19 May 2007 04:31

SOMALIA WATCH

 
AnalysisANALYS2.jpg (2276 bytes)
  • [SW Analysis] (maxamud jagne) Sirta  dhismaha kooxda Carte iyo Dowrka ay Somaliland dhismahiisa iyo burburinta Puntland ka ciyaartay. :Posted on Dec 23 2002

 

Sirta  dhismaha kooxda Carte iyo Dowrka ay Somaliland dhismahiisa iyo burburinta Puntland ka ciyaartay.

Show all headersmaxamud jagne <djagne@hotmail.com>

 

Dagaalkii 1992dii uu Cabdulaahi yusuf Alitixaad la galay, kii Kismanyo ka socday ee u dhaxeeyey Beesha Cabdiqaasim Moorgan oo Puntland takulaynaysay iyo Damac Somaliland ee ku saabsan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle in ay Puntland ka goyso waxay dhaliyeen in uu Isbahaysi cusub oo Puntland burburkeed isu bahaystay unkamo. 

Isbahaysigaa oo Horay 1990kii u jiray waxaa soo nooleeyey oo dib u tidcay alle ha u naxariistee Ina Cigaal oo u arkayey in Dagaalka Kismanyo isu Imaatinka Hartiga asaas u yahay, iyo in Kismayo tahay Kooladii Hartinimada isku haysay, Farahooda haday ka baxdana ay kala furfuranayaan, sidaasna isaga uuna Sabi ugaga dhiman ugu suurto galayso in Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ku hantinayo. 

Tartan Dhaqaale ayaa isna meesha ka maqnay oo uu Ina Cigaal rabay in uu Dakada Boosaaso ku curyaamiyo si ay tan Berbero oo Dagaaladii Somaliland ka dhacay ka dib curyaantay, ay kalsoonidii lagu qabay dib u kasbato markii tan Boosaaso la isku aamini waayo. 

Waxaase jira Dad badan oo qabaan in Shirkadaha Xawaaladaha ay Isbahaysigaasi Aabe u ahaayeen, kuwaas oo kala ah Albarakaad oo u lug ku lahaa Alitixaad, iyo Shirkada Dahabshiil oo ay Dad badani qabaan in uu sh. Cabdi Warsame oo Madax Alitixaad ahaanjiray ka hor intii uu sh. Dahir Awees Madaxnimada Ururka Alitixaad kala wareegin,. wax ku leeyahay.

 Cidii doonta Isbahaysiga Aabe ha u ahaatee waxaa cad in ay jireen Damacyo iyo Ujeedoonin kala duwan oo ay Burburka Puntland Isbahysigaasi ka kala lahaayeen, tusaale Beesha Cabdiqaasim iyo Somaliland waxay Arinta u arkayeen Mas Madaxaa laga dilaa oo haday Puntland burburiyaan midna Kismanyo baa u xalaalobaysa, midna Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, sidaasna waxa ugu suurto galaysa Riyadii hore ee Hawiye iyo Isaaq ka midaysnaayeen ee ahayd in ay Daarood Somaliya ka dabargoyaan ku hirgasho.

 Meesha Hawiye iyo Isaaq ay Isbahaysiha Ujeedadaa uga mid noqdeen, waxay Alitixaad iyana Dhariga u karinayeen dhinac kale oo waxay u arkayeen in Burburinta Maamulka Cabdulaahi Yuusuf iyo faro ku dhiga Puntland ay fure u yihiin in ay Xukunka Dalka qabsadaan.iyo in ay Itoobiyo Caawime wayn sidaas ku waynayso, sidaasna ay ugu suurto galayso in ay iyagoon la dareemin Xukunka Dalka u dusaan. 

Fulinta Damacaa waxa Isbahaysigaa Sadexgeesoodka ah ku garab istaagay oo fulinta Qorshaha burburinta Puntland dhinac aan la dhayalsan karin ka noqday Isbahaysigaana sii xoojiey, ku biirida ay BBCda Laanta Afsomaliga iyo Xasan Salaad Xasan oo Shaqaale IRIN ka ah, lana dhashay Madaxa Kooxda Carte Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo waliba Madaxda NGOska iyo Ururada Xuquuqda aadamaha u dooda qaarkood iyo Ururada Bulsha ay Isbahaysigaa ku biireen, kawaas oo Isbahaysiga heer Caalami gaarsiiyey.

 Sidaas ayey Hargaysa u noqotay Shirka Carte ka hor meel ay Galaal, Cabdiqaasim, Madaxda Alitixaad iyo kuwa Ururada Bulshadu u hoydaan, waxaana marar Badan Hargaysa lagu marti qaado waagaa Odayaasha Beesha Mareexan si Isbahaysiga Dooxada Jubo loo dhidbo, Kulamo Badan ka dib waxaa lagu guulaysto in Isbahaysiga Dooxada Jubo la dhidbo iyo in Qaab wada shaqayneed oo kawada dhaxeeya Somaliland, Beesha Cabdiqaasin, Alitixaad iyo Isbahaysiga Dooxada Jubo la dajiyo.iyo waliba in Shir Dib u heshiineed la abaabulo. 

waxaana isla waagaa batay tagida uu Cabdiqaasim Hargaysa iyo Jabuuti tagayo iyo Duulimaadyada Ina Cigaal uu ku tagayo Jabuuti, iyada oo dhamaan Kulamadaas maal galinteeda u qabilsanaa Ururka Alitixaad iyo Shirkadihiisa Xawaaladaha oo Dagaalkii 1992 ka dabaakhaya, rabayna in ay Puntland hantiyaan iyo in ay Somaliya oo dhan faraha ku dhigaan. 

Fara ku dhiga Alitixaad furaha Siyaasada ee Xamar iyo burburinta Puntland wuxuu Ina Cigaal u arkayey fursad aqoonsiga Somaliland soo dadajinaysa iyo mid doorashada Puntland oo ay Somaliland cabsi wayn waagaa ka qabeen curyaaminaysay, isla markaasna makhraati ka noqota dooda ay Somaliland ku doodaan, in ay Somali inteeda ka duwan yihiin, taas oo ku imaan karta markii nabad galyada Puntland oo Somaliland margi dhuunta u taagan ku noqotay meesha laga saaro. 

Shirar badan oo Hargaysa ka dhaceen ka dib waxaa la goŽaansaday in Siyaasiyiin reer Puntland ah oo dhaqdhaqaa Alitixaad ee gudaha Puntland ded u noqdaan in la leho, si arintu Itoobiya uga dednaato, looguna ekaysiiyo buuq Siyaasi oo Puntland dhexdeeda ka taagan.

 Si marka Arimahaasi suurto gal u noqdaan waxaa la goŽaansaday in Shirka dib u heshiinta Somaliya Hargaysa lagu qabto, Shirkaa oo Koonfur loo gaban lahaa Ujeedadiisu waxay ahayd in Puntland lagu burburiyo iyo in Labo Dowladood sidaas lagu kala dhisto. 

Laakin Halad-haynta Shirkaa Hargaysa ma sii waarin oo markiiba Ina Cigaal wuxuu ka baqay in haddii Hargaysa Shir Alitixaad hormuud ka yahay lagu qabto in ay Aqoonsigooda Raad danbe ku yeelanayso,.iyo waliba in Shir Hargaysa ka dhaca keenayo in ay reer Puntland ka didaan oo ay Shirkaa u arkaas Shir Somaliya lagu kala goynayo, iyo waliba Puntland oo aan suurto gal ahayn in Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay Somaliland uga tanaasusho iyo Somaliland oo Shir Hargaysa ka dhacaya Sool , Sanaag iyo Puntland ha matasho yeelayn, taas oo adkaynaysa in Shirkaa Hargaysa laga helo Siyaasiyiin reer Puntland ka gadma oo Alitixaad gabaad u noqonkara..

 Sidaas ayaa Shirkii loogu wareejiyey Jabuuti oo ayana Qorsha Shirkaas dhinac ka ahayd, waxaan lagu guulaystay in kooxda Carte oo uu Cabdiqaasim Madax ka yahay.lagu soo dhiso. 

Intii loo fadhiyey Shirka Carte waxay Warbaahinta Isbahaysigaasi ka tirsani bilaabeen in ay Dacaayed Puntland ku furaan waxaana ay Warbaahintaasi ku guulaysten in ay dhaqsadiiba Puntland gooni u faquuqaan waxaana Warbaahintaa ka mida ahaa BBCda Laanta Afsomaliga, IRIN iyo Raadyayo FM ah oo Yuusuf Garaad xiriir la leh iyo waliba Wargaysayda iyo Warbaanita Alitixaad leeyihiin oo qaarkood Puntland joogeen.

 sidoo kale Ururada Bulshada oo kamid yihiin NGOska iyo Kuwa isku magacaaban kuwa Xuquuda bin aadam iyo waliba Shaqaalaha HayŽada Caalamiga qaarkood oo Isbahaysigaa ku jiray ayaa bilaabeen in ay Puntland gudaha ka khalkhaliyaan iyagoo waliba Alitixaadka gudaha iyo midka dibada taageero ka helayaan. 

Markii Carte la dhisay ee Siyaasiyiin iyo Isimo badan oo reer Puntland Faraha lagu dhigay waxay iyagoo Dhaqaalihii Carbaha laga soo helay adeegsanaya ay si wada jir ah Carte iyo Somaliland oo Macaaradka iyo Alitixaadu gudaha Puntland jooga kaashanaya gudo galeen in ay puntland burburiyaan.

waxaanay Somaliland si ay Siyaasiyiinta iyo Isimada burburinta Puntland ka shaqaynaya u bataan Jamac Cali Jamac ku biiray, dhamaan taageerayaashii Somaliland Sool, Sanaag iyo Buuhoodle u joogay.

 Gacan toglayn xoogle oo ay awoodahaa isbiirsaday Puntland ku sameeyeen ka dib waxay ku guulaysteen in ay Puntland dhagta dhiiga u daraan oo ay Dhaqaale ahaan Siyaasad ahaan iyo Maamul ahaan u burburiyaa, laakiin falkii argagisnimo ee naxdinta haa ee ka dhacay Ameerika iyo Indhihii Aduunka oo ku soo jeestay Ururada argagixisada ah yaa keenay in Isbahaysigii Sharka ahaa Dhagaale ahaan iyo Siyaasad ahaan wiiqmo, taas oo keentay in Puntland Maamul ahaan dab u soo noolaato.

 Burburkii ku dhacay Isbahaysigaa iyo soo Noqoshadii Maamulkii Puntland wuxuu Banaanka soo dhigay Dowrka qarsoon ee ay Somaliland Qaska Puntland ka jira ka qaadatay iyo lugta ay ku lahayd Burburkii Maamulka Puntland.

Waxaana isla markii uu Maamulka Puntland soo noqday bilaabatay Siyaasad iyo Safaro sadex geesood ah Hargaysa, Jabuuti iyo Xamar, oo ay kamid ahaayeen Safarkii dhaqsaha badnaa ee uu Xasan Abshir Jabuuti ku tagay iyo kii qarsoodiga ahaa ee uu Hargaysa ku tagay iyo waliba Safaradii uu Jamac Cali Jamac iyo Bood ay Hargaysa ku tageen.

Waxayna dad badani aaminsan yihiin in dhamaan kulamadaas la isku afgartay xataa kii Bood iyo Somaliland oo BBCda laga sheegay in aanay is afgaran, waxaanay dadkaasi qabaan in sir ahaanshaha Qorsha loo qariyey Qodabadii fulintooda la isku afgartay.

Dhaqdhaqaaqii iyo Safaradii Siyaasadeed ee Xamar, Jabuuti iyo Hargaysa waxay dhaliyeen Safarkii uu Madaxwaynaha cusub ee Somaliland Riyaale kaahin ku tagay Jabuuti iyo Heshiiskii ay wada saxeexdeen isaga iyo Jabuuti, kaas oo dabo socday Heshiiskii Carte ay la galeen Jamac Cali Jaamac oo ahaa in uu Maamul la yiraahdu Puntland jirin iyo in ay sidaas Puntland Cabdiqaasim Maamul ahaan u hoostigto. 

Waxaana Dadka Siyaasada indha indheeya waagaa la yaab noqotay in ay Somaliland iyo Jabuuti heshiis wada saxeexdaan, isagoo Xiriirkii Jabuuti iyo Carte iyo xirirka somaliland iyo Itoobiya aanu mid uun wax gaarin.

Waqtigaa waxa cadayd in ay Somaliland Safka hore burburinta puntland kaga jirto waxaase uu heshiiskaasi soo kordhiyey tuhun ah in ay ku heshiiyeen in Carte iyo Somaliland oo Jabuuti iyo Alitixaad Puntland jooga tageerayaan in ay Dagaal wadajir ah puntland qaadaan.

 Wuxuna tuhunkii ahaa in ay Jabuuti, Carte iyo Somaliland Puntland u bahoobeen dhaboobay markii ay Somaliland Ciidan Xadka ay Puntland la leedahay soo dhoobtay, isla xiligaan Jamac Cali Jaamac Ciidan Qayaadsamo keenay oo Cartena Ciidan Galguduud keenaya, iyo bBaqdintii soo korortay in Puntland Dagaal sadexgeesood ah lagu qaadayo.

 Laakin Safarkii uu Riyaale Kaahin Adis Ababa ku tagay iyo Ciidamo Itoobiyaan oo Xadka Somaliya la keenay ka dib Arinta wax baa iska badalay.oo Jamac Cali Jamac baa Dagaalkii loo cidleeyey.

Wuxuuna dowrka Somaliland iyo Carte Dagaalkii Qayaaadsame ku ekaa xaga Saadka, Saanada iyo Sahayda waxayna waagaa Burco iyo hargaysa noqdeen barta Taliska Ciidamada Camac Cali Jaamac.

 Dagaalkaa Qayaadsamo wuxuu keenay in Isbahaysigaa jab Ciiday in ay mid Siyaasadeedba oo gaaro. gaar ahaan markii Aduunku ogaaday dowrka ay Alitixaad Dhismihii Carte iyo dumista Puntland ka qaateen. 

Inkasta oo ay Somaliland, Carte iyo Alitixaad iyo waliba Jabuuti jab Siyaasadeed iyo mid Ciidanba soo gaaray oo Maamulkii Puntland ku guulaystay in uu Qayaadsamo qabsado, Puntland Maamul ahaan dib u soo noolaato, Cartana uu burburay, haddana Somaliland iyo Carte iyo Alitixaad wali kama aanay daalin in ay Dabka Puntland sii afuufaan si ay u jeedooyinka ay Puntland ka leeyihiin u gaaraan.

 waxan taas u taasaale u ah marti Qaadkii ay Maamulka Somaliland Cade Muuse u sameeyeen iyo Shirarkii uu la yeeshay MasuuŽlinta Somaliland ka hor intii uuna Cade Muuse Shuubo tagan 

Haddaba Riyaale Laascaanood kuma soo dayoobin ee Qorshe qabya ah oo waahore la soo qodbay oo ay Carte iyo Alitixaad la qabaan ayuu meesh u yimid, waxayna booqashadaasi ahayd sidii loo bilaabi lahaa Dagaal iyo waliba sidii Dagaalkaas ay Somaliland,Carte iyo Alitixaad rabaan in ay Puntland ku qaadaan, loogu ekaysiin lagaa mid haantaadu kugu burqatay ah oo booqshada Riyaale ee Laascaanood ka bilaabmatay oo aan Xiriradaa  hore Xiriiradaas la lahayn, Carte iyo Alitixaadna aanay shaqo ku lahayn.  


[ Analysis]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19/05/07 05:18 AM. Webmaster HomePage