19 May 2007 04:23

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country] ( Ciise Maxamuud Dhollowaa ) CODSI   KAALMO CARUURTA SOOMAALIYEED   :Posted on [21 Feb 2002]

 CODSI   KAALMO CARUURTA SOOMAALIYEED 

Ciise Maxamuud Dhollowaa   <imfarah@students.latrobe.edu.au>



Anaga oo kala ah Sheekh Ciise Cabdo, Cabdiraxmaan Jaamac Geyre iyo Ciise Maxamud Dhollowaa, kuna hadleyna magaca gudiga waxtarka caruurta Somaliyeed ee waddankan Australia loo keena arimaha caafimaadka,waxaan ka codsaneynaa dhamaan dadkii ay wadda kulmeen Cabdiraxmaan Jaamca Geyre, wadda hadlkana ka yeesheen arimaha caawinaada caruurta Somaliyeed, in ay ku mahadsan yihiin taageeradooda iyo ogolaanshaha ay ogolaadeen in ay naga caawiyaan arimahaas bini'aadanimada ah.

Cabdirxmaan Jaamac Geyre waxaa uu ilaa shalay iyo manta ku mashquulsanaa lahadalka dadkii uu kula kulmay Europe iyo North America si ay uga wadda hadlaan sidii dadka Somaliyeed dhaqaale sadaqo ah looga ururin lahaa wakhtiga salaada Ciidul-Adxa. Sidaas darteed waxaan dhamaan dadka Somaliyeed ee kala jooga magaalada Seattle, waddamada Sweden, Finland, Germany iyo magaalada London in aan la weydiindoono wakhtiga salaada ciida sadaqo loogu talo galay caawimaada caruurta hada nala jooga iyo kuwa aan filayno in aan keeno 4ta bilood ee soo socda. Dadkaas iyaga ah ee sadaqada ururinaya magacyadooda iyo taleefanadoodaba hoos ayey ku qoran yihiin.

Waxaan kale oo aan ka codsananeynaa, isla markaasna ogeysiineynaa, dhamaan ummaddda Somaliyeed ee kala degan magaalooyinka ka tirsan Europe iyo North America, fursadana u leh in ay akhristaan qoraalkan, in aan idiinka baahanahay caawimadaad dhaqaale oo wax loogu qabto caruurtaas halkan la keenay ee midkood anaga Somalida ah laga rabo kharajka qaliinka.

Waxaan kale oo aan idiin sheegeynaa in naloo ogolaaday in aan sanadka keeno lix caruur ah, hawlohoodan waan idinla socdsiineynaa. Caruurtaasna dhaqaalaha halkan lagu keenayo anaga Somalida ah ayaa laga rabaa, sidaas darteed waxaan u baahanahay in arimahaas nalaka caawiyo. Caawimaadaasna anagu hadaan nahay dadka Somaliyeed ee degan Australia waan ka qayb qaadanay idinkana waxaan idinka codsaneynaa in aad nagala qayb qaadataan. Waxaan aan idin weydiisaneynaa waa sadaqo ilaahay hortiis aad geysaneysaa, siineysaana caruur iyagu u baahan.

Dadka aad la xiriireysaan, aanuna filayno in ay salaada Ciidul Adxaaga wakhtiga la tukanayo idin weydiindoona waxay kal yihiin;

United States
1. Axmed Iftiinshe iyo Jeylaani Sheekh Cali oo ka socda Somali Community Services of Seattle, Tell: 206 760 1185.
2. Maxamed Ciise iyo Kooshin Maxamed oo ka socda Somali Community Services Coalition, Seattle, Tell: 206-7726473.
3. Sheekh Xuseen Cali; Tell: 206 258 1443, Sheekh Cusmaan Diiriye Cigaal, Tell: 206- 2611023;  iyo Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cigaal, Tell: 253 639 8408 oo kuligood jooga Seattle.

Finland
1. Sheekh Aadan Sheekh Xasan ( Gole); iyo Maxamed Cali Dayax-Leef oo labadoodaba aad kala xiriiri kartaan taleefonada ah; Guriga 358 89722547 iyo Mobile 358 408437411
Sweden
Dumarka la xiriira,
1. Jamiilo Saciid Musse, Tell: 4631 464376
Raga la xiriira,
2. Cabdiraxmaan Warsame Faarax, Jube Ciise Cabdi amaba Cabdulaahi Aadna Xuseen.
London
1. Cabdulqaadir Faarax Jibriil, Tell: 740 71369.
2. Sahro Cabdi Musse, Tell: 208 3434621.

Germany
1. Axmed Yaasiin Sugule iyo Felis Baaruud, Tell: 49 6150865745


Dadkaas iyaga ah waxa hawshaas kala hadlay oo aan ugu mahad naqaqeynaa walaalkaya Cabdiraxmaan Jaamac Gerye oo ka mid ah Gudiga ka jira magaaladan Melbourne ee dalkan Australia.

 WA BILAAHI TOWFIIQ

 Qore: Ciise Maxamuud Dhollowaa
--
Issa Mohamud Farah "Dhollowaa"
155/95 Napier St,
Fitzroy 3065,
Victoria
Australia

Phone;
0415 172 025 (in Australia)
61 415 172 025 (outside of Australia)


[Country]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:11 AM. Webmaster HomePage