19 May 2007 04:31

SOMALIA WATCH

 
Country
Title:   [SW Country] (Saadiq Enow" ) GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY- Casharka XIX-aad : Posted on 11 Dec 2002

 GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY-

Casharka XIX

"Saadiq Enow"

 

 

Muddo qarniyo ah, nolosha dadka Soomaalida ahi waxay ahayd mid aanan wax wayn ku kala duwanyn, sababtuna waxay ahayd dadka oo dhamaantood reer miyi ahaa. Noloshaas oo muddo qarniyo ah uusan doorsimaad cayilan haleelin, ayaa qarnigii 19-aad waxaa si wayn u soo if-baxayay raadadkii xiriirka ganacsigii caalamiga ahaa uu ku yeelanayay qaar kamid ah beelihii reer miyiga ahaa. Meelaha keliya oo ay ka muuqatay is-beddelka noloshii soo jireenka ahayd waxay ahaayeen degmooyinkii xiriirka la yeeshay ganacsigii caalamiga ahaa. Magaalooyinka waa ay ku yaraayeen dalka, waxayna ku ekaayeen dhulka xeebaha ah. Xoolaha ay dadkeenu dhaqan jireen (geela, loŽda, ariga, idaha iyo fardaha) ayaa waxay saldhig u ahaayeen isu ekaanshaha nolosha dhaqan-dhaqaale ee reer miyiga. Geedi-hayaanka xilliyada oomanaha ah, ay qoysaska reer miyiga ahi ku baadi-goobayaan ilaha laga cabo ayaa wuxuu ahaa hannaanka kallifayay, dhaqanka ay wadaageen ka sokow, in Soomaalidu ay sheeko-wadaag noqdaan, iskana war-qaba! ! an.

Xilliyadaas, Soomaaliya waxaa lagu tirin jiray degaanka ugu khatarsan dunida. Sababtu maahayn oo keliya dhaca iyo bah-dilka loo gaysanayay arahyada shisheeye ee dalka gudihiisa dhex mushaaxayay, balse waxaa jiray colaado baahay oo qarnigaas saameyn ku yeeshay noloshii Soomaalida idaylkood. Nin la yiraahdo Maxamad Bulxan ayaa gabay ka tiriyay, uu kaga sheekeynayo colaadaha xilligaas ka jiray dacallada Soomaaliya. Gabayga Bulxan oo ku beegan dabayaaqadii sanadihii 1870-aadkii, ayaa munaasabaddiisu waxay ahayd colaad joogsan wayday oo ka dhex aloosantay labo jifiyood oo u dhashay beesha Habar-Awal, kuwaas oo ay adkaatay in la heshiisiiyo. Abwaanku wuxuu tilmaamayaa in xilligaas eeyan jirin, gobollada dalka, meel nabad ah. Sidaa darteed eeyan layaab ahayn dabka la damin laŽyahay ee ka dhex shidan labada reerood oo wayda dhashay. Gabaygan oo la magac baxay Dal-dhameeye, tixihiisii waxaa kamid ahaa s! ! idatan :

Barbaar jeedal sidataa ka nool labadii beeloode
Burcadii Ruguuda iyo Xiis waa banaantahaye
Batar kama tumaan Muusayaal barandihii Maydhe

Laas Qoray baqoolkii ma galo bedenki reer Suude
Boosaaso iyo Eylna waa laga baroortaaye
Burunjhii ka madhay Nuur Cismaan jarayay baanaha'e

Majeerteen is bahardaadintii kala banaan qaadye
Butiyaalo nimankii fadhiyay way ka baxayeene
Baxsoo Keenadiid wuxu u kacay beled shisheeyaade
Hobyo ugama baaqeen kuwii baho u waynaaye

Biyomaal Baraawiyo fadhiya webiga baaciisa
Ayana buude dabadeed ma cunin bur iyo iidaane
Bidoodkii kismaayoodna way is wada bog dooxeene

Boon iyo Xirsina haatan dhige bilic wanaagiiye Bulshadii Garaad Faarax iyo Barina naafowye
Barkad iyo guryihii Bah Ararsame belel ka qiiqowye

Boos Cali iyo reer Gorodna way kala birdhiiteene
Rawax maalintii lagu bulmay beden coloobeene
Buuhoodle laga waa waxay beri ku haysteene

Reer Sugulle goodiga bankuu baalcaddii dhigaye
Ayana baarax uma soo shiraan beri samaadkiiye
Waa beeyo Habar Yoonistii bu'aha waalayde

Waa taa laftoodii balaqan booran loo qodine
Arab wuxuu la balawaasayaa boogtadii shalaye
Waa tii Bah Deylana la dhigay bacadkii sheedyaaye

Makaahiilku boogaa ku yaal waa bukaa weliye
Xagoodii biyood reer Biniin kuma bariistaane
Boqor iyo ka hoosow ma jiro nimaan budhaysnayne

Dadka nimaan baduugaa mar noqon buuga laga waaye
Ninka baxaya buuraha jinkaa loo bidh-bidhiyaaye
Booraamo meleg buu ilays uga bidhaamaaye

Balaayada aduun weli ma iman bohoradeediiye
Buuray ku joogtaa intay reero baabiŽine
Hadba qolada bocor haysataa loo bayimiyaaye

Badhaadhiyo sabool baysu jira laba bidhaamoode
Banka xoolo lagu foofiyaan biid ka soo hoyane
Waxa lagu bilkaydshaa raggii bohosha kaa yiile

Ayagoo barkaadaa la dilay Biliyo DaaŽuude
Boqorada la wada laayay iyo bilista ooyaysa
Dadka wada bakhtiyay Adaribaan badhi ka noolayne

Baashaha la soo sheegayee baladdadii qaatay
Baaruddan layskaga cayimay beerka iyo laabta
Beri Carabna wax laga sheegayaa baashayaal xidhane

Sida gabaygan ku xusan, dhacdooyinka xilligaas taariikhda galay ee xiisaha leh oo ay waayeelka Soomaaliyeed ka sheekeeyaan waxaa kamid ah khilaafkii siyaasadeed ee soo dhex-galay maamulkii boqortooyadii Majeerteen iyo baxsadkii uu Yuusuf Cali ku fariistay Hobyo, dabadeedna u suurogelisay in uu asaaso dhismo maamul dowladeed. Haddaanu isku deyno in aanu wax ka xusno taariikhda khilaafkan, waxaa lagama maarmaan ah in aanu dib u milicsano maamulkii boqor Maxamuud Xawaadane. Boqorkan ayaa maamulkiisii, sidaanu soo xusnay, wuxuu ka ballaarnaa kana dhaqaale badnaa kuwii awoowayaashiis, sababtuna waa labo arimood :

1. Siyaasaddii dibadda oo dhex-mushaaxday ganacsigii caalamiga ahaa.

2. Siyaasaddiisii gudaha, oo cadaaladda iyo xaq-soorka bulshada dhexdeeda ah ay dhidibo u noqdeen.

Boqorkan ayuu ahaa ninkii ka dambeeyay xeerka ay boqorrada Majeerteen kula qaybsanayeen diyada dilka kamaŽa ah ee uu geysto ninkasta oo beelaha Daarood u dhashay. Xeerku wuxuu ahaa qodob uu isku laasimiyay boqorkan, kaas oo xusaya in boqorku uu bixiyo 34 halaad oo kamid ah 100-ka halaad oo diyada ah ee laga rabo qofka wax dilay. 33-na waxaa bixinayay qoyska boqorka, 33-ka haray waxay u daayeen in ay bixiyaan reerka dilka gaystay. Waxaa xusid mudan, boqor kasta oo ka dambeeyay Maxamuud Xawaadane, in uu ku dadaalay ilaalinta dhaqan gelinta xeerkan. Waxaa xusan sheekooyin iyo suugaan ka sheekaynaya rag ka yimid cirifyada ugu fog Soomaaliya oo xoolahaas wax ka qaatay.

Boqor Maxamuud wuxuu ahaa ninka qaybiyay dhulka xijida laga gurto oo siiyay beelaha tirada yar. Wuxuu dalka Hindiya ka soo dhoofin jiray alwaaxda doonyaha laga sameeyo, kuwaas oo uu u qaybin jiray saboolka dan-yarta ah si ay uga sameystaan doonyo ay ku shaqaystaan, kana qayb qaataan hor u marinta degaanka. Waxaa jira sheekooyin badan oo ku baahsan degaanka, kuwaas oo ka waramaya cadaaladdii maamulkii boqor Maxamuud Xawaadane. Waxaa kamid ah sheekadan :

" Waxaa jiray nin waayeel ah oo aan caruur lahayn, kaas oo ari badan ku haystay baadiyaha degaankii uu boqorku ka talinayay. Maalin baa nin tuug ah, odaygii ka dhacay laba neef. Markaasuu yiri : War xanuun baan ku ogaaye, ma Maxamuud Xawaadane ayaa xabaal galay ". Isaga oo ula jeeda, boqorka oo nool inaan xoolihiisa la dhaceen. Sida la wariyayna, boqorku ma noolayn xilligaas oo waa dhintay. (Wareysi : Xaaji Siciid Aw-Muuse).

Boqorkan ayaa wuxuu awoowe u ahaa labada nin ee khilaafku dhex maray ee ah suldaan Yuusuf Cali iyo boqor Cismaan Maxamuud. Boqor Maxamuud Xawaadane wuxuu lahaa caruur 15 wiil ah oo saddex bahood kala ahaa (Bah-Yaaquub, Bah-Leelkase iyo Bah-Dir). Bahdii wayneed oo boqorka kula noolaa magaalada Xaabo ayaa waxaa u suurogashay in ay goor hore wax ka maareeyaan maamulkii boqortooyada. Labada bah oo kale waxaa degaankoodu ahaa baadiyaha. Xanuunkii geerida markuu taabtay odeygii, ayuu wuxuu u batay baadiyihii iyo xaggii bahdii yarayd. Mar ay wiilashii bahdii wayneed soo booqdeen odayga, ayaa goor ay habeen tahay soo xadeen odaygii oo xanuunsan. Ujeeddadoodu waxay ahayd in odayga agtooda ku dhinto si ay dhaxlkiisa u yeeshaan. Waxaa xusid mudan in labada bah oo wayni ay ku heshiiyeen in markuu odayga geeryoodo ay boqradaan Yuusuf ! ! Maxamuud (Keenadiid awoowihiis) oo ahaa curadkii odayga. (Cabdullaahi Xaaji Dayib).

Beelihii Majeerteen iyo kuwii Harti ee talo-wadaagta ku ahaa maamulka boqortooyada, iyaga oo tix-raacaya dhaqan soo jireen ah ayay u hiiliyeen bahdii yarayd (Bah-Dir). Inkasta oo odaygii xanuunsanaa lagu ceshay baadiyihii iyo bah-yarta agteedii, misana markii uu geeryooday waxaa lagu aasay degmada Xaabo. (Xaaji Siciid Aw-Muuse).

Hinaaskii damaca ku dhisnaa ee dhex-maray wiilashii walaalaha ahaa ayaa wuxuu u soo gudbay facihii danbe. Waana halkaas meesha ay salka ku hayso khilaafka dhex-maray suldaan Yuusuf Cali Yuusuf Maxamuud iyo boqor Cismaan Maxamuud Yuusuf Cismaan Maxamuud.

Boqor Cismaan Maxamuud, wuxuu ku dhashay Baargaal oo ka tirsan degmada Caluula sanadku markuu ahaa 1849-kii. Waxaa lagu boqray meesha la yiraahdo Noobir ee u dhexaysa Iskushuban iyo Beyla sanadkii 1860-kii. Sida ay caadadu ahayd, waxaa ku caana-qubay nin u dhashay beesha Cali Saleebaan. Boqorku wuxuu ahaa nindka uguna cimri dheeraa uguna berya-samaad wacnaa maamulladii soo maray Majeertiinya. Isaga oo daŽdiisu eeyan 20 gaarin ayuu boqor noqday, 80 jirna waa uu ku geeryooday. Taas ayaa keentay in uu la kulmo umuuro xiiso u yeelay taariikhda maamulkiisa. Waxaa kamid ah :

1. Khal-khalkii siyaasadeed ee ku yimid maamulka kaddib markii ay bilaabatay mucaaradadii Yuusuf Cali.

2. Is-dareensiga dhex-yiil maamulkiisii iyo kuu Yuusuf Cali ka dhisay Hobyo.

3. Colaadihii gudaha oo ay ugu wayneed kuwii uu la galay Daraawiishta.

4. Colaadihii dibadda, gaar ahaan gumaysigii Talyaaniga oo iridaha u xiray taariikhihii taxnaa ee maamulkaas.

Waxaa kale oo jiray abaaro laga sheekeeyo oo degaanka u gaystay dhaawac adag xilligii boqor Cismaan. Abaarahaas oo kamid ah bugtada toban sanaalayda ah ee ku timaada cimilada geeska Afrika, ayaa is-dhin xoog leh u keentay dadkii iyo duuyadii degaanka.

Waxaa iyana in la xuso mudan in degaanka boqortooyadu uu xilligaas ahaa isha ugu wayn oo maamulkii Ingiriiska ee Cadan fadhiyay uu ka heli jiray raashinka, gaar ahaan hilibka. Taasina waxay qayb xoog leh ka qaadatay kobcidda dhaqaalihii degaanka. Maamulku wuxuu sii xoojiyay xiriiradii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa xarumihii ganacsiga caalamiga. Waxaa jiray boqoro ka dhisnaa dalalka ay la lahaayeen xiriirka ganacsi, kuwaas oo boqortooyadu ay xiriir diblomaasiyadeed la lahayd. Waxaa halkaas socdaallo ku tegi jireen danjirayaal wareega oo boqortooyadu lahayd. Danjirayaasha boqortooyadu waxay yiqiineen afafka Hinduuga, Carabiga, Ingiriiska iyo Talyaaniga. Waxaa u caansan ninka la yiraahdo Shirwac Cismaan, oo isagu kamid ahaa danjirayaashii Nuur Cismaan. Sheeko kaftan ah oo faaftay ayaa waxay tilmaamaysaa mar uu Nuur Cismaan (oo boqor ku meel-gaar ahaa, walaalkiisna ahaa) u raacay magaalada Cadan ! ! ee dalka Yaman. Nuur nin aad u madow ayuu ahaa. Markay la kulmeen suldaankii ay u socdeen oo uu is baray labadii boqor, ayuu boqorkii Yaman hadal kaftan ah yiri oo macnaheedu ahaa :

" Haddii iftiinkiinu caynkan yahay, mugdigiinu sidee noqon ".

Xaaji Cismaan Xaaji Yuusuf oo ahaa la taliyaha boqor Cismaan, ayaa ka sheekeeyay mar uu wafdi ahaan ku tegay degmada Mukulli isaga oo dhambaal ka siday boqor Cismaan. Mukulli waxay xilligaas xarun u ahayd suldaankii Xadramuut oo magiciisa la oran jiray suldaan Gaceyti, kaas oo xiriir wanaagsan ay la lahaayeen. Wafdigan oo ujeeddada socdaalkoodu ahaa in ay suldaanka kala soo xaajoodaan in uu qiimo jaban kaga iibiyo hub ay doonayeen in ay ka iibsadaan. Xaaji Cismaan wuxuu yiri :

" Waxaa la ii diray Mukulli si aan hub u soo iibiyo. 600 oo wan ayaa doon la ii saaray. Saddex lool oo dahab oo uu garaamkoodu ku qoran yahayna boqorka ayaa ii dhiibay. Lacag melyan gaaraya oo isugu jirta Qirish iyo Rubiyad ayaa kiishado la iigu guray.Waxaa kale oo la ii dhiibay waraaq uu igu yiri gaarsii suldaan Gaceyti. Doonidii baan ku dhacay. Markay Mukulli gaartay baan askartii ku iri : Arigan suldaanka ayaa lehe ha layga dejiyo.

Markii suldaankii la war-geliyay, wuxuu ku soo jawaabay in arigana layga qabto, aniga iyo ragga ila socdana nala marti-geliyo. Doonidana ay halkeeda inoo joogto. Daar dabaq ah oo ay martida geeyaan ayaa layna dejiyay. Suldaanku, wuxuu raggiisii faray in layna wanaajiyo, raashinkana noocii aanu doono leynoo keeno.

Daartii saddex maalmood baa inoogu dhamaatay. Kaddib ayuu suldaankii inoo yeeray. Waxaan horay u soo qaatay loolkii dahabka ahaa iyo waraaqdii aan suldaanka u waday. Waxaan u imid isaga oo fadhigii iyo kuraatsiiba hagaajiyay. Wuxuu ku lebistay qamiis culus oo oogada dahab ku leh. Taaj dahab ah buu madaxa saaray. Isaga iyo nin wasiir u ahaa ayaa meel halkoo ah ka soo jeeda. Waxaa ley baneeyay kursi suldaanka dhiniciisa ah. Markaan soo galnay ayaa nin dhawaaqay oo dadkii ku yiri : Istaaga.

Suldaankii baan hor istaagey oo aan gacan-qaaday. Dabadeed wasiiradiisii iyo askartii ayaa i salaamay. Kaddib, fariiso ayuu i yiri. Dahabkii ayaan meel agtiisa ah dhigay. Markaasaan fariistay. Waraaqdii ayaan suldaankii u gudbiyay. Dabadeed nin wasiiradii kamid ah ayuu inta u dhiibay ku yiri : Akhri oo ku dheereyso hadalka.

Suldaanku madaxa ayuu ridayay intii waraaqda la akhrinayay oo wuxuu la yaabanaa ereyada carabiga ah oo ku qoran waraaqda. Markii la dhameeyay buu yiri : Ii dhiib waraaqda.

Waa loo dhiibey. Markaasuu jeedaashey waraaqdii. Misana Xaaji Cismaan buu jeedaashey ".

Xaajigu wuxuu ahaa nin dherer badan oo midab furan, quruxna loo dhameeyay.

" Suldaankii baa marna Xaajiga eega, marna dahabka hortiisa yaal, marna waraaqda gacantiisa ku jirta. Kaddib Xaajigii ayuu suŽaalay oo ku yiri : Ma nin Carab ah baa soo qoray waraaqda ?

Xaaji Cismaan : Maya, waxaa qoray nin Soomaali ah oo gacan-yare u ah boqorka.

Suldaankii : Ma nin Soomaali ah baa sidatan wax u qoray oo farta caynkan ah dhigay !.

Markuu suldaankii furay hadalkii, ayuu Xaajigii yiri : Waxaanu kaa dooneynaa inaad inoo jebiso qiimaha aad hubka inooga iibiso, waayo hub badan ayaanu qaadaneynaa.

Suldaankii : Waayahay, intaa waan yeelayaa. Halakan hubku mayaal. Wuxuu yaalaa Shixir.

Dabadeed wuxuu sheegay qiimo wax badan ka jaban kii hore, wuxuuna yiri : Waraaq baan iyana u dirayaa, idinna idiin qorayaa oo waan ku siinayaa. Haddaba dhaqaalaha aad wadato wixii ay kuu gooyaan oo hub ah iibso.

Suldaankii : Goormaad tegeysaa ?

Xaaji Cismaan : Beri subax.

Suldaankii : Waxaan doonta kuu saarayaa 30 sanduuq oo saanad ah iyo 300 oo qori oo aad hadiyad ugu geyso boqor Cismaan.

Subaxdii baan doonidii soo aaday, mase rasaastii iyo qoryihii waxay diyaar ku yihiin xeebta. Doontii baa ley saarey, dabadeed Shixir ayaanu tagney. Waa nalagu soo dhoweeyay. Waxaa leynoo sheegay in waraaq ka timid suldaankii, sidaa darteed in leynoo jebinayo sicirka ". (Xaajiga waxaa ka weriyay Maxamuud Aw-Yuusuf).

Waxaa xusid mudan, waraaqda uu suldaanku la yaabay ereyada iyo qoraalka ku yiil, ninka qoray wuxuu ahaa Xaaji Jaamac Bilaal, oo boqorka xoghayn u ahaa. Jaamac Bilaal wuxuu wax ku soo bartay dhulka Carabta. Wuxuu ku noolaa Cadan oo uu Ingiriiska iyo Carabigaba ka bartay. Wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka asaasa dugsi hoose oo ay caruurta Soomaaliyeed wax ka bartaan. Caruurtii ugu horeysay ee dugsigiisa ka qalin-jebisay waxaa kamid ah jeneraal Cabdullaahi Hoolif. Dugsigaas oo loogu magac-daray Jaamac Bilaal, waxaa la oran jiray Macallin Jaamac, wuxuuna ku yiil bartamaha Xamar.

Yuusuf Cali, oo marna adeer u ahaa boqorka marna sodog, ayaa muranka dhex-maray isaga iyo boqor Cismaan waxaa sababay, is qaadan-waa ka dhexeeyay ag-joogayaashii boqorka iyo Yuusuf oo damcay in uu ka maroorsado maamulka. Arimaha la tilmaamo waxaa kamid ah, ag-joogayaasha oo ka hinaasay dadnimada loo hibeeyay Yuusuf. Waxaa kale oo jiray Yuusuf oo khasnaji u ahaa boqorka, ayaa dhaqaale badan oo damac geliyay ka ka helay howshii uu hayay. Cadaadis badan oo kaga yimid dhankii xaashida boqorka, dabadeed Yuusuf wuxuu bilaabay in uu asaaso unugii ugu horeeyay ee mucaarad ku ah maamulkii boqor Cismaan. Wuxuu gacan ka haystay labadii bahood oo waawaynaa (ilma Maxamuud Xawaadane) iyo reerka la yiraahdo Yuusuf Cawlyahan (Siwaaqroon) oo reer abtigiis ah. Yuusuf waa l! ! a xiray, hantidiisiina waa lala wareegay. Mar inta la uleeyay uusan wax ficilo jawaab ah ka bixin ayuu kula baxay magaca Keenadiid. Taasina waxay ka dambeysay markii uu boqorku yiri : " Iska daaya, kani waa Keene - diide " oo uu ula jeeday in uusan oggoleen in uu hoggaansamo.

Yuusuf ayaa muddo kaddib ku guulaystay in uu uruiyo xoog ciriiri geliyay maamulkii boqortooyada. Bilowgii sanadihii 1870-aadkii, Yuusuf wuxuu caddaystay mucaaradnimo maamulka. Boqortooyadii ayaa waxay ku sigatay in dagaal sokeeye ka aloosmo, kaas oo sigay in dhiig badan daato haddii uusan soo dhex-galeen nin maal-qabeen ahaa oo Cadan ka yimid. Ninkaas oo laŽoran jiray Harti Bile, wuxuu u dhashay beesha Siwaaqroon, wuxuuna abti u ahaa Yuusuf Cali. Maal-qabeenkaasi wuxuu ku guulaystay in uu Yuusuf ku qanciyo in uu dibadda u dhoofo, kaddib markii uu siiyay xoolo uu ku ganacsado.

Muddo toban sanadood ku dhow ayuu Yuusuf ka ganacsanayay dalalka Khaliijka Carabta. Sanadkii 1878-kii wuxuu ku soo laabtay dalka. Laakiin markan wuxuu la soo laabtay aragti ka duwan tii hore ee uu qabay. Sida ku xusan sheekooyinka Soomaalida, Yuusuf Cali wuxuu ka soo degay meel kamid ah xeebta magaalada Hobyo. Degmadu waxay lahayd ceel biyo macaan iyo Khoori dabiici ah, taas ayaa waxay sabab u ahayd in ay marar ku soo leexdaan doonyaha degaanka maraya. Yuusuf wuxuu hoggaaminayay tiro doonyo ah oo ay la socdeen dadkii isaga la xulufada ahaa. Waxaa kale oo weheliyay farsamo yaqaano Carab ah (Meheri). Doonyaha waxaa u saarnaa hub, qalab dhismo, raashin iyo alaabo hadiyado ah. Yuusuf oo dhowr jeer oo hore, degmada yimid ayaa markan odeyaashii degaanka la dhigtay heshiis uu ku doonayay in si ku meel-gaar ah uu degaanka ugu noolaado. Ujeeddada Yuusuf Cali ayaa markii hore ahayd in uu cashuuro ka qaato doonyaha halkaas imanayay. Yuusuf ayaa mashruuciisa ka qarsaday beelihii Hawiye (Habar - Gidir) ee degaanka ku noolaa. Waxaa dhacday in beeluhu ay dareensadeen markii uu isku deyay in uu qalcad wayn ka dhiso degmadii Hobyo. Muddo gaaban kaddib, waxaa bilowday kacdoon ay beelihii degaanku kaga hor imanayeen mashruuca Yuusuf Cali uu damacsanaa in uu halkaas ka hirgeliyo. Kaddib markii uu hiilo ka helay beelaha Daarood, gaar ahaan kuwa Majeerteen ee degaanka ka ag-dhowaa, ayuu Yuusuf Cali ku guulaystay in uu muquuniyo kacdoonkii beelihii Hawiye. Dabadeed wuxuu halkaas ka asaasay saldanaddii Hobyood ee uu suldaanka ka noqday, dabadiisna uu wiilkiisii Cali Yuusuf dhaxlay. Saldanaddaas oo cimrigeedu ahaa 49 sano, waxaa burburiyay Talyaanigii, sanadkii 1927-kii.

Taariikhyahannada wax ka sheega maamulkan, xoogaaga ay ka qoreen waxay ku tilmaamaan in Yuusuf Cali uu ku guulaystay dowladdii ugu salka ballaarnayd ee Soomaaliya ka soo if-baxda muddadii u dhexeysay burburkii boqortooyadii Awdal iyo maamulkii gumaystayaasha. Xuduudda maamulkan ayaa wuxuu ahaa sidatan :

1. Xadka waqooyi - Togga Nugaal.

2. Xadka koonfur - degaanka degmada Ceel-buur.

3. Bariga - xeebta bad-waynta Hindiya.

4. Galbeedka . degmooyinka Goldogob iyo Gallaadi.

Muddo gaaban ayuu wuxuu ku dhisay ciidamo kala-danbayn leh. Wuxuu yeeshay calan doonyihiisa lagu garto iyo danjirayaal wareega. Maamulkii Yuusuf Cali wuxuu lahaa lacag dahab ah oo ka shaqayneesay degmooyinkii uu ka taliyay. Taasi waxay dhalisay, sida inoo iman doonta, in uu kamid noqdo xoogaggii laga aqoonsanaa degaanka.

Dhacdada uu Yuusuf Cali ku degay degmada Hobyo ayaa ahmiyad gaar ah waxay u leedahay taariikhda Soomaaliya, waana midda xudunta u ah khilaafka gaamuray ee dhex yaal beelo badan ee Soomaaliyeed. Nasiib darro, weli lama hayo aqoonyahanno is-xilqaamay oo diraasaad iyo baaritaan aqoon ku salaysan inta sameeya soo bandhiga taariikh ay Soomaalidu ka faaŽiidaysto. I. M. Lewis oo ah nin ku xeel-dheer aqoonta Soomaali-baradka ah, wuxuu xusay in taariikhda Soomaaliyeed ay dhaawacan tahay inta ay dhacdadan ka maqantahay qoraalada aqooneed ee taariikhda dalkeena.

Muddo gaaban dabadeed, markii uu taabo-gal noqday maamulkii Yuusuf Cali, ayaa degmada Hobyo waxay noqotay mid la mataan ah Baargaal oo markaas ahayd magaalada ugu camiran degaanka. Labadaas degmo oo magaalo-madax u ahaa labadii maamul, ayaa xilligaas waxay ahaayeen xarumo siyaasad, ganacsi, aqoon iyo dhaqan. Kasokow xubnaha labada maamul ee halkaas fadhiyay, waxaa labada degmo ku sugnaa rag kamid ah culima-diinkii Soomaalida kuwoodii ugu aqoonta badnaa. Ragga wax ka degay magaalooyinkaas ee aqoonta diinta laga baran jiray waxaa laga xusi karaa shiikh Cumar Axmad Al as-hari oo ahaa ninkii ugu horeeyay oo Soomaali ah ee ka soo baxa Jaamacadda Al as-har, kaas oo muddo fadhiyay degmada Hobyo. Sidoo kale Baargaal waxaa fadhiyay shiikh la oran jiray shiikh Qudubi. Shiikhan oo kamid ahaa ragga wax ku soo bartay magaalada Harar ayaa tacliin joogto ah siin jiray dadka degaanka! ! , Waxaana loola tegi jiray wixii masaaŽil diini ah.

Waxaa kale oo degmooyinkaas ku urursanaa abwaano heer qaran ah oo suugaantii ay curiyeen laga qiimeeyay gobollada Soomaaliyeed intooda badan. Abwaanadaas ayaa gabeyo is-shaafsan jiray iyda oo mid waliba uu difaacayo maamulkii uu la joogay. Waxay suugaantooda la beegsan jireen hadba dhacdada xiisaha leh ee kolkaas taagnayd iyo gabeyada looga soo tiriyo xarumihii laysaga tebin jiray suugaanta. Ragga suugaanta ku caanka ah ee xilligaas ku noolaa labadaas degmo, waxaa laga xusi karaa : Faratol Yuusuf Sharmaarke, Muuse Yuusuf Sharmaarke (Muuse Dhiidhi) iyo aabahood Yuusuf Sharmaarke Cismaan, Maxamuud Axmad Aw-Xuseen (Il-dab), Cismaan Yuusuf Keenadiid, Faarax Axmad Aw-xuseen, Cali Sharmaarke, Cismaan Sharmaarke, Xaaji Gooni, Axmad Busur, iyo kuwo kale.

Maxamad Cabdulle Xasan ayaa tilmaan wacan ka bixiyay noloshii ay xilligaas ku sugnaayeen degmooyinka maamulladaas. Isaga oo ka waramaya hodantooyada ka muuqatay noloshii xarumahaas iyo intii la hal-maalaysay, ayuu mariyay gabey ay tixihiisii kamid ahaayeen sidatan :

Waa nimanka deeqii hambaday hibo Ilaaheeye

Waa niman intay hodan yihiin hoo ku sii daraye

Waa niman gob baa lagu hirtaa lagu hagaagaaye

 Waa nimaka daaraha hurdiyo harac dallaal weyne

Waa niman xariira huwanoo huga ku laafyoone

Waa nimanka haashaarka gole marada haafeyne

 Waa nimanka doonyuhu Hindiga uga hirtaaniine

Waa niman haruur iyo bariis hoyga loo dhigaye

Waa nimanka haanfuuqayee timirtu hoos taalle

 Waa niman haleeliyo hor-weyn heel ka buuxsadaye

Waa niman adduun lagu huroo maal hareerimine

Waa niman intay wada habceen heeshiguun dhicinye 

Waa niman hub iyo dowladnimo haystay weligoode

Waa niman u heynseen fardaha halabsigoodiiye

Waa niman hal-qooqaha rogaal heegma weligoode 

 

Saadiq Enow.

 


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:18 AM. Webmaster HomePage