Casharkii XXI-aad
Marka ay xoogagga gumaystayaasha ah inooga imanayee dhulka
xeebaha ah, dadkayagii Soomaaliyeed ee ku noolaa gudaha,
badankood waxay ahaayeen reer-guuraa xoolo-dhaqato ah.
Halgankii ay kula tacaalayeen xaaladihii qallafsanaa ee
noloshooda iyo colaadihii badnaa ee dhexdooda yiil ka sokow,
waxaa jira weji qurux badan oo buuxinaya dadnimadii iyo
garaadkii korranaa oo ay dadkayagu lahaayeen. Wejigaasi waa
dhaqamadii ay haysteen iyo caadooyinkii uu gumaystaha ugu
yimid, kuwaas oo ay kaga tallaabi jireen caqabadaha la soo
dersa. Dhaqamadaas oo la oran karo waa kuwo salka ku haya
caqiidada ay aamin-sanaayeen ee Islaamka ah, ayaa waxaa
amaanay raggii u adeegayay gumaystayaasha ee Soomaalida wax ka
qoray. Haddaba intaynaan u gudbin bilowgii hooshka ku dhacay
dadkeenii, waxaanu yara milicsaneynaa muuqaallo kamid ah
dhaqamadii wanaagsanaa ee aanu ka soo gaarnay facihii uu
gumaysiga hooshay. Dhinacyada aanu tusaalaha u soo qaadanayno
waxay yihiin :
1. Qabiilka iyo Qabyaaladda
2. Golaha Lagu Garramo
3. Xeerka Mageydada
Qabiilka wuxuu ahaa saldhigga nolosha siyaasadeed ee
baadiyaha. Reer miyigu waxay hanaankan qabyaaladda u kaashan
jireen in ay timaaddadooda ku mala awaalaan, tagtadoodana ay
ku xafidaan tay joogaanna ay ku maamushaan. Dhibaatooyinka
siyaasadeed ee la soo gudboonaada, hadday tahay mid beesha
gudaheeda ah, mid beelo kale kaga timid, iyo hadday tahay mid
kaga timaadda qowmiyadaha la deriska ah (Carab, Xabashi,
Oromo, Cafar, Baantuu), intuba maareyntooda waxay ku jaan
goŽnaayeen hannaanka is-bahaysi ee uu qabiilku lahaa. Waxaa
qabiilka ku ururusanaa xubnaha beelaha, isla markaasna wuxuu
wanaag ku xiriirin jiray qofka iyo bulshada uu la nool yahay.
Wuxuu hor taagnaa in uu qof qalaad ku milmo beel uusan u
dhalan, qofka aanan Soomaaliga ahayna waa uu kasii xag jiray.
Qabiilka Soomaalida waxaa u saldhig ah silsiladaha
abtirsiinyo geneology oo
ay facaha reer guraagu u yeerin jireen caruurtooda, taasina
waxay dowr wayn ka cayaari jirtay ilaalinta sharafka, maalka
iyo nafta qofka reer guraaga ah. Waxaa xusid mudan, gulufyadii
colaadeed oo soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd ay ku dhul
fidsanayeen, qabiilku wuxuu ahaa muŽasasadda keliya oo ay
geel-jirtu ka helayeen taakulaynta. Soomaalida reer miyiga ah
wax ay dusha ka xafidaan waxaa agtooda ugu qiima waynaa
quraanka iyo abtirsiga uu qofku leeyahay. Dugsiyada barashada
abtirsiga waxaa macallin ka ahaa hooyada oo goor hore ilmaha u
bilowda casharrada dhaqanka ee lagu xafidsiinayo abtirsigooda,
kaas oo garab socday barista ilmaha la barayo afkooda hooyo.
Sidaa darteed baa abtirsiga beelaha Soomaaliyeed wuxuu ka
nabad galay in dibadda laga fara geliyo. Arrintaasi
Soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd waxaa ay siisay xiriir adag
oo aanan la dhex geli karin oo ay isku ! ! gartaan isuguna
hiiliyaan.
Sheekooyinka xiisaha leh oo inoo tilmaamaya urursanaanta
qabiilka, waxaa kamid ah tii dhexmartay Ugaas
Maxamuud Dhoore oo u dhashey
beesha Mareexaan iyo sarkaal talyaani ah oo masuul looga
dhigay degaanka waqooyiga Juba. Sarkaalku mar uu damcay in uu
tiriyo geela beelaha Mareexaan ee ku dhaqan gobolka Gedo,
ugaaska ayaa ka diiday oo ku yiri :
" Geela Mareexaan oo aad tirokoobtaa waxaa kaa xiga
xusulkaaga oo aad leeftaa ".
Sarkaalka oo aanan dareensanayn in xusulka aanan la leefi
karin ayaa isku dayay in uu xusulkiisii leefo, markuu carrabka
la gaari waayay ayuu ugaaskii la hadlay oo uu ku yiri :
" Haddii aan cududda jebiyo, markaas xusulka carrabka
waan la gaarayaa ".
Ugaaskii : " Taas macnaheeda sow maahan in dhibaato
faraha lala galo ".
Sarkaalkii : " Haa ".
Ugaaskii : " Dhibaatadaas ayaa kaa xigta geelayaga oo
aad tirisaa ".
Beelihii Mareexaan waxay ku shireen meel la yiraahdo Yaaq,
halkaas oo ay ku guddoonsadeen in ay muddo 24 saacadood ah ay
geelooda ka tallaabiyaan xuduudda. Dhacdadaas waxaa loo yaqaan
Seero Goys. Talyaanigii wuxuu la yaabay sida fudud oo
ay isu ururiyeen iyo degdegta ay goŽaanka ku fuliyeen.
Sir. Kirk
oo ahaa qunsul u fadhiyay dowladda
Ingiriiska jasiiradda Sensibaar xilligii uu gumeysiga inoo
imanayay, ayaa waraaq uu Soomaalida kaga hadlayay wuxuu ku
qoray sidan :
" Soomaalida ku nool koonfrta Soomaaliya waxay la dhaqan
yihiin kuwa waqooyiga deggan. Waa dad urursan, dagaal yahanno
ah geesinimona u dheertahay oo islawayn. Sidaa darteed waa
howl adag in aanu ka dhaadhicinno in aanu nahay dad ka
sarreeya ". (Kirk to Granville.
dispatch No. 18. January 17. 1885).
Sida uu qunsulku sheegay, qabiilku waa urur-bulshadeed xoog
leh oo ay beeluhu isaga war-qabaan. Waxaa kale oo nadaamka
qabiilku uu xambaarsanaa aragti isla weyni ah, taas oo qofku
uu ku ilaalinayo sharafta beesha, isaguna uu iska ilaalinayo
in uu ceeb iyo magac xumi ku kordhiyo dadka uu abtirsiinyaha
la wadaago. Arrintaasi waxay ku reebtay reer miyigii
Soomaaliyeed islaweyni guud oo ay beelaha Soomaaliyeed qabeen.
Isla-weynida shakhsiyadda soomaaliyeed ee reer miyiga ah,
inbadan waxaa xusay ciidamadii gmeystayaashii reer Yurub
qeybahoodii hore ee Soomaaliya yimid, kwaas oo la kulmay
dhaqankii caafimaadka qabay iyo caadooyinkii ay haysteen
xubnihii beelaha xoolo-dhaqatada ahayd.
Jeneral Douglas Jordin oo ahaa ninkii jebiyay
Daraawiishta, buugiisa The Made
Mullah of Somali-land wuxuu ku qoray sheeko
dhex-martay sarkaal Ingiriis ah iyo nin reer miyi ah oo ku
kulmay magaalada Berbera. Sheekadu waxay u dhacday sidan :
Sarkaalkii : Dadka dunida yaa ugu sareeya ? .
Geel-jirkii : Soomaalida iyo Ingiriiska.
Sarkaalkii : Yaa ku xiga ?.
Geel-jirkii : Carabta.
Sarkaalkii : Haddii idinka iyo annaga aanu simanahay,
sidee bay u suragashay in aanu idiin imaano oo aanu maamul
idiin samayno.
Geel-jirkii : Fursad ayaad hesheen oo keliya. Haddaan
annagu fursaddaa heli lahayn annaga ayaa idiin iman lahaa oo
maamul idiin samayn kahaa.
Waxaa kale oo iyaduna dhacday dood dhex-martay sarkaal
Talyaani ah iyo nin kamid ahaa ciidamadii boqor Cismaan oo
maxbuus ahaan loo soo qabtay markii uu Talyaanigu ku
guulaystay dagaalladii uu ku qabsaday gobollada waqooyi-bari.
Sarkaalkii ayaa waxaa la hor-keenay ninkii maxbuuska ahaa,
dabadeed wuxuu ku yiri :
" Rafaadka dadkaagii ka muuqda iyo halaaga degaankiinii
qabsaday, sow idiin kagama wanaagsanaateen in aad nala
heshiisaan oo aad na oggolaataan ".
Maxbuuskii baa jawaabay oo yiri :
" Waagaan yaraa ayeeyaday baa waxay iiga sheekaysay Wan
iyo Sagaaro sheekaystay. Wankii baa yiri Sagaaroy waxa kaa
muuqda oo weyd iyo rafaad ah waxaa kuugu wacan markii aad qof
aragto ayaad carartaa, sidaa darteed duur cidla ah ayaad ku
bakhtidaa. Anigase meeshii baad iyo biyo leh waa lay sahmiyaa,
markaasaa anigoo lay ilaalinayo lay geeyaa. Haddaba waxaan
kugula talinayaa in aad isoo raacdo si ay diifta kaaga harto.
Sagaaradii ayaa u jawaabtay oo tiri : Intii meel kasta oo
wanaagsan lay sahmin lahaa, iyada oo lay ilaalinayona laygeeyo,
dabadeedna anigoo qurxoon markii lay baahdo lay gowrici lahaa,
waxaan door bidayaa in aan baahi iyo oon aan duurka la joogo
".
Haddii aanu milicsano abtirsiga ay soomaalidu ka dhaxleen
dadkooda reer miyiga ahaa, waxaan helaynaa dallad sare oo ay
inta badan soomaalidu (92 %) ku abtirsadaan. Waxaa dusha sare
kaga sugan magac wahmi ah oo ay Soomaalidu aaminsan yihiin in
ay ka yimaadeen. Magacaasi waa odeyga la yiraahdo
Hiil, kaas oo aanan la haynin wax
magaciisa dhaafsiisan, markii laga reebo laba wiil ee uu
dhalay oo lakala yiraahdo Sab iyo
Samaale, kuwaas oo waalid u
noqday dadka soomaalida ah intooda badan. Waxaa la sheegaa in
Hiil uu yahay nin ka soo farcamay
Cuqayl binu Abii Taalib oo ahaa
suubanihii Maxamad ahaa (s. c.
w.) ina adeerkiis. Xiriirka abtirsiinyo ee ka dhaxeeya
Hiil iyo
Cuqayl lama hayo, markiise sawir laga bixiyo silsiladda
faceed oo ay leeyihiin durriyaddii
Hiil waa sidatan :
Hiil
wuxu dhalay
Sab
iyo
Samaale
Sab
wuxuu dhalay
1. Digil : (Jiiddo, Tunni,
Gelledi, Dabarre Garre)
2. Mirifle :
Siyeed (Elaay. Leysaan, Eemid,
Diisow, Maallan, Wiin) iyo Sagaal
(Luwey, Gellidle, Yantaar, Jilible, Hbeer).
Samaale
wuxuu dhaley
Irir
Irir
wuxuu dhalay :
1. Hawiye.
2. Aji.
3. Mayle (Xawaadle).
4. Yaabur (Gaaljecel iyo Dagoodiye).
5. Maqaarre.
6. Gariire.
7. Xamarre.
8. Xariire.
Hawiye
wuxuu dhalay : Karanle (Murursade),
Gorgaate (hiraab), Gugundhabe (Baadi-cadde). Jambeelle (Ajuraan).
Aji
wuxuu dhalay :Dir, Dangolo.
Dir
wuxuu dhalay : Madaxweyne (Akishe), Mandaluug (Gadabiirsay),
Madoobe (Ciise), Mahe (Isaaq, Biyamaal iyo Surre).
Dangolo
wuxuu dhalay gabadha la yiraahdo Doombiro.
Doombiro
waxaa guursadey
Daarood, waxay u dhashay : Maxamed(Kablalax),
Axmed(Sade), Xuseen(Tanade),Yuusuf(Awrtable) iyo Ciise.
Kulminta uu qabiilku isu geeyo beelaha reer miyiga ah ayaa
waxay sabab u noqon jirtay in ay ogaadaan qofka socotada ah la
soo dersa. Maadaama dhulkeena uu ku yaal meel u furan aduun
waynaha oo uu xeeb dheer leeyahay, waxaa dhici jirtay in dadka
badaha maraya ay ku soo leexan jireen. Qabiilku wuxuu ahaa
hnaaanka bulshadeed ee diiddanaa in inta leyna dhex-qaado
leynagu milmo.
Magacyada guud oo uu qabiilku lahaa ka sokow waxaa jiray
magacyo beel-hoosaad lineage segments
oo ku jaangoŽan abtirsiga dhow ee qofku leeyahay. Arintaasi
waxay beelaha isugu xiraysay qaab ciidan oo kale (Gaas, Guuto,
Urur, Horin, Koox iyo Unug). Qabiilkuna wuxuu lahaa Tol,
Qabiil, Reer, Jilib, Jifi iyo Qoys. Taasi waxay dhalisay in
xubnaha bulshadu ay si xoog leh isaga war-qabaan, iyaga oo ku
dadaali jiray in si wadajir oo heer beeleed ah ay uga
hor-tagaan dhibaatooyinka nolosha.
Suugaanta Soomaalida waxaa ku badan abwaano tilmaamaya
arrintaas oo weliba muujinaya sida uu qofka Soomaaliga ahi ugu
qanacsanaa abtirsiga uu leeyahay. Xaaji
Cali Cabdiraxmaan ayaa dareenka noocaas ah tilmaamay
mar uu abtirsigiisa ka warramayay isaga oo leh :
Baha baha hadday noqoto bahda Haajiraan ahay
Binu Cuqayl biyaha Jeberti nin ka beermay baan ahay
Daarood bartiis iyo beerkiyo laftaan ahay
Dadku baari kala roone baafane Hartaan ahay
Majeerteenka sida buurta u ballaartay baan ahay
Boqorku waa Jibraahiile anna baashigaan ahay.
Cumarkaa burhaantiis bogga loo geshaan ahay
Sidoo kale ayaa waxaa tilmaamay oo abtirsiinyahiisa ku
faanay Jaamac Axmad Jaamac (Gacma-dheere).
Jaamac wuxuu yiri :
Abtirsiinyo guudnimo haddii la
isu geed xaadho
Gobta reer isaaaq baan ahiyo gaanka xoogga lehe
Haday qoloba gooni u baxdo oon gaar u kala qaado
Muusaha garkaa bari degee guro fog baan sheegtay
Reer Maxamedkaa Geela lehe gudub degaan sheegtay
Samanaha xarrago gaanbiyee lagu gartaan sheegtay
Guurtida Sanbuur iyo Cimraan lagu go'aan sheegtay
Toljeclaha galbeed naga xigee gobolkayaan sheegtay
Cumarkaa gardaafo iyo maag wax u galaan sheegtay
Sayid Maxamad Cabdulle Xasan
ayaa isaguna ka tegay raad suugaaneed oo uu ku muujinayo ku
faanka abtirsiga qofku leeyahay. Sayidku wuxuu yiri :
Ogaadeen haddaan ahay dad wow amar sareeyaaye
Abtirsiinyaday waxay gashaa odeyo waaweyne
Halkaan uga arooraana waa ubixi Daaroode
Udgoonow Rasuulkiina waa ina adeerkeeye
Asaxaabihii dhamaan ayaan ehel wadaagnaaye
Proff. Hirschi
, oo ah aqoonyahan raad xoog badan
ku leh aqoonta bulsho-baradka
social
science , ayaa sanadkii 1974-kii wuxuu soo
bandhigay aragti uu ku magacaabay Ilaalada Xiriirka Bulshada
Control of Social Relation.
Aragtidaas oo qiimayn ku yeelatay dadka ku howlan culuumtan,
waxay tilmaameysaa in bulshada is-haysata oo is taqaan ay ku
yartahay dhaqanka aan wanaagsanayn iyo akhlaaqda xun. Sanadkii
1990-kii waxaa aragtidaas ku raacay aqoonyahan kale oo
Mareekan ah oo la yiraahdo
Proff.
Gottfrydson. Beelaha reer miyiga Soomaaliyeed waxay
kamid yihiin bulshooyinka dunida ku yar oo sida xooggan uu
beelaheedu qabiilku u xiriirsho. Taasi waxay dhaxalsiisay in
ay si guud iyo si gaar ahba ugu faanaan dhaqanka wanaagsan oo
ay ka heleen xiriirka adag ee dhexdooda yiil.