19 May 2007 04:32

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country] (Saadiq Enow" ) GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY- Casharka XX iyo XXI -aad : Posted on 3 Jan 2003

 GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY
 

Casharkii XXI-aad

Marka ay xoogagga gumaystayaasha ah inooga imanayee dhulka xeebaha ah, dadkayagii Soomaaliyeed ee ku noolaa gudaha, badankood waxay ahaayeen reer-guuraa xoolo-dhaqato ah. Halgankii ay kula tacaalayeen xaaladihii qallafsanaa ee noloshooda iyo colaadihii badnaa ee dhexdooda yiil ka sokow, waxaa jira weji qurux badan oo buuxinaya dadnimadii iyo garaadkii korranaa oo ay dadkayagu lahaayeen. Wejigaasi waa dhaqamadii ay haysteen iyo caadooyinkii uu gumaystaha ugu yimid, kuwaas oo ay kaga tallaabi jireen caqabadaha la soo dersa. Dhaqamadaas oo la oran karo waa kuwo salka ku haya caqiidada ay aamin-sanaayeen ee Islaamka ah, ayaa waxaa amaanay raggii u adeegayay gumaystayaasha ee Soomaalida wax ka qoray. Haddaba intaynaan u gudbin bilowgii hooshka ku dhacay dadkeenii, waxaanu yara milicsaneynaa muuqaallo kamid ah dhaqamadii wanaagsanaa ee aanu ka soo gaarnay facihii uu gumaysiga hooshay. Dhinacyada aanu tusaalaha u soo qaadanayno waxay yihiin :

1. Qabiilka iyo Qabyaaladda

2. Golaha Lagu Garramo

3. Xeerka Mageydada

Qabiilka wuxuu ahaa saldhigga nolosha siyaasadeed ee baadiyaha. Reer miyigu waxay hanaankan qabyaaladda u kaashan jireen in ay timaaddadooda ku mala awaalaan, tagtadoodana ay ku xafidaan tay joogaanna ay ku maamushaan. Dhibaatooyinka siyaasadeed ee la soo gudboonaada, hadday tahay mid beesha gudaheeda ah, mid beelo kale kaga timid, iyo hadday tahay mid kaga timaadda qowmiyadaha la deriska ah (Carab, Xabashi, Oromo, Cafar, Baantuu), intuba maareyntooda waxay ku jaan goŽnaayeen hannaanka is-bahaysi ee uu qabiilku lahaa. Waxaa qabiilka ku ururusanaa xubnaha beelaha, isla markaasna wuxuu wanaag ku xiriirin jiray qofka iyo bulshada uu la nool yahay. Wuxuu hor taagnaa in uu qof qalaad ku milmo beel uusan u dhalan, qofka aanan Soomaaliga ahayna waa uu kasii xag jiray.

Qabiilka Soomaalida waxaa u saldhig ah silsiladaha abtirsiinyo geneology oo ay facaha reer guraagu u yeerin jireen caruurtooda, taasina waxay dowr wayn ka cayaari jirtay ilaalinta sharafka, maalka iyo nafta qofka reer guraaga ah. Waxaa xusid mudan, gulufyadii colaadeed oo soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd ay ku dhul fidsanayeen, qabiilku wuxuu ahaa muŽasasadda keliya oo ay geel-jirtu ka helayeen taakulaynta. Soomaalida reer miyiga ah wax ay dusha ka xafidaan waxaa agtooda ugu qiima waynaa quraanka iyo abtirsiga uu qofku leeyahay. Dugsiyada barashada abtirsiga waxaa macallin ka ahaa hooyada oo goor hore ilmaha u bilowda casharrada dhaqanka ee lagu xafidsiinayo abtirsigooda, kaas oo garab socday barista ilmaha la barayo afkooda hooyo. Sidaa darteed baa abtirsiga beelaha Soomaaliyeed wuxuu ka nabad galay in dibadda laga fara geliyo. Arrintaasi Soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd waxaa ay siisay xiriir adag oo aanan la dhex geli karin oo ay isku ! ! gartaan isuguna hiiliyaan.

Sheekooyinka xiisaha leh oo inoo tilmaamaya urursanaanta qabiilka, waxaa kamid ah tii dhexmartay Ugaas Maxamuud Dhoore oo u dhashey beesha Mareexaan iyo sarkaal talyaani ah oo masuul looga dhigay degaanka waqooyiga Juba. Sarkaalku mar uu damcay in uu tiriyo geela beelaha Mareexaan ee ku dhaqan gobolka Gedo, ugaaska ayaa ka diiday oo ku yiri :

" Geela Mareexaan oo aad tirokoobtaa waxaa kaa xiga xusulkaaga oo aad leeftaa ".

Sarkaalka oo aanan dareensanayn in xusulka aanan la leefi karin ayaa isku dayay in uu xusulkiisii leefo, markuu carrabka la gaari waayay ayuu ugaaskii la hadlay oo uu ku yiri :

" Haddii aan cududda jebiyo, markaas xusulka carrabka waan la gaarayaa ".

Ugaaskii : " Taas macnaheeda sow maahan in dhibaato faraha lala galo ".

Sarkaalkii : " Haa ".

Ugaaskii : " Dhibaatadaas ayaa kaa xigta geelayaga oo aad tirisaa ".

Beelihii Mareexaan waxay ku shireen meel la yiraahdo Yaaq, halkaas oo ay ku guddoonsadeen in ay muddo 24 saacadood ah ay geelooda ka tallaabiyaan xuduudda. Dhacdadaas waxaa loo yaqaan Seero Goys. Talyaanigii wuxuu la yaabay sida fudud oo ay isu ururiyeen iyo degdegta ay goŽaanka ku fuliyeen.

Sir. Kirk oo ahaa qunsul u fadhiyay dowladda Ingiriiska jasiiradda Sensibaar xilligii uu gumeysiga inoo imanayay, ayaa waraaq uu Soomaalida kaga hadlayay wuxuu ku qoray sidan :

" Soomaalida ku nool koonfrta Soomaaliya waxay la dhaqan yihiin kuwa waqooyiga deggan. Waa dad urursan, dagaal yahanno ah geesinimona u dheertahay oo islawayn. Sidaa darteed waa howl adag in aanu ka dhaadhicinno in aanu nahay dad ka sarreeya ". (Kirk to Granville. dispatch No. 18. January 17. 1885).

Sida uu qunsulku sheegay, qabiilku waa urur-bulshadeed xoog leh oo ay beeluhu isaga war-qabaan. Waxaa kale oo nadaamka qabiilku uu xambaarsanaa aragti isla weyni ah, taas oo qofku uu ku ilaalinayo sharafta beesha, isaguna uu iska ilaalinayo in uu ceeb iyo magac xumi ku kordhiyo dadka uu abtirsiinyaha la wadaago. Arrintaasi waxay ku reebtay reer miyigii Soomaaliyeed islaweyni guud oo ay beelaha Soomaaliyeed qabeen.

Isla-weynida shakhsiyadda soomaaliyeed ee reer miyiga ah, inbadan waxaa xusay ciidamadii gmeystayaashii reer Yurub qeybahoodii hore ee Soomaaliya yimid, kwaas oo la kulmay dhaqankii caafimaadka qabay iyo caadooyinkii ay haysteen xubnihii beelaha xoolo-dhaqatada ahayd. Jeneral Douglas Jordin oo ahaa ninkii jebiyay Daraawiishta, buugiisa The Made Mullah of Somali-land wuxuu ku qoray sheeko dhex-martay sarkaal Ingiriis ah iyo nin reer miyi ah oo ku kulmay magaalada Berbera. Sheekadu waxay u dhacday sidan :

Sarkaalkii : Dadka dunida yaa ugu sareeya ? .

Geel-jirkii : Soomaalida iyo Ingiriiska.

Sarkaalkii : Yaa ku xiga ?.

Geel-jirkii : Carabta.

Sarkaalkii : Haddii idinka iyo annaga aanu simanahay, sidee bay u suragashay in aanu idiin imaano oo aanu maamul idiin samayno.

Geel-jirkii : Fursad ayaad hesheen oo keliya. Haddaan annagu fursaddaa heli lahayn annaga ayaa idiin iman lahaa oo maamul idiin samayn kahaa.

Waxaa kale oo iyaduna dhacday dood dhex-martay sarkaal Talyaani ah iyo nin kamid ahaa ciidamadii boqor Cismaan oo maxbuus ahaan loo soo qabtay markii uu Talyaanigu ku guulaystay dagaalladii uu ku qabsaday gobollada waqooyi-bari. Sarkaalkii ayaa waxaa la hor-keenay ninkii maxbuuska ahaa, dabadeed wuxuu ku yiri :

" Rafaadka dadkaagii ka muuqda iyo halaaga degaankiinii qabsaday, sow idiin kagama wanaagsanaateen in aad nala heshiisaan oo aad na oggolaataan ".

Maxbuuskii baa jawaabay oo yiri :

" Waagaan yaraa ayeeyaday baa waxay iiga sheekaysay Wan iyo Sagaaro sheekaystay. Wankii baa yiri Sagaaroy waxa kaa muuqda oo weyd iyo rafaad ah waxaa kuugu wacan markii aad qof aragto ayaad carartaa, sidaa darteed duur cidla ah ayaad ku bakhtidaa. Anigase meeshii baad iyo biyo leh waa lay sahmiyaa, markaasaa anigoo lay ilaalinayo lay geeyaa. Haddaba waxaan kugula talinayaa in aad isoo raacdo si ay diifta kaaga harto. Sagaaradii ayaa u jawaabtay oo tiri : Intii meel kasta oo wanaagsan lay sahmin lahaa, iyada oo lay ilaalinayona laygeeyo, dabadeedna anigoo qurxoon markii lay baahdo lay gowrici lahaa, waxaan door bidayaa in aan baahi iyo oon aan duurka la joogo ".

Haddii aanu milicsano abtirsiga ay soomaalidu ka dhaxleen dadkooda reer miyiga ahaa, waxaan helaynaa dallad sare oo ay inta badan soomaalidu (92 %) ku abtirsadaan. Waxaa dusha sare kaga sugan magac wahmi ah oo ay Soomaalidu aaminsan yihiin in ay ka yimaadeen. Magacaasi waa odeyga la yiraahdo Hiil, kaas oo aanan la haynin wax magaciisa dhaafsiisan, markii laga reebo laba wiil ee uu dhalay oo lakala yiraahdo Sab iyo Samaale, kuwaas oo waalid u noqday dadka soomaalida ah intooda badan. Waxaa la sheegaa in Hiil uu yahay nin ka soo farcamay Cuqayl binu Abii Taalib oo ahaa suubanihii Maxamad ahaa (s. c. w.) ina adeerkiis. Xiriirka abtirsiinyo ee ka dhaxeeya Hiil iyo Cuqayl lama hayo, markiise sawir laga bixiyo silsiladda faceed oo ay leeyihiin durriyaddii Hiil waa sidatan :

Hiil wuxu dhalay Sab iyo Samaale

Sab wuxuu dhalay

1. Digil : (Jiiddo, Tunni, Gelledi, Dabarre Garre)

2. Mirifle : Siyeed (Elaay. Leysaan, Eemid, Diisow, Maallan, Wiin) iyo Sagaal (Luwey, Gellidle, Yantaar, Jilible, Hbeer).

Samaale wuxuu dhaley Irir

Irir wuxuu dhalay :

1. Hawiye.

2. Aji.

3. Mayle (Xawaadle).

4. Yaabur (Gaaljecel iyo Dagoodiye).

5. Maqaarre.

6. Gariire.

7. Xamarre.

8. Xariire.

Hawiye wuxuu dhalay : Karanle (Murursade), Gorgaate (hiraab), Gugundhabe (Baadi-cadde). Jambeelle (Ajuraan).

Aji wuxuu dhalay :Dir, Dangolo.

Dir wuxuu dhalay : Madaxweyne (Akishe), Mandaluug (Gadabiirsay), Madoobe (Ciise), Mahe (Isaaq, Biyamaal iyo Surre).

Dangolo wuxuu dhalay gabadha la yiraahdo Doombiro.

Doombiro waxaa guursadey Daarood, waxay u dhashay : Maxamed(Kablalax), Axmed(Sade), Xuseen(Tanade),Yuusuf(Awrtable) iyo Ciise.

Kulminta uu qabiilku isu geeyo beelaha reer miyiga ah ayaa waxay sabab u noqon jirtay in ay ogaadaan qofka socotada ah la soo dersa. Maadaama dhulkeena uu ku yaal meel u furan aduun waynaha oo uu xeeb dheer leeyahay, waxaa dhici jirtay in dadka badaha maraya ay ku soo leexan jireen. Qabiilku wuxuu ahaa hnaaanka bulshadeed ee diiddanaa in inta leyna dhex-qaado leynagu milmo.

Magacyada guud oo uu qabiilku lahaa ka sokow waxaa jiray magacyo beel-hoosaad lineage segments oo ku jaangoŽan abtirsiga dhow ee qofku leeyahay. Arintaasi waxay beelaha isugu xiraysay qaab ciidan oo kale (Gaas, Guuto, Urur, Horin, Koox iyo Unug). Qabiilkuna wuxuu lahaa Tol, Qabiil, Reer, Jilib, Jifi iyo Qoys. Taasi waxay dhalisay in xubnaha bulshadu ay si xoog leh isaga war-qabaan, iyaga oo ku dadaali jiray in si wadajir oo heer beeleed ah ay uga hor-tagaan dhibaatooyinka nolosha.

Suugaanta Soomaalida waxaa ku badan abwaano tilmaamaya arrintaas oo weliba muujinaya sida uu qofka Soomaaliga ahi ugu qanacsanaa abtirsiga uu leeyahay. Xaaji Cali Cabdiraxmaan ayaa dareenka noocaas ah tilmaamay mar uu abtirsigiisa ka warramayay isaga oo leh :

Baha baha hadday noqoto bahda Haajiraan ahay

Binu Cuqayl biyaha Jeberti nin ka beermay baan ahay

Daarood bartiis iyo beerkiyo laftaan ahay

Dadku baari kala roone baafane Hartaan ahay

Majeerteenka sida buurta u ballaartay baan ahay

Boqorku waa Jibraahiile anna baashigaan ahay.

Cumarkaa burhaantiis bogga loo geshaan ahay

Sidoo kale ayaa waxaa tilmaamay oo abtirsiinyahiisa ku faanay Jaamac Axmad Jaamac (Gacma-dheere). Jaamac wuxuu yiri :


Abtirsiinyo guudnimo haddii la isu geed xaadho
Gobta reer isaaaq baan ahiyo gaanka xoogga lehe
Haday qoloba gooni u baxdo oon gaar u kala qaado
Muusaha garkaa bari degee guro fog baan sheegtay
Reer Maxamedkaa Geela lehe gudub degaan sheegtay
Samanaha xarrago gaanbiyee lagu gartaan sheegtay
Guurtida Sanbuur iyo Cimraan lagu go'aan sheegtay
Toljeclaha galbeed naga xigee gobolkayaan sheegtay
Cumarkaa gardaafo iyo maag wax u galaan sheegtay

Sayid Maxamad Cabdulle Xasan ayaa isaguna ka tegay raad suugaaneed oo uu ku muujinayo ku faanka abtirsiga qofku leeyahay. Sayidku wuxuu yiri :

Ogaadeen haddaan ahay dad wow amar sareeyaaye

Abtirsiinyaday waxay gashaa odeyo waaweyne

Halkaan uga arooraana waa ubixi Daaroode

Udgoonow Rasuulkiina waa ina adeerkeeye

Asaxaabihii dhamaan ayaan ehel wadaagnaaye

Proff. Hirschi, oo ah aqoonyahan raad xoog badan ku leh aqoonta bulsho-baradka social science , ayaa sanadkii 1974-kii wuxuu soo bandhigay aragti uu ku magacaabay Ilaalada Xiriirka Bulshada Control of Social Relation. Aragtidaas oo qiimayn ku yeelatay dadka ku howlan culuumtan, waxay tilmaameysaa in bulshada is-haysata oo is taqaan ay ku yartahay dhaqanka aan wanaagsanayn iyo akhlaaqda xun. Sanadkii 1990-kii waxaa aragtidaas ku raacay aqoonyahan kale oo Mareekan ah oo la yiraahdo Proff. Gottfrydson. Beelaha reer miyiga Soomaaliyeed waxay kamid yihiin bulshooyinka dunida ku yar oo sida xooggan uu beelaheedu qabiilku u xiriirsho. Taasi waxay dhaxalsiisay in ay si guud iyo si gaar ahba ugu faanaan dhaqanka wanaagsan oo ay ka heleen xiriirka adag ee dhexdooda yiil.


Casharka XX

Waxaan ogaysiinayaa akhristayaasha sharafta leh in ay ka raali ahaadaan, khaladaadka aanan sidaas u buurayn oo ka dhex-muuqda qoraalada casharradan. Midka aan maanta idin ku baraarujinayo wuxuu yahay ninka inoo jilaya casharka caawa oo aan dhowr jeer oo hore magaciisii ku khalday magacii aabihiis. Ninkan oo ah Menelik ayaa magaciisa runta ah wuxuu ahaa Sahle Mariam. Magaca aan siiyay oo ahaa Haile Malakut waa magicii aabihii. Haddaba hadday idiin suurogal tahay, intii kaydsatay, iska beddela magaca qoraalladii hore. "Saadiq Enow"

Casharkii XX-aad

Tobankii sano ee qarnigii 19-aad ugu dambeeyay, qowmiyaadka masiixiga ah ee ku noolaa dhulka buuralayda ah ee ku beegan galbeedka Soomaaliya, ayaa waxay ku soo biireen xoogaggii gumaystayaasha ahaa ee hooshka inoogu yimid. Damaca gumeysi-doonka ah ee qowmiyaadkaasi waxaa loo aaneeyaa in uu ka dambeeyay boqorkii gobolka Shawa Menelik II, kaas oo mar qura qaatay calan diimeed iyo mid qowmiyadeed si uu maamulkiisa ugu baahiyo geeska Afrika. Boqokaasi oo markiisii hore ka talinayay gobolka Shawa oo keliya ayaa xuduuddiisa eeyan soo dhaafsiisnayn 100 km. bariga Addis-ababa. Menelik waa kan gaarsiiyay xuduudda dalka Itoobiya, muuqaalka ay maanta leedahay. Sida aanu arki doonose wuxuu doonayay dhul intaa ka badan.

Menelik (1844 - 1913) waxaa iska dhalay boqorkii Shawa Haile Malakut iyo gabadha la yiraahdo Woizero Ijigayehu. Guurka odayga iyo habarta ayaa wuxuu dhacay Menelik oo saddex jir ah, sidaas buu wuxuu ku ahaa wiil aanan nikaax ku dhalan. Awoowihiis boqor Sahle Selassie wuxuu ahaa ninka asaasay boqortooyada Shawa, isaga ayaana saadaaliyay in wiilka wiilkiisu dhalo uu noqon doono Menelik II. Tan iyo sanadkii 1889-kii, Menelik wuxuu watay magacii loogu wal-qalay ee ahaa Sahle Mariam. Magaca Menelik ayaa wuxuu ka soo jeedaa wiil khayaali ah, oo sida ay Xabashidu sheegtaan, nebi Sulaymaan uu ka dhalay gabar madow oo xaasaskiisii kamid ahayd. Wiilkaas oo magaciisa la oran jiray! ! Menelik ayaa Xabashidu waxay rumasan yihiin in ay ka soo farcameen. Sidaas buu Sahle Mariam isugu magacaabay Menelik II, iyada oo laga dhadhansanayo in uu doonayay in uu noqdo aabihii labaad ee Xabashida. Marakanse mahayo dhalasho ina nebi ah oo uu waalid ku noqdo, sidaa darteed buu wuxuu tilmaansaday in uu aragtida qowmiyadeed ku horseedo hagar-daamada dadyowga la deriska ah, sidaasna uu ku gaaro maqaamkii uu higsanayay ee waalidninada ahaa.

Xaaladda qowmiyadaha masiixiga ah ayaa bartamihii qarnigaas waxay ahayd mid cakiran. Colaado hor leh ayaa waxay bilowdeen kaddib markii boqorkii Tigrayga ee la oran jiray Asai Tewdros, uu ku jabay dagaalkii Arogi sanadkii 1868-kii. Muddo dhowr sanadood ah ayaa waxaa jiray shaki ah ninkii ku gacan-sarayn lahaa talada qowmiyadahaas. Xilligaas waxaa jiray, sidaan horay u soo xusnay, saddex xoog oo kala ahaa sidatan :

1. Boqortooyada Amxaaro oo uu hoggaaminayay Dejazmatch Meshesha Mercha waa ina Tewdors.

2. Boqortooyada Tigray oo uu hoggaaminayay Takla Giorgis.

3. Boqortooyada Shawa oo uu hoggaaminayay Sahle Mariam (Menelik).

Xoogaggaas oo ahaa kuwo kala madax-bannaan ayaa in ay is-faduushaan caado u ahayd. Xiisad ayaa ka dhex aloosantay boqorkii Tigray iyo kii Amxaaro, taas oo mid waliba uu doonayay in uu kan kale muquuniyo oo uu maamulkiisa hoos keeno. Boqorka Shawa ayaa xilligaas ka gaabsaday in uu dhex cararo colaadaha ka socday gobollada ka xigay waqooyiga. Gaba-gabadii, sanadkii 1871-kii, waxaa laga adkaaday boqorkii Amxaarada, markaas oo degaankiisii la qabsaday. Dabadeed, bishii koowaad, sanadkii 1872-kii, ayaa boqorkii Tigraygu, magaaladii Aksum ku saartay taajkii Embraadoorka, isaga oo la baxay Emperor Yohannis IV. Taariikhda Itoobiya, waxaa boqorkan looga yaqaan magaca ah suufigii askariga ahaa the monk and the soldier. Sababtuna waa isaga oo kaniisadaha aad ugu xirraa iyo isaga oo dalkiisa ka caabiyay dagaalo dhowr ah oo kaga yimid dhanka Masar xilligii Ismaaciil Al-Khadawi uu is fidinayay ! ! sanadihii 1974 - 1876.

Muddadii uu maamulka hayay ayuu embraddor Yohannis IV, wuxuu la baxay boqorkii boqorrada. Taasina waxay ka dambeysay markii uu Amxaaradii jebiyay ayaa boqorkii Shawa Menelik wuxuu oggolaaday in uu hoos yimaado maamulka embradoorkan cusub. Kaddib labada boqor waa ay xidideen markii ay oggolaadeen in ay isu guuriyaan Araya Selassie oo ah wiilkii Yohannis iyo Zauditu oo ah gabadhii Menelik. Wiilka ay qoyskan iska dhaleen oo lagu magacaabo Ilyaas ayaa taariikh qurxoon ku yeeshay Soomaaliya. (Kala soco casharrada dambe).

Dagaaladii is ree-reebka ahaa, oo qaybtii danbe ee bartamihii qarnigii 19-aad, ay boqorradii qowmiyadaha masiixiga ah ugu tartamayeen hoggaanka degaanmadooda, ayaa Menelik wuxuu nasiib u yeeshay in uu ugu danbayntii ku soo baxo, dabadeedna uu yeesho magacii boqorkii boqorrada Abasiinya. Waxaa xusid mudan, reeraha Xabashida ah ee la yiraahdo Abeto Yacob ee uu ka soo jeedo Menelik, waxaa ka dhashay boqorkii la oran jiray Libne Dingel ee qarnigii 16-aad u soo qaxay gobolka Shawa, iyaga oo ka soo baxsaday dagaaladii Axmad Guray.

Haddaanu milicsano qaabka uu Menelik ku hantiyay awoodda sare ee qowmiyaadkaasi, waxaanu helaynaa in uu dareen iyo aqoonba ka helay 10 sano oo uu la noolaa boqorkii ugu itaalka roonaa degaanka, kaas oo ah Teodors II. Sanadkii 1853-kii, ayaa ciidamadii boqorkani ku soo duuleen gobolka Shawa. Boqorkan oo ka talinayay gobolka Amxaaro ayaa wuxuu dilay boqorkii Shawa Haile Malakut. Geeridii boqorka Shawa ayaa waxaa ku burburay xoogii maamulkii gobolka ka dhisnaa, sidaasna awoodii waxaa kula wareegay Teodors II oo markaas noqday boqorkii boqorrada Emperor Teodors II. Maxaabiistii uu Teodors II ka kexaystay Shawa waxaa kamid ahaa Menelik oo sagaal jir ah. Waxaa weheliyay islaan aayadiis ahayd oo la yiraahdo Tidenekialesh! ! iyo oday adeerkiis ah Derge Sahle Selassie. Maqdalla oo ahayd magaalo-madaxdii Amxaarada ayaa la geeyay. Emperor Teodors II, xushmad wayn ayuu siiyay qoyskii uu soo qafaashay, gaar ahaan wiilkii agoonka ahaa Menelik oo uu ula dhaqmay sidii wiil uu dhalay oo kale. Markii uu waynaaday wuxuu ku daray gabadha keliya ee uu dhalay ee la yiraahdo Alitash. Degmada Maqdalla ayuu Menelik wuxuu kula kulmay oo ku bartay dad badan oo ka soo jeeda qoysaskii iska soo dhaxlay maamulladii soo maray qowmiyaadkaas. Socdaallo badan ayuu la galay boqorka. Menelik wuxuu la saaxiibay wiil uu dhalay boqorka oo la oran jiray Dejazmatch Meshesha Tewodros, kaas oo eeyan odayga aabihiis ah isku wanaagsanayn. Wiilkan oo aabihiis mucaarad ku ahaa ayaa sanadkii 1865! ! -kii wuxuu Menelik ku kaalmeeyay in uu ka baxsado xerada odayga, taasina waxay dhacday mar ay habeenimo ahayd oo uu ka furay albaabkii waynaa ee laga geli jiray magaalada Maqdalla. Menelik oo markaas 20 jir ahaa ayaa wuxuu la baxsaday qaar kamid ahaa qoyskiisii qafaalada loo haystay. Waxaa kamid ahaa adeerkiis Derge Sahle Selassie. Markii ay gaareen dhulkii reer Shawa, wax badan kuma qaadan in wiilkii dhallinyarada ahaa ay boqor u caleema-saartaan. Waxaa mashruucan gacan ka gaystay adeerka oo markaas waayeel ahaa.

Menelik wuxuu markiiba dhex cararay khilaafkii dhex maray Ingiriiska iyo boqorkii Amxaaro Teodors II. Wuxuu la xiriiray Ingiriiska oo uu u sheegay in uu kaalmo u fidinayo dagaalka ay kula jiraan boqorkan. Halkaas wuxuu ka helay hubkii ugu horeeyay ee soo gaara ciidamadiisii. Kaddib markii uu boqorkii Amxaarada ku dhintay dagaalkii Arogi, waxaa taladii reerka la wareegay wiilkiisii Dejazmatch Meshesha Tewodros. Boqorkii Shawa Menelik, culays kuma noqon in uu maamulkiisa hoos keeno boqorkan oo ay horay isu yiqiineen.

Bishii abriil 1883-kii, Menelik wuxuu guursaday gabadha la yiraahdo Taitu Bitul oo uu dhalay Ras Bitul Haile Mariam. Wuxuu la dhashay Dejazmatch Wube Haile Mariam oo ahaa ninka hoggaanka Amxaarada ku haystay Tewodros II. Boqorka Shawa wuxuu u dooray in damaashaadka guurkiisu uu ka dhaco dhulka sare ee deexda ah ee ku yaal bartamaha gobolka Shawa, halkaas oo hawadeedu wanaagsan tahay, dhir waawayn iyo biyo badanna leh. Meesha ay ku taal magaalada Addis-ababa ayuu degay, halkaas oo uu ku aqal galay. Xaaskiisa ayaa degaankii u bixisay Addis-ababa oo macnaheedu tahay Ubixii Cusbaa. Halkaas ayaa sanadkii 1887-kii waxay si rasmi ah u noqotay magaalo-madaxdii Itoobiya.

Sanadkii 1887-kii, Yohannis oo ahaa boqorkii Tigray ayaa wuxuu ku dhaawacmay dagaal wayn oo ay ciidamadiisii isaga hor yimaadeen ciidamadii Mahdiga Suudaan. Dagaalkaas oo lagu jebiyay Tigraygii ayaa boqorkoodiina uu la dhintay dhaawacii ka soo gaaray. Intuusan dhiman buu wuxuu taajkii u magacaabay wiil uu dhalay oo la yiraahdo Ras Mengesha. Maamulkii wiilkan ayaa waxaa fashiliyay Menelik oo sanadkii 1889-kii sheegtay in uu isgu yahay boqorkii boqorrada Itoobiya. Menelik wax wayn kuma qaadan in uu dhaawac u gaysto ciidamadii Ras Mengesha, si uu maamulkiisa ugu fidiyo dhulka Tigrayga iyo Amxaarada. Laakiin wuxuu daayay maamulladii ka jiray halkaas iyo boqorradoodii.

Bishii maarso 1889-kii, boqorkii Shawa wuxuu la baxay boqorka boqorrada, embraadoorka Itoobiya, Menelik II. Embradoorkan cusubi, Menelik ayaa wuxuu boqorrada hore kaga duwanaa tilmaamaha uu kulan saday. Wuxuu ahaa nin geesi ah, hoggaamiye ciidameed, damac badan, maamulka wax ka garanayay, fursadahana ka faaŽiidaysta. In kasta oo uu gumaysi-doon ahaa, wuxuu ahaa nin ay ku tallaalan tahay waddaninimo. Wuxuu ahaa siyaasi aragti dheer leh, oo goŽaamo hufan. Qaybtii hore ee dagaalkiisa waxaa ka muuqday is-difaac gobonimo u halgan ah oo uu ku diidanaa in dhulkiisa uu gacanta u geliyo gumaystayaasha yimid. Madax-bannaanida qaaradda Afrika, wuxuu u horseeday guul aanan horey loo arag iyo tusaale wacan. Laakiin guushaan ayaa dhanka kale isu baddeshay ama gumaysi u adeeg noqotay, markii uu saf kala soo jeestay gumaystayaashii Talyaaniga, Ingiriiska iyo Fa! ! ransiiska ee boobka u yimid degaanka. Markaas oo uu kula heshiiyay qaybsiga iyo xoog ku maquuninta qowmiyadihii ka tabarta yaraa ee deriska la ahaa.

Menelik, markii uu embraadoorka isu caleema saaray, wuxuu bilaabay tallaabooyin diblomaasiyadeed ee ku aaddan xiriirkiisa dibadda. 2/ 5- 1889-kii, wuxuu heshiis la dhigtay dowladdii Talyaaniga. Heshiiskaas oo lagu magacaabo Ucciali, ayaa wuxuu lahaa labo qoraal. Mid lagu qoray af-talyaani iyo mid kale oo lagu qoray af-amxaaro. Ras Mokonnen oo heshiiskaas dabadiis booqasho ku tegay Talyaaniga ayaa waxaa la soo siiyay hub ay kamid ahaayeen 28 madfac iyo 38.000 oo qori. Muuqaalka wanaagsan oo uu heshiisku ku bilowday, ma noqon mid raaga. Taasina waxay ka dambaysay khalad jiray oo ku xusnaa qoraaladii heshiiska.

Qodobka VII-aad ayaa wuxuu yahay midka sababay is maan-dhaaf xoog wayn oo ka dhex abuurmay Talyaaniga iyo Xabashida. Ergadii heshiiska ayaa qodobkan waxay u kala rogteen labo mecno oo kala duwan. Talyaanigu wuxuu u rogtay qodobka in dowladdiisa ay xil-qaadayso wax kasta oo xiriir ah oo Itoobiya ay la yeelanayso dowladaha dibadda, sidaa darteedna dalka Itoobiya uu yahay dhul maxmiyadihiisa kamid ah. Amxaaraduna waxay macnaha qodobka u rogteen in ay dhici karto in Talyaanigu uu xil-qaado wax kasta oo xiriir ganacsi ah oo Itoobiya ay la yeelanayso dowladaha dibadda.

Talyaanigu markaas waxay aaminsanaayeen in Itoobiya ay iyagu u taliyaan . Embraadoor Menelik marna kuma qanacsanayn in Talyaani uu dusha ka maamulo boqortooyadiisa. Sidaa darteed ayuu si toos ah wuxuu ula xiriiray qaar kamid ah dowladihii reer Yurub oo ay kamid ahaayeen Faransiis, Ruush iyo Ingiriis. Xiriirka noocaas ah wuxuu caro geliyay dowladdii Talyaaniga oo iyadu isu haysatay in ay tahay midda xaqa u leh maaraynta siyaasadda dibadda ee Itoobiya.

Sanadkii 1890-kii Menelik waraaq buu u diray boqoraddii Ingiriiska Queen Victoria. uu ku codsanayo in ay yeeshaan xiriir wanaagsan. Boqoraddii ayaa jawaab diidmo ah ku soo celisay kaddib markii ay u sheegtay in wixii xiriir ah oo dhex-maraya Itoobiya iyo Ingiriiska uu dhacayo iyada oo Talyaanigu uu ka wakiil yahay Itoobiya. Sababta ay boqoraddu sidaas u tiri waxay ahayd, Talyaaniga oo gaarsiiyay qodobadii heshiiskii Uccialli, kaas oo dhigayay in Itoobiya dhamaanteed ay tahay degaan ah maxmiyad uu dusha ka maamulo Talyaaniga. Arintaas ayaa booo Menelik si aad ah uga caraysiisay.

M. Ilg oo ahaa gacan-yarihii Menelik, injineer u dhashay dalka Swiss ayaa wuxuu reebay qoraal uu kaga waramayo dhacdadan :

" Menelik, qadarin wayn ayuu u hayay dowladda Ingiriiska iyo boqoradda. ............ Wuxuu si aad ah u rabay xiriir saaxiibtinimo oo uu la yeesho Ingiriiska. Laakiin wuxuu xanuun ka qaaday raŽyigii dowladda (Ingiriiska) ee ku qornaa waraaqdii jawaabta ahayd ee uu ka helay boqoradda Victoria ........... Taas oo boqoraddu ay ku sheegtay in ay ka xun-tahay in eeyan oggolaan xiriirkiisa. Balse uu usoo mari karo dowladda Talyaaniga......... Menelik ( markii loo akhriyay waraaqdii boqoradda) wuxuu yiri :

Maxay tahay arintan ! Ma waxaan ahay adeege, marka ay boqoraddu sidan iigu soo jawaabayso ?.

Menelik ayaa xog-heyntiisii ka dalbaday in ay eegaan macnaha jawaabta caynkan ah ee ka timid boqoradda. Waxaa loo sheegay in cilladdu tahay heshiiskii Uccialli ". (The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962. p. 33).

Markaas buu Menelik wuxuu bilaabay in uu jebiyo heshiiskii uu Talyaaniga la dhigtay. Boqoraddii Ingiriiska ayuu wuxuu u diray sawir uu ka sameeyay qoraaladii is maan-dhaafka abuuray. Laakiin wasiirkii arimaha dibadda ee Ingiriiska Sir. Salsberg, wuxuu mar walba qiimeynayay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyay dowladdiisa iyo Talyaaniga, isaga oo gaarsiinayay Talyaaniga in eeyan laŽaantood la xiriireyn Xabashida.

Dabadeed Menelik wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo culus oo uu ku baraarujinayo dhamaan dowladaha Yurub ka jiray qadiyadda uu leeyahay, taas oo ah mid ka wayn khilaafka yar ee dhex yaal isaga iyo Talyaaniga. Wuxuu qoray waraaqda la magac baxday Circular Letter, taas oo ku socotay dhamaan hoggaamiyayaashii dowladihii Yurub. Waraaqdaas oo lagu tilmaami karo mid sumeesnayd ayaa lagu diyaariyay Addis-abab markay taariikhdu ahayd 10/ 4- 1891-kii. Waxay ka hadlaysay xuduudda wayn oo ay Itoobiya leedahay. Menelik wuxuu qoraalkiisaas ku sheegtay dhulka ballaaran oo ay degaan qowmiyadaha ka deriska ah in uu yahay dhul ay Itoobiya horay u lahaan jirtay. Waraaqdaas oo dusha ay kaga tiil sawir macatab ah ayuu wuxuu u qoray sidatan :

" Waraaqda Wareegata.

Ka : Embradoor Menelik.

Ku : Madaxda dowladaha Yurub.

Waxaan doonayaa in aan ogaysiiyo saaxiibadayada xoogagga madaxa-bannaan ee Yurub, xuduudda ay Itoobiya leedahay. Taas oo aanu idiin soo raacinay, mudnaantiinaŽe, waraaqdan.

Xuduuddii Itoobiya waa sidan :-

Laga bilaabo xuduudda Talyaaniga ee Arafale, taas oo ku taal badda, xariiqda soo aadda dhulka deexda ah (Meda) ee Gegra, dabadeedna Mahio, Halai, Digsa iyo Gura, illaa iyo Adibaro. Laga bilaabo Adibaro laga gaaro labada webi ee kala ah Mareb iyo Arated.

Xariiqda ka soo kacda dhibicdaas ee soo aadda koonfurta illaa iyo labada webi ee ah Adbara iyo Setit,halkaas oo ay ku taal degmada loo yaqaan Tomat.

Tomat ka soo kac, xuduudda dumaysa gobolka Qadaarif, kor u jac tan iyo Karkoj iyo webiga Niilka Bey-madow (Blue Nile). Laga bilaabo Karjok, xariiqdu waxay maraysaa halka ay ku kulmaan webiga Sobat iyo Niilka Cad (White Nile). Bartaas ayay xariiqdu ka kacaysaa iyada oo raacaysa webiga Sobat, waxay dheeheysaa dhulka AboreŽ, Galla, waxay gaaraysaa harada Samburu.

Dhanka bari, waxaa kamid ah xuduudda degaanka Booran, Gaalla iyo Caruusha. Kor u kac iyo dhulka ay Soomaalidu degaan oo ay kamid tahay xuduudda Ogaadeenka.

Dhanka waqooyi, khadda xuduudda waxaa ku jira Habar-Hawaash, Gadubursi iyo Ciisaha Soomaalida ah ". (The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962. p. 81).

Gabagabadii, Menelik wuxuu ku soo af-jarayaa hadal xambaarsan caadifad adag oo uu ku soo jiidanayo dareenka iyo kal-samida madaxda uu waraaqda u diray. Wuxuu isku deyayaa in uu danqiyo caadifadda diineed ee dadyowgaas, taas oo wax-tar ka gaysan jirtay hiillada siyaasadeed ee dowladihii xilligaas. Menelik wuxuu qoray :

" Xiiligan maanta ah oo aan sawir ka bixiyay xuduudda dhabta ah oo boqortooyadayda ay leedahay, waxaan dadaal u gelayaa, hadduu Eebe i siiyo nolol iyo itaal, sidii aan u xasilin lahaa xuduudihii hore (Tributaries) ee Itoobiya, laga bilaabo Khartoum illaa iyo harada la yiraahdo Lake Nyanza oo ay la socdaan dhamaan (dhulka)Gaalla (Oromo).

Itoobiya, muddo afar iyo toban qarni ah ayay ahayd jasiirad ku dhex-taal bad sanamyo-caabud ah. Haddaba haddii xoogagga naga fog ay u yimaadeen hadafka ah in ay Afrika iyagu qaybsadaan, goŽaankaygu ahaan-mayo in aan noqdo daawade dhex-dhexaad ah.

Sida uu Awood-badanuhu (Eebe), illaa iyo maanta, u ilaaliyay Itoobiya, ayaan ku kalsoonahay in uu u ilaalin-doono, oo uu fidin doono xuduuddeedana mustaqbalka. ................ .

Xilli hore, xuduudda Itoobiya waxay ahayd badda. Awood ku filan ayaa hareeraysay, wax kaalmo ahna kama helin xoogagga masiixiga ah, xuduuddayadii badda xeebaheeda ahaa waxay gacanta u galeen xooggii muslimka.

Xilligan hadda ah, ma nihin kuwo guddoonsaday in xuduuddeenii hore ee badda ahayd aanu xoog ku soo ceshano, laakiin waxaanu ku kalsoonahay xoogagga masiixiga ah, ee tilmaamaya badbaadadayada, in ay inoo soo ceshaan xadkii xeebaha badda ahaa oo aanu lahayn, qiimo kasta ha ku bexee, meel uun xeeb ah ". (Ibid : p. 81).

Taladii urursanayd ee qowmiyadihii masiixiga ahaa oo gacanta u gashay iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee uu ku guulaystay in uu la yeesho xoogaggii jiray ayaa Menelik waxay u suurogelisay in uu hirgeliyo aragtidiisii ahayd baahinta maamulkiisa. Wuxuu bilaabay in uu isku fidiyo dhulalka ka fog oo ay deggan yihiin qowmiyaadka muslimka ah. Hub tiro iyo tayo leh ayuu ka iibsaday ganacsato reer Yurub ah. Ganacsigaas oo muddo sanooyin ah socday ayaa qaxwuhu wuxuu ahaa waxa ugu wayn oo dhankiisa ka baxayay.

Gabyaagii Faransiiska ahaa Arthur Rimbaurd, ayaa ka waramay hubka xad-dhaafka ah oo xilligaas gaaray gacanta ciidamadii Menelik. Gabyaagaas oo isaga qudhiisu ka ganacsan jiray hubka, muddo toddoba sano ahna ku sugnaa magaalada Harar, waa intay Xabashidu qabsadeen magaalada, wuxuu shaagay doon hub siday oo uu Cadan ka soo shixnadeeyay ganacsade Faransiis ah oo la yiraahdo SavoureŽ. Doontaas oo soo xiratay magaalada Obokh 27/ 6- 1885-kii ayaa waxay siday hub uu ku tilmaamay 30.000 oo qori, 600.000 oo rasaas iyo 3.000 oo waxyaabo qarxa. (The Somali Peninsula 1962. p. 26. Laga xigtay Rambourds report. published in letters de la vie litteraire).

Hubkaas ayuu u kaashaday duulaamadii ay ciidamadiisu ku boobayeen dadyowgii kula noolaa degaanka. Muddo gaaban oo dhowr sano ah ayaa ciidamada Menelik waxay qabsadeen dhul wax badan ka wayn kay degganaayeen. Qowmiyadaha uu boobay waxaa kamid ahaa Wallega, Illubaabor, Wallamo, Kambata, Caruusha, Booran, Gamu-Gofa iyo qaybo kamid ah Soomaali. Dagaaladii uu Menelik ku qaaday degaamadaas ayaa sababay in dadkaasi ay dhamaantood kamid noqdaan qowmiyadaha ku bahoobay maamulka dowladda Itoobiya. Sidaas buu Menelik wuxuu ku noqday boqorka asaasay Embradooriyadda ! ! Itoobiya.


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:19 AM. Webmaster HomePage