka ka dhisnaan maamul goboleed
iyaga ka madax bannaan, sababtoo ah jiritaanka maamul-goboleed iyaga ka
madax bannan wuxuu beeninayaa sheegashada ay sheeganyaan inay waddanka
ka taliyaan. Xaqiiada la wada ogyahayna waxay tahay in awoodda DKMG ahi
uusan dhaafsiisnayn Hotel Ramadan iyo hareerihiisa. DGPL ma aha cadawga
ummada Soomaaliyeed. DGPL waxay ka mid tahay Soomaaliya, waxayna
weligeed diyaar u ahayd noo nooleynta dawladdii Soomaaliya. Waxaanayse
diyaar u ahayn in afar haraagii Maxamed Siyaad Barre oo Xamar isku
uruursaday ay ka taliyaan aayaha dadka reer Puntland. Si ay u
sahlanaato burburinta DGPL, Cabdiqaasin Salad Xasan wuxuu dhawaan u
magacaabay Xasan Abshir Farax oo ku abtirsada beesha Nugaal. Jagadaas
wuxuu hore uga eryay Cali Khaliif Gallayr oo waxba ka qaban waayay
Puntland. Xasan Abshir iyo Cabdiqaasin waa laba nin oo ku soo barbaaray
gurigii siyaasadeed ee Maxamed Siyaad Barre. Waa laba nin oo
maslaxaddooda ma ogiye aan maslaxadda qarank ay qalbgooda ka madowdahay.
Xasan Abshir shalay wuxuu wasiir ka ahaa DGPL, maantana wuxuu ra'iisul
wasaare ka yahay DKMG ee xamar. Berrina meeshi ay ka bisishahay buu
aadi. Haddii ay Xamar qasantana lafihiisa meesha keli ah ee uu ku
badbaadayo waa Puntland. Nasiib darro waxaa ah in Xasan Abshir
qaamuuskiisa ayan ku jirin maalinka berri ah. Dubai waxaa
dhawaan lagu qabtay 5 balyan Shilin
Soomaali oo been ah oo lagu soo daabacay Indonesia loona waday
Xamar. Qoraalladu sida ay sheegeen, waxaa ;lacagta soo sameyay DKMG,
gaar ahaan Cabdiqaasin Salaad Xasan iyo rag ay qaraabo ama ganacsi
wadaagaan. Lacagtaas waxaa loo soo sameeyay sidii loogu faafin lahaa
waddanka, si loo burburiyo dhaqaalaha gobollada, gaar ahaan kuwa aan
raacsanayn DKMG ah. Cabdiqaasin iyo xulafadiisu khabiir bay ku yihiin in
dhaqaale burburku uu keenayaa nabadgelyo xumi, fawdo iyo dagaal sokeeye.
Meeshii uu dagaal sokeeye ka dhacana nidaam dawladeed kama taagnaan
karo. Shacabka Soomaalida, gaar ahaan kuwa Puntland, ma aha dad dhaqaale
adag leh. Haddii uu dhaqaaluhu burburo oo dadku ay gaajo soo food
saarto, waxay aqbalayaan waxyaabo aanay aqbali karin marka ay nabad
qabaan oo asturan yihiin. Haddii uu dhaqalaha Puntland burburo,
wadajirkii ummaddana gudaha laga duqeeyo, reer walbana yiraahdo
"arli waa quud ee ha la qarafsado", axaa xaqiiqa ah in muddo
aan fogayn gobolladaas oo dhan Xamar looga soo diri doono guddomiyayaal
gobol iyo degmo ayan raalli ka ahayn. Madaxda gobolladaas intaas haddii
ay fahmi waayaan, xaq uma ay laha inay ummadda hoggaan u noqdaan. Magaalo madaxda DGPL (Garoowe) iyo Mustaqbalka DGPL Garoowe waa
caasumadda Puntland. Dastuurka Puntland wuxuu qorayaa in caasimadda lagu
dhaqayo xeer gaar u ah (Qodobka 3.2). Middaasu macnaheedu waxaa weeye
Garoowe was deegaan u dhexeeya reer Puntland oo dhan. Garoowe iyo dadka
reer Garoowe dantooda dhaqaale iyo nabadgelyo ayaa ku jirta inay
magaaladu noqoto mid u dhaxayso ummadda oo dhan. Sidaas daraddeed, xaq
uma ay laha laba oday-beeleed inay yiraahdaan Garoowe caasimad uma aha
Puntland. Su'aasha
meesha taal waxay tahay, danta ugu jirta Islaanka iyo Suldaanka reer
Nugaal inayan Garoowe noqon caasimadda DGPL maxay tahay? Waa hubaal inay
ogyihiin faa'iidaha Garoowe ay ka heshay magaalo madaxnimada Puntland.
Haddii ay danta Garoowe ka shaqaynayaan maxay faa'iidadaas u
daadinayaan? Jawaabta ma aqaan. Sida la wada ogsoon yahay, Cabdiqaasin
wuxuu ka tillaabsaday heshiiskii Carta uu ku saxiixay oo qorayay in
Baydhabo u noqoto caasimad DKGM inta Xamar ay xasilayso. Laakiin isagoo
dareensan faa'iidada ay leedahay magaalo madaxnimadu ayuu heshiiskaas
garab maray oo DKMG ahayd xamar u raray. Waxay ahayd
Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid inay fahmaan maslaxadda Garoowe iyo
dadkeeda inti ayan soo saarin go'aanno aan caqli gal ahayn. Dantuna
waxay ku jirtaa in uusan qof walba faraha la gelin maamulka Garoowe oo
ay u daayaan inay ahaato caasumadda Puntland. Haddiise qof walba
yiraahdo reerkayagaa meesha u badan, sidaas daraaddeed hadalkayga ayaa
soconaya, natiijadu waxay noqonaysa fawdo iyo amni darri. Haddii ay ku
dhiirradaan in Garoowe looga tago (waxaan rajeynayaa inayan ku
adkeysan), iyagoo ku xisaabtamaya in Cabdullahi iyo Jaamac midkoodna
uusan dagaal ka oogayn magaalada, waa inay xisaabta ku darsadaan in
gobollada kale ee ay Puntland ka kooban tahay ay go'aansan karaan in
magaalo madaxda Puntland laga raro Garoowe oo la geeyo meel kale oo lagu
kalsoon yahay odayaasheedu inay ka fiiro dheer yihiin Islaan Maxamed iyo
Suldaan Siciid. Magaalada L/Caanood baa filayaa inay bedessho Garoowe,
laba sababood awgood. Mid waa "strategy" oo waxay u adeegeysaa
mustaqbalka Puntland si aan la qiyaasi karin. Qof kasta oo la socda
siyaasadda Soomaaliya 10kii sano ee ugu dambeeyay waa uu garan karaa
sida ay muhim u tahay L/Caanood. Miidda kale waa mid dhismo iyo
dhaqaale. Garoowe magaalo yar bay ahayd wixii ka horreeyay 1998,
maantana waa magaalo cammiran. Sidaas oo kale ayay L/Caanoodna u
dhismaysaa oo magaalo weyn u noqonaysaa haddii ay noqoto caasimad. Gunaanad Ugu dambeyn,
waxaan ku bararujinayaa dadka reer Puntland, madax iyo raciyadba, inay
indhaha kala qaadaan oo gartaan in hroumarka iyo nabadgelyada Puntland
ay ka weyntahay waxyaabaha yaryar ee la isku haysto. Khatar weyn baa ku
soo food leh DGPL, haddii sida hadda lagu jiro lagu sii socdo, waxaa
hubaal ah in DGPL ayan u dabbaaldegayn sannad guura kale. Puntland inay
noqoto dawlad-goboleed shaqaynaysa oo leh awood dhaqaale iyo mid
siyaasadeed, dadkeeduna baqwaaqo ku nool yihiin iyo inay noqoto meel
fawda ah oo laga maamulo Xamar waxaa u taallaa hoggaanka siyaasadeed iyo
bulsho ee maanta ka dhisan gobolladaas. DGPL inay jirto iyo inay
baaba'do, inay madaxbannaanaato iyo inay Xamar ku xiranto waxba kama
dhexeeyaan. Labadaba isku heli kari meyno ee aynu kala dooranno. Maxamuud Abdi - Moabdi21@aol.com |
Copyright © 1999 by somaliawatch.org. All Rights Reserved. Revised: 19 May 2007 05:10 AM. Webmaster HomePage |