19 May 2007 04:32

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country] (M. jagne  ) Alitixaad Dowrkee bay dagaalka Sokeeye ka qaateen , sidee bayse Carte u dhiseen maxayna Eldoret ka damacsan yihiin. :Posted on 21 Dec 2002

Alitixaad Dowrkee bay dagaalka Sokeeye ka qaateen , sidee bayse Carte u dhiseen maxayna Eldoret ka damacsan yihiin.

M. jagne   <djagne@hotmail.com>

------------------------------------------------------

Alitixaad Dowrkee bay dagaalka sokeeye ka qaateen? 

Siyaad bare Waqtigii Muqdisho laga saarayey ee Sagaashameeyinkii wuxuu Al-itixaad ahaa Awood aan la dhayansan karin waxayna ka mid ahaay Al-itixaad Ururada Somaliya ugu Awooda badan gaar ahaan markii la fiiriyo xaga tirade xubnaha ururkaa ku xirnaa, kuwaas oo Dhowrjeer oo hore Maamulkii Siyaad Bare gilgileen. 

Inkasta oo ururka Alitixaad aad u xoog badnaa hadana wuxuu ogaa in uunan isaga kaligiis wali Qaangaar u ahayn in uu holiyo in uu la wareego Awooda Dalka wuxuuna dan biday intii uu xididaysanayo in uu ka dheeraado in uu isku dhacaan Ururada xooga badan ee Qaabka Qabiileed u dhisan sida USC iyo SNM , wuxuuna is tusiyey Alitixaad in ay isbahaysi Ururada la samaystaan kuna dhaqmaan Siyaasada ah Gacantaadan goynkarin waa la Dhunkadaa. 

Madaama ay marka USC  Caasumadii qabsatay waxay Alitixaad go´aansadeen in ay USC isbahaysi la samaystaan, iyagoo waliba istusiyey in isbahaysigaasi u suurto galinkaro in ay u dusaan awooda Dalka iyaga oo aan la dareemin. 

Kala Jabkii USC wuxuu ku kalifay Alitixaad in ay iyana kala jabaan si aanay dhinacyada Siyaasada Xamar dhinacna u seegin iyadoo haddana wada shaqayn ka dhaxaysay labada garab ee alitixaad, sidaas ayey Siyaasiyin iyo Odayaal Alitixaad ka mid ah ula safteen Cali Mahdi, meesha rag uu sh. Xasan Awees kamid yahay oo u badan dhilinyaro iyo Ciidankii Alitixaad Caydiid ula safnaayeen kuwaas oo waliba Dagaalkii uu Caydiid 1992kii UNka iyo Cidamada Maraykanka ku qaaday Dowr xoogle ka qaateen, kaalmana ka heleyey kuwa dhigooda ah ee Aduunka ka dhisan. 

Sida marka Shaqada uu Alitixaad qabtay tan iyo intuu Dagaalka Sokeeye socday laga dhiraandhirin karo Howsha Alitixaad Isbahaysiga u hayey waxay ahayd Sirdoonka oo meelaha ayna USC haysan ayuu ka soo xog waramijiray, waxaa kale oo ay uu qabanjiray Isbahaysiga wacyi galinta oo Dadka wuxuu ku boorin jiray in aanay isdifaacin iyo in aanay USC la dagaalamin, waxaa kale ee uu USC u samayn jiray Maalgalin oo wuxuuna Alitixaad USC dibadaha uga soo ururinjiray Dhaqaale, waxaa kale uu fulinjiray shirqoolada oo uu ka samaynjiray hadba meesha aanay USC haysan wuxuuna ahaa Gacantii USC ku Qasaysay Meelaha aanay markaa haysan.waxaana la dhihikaraa waxaa labada urur ka dhaxeeyey xirir u dhigma kii dalibaan iyo Bashtuun. 

Dhinaca Somaliland Alitixaad waxay ula noolaayeen si banad ah oo wax Dagaal ah iyo wax arbushaad ah Maamulka Somaliland kuma hayaan, Xirirkooduna waa mid aan la qiyaasi karin oo radsanaa inkasta oo aad moodid in ay hadda Jaanta isla heleen Markii la fiiriyo xaga burbirinta Puntland iyo howhsha ay wadajirka Laascaano uga wadaan. 

Shirqoolkii ugu horeeyey ee uu Al-itixaad fuliyo wuxuu ahaa kii uu Sheikh Xasan Dahir Awees ku soo caan baxay ee uu ugu gacan galiyey USC Magaalada Kismayo, markay Alitixaad USC Kismanyo faraha u galiyeen waxay u wareegen Alitixaad dhinacaa iyo Dhulka ay SSDF ka taliso, meeshaa oo ay horay ugu sugnaayeen Awood Alitixaad oo xoogle, kuwaas oo ay faraha ugu jireen ilo Dhaqaale oo Muhiimka ah sida Dakada Boosaaso. 

Awoodahaa Dhulka hadda loo yaqaan Puntland isku biirsatay waxay u doorteen Sh. Xasan Dahir Awees Hogaamiye waxaana dorashadiisa halbeeg looga dhigay kartida iyo guulaha uu ka soo hoyey Kismanyo waxaana loo arkay in uu yahay nin ku guulaysan kara in uu SSDf af ganbiiyo.iyo in uu Beel ahaan Xamar ka soo jeeda oo markuu Puntland ka guulayso ka dib Xamar taageero Urur iyo mid beeleedba ka helikara. 

Sidaas ayey ku timid Jilaafadii ay Alitixaad Sanadkii 19992 dii SSDF la beegsadeen, Jilaafadii ay Alitixaad  SSDF la heleen wuxuu hurdada ka toosiyey Dowlada itoobiya wuxuuna ku kaliftay in ay sigaara ugu kuur gasho arinaha ay Alitixaad Somaliya ka wadaan, waxaa kale oo ay jilaafadaasi Hurdada ka toosiyey Dadka reer Puntland oo ay qaadan waa ku noqotay in waqtiga xasaasiga ah ee ay Kismanyo farahooda ka baxday in uu Ururka Alitixaad dhabar jabiyo waxaana waqtigaa dhashay Dareenka ah in uu jiro Isbahaysi ka dhexeeya Alitixaad iyo USC sidaas ayey Jabhadii SSDF uu hogaaminayo Cabdulaahi Yuusuf oo taageero ka haystaan Shacabka cagta u mariyeen Ururkii Alitixaad ee ku soo xoomay Puntland: 

Markii lagu jabiyey Alitixaad Dhulkii ay SSDF ka talinaysay waxay u huleeleen oo ay Qorshahooda Sadexaad ka dhigteen xagaa iyo Gado oo markaa SNF ka soo saaren Caydiid, una muuqatay markaa in Awooda Caydiid koonfurta Somaliya farihiisa ka sii baxayso, si aanay marka meeshaa u imaan Awood Xamar ku soo siqi kara ayay Alitixaad fariin Gado uga dhigteen ,farahana ugu dhigeen ilihii Dhaqaale ee Gobalkaa sida Buulo Xaawo, Luuq iyo Doolow. 

Itoobiya oo Isha ku haysay dhaqdhaqaaq Alitixaad waxay la kaashatay Cabdulaahi Yusuf in uu gunto Xirir dhexmara Itoobiya iyo SNF, taas oo uu Cabdulaahi ku guulaystay sidaas ayaana Alitixaad Dagaal faraha looga gubtay ka dib Gado looga saaray waxayna Itoobiya faraha ku dhigtay cadayntii ugu horaysay ee ku saabsanayd in aanay meesha Al-Qaacida ka marnayn. 

Hadaba Inkasta oo lagu guulaystay in Alitixaad laga sifeeyo Gado ma sii waarin Heshiiskii SNF iyo Itoobiya oo Hogaankii SNF waxay Shirkii Qahira ka dib Xirir la yeesheen Ururadii Alitixaad isbaysigu ka dhexeeyey ee Xaruntoodu Xamar ahayd, taas oo keentay in ay SNF ku kala jabaan oo ay labo Garab oo Dagaal ka dhexeeyo u kala baxaan kuna kala gadisan aragtida. 

Kala jabkaa SNF wuxuu keenay in ay Itoobiya markale Isbahaysi Cusub raadiso waxayna markaana la kaashatay Cabdulaahi yusuf oo Itoobiya iyo RRA heshiis ka dhexguntay taas oo keentay in Ina Caydiid iyo Ururka Alitixaad Baydhabo Banaanka looga saaro iyo in uu Cadaadis xooglihi Ina Caydiid iyo Alitixaadba fuulo. 

Ina Caydiid wuu u dulqaadan waayey Culayska ay Itoobiya saartay waxayna ku kaliftay in uu Itoobiya Xiriir la yeeshoo, Xiraarkaa oo u keenay Ina Caydiid in uu Muqdisho Imaatinkeeda ka maago, maxaa  yeelay wuxuu ka baqay in ay Alitixaad Shirqool ku dilaan, taas ayaana keentay in uu ina caydiide Adis Ababa fariisto, gaar ahaan alitixaad oo ku tuhmayaan in uu u gudbiyey Itoobiya sirtii u ka hayey. 

Cadaadiskaa Itoobiya uma keenin ina Caydiid oo qura is badal ee Alitixaad laftooda ayaa badaleen Siyaasadoodii muuqatay waxayn ku dhaqmeen Siyaasad is firdhin ah oo ay ku milmayaan Beelaha iyo Bulashada Ray´idka ah qaybaheeda kala duwan. 

Si ay marka Alitixaad ugu siimoobaan Awooda Dalka waxay faraha ku dhigeen Dhaqaalihii, Waxbarashadii iyo Isgaarsiintii  sidoo kale Hay´adihii Caalamiga ahaa ee Somaliya ka howlgaleyey sida NGOyadii iyo Ururada Xuquuqda Bin Aadamka u dooda Qaarkood iyo Shaqaalaha Somalida ah ee UNka iyo Yurubiyaanka u shaqeeyaan ayaa noqdeen Meelaha ay Dad xaga Alitixaad u jenjeera faraha ugu jirto ama Dad ay wax wada cun leeyihiin waxaa kale oo ay ku guulaysteen in ay maalgalin xoogle ku sameyan Warbaahinta gudaha Somaliya ka jirta waxayna ka ku guulaysteen in ay hirgaliyeen Radiyo FM ah iyo Internedyo waxayna maalgaliyeen Dad badan oo xataa aanay Qaarkood tukan. 

Warbaahinta Somaliya ka hadlaan ee dibada ayaa iyana ka Madhnayn Alitixaad waxayna Dad badani aaminsan yihiin in aanay suurto gal ahayn in ay Alitixaad meel sidaas u muhiim sida BBC Laanta Afsomaliga iyo IRIN ah cid leeyneen. 

Gaar ahaan markii la fiiriyo Xiriirka Qaraabonimo ee ka dhexeey Yuusuf Qaraad oo ah Madax Laanta BBCda Afsomaliga, Xasan Salaad Xasan oo qoraa ka ah IRIN walaalena yihiin Cabdiqaasim Salaad Xasan oo Madax Kooxda Carte ah iyo in haddana in dhamaan ay qaraabo la sii yihiin Sh Dahir Awees oo Alitixaad u madax ah iyo madax shirkadii Albarakaad ayaa iyana shakigeeda leh. 

waxayna Dad badani qabaan in aanay Arin iska dhacday oo si lama filaan ah u dhacday ahayn in ay Beesha Nimankaasi ka dhasheen in ka badan 90% Warbaanita Somaliya ka howlgasha faraha ugu dhigeen, taasna.waa tan keentay in ay Dad badani rumaystaan in ay Somaliya ka jirto Xiriir u dhigma Xirirkii ay Talibaanka Afqaanistaan la lahaayeen Bashtuun oo Beel ah. 

Kuma ekaan Siyaasada is Furfurka Alitixaad arimahaa kore ee waxay si ay Ciidan qarsoon u samaystaan ku guulaysteen in ay Beelaha dhexdooda Maxkamado Islaami ah iyo Ciidan Maxkamadeed ka dhexsamaystaan sidaasna Ciidankii Beelaha iyo kii Alitxiaad si loo kala saaro ay u adkaatay. 

Alitixaad sidee bayse Carte u dhiseen? 

Siyaasadaas Cusub ee Furfurka ah waxay u suurto galisay Alitixaad in ay Dahaar Beeleed isku daboolaan.iyo in ay Beelaha Xirir xoogle la samaystaan waxa kale oo ay bilaabeen talaabo ay ku soo jiidanayaan Hogaamiya Dhaqameedyada iyo hogaamiyaasha Siyaasada ama ayba iyaga oo adeegsanay Dhaqaal iyo Warbaahin ay Hogaamiye siyaasadeed oo Cusub ku sameeyaan, sidaasna ay u cuslaato in la kala saari waayo in ay Maxkamadahaas Islaamiga ah inay yihiin mid Alitixaad iyo in ay yihiin.mid Beeleed. 

Inkasta ay Alitixaad Awood xoogle oo dhankasta ah sidaas ku kasbadeen haddana Shirarkii kii Carte ka horeeyey waxaa u suurto gali waayey Alitixaad in ay Awooda Dalka hawaystaan maxaa yeelay waxaa la martiqaadijiray Hogaamiye Kooxeedyada oo kaliya, Itoobiyana Il gaar ah ayey ku fiirinaysay hadba Heshiisku dhankuu u liico iyo Awooda iyo Xirirka ay Alitixaad Dhankaa la leeyihiin. 

Shirkii Carte ayey u suurto gashay Alitixaad in ay Boodka Itoobiya iyo Cabdulaahi yuusuf jabiyaan oo ay ku sigtaan in ay Awooda Dalka qabsadaan waxaana taa u suurto galiyey Shirka oo ay Albaabadu u furaayeen iyo iyagoo Shirkaa isticmaalay Siyaasadooda Furfurnay ee baahsan ee ku salaysnaa Ururada Bulshada Rayi´idka ah iyo Warbaanta iyo Dhaqaalaha Waxayna Alitixaad Shirka Carte isugu geeyeen dhamaan Awoodii Dhaqaale tii Xirirka warbaahinta ay samaysteen, xirirkii ay Odayaal Dhaqameedyada la samaysteen iyo waliba Xiriirka ay Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada iyo Hogaamiye Kooxeedyada Qaarkood  la lahaayeen.

Iyagoo adeegsanay dhamaan waxaas oo xiriir ah iyo waliba dhaqaale farabo badan waxay Alitixaad dhidibada u taageen kooxda Carte oo ay horboodayaan rag iyaga raacsan iyo rag ay Damac iyo tursi ku soo jilaabeen waxaa kale oo waliba arintaa Qayb wayn ka qaatay Ururada Caalamiga ee Somaliya ka howlgale iyadoo rag u shaqeeya Ururadaas oo somali ah oo Ururka Alitixaad xirir la leh ay Ururada Caalamiga arinta u hos galiyeen. 

Markii Carte la dhisay waxay Cidamadii Alitixaad ee Magaca Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga lagu dhisay, lagu wareejiyey Kooxda Carte,. Madaxdii Alitixaadna waxay noqdeen Xildhibaano iyo Wasiiro, Tujaartii Alitixaadna waxay noqdeen Tujaarta Kooxda Carte taageerta, sidaas ayaa Alitixaad Somaliya Ciidan ahaan looga waayey ku dhex milmeen Kooxda Carte iyo Kooxaha hubaysan ee Carte taageersan waxayna u wada xuub siibteen Carte.iyo Carte taageere iyo Itoobiya cambaareeye. 

Inkasta oo ay Alitixaad is dadaan hadana uma aanay suurto galin in ay indhaha Itoobiya iyo kuwa Cabdulaahi Yuusuf ka dhuuntaa oo Itoobiya waxay Meelkasta u gashay sidii ay Adduunka u tusi lahayd aafada Somaliya ka socota iyo waxay Carte soo walwaalayaan. 

Inkasta oo ay Itoobiya iyo Cabdulaahi Yuusuf ka digayeen in ay Alitixaad Carte afduubeen, hadana Carte iyo Alitixaadkii gudaha Puntland joogay oo kaashanayaan Dhaqaale iyo Warbaahinta Guud ee Alitixaad iyo waliba Isimo iyo Siyaasiyiin la afgaratay oo reer Puntland ah iyo warbaahinta guda iyo dibada ee Alitixaad waxay ku guulaystaan in ay Cabdulaahi Yuusuf oo ay u arkaan Cadowgooda Koobaad ee Itoobiyayana caawimayso in ay Gawaanka Cunsiiyaan oo Maamulkii ka faro maroojiyaan. 

Falkii argagixisanimo ee ka dhacay amerika oo keenay in ay Indhaha Adduunku Somaliya soo dhowraan iyo Xanibaadii ka danbaysay ee la xanibay Dhaqaalihii Ururka Alitixaad iyo cabsida gashay Warbaahintii Alitixaad iyo Carte caawinjirtay sida BBCda Laanta Afsomliga iyo IRIN yaa la dhihikaraa wuxuu ahaa bilowgii Burburka Alitixaad iyo Carte iyo soo noolaanshdii Puntland, in kasta .oo Alitixaadkii Puntland looga adkaaday Maanta qas Laascaano ka wadaan, una ololaynayaan sidii Sool somaliland uga mid noqon lahay .si ay awood cabdulaahi yuusuf iyo tan Puntland u kala dhantaali lahaayeen. 

Alitixaad maxayna Eldoret ka damacsan yihiin

Si kastaba ha ahaatee Alitixaad iyaga oo Magackasta adeegsanaya mid Beeleed mid Hogaamiye Dhaqameed mid Siyaasi, mid Hogaamiye Kooxeed iyo iyagoo Xirirkasta adeegsanayaan mid NGO mid warbaahin iyo mid Urur Xuquuda bin Aadamka u dooda iyo iyagoo waliba Xirirka Dadka ay waxwada Cunka leeyihiin adeegsanay, isticmaalayana Caadifadkasta iyo shucuurkasta mid qabiileed, mid diineed, mid cabsiin, mid qowmiyadeed waxay rabaan in ay Indhaha Adduunka oo shan ah Shirka Eldoret ka faro maroojiyaan sidaasna Dowlad iyaga raacsan ay Eldoret ugu soo baxdo.

Si ay taas u hirgasho marka waa in ay Itoobiya indhaha Ciid ugaga rogaan oo ay Itoobiya Shirka ilayn iyadaa Sheekada la socote Dibada uga saaraan,.taas oo u suurto galinaysa in ay Shirka Alitixaad siday donaan ka sameeyaan howshaasna hirgalinteeda waxaa ka taageeri Warbaahinta iyo ururada bulshada ay Alitixaad Xiriirka la leeyihiin. 

Haddii ay markaa taas ku guulaysan waayaan oo ay arkaan in ay dowlad iyaga raacan ama madax ay hadhow jiidan karaan aanay shirka Eldoret ka soo baxayn waxaa u qorshaysan in ay Shirka burburiyaan shirkalena Muqdisho ku qabtaan iyagoo inta uu Shirka Eldoret socdo sida hadaba muuqata ay isbahaysiyo iyo xiriiro cusub guntayaan, kuwaas oo saldhig u noqon doona shirka ay maagan yihiin in ay muqdisho ku qabtaan markay alitixaad oo hadda carte u xuubsiibtay kan Eldoret burburiyaan. 

Hadaba Dhawaaqii qanyare iyo Caato iyo buuqay kooxda Carte samaynayaan wuxuu ahaa qorshe la rabo in shirka loo jeediyo meeshii la rabay iyo in isbahaysiga SRRC lagu burburiyo qaarna gooni loo goosto wuxuuna ahaa Buuqaasi Qorshe lagu soo balamay oo mudo dheer laga soo shaqaynayey taageerana ka haysta Warbaahinta Ururkaa Alitixaad ka agdhow.

Waxaana taa makhraati ka aha Heshiisyada cusub ee ka cod dheer kii caalamku wada saxeexay, taas oo ku tusaysa meesha majarihii Shirka in loo leexiyo lala maagan yahay.iyo waxay Alitixaad iyo Carte shirka Eldoret la maagan yihiin.

Si aan marka markay Xeero iyo Fandhaal kala dhacaan loo salalin waa in Aduunku Shirka ELdoret  Indha gaara ku dowraan.


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:19 AM. Webmaster HomePage