- [SW Country] (Mohamed Dalmar ) SOOMAALIYA IYO HABKA FEDERAALIGA AH
:Posted on 28 Dec 2002
SOOMAALIYA IYO HABKA FEDERAALIGA AH
Mohamed Dalmar - December 2002
Fadhiga dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee Eldoret, wajigiisii kowaad
waxyaabihii lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa in la qaato habka
federaaliga ah, laguna maamulo Dawladda Soomaliya ee dhalan doonta.
Waxaa la
oran karaa waxaa sababay in la qaato
habka federaaliga dagaalka sokeye, oo keenay in la kala miirmo oo qabiil
walba salka la galo degaankii uu asal ahaan ka soo jeeday. Waxaa keenay
tuhunka iyo cabsida laga qabo in awooddu gacanta u gasho hal qof ama hal
qabiil oo inta kale cadaadiya iyadoo weli la xusuusto xukunkii
diktatooriga ahaa ee xanuunka badnaa oo la soo maray. Haseyeeshee, waxaa
moodaa in doodda la xiriirta habka federaaliga ay qayb ka noqotay
loollanka loogu jiro qaybsashada jagooyinka iyo hantida dawladda iyo
xarig-jiidka ka dhexeeya qabaa’ilka Soomaaliyeed. Waxaa moodaa in
walwalku yahay Yaa xukumi doonaa dalka? Ee uusan ahayn side loo xumi
doonaa? Waxaa markaas dooddaas ka maqan dareenka ah in habkaan loo arko
inuu yahay qaab maamul-dawladeed oo dawlada badani ku dhaqmaan, kuwa
kalena hadda ku tala jiraan inay qaataan. Waxaa haddaba habboon in la
isweeydiiyo: Muxuu yahay habka federaaligu? Muxuu dheef iyo dhibaatba
lahaan karaa? Sidee loo dabaqi karaa? Waxaan isku dayaya inaan
maqaalkaan si kooban ugu faaqido arimahaas anigoo fikradayda ka
dhiibanaya siday ila tahay.
Waa maxay habka feederaaliga ahi?
Habka federaliga ahi waa hab ku dhisan awood qaybsan iyo xukun
baahsan. Waxaa awoodda wadaagaya dawladda dhexe iyo dawladaha gobollada.
Saddex heer oo xukun ayaa ka jiraya dalka, awoodna ku yeelanaya shacabka:
dawladda dhexe, tan gobolka iyo tan degmada. Awoodda iyo xilka dawlad
kasta waxaa qeexaya dastuurka. Sidoo kale distuurka ayaa qeexaya
hannaanka ay kuwada shaqeeynayaan heerarka kala duwan ee dawladdu.
Habkaani wuxuu ka duwan yahay
kan maamulka mideeysan “Unitary
state” oo awoodda oo dhan siinaya dawladda dhexe. Gobollada iyo
degmooyinku waxay hoos imaanayaan dawladda dhexe oo iyadu intay doonto
oo awood ah siinaysa ama kala noqoneeysa hadba sidii loogu baahdo.
Faa’iidada iyo dhibaatada habka federaaliga
Faa’iidoyinka habka feedaraaliga ah waxaa ka mid ah:
1.
Wuxuu baahinayaa awoodda. Waxaa markaas yaraaneysa halista ah in
awooddu ku uruurto gacanta hal qf, ama hal koox oo dadweeynaha ku
amarkutaagleeya.
2.
Maamulka ayaa u soo dhawaanaya dadweeynaha. Gobollada iyo
degmooyinka ayaa baranaya inay is-maamulaan oo wax ka qabtaan bahidooda
intay xal ka sugi lahayeen xafiis ka dheer iyo biroqraadiyad aan u soo
jeedin danahooda.
3.
Wuxuu shacabka siinaya fursad ay siyaabo kala duwan uga
qaybgalaan siyaasadda dalka iyagoo mar dooranaya dawladda degmada,
marna tan gobolka, mar kalena tan qaranka.
4.
Ma jirayso dawlad dhexe oo leh awood xad-dhaaf ah ooy ku
cabburiso xuquuqda dadweeynaha iyo deegaamada.
5.
Wuxuu abuuri karaa xamaasad ah in gobollada iyo degmooyinku ku
tartamaan horumarinta degaankooda, ka dibna dalku sidaas ku barwaaqoobo.
6.
Habkaani wuxuu u sii fiican yahay dalkii leh qowmiyado kala duwan
oo qowmiyad waliba rabto inay hesho ilaa xad madaxbannani, iyadoo isla
marahaantaas la dhawrayo midnimada qaranka. Soomaalidu waa hal qowmiyad.
Haseyeeshee, qabiilkii ayaa noqday summad hari wayday oo la isku kala
faquuqay.
Dhibaatooyinka habka federaaliga ah waxaa ka mid ah:
1.
Waxaa dhici karta in gobollada iyo dawladda dhexe ay awoodda kala
jiitaan oo ismari waayaan, halkaasna ay ku curyamaan danihii ummadu.
2.
Waxaa dhici karta in beelaha ku nool degmooyinka aysan khibrad
iyo aqoon-farsamo u lahayn maamulka laga filayo inay hantaan.
3.
Waxaa dhici karta in hogaamiyayaasha gobolladu gooni-u-goosato
noqdaan, sidaas darteedna ay ku wiiqanto midnimada qaranku, ka dibna
dalku u nuglaado faragelinta shisheeyaha.
Sida kor ka muuqata, habka federaaliga ahi wuxuu leeyahay
faa’iidooynkiisa iyo khasaarihiisaba, taasina waa caadi oo hab kasta
wuxuu wataa dhibkiisa iyo dheeftiisaba. Waxay ku xiran tahay hadba sidii
loo hirgeliyo. Waxaa jira dawlado ku tanaaday habka federaaliga iyo kuwa
guuldarro ka raacday, kuwo ku hormaray iyo kuwo ku dibdhacay, kuwo
xorriyad ka helay iyo kuwa diktatooriyadi ku habsatay. Waxaa muhim ah in
la fahmo inuu yahay qaab maamuleed oo la adeegsanayo ee uusan ahayn
yoolkii la rabay in lagaaro. Yoolku waa horumarinta iyo sare u qaadidda
nolosha bulshaweeynta Soomaaliyeed. Qofahaan, waxaan qabaa in, haddii
laga dhabeeyo, laga faa’iideeysan karo habka federaaliga iyadoo
islamarahaantaas laga gaashamanayo dhibaatooyinkiisa. Haddaba, si loo
hirgeliyo, waxaa loo baahan yahay in la helo shuruudo badan oo lagama
maarmaan u ah dhaqangelintiisa.
1.
Marka hore, waxaa loo baahan yahay in la helo heshiis buuxa oo ka
dhexdhaca beelaha Soomaaliyeed oo idil. Waxaa loo baahan yahay in la
wada fariisto oo si walaatinnimo iyo daacadnimo ku jirto loo kala
garbaxo, la kala sheegto wixii la kala tabanayey, la isu celiyo wixii la
kala haystey, la isuna cafiyo wixii la doono.
2.
Waxaa lagama maarmaan ah in la helo nabad iyo xasillooni buuxda.
Haddii kale ma jiri karo hab hirgela noocu rabo ha ahaadee.
3.
Waa inay ka go’antahay bulshada iyo madaxda Soomaaliyeed in la
dhawro sharciga. Habkaani maadaama uu qaybinayo awoodda wuxuu keeni
karaa isqabqabsi badan. Waxaa markaas loo baahan yahay sharci lagu kala
baxo iyo xeer la okoban yahay.
4.
Waa in laga xoroobaa fikradda ah sidee wax loo qaybsanayaa, maxaa
la siinayaa reer Hebel. Manfac la qaybsado meeshaan ma yaal ee waxaa
taal hawl.
5.
Waxaa loo baahan yahay in lagu shaqeeyo niyad iskaashi iyadoo
xoog la saarayo adeega bulshada. Habka federaaligu wuxuu ka duulaya
fikradda ah in adeegyada qaarkood ay u faradhuudhuuban tahay degmadu,
qaar kalena gobolku, qaar kalena ay ku habboon yihiin inay fuliso
dawladda dhexe.
6.
Hab kasta oo la qaato wuxuu dalbaya maamul toosan oo ilaa xad
hufan. Haddii kale wuxuu ku dambeeynayaa burbur sida Soomaaliya ka
dhacday.
Hiregelinta habka federaaliga ah
Hirgelinta habka federaaliga ah waa arrin qotodheer oo u baahan
daraasad, waqti iyo tijaabooyin badan. Ma aha wax aan halkaan ku soo
koobi karo ama aan u leeyahay aqoon ballaaran oo aan kaga baaraan dago.
Waxaan jecleeystay inaan halkaan ku soo qaado qodobo dhawr ah oo aan u
arko muhim, waxaana ka mid ah: qaybinta xilalka, tirada gobollada iyo
wadaagga dakhliga.
Qaybinta xilalka
Sidaan kor ku xusay, waxaa jiraya saddex dawladood oo wadaagaya
xukunka dalka, saddexdabana waxaa sii toos ah u dooranaya dadweeynaha.
Waxaan hoos ku liisgareeynayaa xilalka dawlad kasta, anigoo ka shidaal
qaatay dalka Kanada oo aan ku noolahay.
Xilalka Dawladda Dhexe:
1.
Gaashaandhigga
2.
Lacag soo saaridda iyo Siyaasadda dhaqaalaha
3.
Xiriirka caalamiga ah
4.
Boostada iyo isgaarsiinta
5.
Socdaalka (immigration)
6.
Furdooyinka (customs)
7.
Jinsiyadda (citizenship)
Xilalka Dawladda Gobolka:
1. Waxbarashada
2. Caafimaadka
3. Boliska gobolka
4. Waddooyinka gobolka
5. Ruqsada gaadiidka
6. Ilaalinta bay’adda
7. Guriyeeynta
8. Horumarinta dhaqaalaha
9. Khayraadka dabiiciga ah
Xilalka Dawladda degmada:
1. Ruqsada shatiyada ganacsiga
2. Ruqsada iyo nidaaminta
dhismayaalka
3. Booliska degmada
4. Dabdemiska
5. Nadaafadda iyo qashin
uruurinta
6. Waddooyinka degmada
7. Nalka iyo biyaha
Tirada Gobollada
Waxaa muran xoog lehi ka taagan yahay tirada gobollada iyo xuduudooda.
Hadda ka hor, waxaa la soo jeediyey in Soomaaliya loo qaybiyo ilaa shan
gobol, distuurka Dawladda Kumeelgaar ahna wuxuu aqoonsan yahay 18 gobol.
Waxaa marar laga sharqamiyey in loo noqdo sideedii gobol oo kacaanka ka
hor jirey. Waxaa kaloo jira gobollo iyagu isku haysta degaan oo qarka u
saaran inay dagaallamaan. Sidee loo xalliyaa mashkiladaan? Aragtiahaan,
waxaan qabaa in xalka arrintaan loo daayo dadweeynaha gobollada deggan
ooy iyagu ka taliyaan masiirkooda, aftina lagu weeydiiyo siday rabaan
inay isu raacaan. Qabashada aftida waxay qaadanaysaa waqti, kharash iyo
hawl badan. Waase istaahishaa waayo waxaa dib loo dhisayaa qarankii
Soomaaliyeed ee dumay, waxaana loo baahan yahay in loo dhigo asaas iyo
saldhig adag. Aftida waxaa laga bilaabi karaa labada dawlad-goboleed oo
kala ah
Somaliland iyo Puntland, oo isku haysta labada
gobol ee Sool iyo Sanaag. Xalku wuxuu ku jira in dadweeynaha reer Sool
iyo Sanaag la weeydiiyo waxay rabaan. Waxaan kaloo tusaale u soo qadan
karnaa degmada Baraxley ee Gaalkacyo. Sidoo kale, dadweeynaha halkaas
deggan ayaa la weeydiinaya meeshay raacayaan Puntland ama gobollada
dhexe. Waxaa loo baahan yahay in la beddelo maskaxdii hore oo ahayd
badso degmooyinka si aad ku heshid kuraas iyo awood badan, laguna
beddelo fikrad cusub oo ah: Ma u adeegi karta bulshada halkaas deggan?
Ma ka haqabtiri kartaa baahidooda? Ma qaadi kartaa xilkooda? Waxaa
markaas soo baxaysa aragtida ah: Daa dadku ha raaceen gobolkay ka
helayaan adeeg ay ku kalsoon yihiin.
Wadaagga dakhliga
Saddexda dawladood ee uu ka kooban yahay habka federaaliga ahi, mid
waliba waxay u baahan tahay dakhli u gaar ah ooy ku socodsiiso hawlaha
loo xilsaaray. Badi dakhligaasi wuxuu ka imaanayaa canshuur laga qaaday
isla dadweeynaha ku dhaqan degmooyinka iyo gobollada dalka. Haddaba,
su’aashu waxay ka taagan tahay: Side ugu habboon ee loo uruuriyaa
dakhligaas, sideese loogu qaybiyaa heerarka kala duwan ee dawladda.
Intaanan u gudbin qaybtinta, waxaa muhim ah in hoosta laga xarriqo
inay lagama maarmaan tahay in la yareeyo baaxadda dawladda, laguna soo
kobo tiro yar oo la maalgelin karo. Macquul ma aha in la dhiso gole
wasiiro oo boqol hahaabanaya, gole shacbi oo dhawr boqol kor u dhaafay,
shaqaale iyo ciidamo ciidaas ka badan. Waxaa loo baahan yahay in la
dhiso dawlad aad u kooban ha ahaato mid dhexe ama mid goboleedba, iyadoo
la tixgalinayo awoodda dhaqaale iyo kaalinta qaybta gaarahaaneed
(private sector) ka qaadato fulinta adeegyada bulshada.
Haddaan u soo daadago xagga qaybinta dakhliga, waxaa mudan in la xuso
in canshuurta furdooyinku tahay isha ugu weeyn oo dakhligu ka soo
xeroodo madaama aayan jirin ilo kale oo micno leh sida canshuurta
dakhliga (income tax). Si loo uruuriyo, loona qaybiyo canshuurta
furdooyinka, waxaan soo jeedinayaa in la dhiso Hay’adda Dakhliga
Furdooyinka (Customs Revenue Agency) oo ah hay’ad madaxbannaan oo dalkoo
idil ka hawlgasha. Weliba waxaan ku dari lahaa in hay’addaas muddada
hore ay hoggaamiyaan saraakiil ka tirsan hay’adaha caalamiga ah sida
Qaramada Midoobay si loo helo kalsooni. Hay’addaas ayaa uruurinaysa
canshuurta furdooyinka, dakhliga halkaas ka soo baxana waxaa loo
qaybinayaa dawladda dhexe iyo dawladaha gobollada. Qaabka loo qaybinayo
wuxuu ku saleeysnaanayaa ‘formula’ aad looga baarandagay oo lala
kaashaday khubaro ku xeeldheer maamulka arrimaha federaaliga ah.
Waxyaabaha ‘formula’hu tixgelin karo waxaa ka mid ah tirada dadka ku
nool gobol kasta, baahida gobollada saboolka ah, mashaariicda heer
qarameedka ah iwm. Sidaas oo kale ayaa loo qaybinayaa deeqada laga helo
dibedda. Goballadu waxay toos u qaadanayaan dakhliga ka soo gala
canshuurta barriga, gaadiidka, shirkadaha iwm. Degmooyinku iyagu waxay
qaadanayaan canshuurta ka soo xeroota guryaha, shatiyada ganacsiga,
seyladaha iwm. Waxaa intaas dheer kaalinta Soomaalida dibedda ku nool ay
ka qadan karaan dhismaha iyo maalgelinta gobolladooda.
Gabagabo
Waxaa la yiri ereyga ‘Federal’ wuxuu ka yimid luqada Laatiinka,
micnihiisuna waa: Heshiis, ballanqaad. Aan ku heshiinno oo ballanqaadno
inaan dib u taagno qarankii Soomaaliyeed ee burburay.
[Country] |