GOORTII DHULKAYAGII LA QAYBSADAY-
Casharka XIX
"Saadiq Enow"
Muddo qarniyo ah, nolosha dadka Soomaalida ahi waxay ahayd
mid aanan wax wayn ku kala duwanyn, sababtuna waxay ahayd dadka
oo dhamaantood reer miyi ahaa. Noloshaas oo muddo qarniyo ah
uusan doorsimaad cayilan haleelin, ayaa qarnigii 19-aad waxaa si
wayn u soo if-baxayay raadadkii xiriirka ganacsigii caalamiga
ahaa uu ku yeelanayay qaar kamid ah beelihii reer miyiga ahaa.
Meelaha keliya oo ay ka muuqatay is-beddelka noloshii soo
jireenka ahayd waxay ahaayeen degmooyinkii xiriirka la yeeshay
ganacsigii caalamiga ahaa. Magaalooyinka waa ay ku yaraayeen
dalka, waxayna ku ekaayeen dhulka xeebaha ah. Xoolaha ay
dadkeenu dhaqan jireen (geela, loŽda, ariga, idaha iyo fardaha)
ayaa waxay saldhig u ahaayeen isu ekaanshaha nolosha
dhaqan-dhaqaale ee reer miyiga. Geedi-hayaanka xilliyada
oomanaha ah, ay qoysaska reer miyiga ahi ku baadi-goobayaan
ilaha laga cabo ayaa wuxuu ahaa hannaanka kallifayay, dhaqanka
ay wadaageen ka sokow, in Soomaalidu ay sheeko-wadaag noqdaan,
iskana war-qaba! ! an.
Xilliyadaas, Soomaaliya waxaa lagu tirin jiray degaanka ugu
khatarsan dunida. Sababtu maahayn oo keliya dhaca iyo bah-dilka
loo gaysanayay arahyada shisheeye ee dalka gudihiisa dhex
mushaaxayay, balse waxaa jiray colaado baahay oo qarnigaas
saameyn ku yeeshay noloshii Soomaalida idaylkood. Nin la
yiraahdo Maxamad Bulxan ayaa gabay
ka tiriyay, uu kaga sheekeynayo colaadaha xilligaas ka jiray
dacallada Soomaaliya. Gabayga Bulxan
oo ku beegan dabayaaqadii sanadihii 1870-aadkii, ayaa
munaasabaddiisu waxay ahayd colaad joogsan wayday oo ka dhex
aloosantay labo jifiyood oo u dhashay beesha Habar-Awal, kuwaas
oo ay adkaatay in la heshiisiiyo. Abwaanku wuxuu tilmaamayaa in
xilligaas eeyan jirin, gobollada dalka, meel nabad ah. Sidaa
darteed eeyan layaab ahayn dabka la damin laŽyahay ee ka dhex
shidan labada reerood oo wayda dhashay. Gabaygan oo la magac
baxay Dal-dhameeye, tixihiisii
waxaa kamid ahaa s! ! idatan :
Barbaar jeedal sidataa ka nool labadii beeloode
Burcadii Ruguuda iyo Xiis waa banaantahaye
Batar kama tumaan Muusayaal barandihii Maydhe
Laas Qoray baqoolkii ma galo bedenki reer Suude
Boosaaso iyo Eylna waa laga baroortaaye
Burunjhii ka madhay Nuur Cismaan jarayay baanaha'e
Majeerteen is bahardaadintii kala banaan qaadye
Butiyaalo nimankii fadhiyay way ka baxayeene
Baxsoo Keenadiid wuxu u kacay beled shisheeyaade
Hobyo ugama baaqeen kuwii baho u waynaaye
Biyomaal Baraawiyo fadhiya webiga baaciisa
Ayana buude dabadeed ma cunin bur iyo iidaane
Bidoodkii kismaayoodna way is wada bog dooxeene
Boon iyo Xirsina haatan dhige bilic wanaagiiye Bulshadii
Garaad Faarax iyo Barina naafowye
Barkad iyo guryihii Bah Ararsame belel ka qiiqowye
Boos Cali iyo reer Gorodna way kala birdhiiteene
Rawax maalintii lagu bulmay beden coloobeene
Buuhoodle laga waa waxay beri ku haysteene
Reer Sugulle goodiga bankuu baalcaddii dhigaye
Ayana baarax uma soo shiraan beri samaadkiiye
Waa beeyo Habar Yoonistii bu'aha waalayde
Waa taa laftoodii balaqan booran loo qodine
Arab wuxuu la balawaasayaa boogtadii shalaye
Waa tii Bah Deylana la dhigay bacadkii sheedyaaye
Makaahiilku boogaa ku yaal waa bukaa weliye
Xagoodii biyood reer Biniin kuma bariistaane
Boqor iyo ka hoosow ma jiro nimaan budhaysnayne
Dadka nimaan baduugaa mar noqon buuga laga waaye
Ninka baxaya buuraha jinkaa loo bidh-bidhiyaaye
Booraamo meleg buu ilays uga bidhaamaaye
Balaayada aduun weli ma iman bohoradeediiye
Buuray ku joogtaa intay reero baabiŽine
Hadba qolada bocor haysataa loo bayimiyaaye
Badhaadhiyo sabool baysu jira laba bidhaamoode
Banka xoolo lagu foofiyaan biid ka soo hoyane
Waxa lagu bilkaydshaa raggii bohosha kaa yiile
Ayagoo barkaadaa la dilay Biliyo DaaŽuude
Boqorada la wada laayay iyo bilista ooyaysa
Dadka wada bakhtiyay Adaribaan badhi ka noolayne
Baashaha la soo sheegayee baladdadii qaatay
Baaruddan layskaga cayimay beerka iyo laabta
Beri Carabna wax laga sheegayaa baashayaal xidhane
Sida gabaygan ku xusan, dhacdooyinka xilligaas taariikhda
galay ee xiisaha leh oo ay waayeelka Soomaaliyeed ka sheekeeyaan
waxaa kamid ah khilaafkii siyaasadeed ee soo dhex-galay
maamulkii boqortooyadii Majeerteen iyo baxsadkii uu
Yuusuf Cali ku fariistay Hobyo,
dabadeedna u suurogelisay in uu asaaso dhismo maamul dowladeed.
Haddaanu isku deyno in aanu wax ka xusno taariikhda khilaafkan,
waxaa lagama maarmaan ah in aanu dib u milicsano maamulkii boqor
Maxamuud Xawaadane. Boqorkan ayaa
maamulkiisii, sidaanu soo xusnay, wuxuu ka ballaarnaa kana
dhaqaale badnaa kuwii awoowayaashiis, sababtuna waa labo arimood
:
1. Siyaasaddii dibadda oo dhex-mushaaxday ganacsigii
caalamiga ahaa.
2. Siyaasaddiisii gudaha, oo cadaaladda iyo xaq-soorka
bulshada dhexdeeda ah ay dhidibo u noqdeen.
Boqorkan ayuu ahaa ninkii ka dambeeyay xeerka ay boqorrada
Majeerteen kula qaybsanayeen diyada dilka kamaŽa ah ee uu geysto
ninkasta oo beelaha Daarood u dhashay. Xeerku wuxuu ahaa qodob
uu isku laasimiyay boqorkan, kaas oo xusaya in boqorku uu bixiyo
34 halaad oo kamid ah 100-ka halaad oo diyada ah ee laga rabo
qofka wax dilay. 33-na waxaa bixinayay qoyska boqorka, 33-ka
haray waxay u daayeen in ay bixiyaan reerka dilka gaystay. Waxaa
xusid mudan, boqor kasta oo ka dambeeyay
Maxamuud Xawaadane, in uu ku dadaalay ilaalinta dhaqan
gelinta xeerkan. Waxaa xusan sheekooyin iyo suugaan ka
sheekaynaya rag ka yimid cirifyada ugu fog Soomaaliya oo
xoolahaas wax ka qaatay.
Boqor Maxamuud wuxuu ahaa ninka
qaybiyay dhulka xijida laga gurto oo siiyay beelaha tirada yar.
Wuxuu dalka Hindiya ka soo dhoofin jiray alwaaxda doonyaha laga
sameeyo, kuwaas oo uu u qaybin jiray saboolka dan-yarta ah si ay
uga sameystaan doonyo ay ku shaqaystaan, kana qayb qaataan hor u
marinta degaanka. Waxaa jira sheekooyin badan oo ku baahsan
degaanka, kuwaas oo ka waramaya cadaaladdii maamulkii boqor
Maxamuud Xawaadane. Waxaa kamid ah
sheekadan :
" Waxaa jiray nin waayeel ah oo aan caruur lahayn, kaas oo
ari badan ku haystay baadiyaha degaankii uu boqorku ka talinayay.
Maalin baa nin tuug ah, odaygii ka dhacay laba neef. Markaasuu
yiri : War xanuun baan ku ogaaye, ma
Maxamuud Xawaadane ayaa xabaal galay ". Isaga oo ula
jeeda, boqorka oo nool inaan xoolihiisa la dhaceen. Sida la
wariyayna, boqorku ma noolayn xilligaas oo waa dhintay. (Wareysi
: Xaaji Siciid Aw-Muuse).
Boqorkan ayaa wuxuu awoowe u ahaa labada nin ee khilaafku
dhex maray ee ah suldaan Yuusuf Cali
iyo boqor Cismaan Maxamuud. Boqor
Maxamuud Xawaadane wuxuu lahaa
caruur 15 wiil ah oo saddex bahood kala ahaa (Bah-Yaaquub,
Bah-Leelkase iyo Bah-Dir).
Bahdii wayneed oo boqorka kula noolaa magaalada Xaabo ayaa waxaa
u suurogashay in ay goor hore wax ka maareeyaan maamulkii
boqortooyada. Labada bah oo kale waxaa degaankoodu ahaa
baadiyaha. Xanuunkii geerida markuu taabtay odeygii, ayuu wuxuu
u batay baadiyihii iyo xaggii bahdii yarayd. Mar ay wiilashii
bahdii wayneed soo booqdeen odayga, ayaa goor ay habeen tahay
soo xadeen odaygii oo xanuunsan. Ujeeddadoodu waxay ahayd in
odayga agtooda ku dhinto si ay dhaxlkiisa u yeeshaan. Waxaa
xusid mudan in labada bah oo wayni ay ku heshiiyeen in markuu
odayga geeryoodo ay boqradaan Yuusuf ! !
Maxamuud (Keenadiid
awoowihiis) oo ahaa curadkii odayga. (Cabdullaahi
Xaaji Dayib).
Beelihii Majeerteen iyo kuwii Harti ee talo-wadaagta ku ahaa
maamulka boqortooyada, iyaga oo tix-raacaya dhaqan soo jireen ah
ayay u hiiliyeen bahdii yarayd (Bah-Dir).
Inkasta oo odaygii xanuunsanaa lagu ceshay baadiyihii iyo bah-yarta
agteedii, misana markii uu geeryooday waxaa lagu aasay degmada
Xaabo. (Xaaji Siciid Aw-Muuse).
Hinaaskii damaca ku dhisnaa ee dhex-maray wiilashii walaalaha
ahaa ayaa wuxuu u soo gudbay facihii danbe. Waana halkaas meesha
ay salka ku hayso khilaafka dhex-maray suldaan
Yuusuf Cali Yuusuf Maxamuud iyo
boqor Cismaan Maxamuud Yuusuf Cismaan
Maxamuud.
Boqor Cismaan Maxamuud, wuxuu ku
dhashay Baargaal oo ka tirsan degmada Caluula sanadku markuu
ahaa 1849-kii. Waxaa lagu boqray meesha la yiraahdo Noobir ee u
dhexaysa Iskushuban iyo Beyla sanadkii 1860-kii. Sida ay caadadu
ahayd, waxaa ku caana-qubay nin u dhashay beesha Cali Saleebaan.
Boqorku wuxuu ahaa nindka uguna cimri dheeraa uguna berya-samaad
wacnaa maamulladii soo maray Majeertiinya. Isaga oo daŽdiisu
eeyan 20 gaarin ayuu boqor noqday, 80 jirna waa uu ku geeryooday.
Taas ayaa keentay in uu la kulmo umuuro xiiso u yeelay
taariikhda maamulkiisa. Waxaa kamid ah :
1. Khal-khalkii siyaasadeed ee ku yimid maamulka kaddib
markii ay bilaabatay mucaaradadii Yuusuf
Cali.
2. Is-dareensiga dhex-yiil maamulkiisii iyo kuu
Yuusuf Cali ka dhisay Hobyo.
3. Colaadihii gudaha oo ay ugu wayneed kuwii uu la galay
Daraawiishta.
4. Colaadihii dibadda, gaar ahaan gumaysigii Talyaaniga oo
iridaha u xiray taariikhihii taxnaa ee maamulkaas.
Waxaa kale oo jiray abaaro laga sheekeeyo oo degaanka u
gaystay dhaawac adag xilligii boqor
Cismaan. Abaarahaas oo kamid ah bugtada toban sanaalayda
ah ee ku timaada cimilada geeska Afrika, ayaa is-dhin xoog leh u
keentay dadkii iyo duuyadii degaanka.
Waxaa iyana in la xuso mudan in degaanka boqortooyadu uu
xilligaas ahaa isha ugu wayn oo maamulkii Ingiriiska ee Cadan
fadhiyay uu ka heli jiray raashinka, gaar ahaan hilibka. Taasina
waxay qayb xoog leh ka qaadatay kobcidda dhaqaalihii degaanka.
Maamulku wuxuu sii xoojiyay xiriiradii diblomaasiyadeed ee uu la
lahaa xarumihii ganacsiga caalamiga. Waxaa jiray boqoro ka
dhisnaa dalalka ay la lahaayeen xiriirka ganacsi, kuwaas oo
boqortooyadu ay xiriir diblomaasiyadeed la lahayd. Waxaa halkaas
socdaallo ku tegi jireen danjirayaal wareega oo boqortooyadu
lahayd. Danjirayaasha boqortooyadu waxay yiqiineen afafka
Hinduuga, Carabiga, Ingiriiska iyo Talyaaniga. Waxaa u caansan
ninka la yiraahdo Shirwac Cismaan,
oo isagu kamid ahaa danjirayaashii Nuur
Cismaan. Sheeko kaftan ah oo faaftay ayaa waxay
tilmaamaysaa mar uu Nuur Cismaan (oo
boqor ku meel-gaar ahaa, walaalkiisna ahaa) u raacay magaalada
Cadan ! ! ee dalka Yaman. Nuur nin
aad u madow ayuu ahaa. Markay la kulmeen suldaankii ay u socdeen
oo uu is baray labadii boqor, ayuu boqorkii Yaman hadal kaftan
ah yiri oo macnaheedu ahaa :
" Haddii iftiinkiinu caynkan yahay, mugdigiinu sidee noqon
".
Xaaji Cismaan Xaaji Yuusuf
oo ahaa la taliyaha boqor
Cismaan, ayaa ka sheekeeyay mar uu
wafdi ahaan ku tegay degmada Mukulli isaga oo dhambaal ka siday
boqor Cismaan. Mukulli waxay
xilligaas xarun u ahayd suldaankii Xadramuut oo magiciisa la
oran jiray suldaan Gaceyti, kaas oo
xiriir wanaagsan ay la lahaayeen. Wafdigan oo ujeeddada
socdaalkoodu ahaa in ay suldaanka kala soo xaajoodaan in uu
qiimo jaban kaga iibiyo hub ay doonayeen in ay ka iibsadaan.
Xaaji Cismaan wuxuu yiri :
" Waxaa la ii diray Mukulli si aan hub u soo iibiyo. 600
oo wan ayaa doon la ii saaray. Saddex lool oo dahab oo uu
garaamkoodu ku qoran yahayna boqorka ayaa ii dhiibay. Lacag
melyan gaaraya oo isugu jirta Qirish iyo Rubiyad ayaa kiishado
la iigu guray.Waxaa kale oo la ii dhiibay waraaq uu igu yiri
gaarsii suldaan Gaceyti. Doonidii
baan ku dhacay. Markay Mukulli gaartay baan askartii ku iri :
Arigan suldaanka ayaa lehe ha layga dejiyo.
Markii suldaankii la war-geliyay, wuxuu ku soo jawaabay in
arigana layga qabto, aniga iyo ragga ila socdana nala
marti-geliyo. Doonidana ay halkeeda inoo joogto. Daar dabaq ah
oo ay martida geeyaan ayaa layna dejiyay. Suldaanku, wuxuu
raggiisii faray in layna wanaajiyo, raashinkana noocii aanu
doono leynoo keeno.
Daartii saddex maalmood baa inoogu dhamaatay. Kaddib ayuu
suldaankii inoo yeeray. Waxaan horay u soo qaatay loolkii
dahabka ahaa iyo waraaqdii aan suldaanka u waday. Waxaan u imid
isaga oo fadhigii iyo kuraatsiiba hagaajiyay. Wuxuu ku lebistay
qamiis culus oo oogada dahab ku leh. Taaj dahab ah buu madaxa
saaray. Isaga iyo nin wasiir u ahaa ayaa meel halkoo ah ka soo
jeeda. Waxaa ley baneeyay kursi suldaanka dhiniciisa ah. Markaan
soo galnay ayaa nin dhawaaqay oo dadkii ku yiri : Istaaga.
Suldaankii baan hor istaagey oo aan gacan-qaaday. Dabadeed
wasiiradiisii iyo askartii ayaa i salaamay. Kaddib, fariiso ayuu
i yiri. Dahabkii ayaan meel agtiisa ah dhigay. Markaasaan
fariistay. Waraaqdii ayaan suldaankii u gudbiyay. Dabadeed nin
wasiiradii kamid ah ayuu inta u dhiibay ku yiri : Akhri oo ku
dheereyso hadalka.
Suldaanku madaxa ayuu ridayay intii waraaqda la akhrinayay oo
wuxuu la yaabanaa ereyada carabiga ah oo ku qoran waraaqda.
Markii la dhameeyay buu yiri : Ii dhiib waraaqda.
Waa loo dhiibey. Markaasuu jeedaashey waraaqdii. Misana Xaaji
Cismaan buu jeedaashey ".
Xaajigu wuxuu ahaa nin dherer badan oo midab furan, quruxna
loo dhameeyay.
"
Suldaankii baa marna Xaajiga eega,
marna dahabka hortiisa yaal, marna waraaqda gacantiisa ku jirta.
Kaddib Xaajigii ayuu suŽaalay oo ku yiri : Ma nin Carab ah baa
soo qoray waraaqda ?
Xaaji Cismaan : Maya, waxaa qoray nin Soomaali ah oo gacan-yare
u ah boqorka.
Suldaankii : Ma nin Soomaali ah baa sidatan wax u qoray oo
farta caynkan ah dhigay !.
Markuu suldaankii furay hadalkii, ayuu Xaajigii yiri :
Waxaanu kaa dooneynaa inaad inoo jebiso qiimaha aad hubka inooga
iibiso, waayo hub badan ayaanu qaadaneynaa.
Suldaankii : Waayahay, intaa waan yeelayaa. Halakan hubku
mayaal. Wuxuu yaalaa Shixir.
Dabadeed wuxuu sheegay qiimo wax badan
ka jaban kii hore, wuxuuna yiri : Waraaq baan iyana u dirayaa,
idinna idiin qorayaa oo waan ku siinayaa. Haddaba dhaqaalaha aad
wadato wixii ay kuu gooyaan oo hub ah iibso.
Suldaankii : Goormaad tegeysaa ?
Xaaji Cismaan : Beri subax.
Suldaankii : Waxaan doonta kuu saarayaa 30 sanduuq oo saanad
ah iyo 300 oo qori oo aad hadiyad ugu geyso boqor Cismaan.
Subaxdii baan doonidii soo aaday, mase rasaastii iyo qoryihii
waxay diyaar ku yihiin xeebta. Doontii baa ley saarey, dabadeed
Shixir ayaanu tagney. Waa nalagu soo dhoweeyay. Waxaa leynoo
sheegay in waraaq ka timid suldaankii, sidaa darteed in leynoo
jebinayo sicirka ". (Xaajiga
waxaa ka weriyay Maxamuud Aw-Yuusuf).
Waxaa xusid mudan, waraaqda uu suldaanku la yaabay ereyada
iyo qoraalka ku yiil, ninka qoray wuxuu ahaa
Xaaji Jaamac Bilaal, oo boqorka
xoghayn u ahaa. Jaamac Bilaal wuxuu
wax ku soo bartay dhulka Carabta. Wuxuu ku noolaa Cadan oo uu
Ingiriiska iyo Carabigaba ka bartay. Wuxuu ahaa ninkii ugu
horeeyay ee Soomaaliya ka asaasa dugsi hoose oo ay caruurta
Soomaaliyeed wax ka bartaan. Caruurtii ugu horeysay ee
dugsigiisa ka qalin-jebisay waxaa kamid ah jeneraal
Cabdullaahi Hoolif. Dugsigaas oo
loogu magac-daray Jaamac Bilaal, waxaa la oran jiray
Macallin Jaamac, wuxuuna ku yiil
bartamaha Xamar.
Yuusuf Cali
, oo marna adeer u ahaa boqorka marna sodog,
ayaa muranka dhex-maray isaga iyo boqor
Cismaan waxaa sababay, is qaadan-waa ka dhexeeyay
ag-joogayaashii boqorka iyo
Yuusuf
oo damcay in uu ka maroorsado maamulka. Arimaha la tilmaamo
waxaa kamid ah, ag-joogayaasha oo ka hinaasay dadnimada loo
hibeeyay
Yuusuf. Waxaa kale oo
jiray
Yuusuf oo khasnaji u ahaa
boqorka, ayaa dhaqaale badan oo damac geliyay ka ka helay
howshii uu hayay. Cadaadis badan oo kaga yimid dhankii xaashida
boqorka, dabadeed
Yuusuf wuxuu
bilaabay in uu asaaso unugii ugu horeeyay ee mucaarad ku ah
maamulkii boqor
Cismaan. Wuxuu
gacan ka haystay labadii bahood oo waawaynaa (ilma
Maxamuud Xawaadane) iyo reerka la
yiraahdo Yuusuf Cawlyahan (Siwaaqroon) oo reer abtigiis ah.
Yuusuf waa l! ! a xiray,
hantidiisiina waa lala wareegay. Mar inta la uleeyay uusan wax
ficilo jawaab ah ka bixin ayuu kula baxay magaca
Keenadiid. Taasina waxay ka
dambeysay markii uu boqorku yiri : "
Iska daaya, kani waa
Keene - diide " oo uu ula
jeeday in uusan oggoleen in uu hoggaansamo.
Yuusuf
ayaa muddo kaddib ku guulaystay in uu uruiyo
xoog ciriiri geliyay maamulkii boqortooyada. Bilowgii sanadihii
1870-aadkii,
Yuusuf wuxuu
caddaystay mucaaradnimo maamulka. Boqortooyadii ayaa waxay ku
sigatay in dagaal sokeeye ka aloosmo, kaas oo sigay in dhiig
badan daato haddii uusan soo dhex-galeen nin maal-qabeen ahaa oo
Cadan ka yimid. Ninkaas oo laŽoran jiray
Harti Bile, wuxuu u dhashay beesha Siwaaqroon, wuxuuna
abti u ahaa
Yuusuf Cali.
Maal-qabeenkaasi wuxuu ku guulaystay in uu
Yuusuf ku qanciyo in uu dibadda u dhoofo, kaddib markii
uu siiyay xoolo uu ku ganacsado.
Muddo toban sanadood ku dhow ayuu
Yuusuf ka ganacsanayay dalalka Khaliijka Carabta.
Sanadkii 1878-kii wuxuu ku soo laabtay dalka. Laakiin markan
wuxuu la soo laabtay aragti ka duwan tii hore ee uu qabay. Sida
ku xusan sheekooyinka Soomaalida, Yuusuf
Cali wuxuu ka soo degay meel kamid ah xeebta magaalada
Hobyo. Degmadu waxay lahayd ceel biyo macaan iyo Khoori dabiici
ah, taas ayaa waxay sabab u ahayd in ay marar ku soo leexdaan
doonyaha degaanka maraya. Yuusuf
wuxuu hoggaaminayay tiro doonyo ah oo ay la socdeen dadkii isaga
la xulufada ahaa. Waxaa kale oo weheliyay farsamo yaqaano Carab
ah (Meheri). Doonyaha waxaa u
saarnaa hub, qalab dhismo, raashin iyo alaabo hadiyado ah.
Yuusuf oo dhowr jeer oo hore,
degmada yimid ayaa markan odeyaashii degaanka la dhigtay heshiis
uu ku doonayay in si ku meel-gaar ah uu degaanka ugu noolaado.
Ujeeddada
Yuusuf Cali ayaa markii
hore ahayd in uu cashuuro ka qaato doonyaha halkaas imanayay.
Yuusuf ayaa mashruuciisa ka
qarsaday beelihii Hawiye (Habar - Gidir) ee degaanka ku noolaa.
Waxaa dhacday in beeluhu ay dareensadeen markii uu isku deyay in
uu qalcad wayn ka dhiso degmadii Hobyo. Muddo gaaban kaddib,
waxaa bilowday kacdoon ay beelihii degaanku kaga hor imanayeen
mashruuca Yuusuf Cali uu damacsanaa
in uu halkaas ka hirgeliyo. Kaddib markii uu hiilo ka helay
beelaha Daarood, gaar ahaan kuwa Majeerteen ee degaanka ka
ag-dhowaa, ayuu Yuusuf Cali ku
guulaystay in uu muquuniyo kacdoonkii beelihii Hawiye. Dabadeed
wuxuu halkaas ka asaasay saldanaddii Hobyood ee uu suldaanka ka
noqday, dabadiisna uu wiilkiisii Cali
Yuusuf dhaxlay. Saldanaddaas oo cimrigeedu ahaa 49 sano,
waxaa burburiyay Talyaanigii, sanadkii 1927-kii.
Taariikhyahannada wax ka sheega maamulkan, xoogaaga ay ka
qoreen waxay ku tilmaamaan in Yuusuf Cali
uu ku guulaystay dowladdii ugu salka ballaarnayd ee Soomaaliya
ka soo if-baxda muddadii u dhexeysay burburkii boqortooyadii
Awdal iyo maamulkii gumaystayaasha. Xuduudda maamulkan ayaa
wuxuu ahaa sidatan :
1. Xadka waqooyi - Togga Nugaal.
2. Xadka koonfur - degaanka degmada Ceel-buur.
3. Bariga - xeebta bad-waynta Hindiya.
4. Galbeedka . degmooyinka Goldogob iyo Gallaadi.
Muddo gaaban ayuu wuxuu ku dhisay ciidamo kala-danbayn leh.
Wuxuu yeeshay calan doonyihiisa lagu garto iyo danjirayaal
wareega. Maamulkii Yuusuf Cali
wuxuu lahaa lacag dahab ah oo ka shaqayneesay degmooyinkii uu ka
taliyay. Taasi waxay dhalisay, sida inoo iman doonta, in uu
kamid noqdo xoogaggii laga aqoonsanaa degaanka.
Dhacdada uu Yuusuf Cali ku degay
degmada Hobyo ayaa ahmiyad gaar ah waxay u leedahay taariikhda
Soomaaliya, waana midda xudunta u ah khilaafka gaamuray ee dhex
yaal beelo badan ee Soomaaliyeed. Nasiib darro, weli lama hayo
aqoonyahanno is-xilqaamay oo diraasaad iyo baaritaan aqoon ku
salaysan inta sameeya soo bandhiga taariikh ay Soomaalidu ka
faaŽiidaysto. I. M. Lewis oo
ah nin ku xeel-dheer aqoonta Soomaali-baradka ah, wuxuu xusay in
taariikhda Soomaaliyeed ay dhaawacan tahay inta ay dhacdadan ka
maqantahay qoraalada aqooneed ee taariikhda dalkeena.
Muddo gaaban dabadeed, markii uu taabo-gal noqday maamulkii
Yuusuf Cali, ayaa degmada Hobyo
waxay noqotay mid la mataan ah Baargaal oo markaas ahayd
magaalada ugu camiran degaanka. Labadaas degmo oo magaalo-madax
u ahaa labadii maamul, ayaa xilligaas waxay ahaayeen xarumo
siyaasad, ganacsi, aqoon iyo dhaqan. Kasokow xubnaha labada
maamul ee halkaas fadhiyay, waxaa labada degmo ku sugnaa rag
kamid ah culima-diinkii Soomaalida kuwoodii ugu aqoonta badnaa.
Ragga wax ka degay magaalooyinkaas ee aqoonta diinta laga baran
jiray waxaa laga xusi karaa shiikh Cumar
Axmad Al as-hari oo ahaa ninkii ugu horeeyay oo Soomaali
ah ee ka soo baxa Jaamacadda Al as-har,
kaas oo muddo fadhiyay degmada Hobyo. Sidoo kale Baargaal waxaa
fadhiyay shiikh la oran jiray shiikh
Qudubi. Shiikhan oo kamid ahaa ragga wax ku soo bartay
magaalada Harar ayaa tacliin joogto ah siin jiray dadka degaanka!
! , Waxaana loola tegi jiray wixii masaaŽil diini ah.
Waxaa kale oo degmooyinkaas ku urursanaa abwaano heer qaran
ah oo suugaantii ay curiyeen laga qiimeeyay gobollada
Soomaaliyeed intooda badan. Abwaanadaas ayaa gabeyo is-shaafsan
jiray iyda oo mid waliba uu difaacayo maamulkii uu la joogay.
Waxay suugaantooda la beegsan jireen hadba dhacdada xiisaha leh
ee kolkaas taagnayd iyo gabeyada looga soo tiriyo xarumihii
laysaga tebin jiray suugaanta. Ragga suugaanta ku caanka ah ee
xilligaas ku noolaa labadaas degmo, waxaa laga xusi karaa :
Faratol Yuusuf Sharmaarke,
Muuse Yuusuf Sharmaarke (Muuse
Dhiidhi) iyo aabahood Yuusuf
Sharmaarke Cismaan, Maxamuud Axmad
Aw-Xuseen (Il-dab),
Cismaan Yuusuf Keenadiid,
Faarax Axmad Aw-xuseen,
Cali Sharmaarke,
Cismaan Sharmaarke,
Xaaji Gooni,
Axmad Busur, iyo kuwo kale.
Maxamad Cabdulle Xasan ayaa tilmaan wacan ka bixiyay noloshii
ay xilligaas ku sugnaayeen degmooyinka maamulladaas. Isaga oo ka
waramaya hodantooyada ka muuqatay noloshii xarumahaas iyo intii
la hal-maalaysay, ayuu mariyay gabey ay tixihiisii kamid
ahaayeen sidatan :
Waa nimanka deeqii hambaday hibo Ilaaheeye
Waa niman intay hodan yihiin hoo ku sii daraye
Waa niman gob baa lagu hirtaa lagu hagaagaaye
Waa nimaka daaraha hurdiyo harac dallaal weyne
Waa niman xariira huwanoo huga ku laafyoone
Waa nimanka haashaarka gole marada haafeyne
Waa nimanka doonyuhu Hindiga uga hirtaaniine
Waa niman haruur iyo bariis hoyga loo dhigaye
Waa nimanka haanfuuqayee timirtu hoos taalle
Waa niman haleeliyo hor-weyn heel ka buuxsadaye
Waa niman adduun lagu huroo maal hareerimine
Waa niman intay wada habceen heeshiguun dhicinye
Waa niman hub iyo dowladnimo haystay weligoode
Waa niman u heynseen fardaha halabsigoodiiye
Waa niman hal-qooqaha rogaal heegma weligoode
Saadiq Enow.