- [SW Country] ( Puntland Patriotic Party
- PPP ) - BAAQ XABAD
JOOJIN : Posted on 31 Dec 2002
BAAQ
XABAD JOOJIN - Puntland
Patriotic Party (PPP)
PPP/301202/CHGPL0109
Ku:
Madaxda Maamul Gobaleedka Puntland
Madaxda
Mucaaradka Maamul Gobaleedka Puntland
Isimada,
Cuqaasha iyo Waxgaradka Maamul Gobaleedka Puntland
Bulshada
Rayadka ah ee Maamul Gobaleedka Puntland
Anaga
oo ah xubnaha Xisbiga Wadhaniga ah ee kor ku xusan, saldhigiisuna yahay
Magaala Madaxda Maamul Goboleedka Puntland ee
Garowe isla
markaasna:
Ka
tiiraanyaysan aafada iyo masiibada dagaal ee mood iyo noolba leh ee
30kii December 2002 ka soo cusboonaaday deegaanka Maamul Goboleedka
Puntland;
Tixraacayna
khasaaraha dad, adduun iyo deegaan ee sida macna darada ah loogu
xasuuqayo qaybo ka mid deegaanka Maamul Goboleedka Puntland;
Qirsan
jiritaanka khilaaf siyaasadeed, aa’raa iyo afkaar ee u dhexeeya maamulka
uu madaxda ka yahay Mudane Abdullahi Yusuf Ahmed ee hadda gacanta ku
haya masiirka iyo hannaan socodka maamul ee Maamul Goboleedka Puntland
iyo mucaaradka uu madaxa ka yahay Mudane Jama Ali Jama;
Ka
dharagsan natiijada iyo aayaha dagaal sokeeye oo mar kale ka qarxa
deegaanka Maamul Goboleedka Puntland, una dhuundaloolna aayatiin xumada
dagaal sokeeye uu dhaxalsiin karo ammaanka, xasiloonida, dhaqaalaha,
dhaqanka, dawrka iyo miisaanka siyaasadeed ee arimaha Somaliya, wadciga
iyo jiritaanka mustaqbal iyo mujtamac ee bulshooyinka ku bahowday
deegaanka Puntland ee Shanta Gobol iyo Degmada Buuhoodle;
Ka
dharagsan mabaa’diida guracan, siyaasadaha qalafsan iyo hurinta colaad
dabadheeraata ee cadowga saddex geesoodka ahi (Kooxda Arta, Al-Itihad
iyo Maamulka Waqooyi Galbeed) uu la damacsan yahay shucuubta ku bahowday
Maamul Goboleedka Puntland;
Waxaanu
ugu baaqaynaa labada dhinac ee isku haya siyaasadda ee deegaanka Maamul
Gobaleedka Puntland in ay si dhakhso ah u joojiyaan dagaalka, ayna ku
dhameeyaan wixii khilaaf ah ee jira wadahadal, wadatashi iyo dulqaad
walaaltinimo iyo is qadarin aasaas u tahay;
Waxaanu
ugu baaqaynaa labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo in ay wax walba ka
hormariyaan maslaxadda ummadda, mustaqbalka bulsho, iyo kan jiritaan ee
Maamul Gobaleedka Puntland;
Waxaanu
ugu baaqaynaa dhammaan Isimada, cuqaasha, waxgaradka iyo qaybaha
bulshada rayadka ahi in ay kaalin firfircoon ka qaataan dhexdhexaadinta
iyo soo afjarka khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac;
Waxaanu
ugu baaqaynaa qaybaha aanu khusayn khilaafkani in ay ka feejignaadaan
faragelin khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya
Maamulka iyo Mucaaradka Dawlad Goboleedka Puntland,
iyo xad gudub ay ku
sameeyaan deegaanka Maamul Goboleedka Puntland ee Shanta Gobol iyo
Degmada Buuhoodle;
Anaga
oo ka tiiraanyaysan aafada ku habsatay qayba ka mid ah deegaanka
Maamul Goboleedka Puntland,
waxaanu tacsi u duraynaa
dhammaan shacabka reer Puntland, eheladda iyo qaraabadda dadkii
dhibaatadu ku soo gaadhay dagaaladii 30/December/2002 ka qarxay meela ka
mid ah deegaanka Maamul Goboleedka Puntland.
Tii
Waarta Oo Waaya Jirta –
Puntland
State of
Somalia!
Chairman - Puntland Patriotic Party (PPP)
Garowe, Puntland State of
Somalia
Email: puntlandpp@yahoo.com
30kii December
2002
[Country] |