19 May 2007 04:23

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country] (APL ) Xassan Abshir oo ku dhawaaqay golihiisii wasiirada.  :Posted on [16 Feb 2002]

Xassan Abshir oo ku dhawaaqay golihiisii wasiirada.

Mogadisho  February 16 2002

 

kk

Xassan Abshir Faarax ra'iisal wasaaraha Maamulka Carta ayaa galabta ku dhawaaqay liiska magacyada Wasiirada dawlada Cabdiqaasim Salaad Xassan, magacaabidaan ayaan lagu darin kooxihii heshiiska  kula soo galay dalka Kenya kooxda Carta, taasi oo ka dhigaysa mid gabi ahaanba burburay heshiiskii Nakuuru ee Kenya ku dhexmaray maamulka Carta iyo kooxo uu hormuud ka ahaa Cusmaan Caato.

Magacayada ku jira liiska wasiirada Cabdiqaasim ee cusub ayaa badankoodu ah wasiiradii dawladii Cali Khaliif Galayr, waxaan iyagu liiskaan soo galin rag muhiim ahaa oo ay ka mid yihiin wasiirkii Gaashaandhiga Cabdullaahi Boqor Muuse iyo Ismaaciil Hure Buubaa oo ahaa wasiirkii arimaha dibada, labadaan nin ayaa in dhawaale xiriirkooda Cabdiqaasim uusan fiicnayn.

Sidday doonto ha noqotee waxaa dadka siyaasada Somaliya la socdaa sheegayaan in Magacaabistaani ay tahay mid aan waxba ku soo kordhinayn xaalada Somaliya, walibana waxay tilmaamayaan guul daro inay u tahay maamulka Carta oo ku guul daraystay inuu meel mariyo heshiiskii Nakuuru Kenya uu kula yeeshay kooxaha qaar, maamulka Carta waxaa todobaadkii hore ka baxay hogaamiye kooxeed muhiim ka ahaa Muqdisho Maxamed Qanyare Afrax oo saxaafada u sheegay inuusan aqoonsanayn wixii ka soo baxay Carta inkastoo uu mar wasiir kahaa, wuxuu ku tilmaamay ragga maamulkaas ku jira kuwo danaystayaal ah oo wax dan ah aan u hayn dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Magacyada iyo xilalka maamulka Cabdiqaasim ee cusub waxay kala yihiin:

1 Dr. Maxamuud Faarax Cumar “Indhabuur”

Xilka:Wasiirka Caddaladda, Awqaafka iyo Arrimaha Diinta.

2 Dr. Daahir Sheekh Maxamed “Daahir Dayax”,

Xilka:Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga.

3 Danjire Yuusuf Xasan Ibrahim, 

Xilka:Wasiirka Arrimaha Dibadda.

4 Jeneral Cabdulwahaab Maxamed Xuseyn, .

Xilka:Wasiirka Gaashaandhigga

5 Dr. Xuseyn Maxmuud Sh. Xuseyn,

Xilka: Wasiirka Maliyadda.

6 Dr. Xuseyn Ceelaabe Faahiye, 

Xilka: Wasiirka Qorshaynta iyo Inkaashiga Caalamiga.

7 Dr. Sayid Axmed Sh. Daahir

Xilka: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha..

8 Dr. Yuusuf Macllin Amiin “Baadiyow”

Xilka: Wasiirka Warshadaha.

9 Dr. Axmed Maxamed Xanndulle

Xilka: Wasiirka Macdanta iyoBiyaha.

10 Dr. Maxamed Warsame Cali

Xilka: Wasiirka Hawlaha Guud.

11 Dr. Cabdi Gulled Maxamed,

Xilka: Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka

12 Dr. Cabdiwali Jaamac Warsame

Xilka: Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha

13 Ing. Cabdicasiis Sheikh Mukhtaar, 

Xilka: Wasiirka Seyniska iyo Teknolojiyada

14 Prof. Cabduraxman Aden Ibrahim “Ibbi”

Xilka: Wasiirka Warfaafiinta.

15 Dr. Maxamed Nuuraani Bakar,

Xilka: Wasiirka Caafimaadka.

16 Dr. Xuseyn Maxamed Cusmaan”Junbur”

Xilka: Wasiirka Waxbar. Iyo Barbaarinta.

17 Dr. Sakariya Maxamuud X. Cabdi, 

Xilka: Wasiirka Tacliinta Sare.

18 Mudane Cabdullahi Maxamed Shirwac

Xilka: Wasiir Shaqada iyo Badbaadada Shaqaalaha

19 Dr. Cabdulcasiis Mukhtaar Qariidi, 

Xilka: Wasiirka Dhallinyarada iyo Sbortiga.

20 Dr. Maxamed Nuur Jilley,

Xilka: Wasiirka Dawladaha Hoose

21 Dr.Xasan Faarax Xujaale,

Xilka: Wasiirka Dalxiiska iyo Badbaadada Duur-Joogta.

22 Mudane Cumar Xaashi Aaden

Xilka: Wasiirka Lacagta

23 Dr. Maxamed Meydhane Buraale

Xilka: Wasiirka Dib-u-Heshiisiinta iyo Xallinta iyo khilaafaadka

24 Dr. Cali Cabduraxman Xersi

Xilka: Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka.

25 Dr. Abuukar Cabdi Cusmaan

Xilka: Wasiirka Bi’ada iyo La-dagaalanka iyo nadaab guurka

26 Dr.ssa Seynab Aweys Xuseyn,

Xilka: Wasiirka Haweenka iyo Qoyska.

27 Mudane Cali Mursal Maxamed

Xilka: Wasiirka Hiddaha, Dhaqanka iyo Fanka.

28 Dr. Cabdulqaadir Aw Yuusuf Maxamed

Xilka: Wasiirka Dhib-u-dhiska iyo Guriyeenta.

29 Ing. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle “Madaxey”,

Xilka: Wasiirka Arrimaha Naafada Iyo Dhaqancelinta.

30 Dr. Saciid Warsame Abokor,

Xilka: Wasiirka Tamarta iyo Korontada.

31 Mudane Axmed Cabdullahi Jaamac “Daakir

Xilka:Wasiirka Arrimaha Jaaliyadaha Dibadda  iyo Qaxootiga.


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:10 AM. Webmaster HomePage