- [SW Country] ( Ciise Maxamuud Dhollowaa ) CODSI KAALMO
CARUURTA SOOMAALIYEED :Posted on [21 Feb 2002]
CODSI KAALMO CARUURTA
SOOMAALIYEED
Ciise Maxamuud Dhollowaa <imfarah@students.latrobe.edu.au>
Anaga oo kala ah Sheekh Ciise Cabdo, Cabdiraxmaan Jaamac Geyre iyo Ciise
Maxamud Dhollowaa, kuna hadleyna magaca gudiga waxtarka caruurta
Somaliyeed ee waddankan Australia loo keena arimaha caafimaadka,waxaan
ka codsaneynaa dhamaan dadkii ay wadda kulmeen Cabdiraxmaan Jaamca
Geyre, wadda hadlkana ka yeesheen arimaha caawinaada caruurta
Somaliyeed, in ay ku mahadsan yihiin taageeradooda iyo ogolaanshaha ay
ogolaadeen in ay naga caawiyaan arimahaas bini'aadanimada ah.
Cabdirxmaan Jaamac Geyre waxaa uu ilaa shalay iyo manta ku mashquulsanaa
lahadalka dadkii uu kula kulmay Europe iyo North America si ay uga wadda
hadlaan sidii dadka Somaliyeed dhaqaale sadaqo ah looga ururin lahaa
wakhtiga salaada Ciidul-Adxa. Sidaas darteed waxaan dhamaan dadka
Somaliyeed ee kala jooga magaalada Seattle, waddamada Sweden, Finland,
Germany iyo magaalada London in aan la weydiindoono wakhtiga salaada
ciida sadaqo loogu talo galay caawimaada caruurta hada nala jooga iyo
kuwa aan filayno in aan keeno 4ta bilood ee soo socda. Dadkaas iyaga ah
ee sadaqada ururinaya magacyadooda iyo taleefanadoodaba hoos ayey ku
qoran yihiin.
Waxaan kale oo aan ka codsananeynaa, isla markaasna ogeysiineynaa,
dhamaan ummaddda Somaliyeed ee kala degan magaalooyinka ka tirsan Europe
iyo North America, fursadana u leh in ay akhristaan qoraalkan, in aan
idiinka baahanahay caawimadaad dhaqaale oo wax loogu qabto caruurtaas
halkan la keenay ee midkood anaga Somalida ah laga rabo kharajka
qaliinka.
Waxaan kale oo aan idiin sheegeynaa in naloo ogolaaday in aan sanadka
keeno lix caruur ah, hawlohoodan waan idinla socdsiineynaa. Caruurtaasna
dhaqaalaha halkan lagu keenayo anaga Somalida ah ayaa laga rabaa, sidaas
darteed waxaan u baahanahay in arimahaas nalaka caawiyo. Caawimaadaasna
anagu hadaan nahay dadka Somaliyeed ee degan Australia waan ka qayb
qaadanay idinkana waxaan idinka codsaneynaa in aad nagala qayb
qaadataan. Waxaan aan idin weydiisaneynaa waa sadaqo ilaahay hortiis aad
geysaneysaa, siineysaana caruur iyagu u baahan.
Dadka aad la xiriireysaan, aanuna filayno in ay salaada Ciidul Adxaaga
wakhtiga la tukanayo idin weydiindoona waxay kal yihiin;
United States
1. Axmed Iftiinshe iyo Jeylaani Sheekh Cali oo ka socda Somali Community
Services of Seattle, Tell: 206 760 1185.
2. Maxamed Ciise iyo Kooshin Maxamed oo ka socda Somali Community
Services Coalition, Seattle, Tell: 206-7726473.
3. Sheekh Xuseen Cali; Tell: 206 258 1443, Sheekh Cusmaan Diiriye
Cigaal, Tell: 206- 2611023; iyo Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cigaal,
Tell: 253 639 8408 oo kuligood jooga Seattle.
Finland
1. Sheekh Aadan Sheekh Xasan ( Gole); iyo Maxamed Cali Dayax-Leef oo
labadoodaba aad kala xiriiri kartaan taleefonada ah; Guriga 358 89722547
iyo Mobile 358 408437411
Sweden
Dumarka la xiriira,
1. Jamiilo Saciid Musse, Tell: 4631 464376
Raga la xiriira,
2. Cabdiraxmaan Warsame Faarax, Jube Ciise Cabdi amaba Cabdulaahi Aadna
Xuseen.
London
1. Cabdulqaadir Faarax Jibriil, Tell: 740 71369.
2. Sahro Cabdi Musse, Tell: 208 3434621.
Germany
1. Axmed Yaasiin Sugule iyo Felis Baaruud, Tell: 49 6150865745
Dadkaas iyaga ah waxa hawshaas kala hadlay oo aan ugu mahad naqaqeynaa
walaalkaya Cabdiraxmaan Jaamac Gerye oo ka mid ah Gudiga ka jira
magaaladan Melbourne ee dalkan Australia.
WA BILAAHI TOWFIIQ
Qore: Ciise Maxamuud Dhollowaa
--
Issa Mohamud Farah "Dhollowaa"
155/95 Napier St,
Fitzroy 3065,
Victoria
Australia
Phone;
0415 172 025 (in Australia)
61 415 172 025 (outside of Australia)
[Country] |