19 May 2007 04:23

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • [SW News] BAAQ KA DHAN AH DAGAALKA KA DHACAY DEGMADA GAALKACYO  : Posted on [10 Feb 2002]

 

BAAQ KA DHAN AH DAGAALKA KA DHACAY DEGMADA GAALKACYO 

WAR-SAXAAFADEED  

ANNAGA oo ah aqoonyahanno iyo indheergarad ka tirsan beelaha Sacad (Habargidir) iyo Surre (Dir Koonfurreed) oo ku kalsoon in aanu ka tarjumayno rabitaanka xubnaha beelaha aanu ka soo jeedno ee ku sugan dalka Ingiriiska iyo guud ahaan dalalka Yurub;  dareensan burburkii iyo dhibaatooyinkii ay ummadda Soomaaliyeed ka dhaxashay dagaal beeleedyadii ka dhacayey deegaanada dalkeenna; qadarinayna cawaaqib-xumada ka dhalan karta colaad baahda oo aan degdeg loo soo afjarin; xusuusan waajibka Islaamiga ah ee naga saaran ka qayb qaadashada xalinta khilaafaadka dadkeenna; dhowrayna duruufaha  adag ee uu dalkeennu guud ahaan ku sugan yahay: 

WAXAAN si buuxda u cadaynaynaa in aanu ka soo horjeedno dagaalka ka dhacay degmada Gaalkacyo, dagaalkaas oo laga dhaxlay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur saameeyey dad iyo duunyaba;  

WAXAAN tacsi u diraynaa qoysaskii walaalaha ahaa ee waxyeeladu ka soo gaartay dhibaatadaasi;   

WAXAAN ugu baaqaynaa shacbiga deegaankaas wada deggen ee colaadu dhex martay xabad joojin, deegaankana laga saaro hubka waaweyn, isla markaasna si degdeg ah xal dhab ah looga gaaro khilaafka;  

WAXAAN ku dhiirigalinaynaa oday-dhaqameedyada, indheergaradka, aqoonyahanada, iyo culima’udiinka ka soo jeeda deegaankaasi in ay dardar galiyaan soo afjarida khilaafkan waxyeelada farabadan gaarsiiyey shacbi danyar ah duruuftii dowlad la’aanta iyo abaartu ugu darsantay colaadan sokeeye.

WAXAAN ugu baaqaynaa in ay hay’adaha caalamiga ah gargaar degdeg ah ugu fidiyaan shacbiga deegaankaas ka soo baro-kacay iyo kuwa biyo la’aanta u liita.

 

XUBNAHA BEESHA SACAD (HABARGIDIR)

XUBNAHA BEESHA SURRE

(DIR KOONFUREED)

  1. Cumar Salaad Cilmi
  2. Dr. Cali Xaashi Dhoore
  3. Eng. Maxamed Cusmaan (Balayer)
  4. Muuse Nuur Qayd
  5. Cabdi Xasan Shabeel
  6. Axmed Shire Maxamed
  7. Col. Siciid Axmed Kadiye
  8. Muuse Xaashi
  9. Siciid Maxamed Samatar
  10. Cabdi Nuur Iley

 

  1. Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad
  2. Drs. Faadumo Aadan Cali
  3. Dr. Maxamed Sheekh Muuse
  4. Dr. Xuseen Xaaji Cabdulaahi Fiiqow
  5. Dr. Cabdi Khaliif Warsame
  6. Dr. Maxamed CabdiWali Sheekh Yuusuf
  7. Dr. Cabduqaadir Aadan Cali
  8. Cali Jaamac Warsame
  9. Axmed Cabdi Mataan
  10. Maxamed Cabduqaadir Jirde

     

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

             

 

[ News]


Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:10 AM. Webmaster HomePage