| Column |
|
- [SW Column] (Courtesy of Yamayska ) Warbixin:
Cadawgii Isbiirsaday ee Puntland oo Gabaabsi ah - Dhacdooyinkii
ugu Danbeeyay & Saamayntooda : Posted on 4 Dec 2003
|
Opinions expressed in this column
are those of the contributors and not necessarily those of SW.
Warbixin:
Cadawgii Isbiirsaday ee Puntland oo Gabaabsi ah
- Dhacdooyinkii
ugu Danbeeyay & Saamayntooda
___________________
Puntland oo Sannadka Cusub ku Rajo Wayn Inay soo Ceshato Nabadgalyadii
Lagu Yiqiin & Waliba Arrimaha Puntland vs Somaliland
___________
Yamayska
Garoowe - 03 Janaayo 2003 (YAMAYSKA) - Soocelinta nabadda, xasiloonida
iyo kala-danbaynta Puntland, gees ka gees, ayaa maanta u muuqata mid
miradhashay. Shanta gobol iyo degmada Buuhoodle ayaa si wadajir iyo
walaaltinimo uga qayb-qaatay soocelinta nabadda, xasiloonida iyo
kaladanbaynta Puntland. Waa markii saddexaad oo ciidanka Daraawhiistu
iyo shacabwaynahu u dhigayaan cadawga Puntland cashar lama illaawaan
ah.
Saddexdii maalmood ee ugu danbaysay waxaa lagu raadjoogay firxadkii
iyo soo uruuurintii dhallinyaradii ehelka ee Jaamac Cali Jaamac iyo
Cadde Muuse rabeen in ay dhigooda daadiyaan. Intii la qabte mooyee,
wali waxaa lagu raad jooga haraagii u shaqaynayay cadwaga iyo CARTA.
Shalay oo taariikhdu ahayd 2 Janaayo 2003, waxaa aagga Sanaag u
baxsaday hub, saanad iyo saraakiil aad loo raadinayay. Hawl-gal aysan
u kala harin maamulka sare ee Puntland iyo shacabka Sanaag, ayna
hugaaminayeen Wasiirada iyo saraakiisha dawladda ayaa ku dhammaaday
natiijo heer sare. Hawl-galkaas oo uu hugaaminayay Abbaanduulaha
Ciidanka Daraawiishta Aagga Sanaag, G/Dhexe Cabdullahi Cali Cashuur,
goob-joogna uu ka ahaa wasiirka warfaafinta DGPL, Mudane Diiriye
Jaamac Geelle, ayna ka qaybqaateen qayb ka mid ah Ciidanka Badda
Puntland ayaa aagga Ceerigaabo waxaa lagu soo qabtay gaari uu
saaranyahay qoriga wayn ee PM-ku. Waxaa kaloo isla hawl-galkaas lagu
soo qabtay afar gaari oo xamuul ah. Maxaabista la soo qabtay waxaa ka
mid ah Cali Marduuf Faarax oo ahaa darawalka gaari uu saaranyahay
PM-ku. Cali Marduuf ayaa waligiis illaa iyo 1990 lagu ogaa inuu yahay
wadaha gaariga. Waraysi uu Cali Marduuf la yeeshay wariyaha Yamayska
ee Garoowe, ayuu Cali ahaa nin kaftan badan, wax dhib ahna aysan ka
muuqan, dhibna aan ka filanayn ragga soo qabtay oo uu badnaa
ehelkiisa. Waxaa kaloo lagu qabtay maxaabiis dhan shan nin, isuguna
jira darawallo iyo Gaandheri.
Maxaabistii, qorigii PM-ka iyo gawaaridii xammuulkaba waxaa maanta la
keenay Garoowe, caasimada DGPL.
Maryo-calas badan ayaa ka gudbay xudduuda Sanaag ee Puntland una
gudbay tan Somaliland. Badanaa raggaas ayaa dadka deegaanka
Soomaliland, khaasatan Reer Muuse Ismaaciil, ka dalbadeen inay ka sii
gudbaan xudduudooda, ayna muujiyaan daris wanaag ay la wadaagaan reer
Puntland. Maryo-calas aan tiradooda la hubin ayaa la soo werinayaa
inay u sii gudbeen dhanka Burco.
Aaga Dhuudo iyo Bandar Bayla ayaa illaa shalay illaa maanta waxaa isa
soo dhiibaya maxaabiis u badan dhalinyaro sheeganaysa in laga soo
qafaalay shaqooyinkoodii, una badan kallumaysato iyo xoolo-dhaqato.
Dhalinyaradaas oo aad u rafaadsan ayaa waxaa Yamayska soo gaaraya in
shalay iyo maanta, galinkii hore iyo kii danbaba, ay isa soo dhiibeen
u dhawaad 175 maxbuus.
Isla maanta amar ka soo baxay hoggaanka sare ee dawladda ayaa sheegaya
in hub ka dhigis kaliya lagu sameeyo maxaabiista, nin kastana lagu
celiyo meeshuu codsado. Isla amarkaas ayaa qeexaya in la siiyo
kharashkooda wixii suurta-gal ah.
Shalay illaa maanta waxaa lagu mashquulsanaa tirakoobka iyo
diiwaan-gelinta lahaanshaha gawaarida tallaagaduhu saaranyihiin iyo
kuwa xammuulka oo Maryo-calastu ka qafaalatay deegaanka. Gawaaridaas
laga soo celiyay maleeshiyada Jaamac iyo Cadde Muuse ayaa hadda ku
sugan Qardho iyo Garoowe.
Waxaa kaloo Garoowe ku sugan maxaabiis lagu soo qabtay dagaalkii
Dhuudo. Maxaabiista laga diiwaan-galiyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa
gaaraya 75 maxbuus iyo 7 dhaawac ah. Maxaabiista waxaa ku jira shan
sarkaal oo mid ka mid ahi ka yimid Yurub, magacyaduna waa sidan:
1) G/Dhexe Axmed Faarax Deeq, 44 Jir, Ingineer Ciidan, kana Yimid
Yurub
2) Dhamme Diiriye Cali Geele, 45 Jir
3) Xidigle Abshir Maxamed Maxamuud, 40 Jir
4) Xidigle A/Raxmaan Caydiid Maxamuud, 43 Jir
5) Xidigle Maxamed Jaamac Cali, 50 Jir
Waxaa kaloo jira maxaabiis isugu jira saraakiil iyo maryo-calas aan
wali soo gaarin Garoowe, kana diiwaan gashanayn Xafiiska Xeer
Ilaaliyaha.
Somaliland
Dhanka Burco ayaa illaa shalay illaa maanta waxaa la soo werinayaa
inay halkaa u gudbeen labo iskarogo iyo rag la socdayba. Warar kale
ayaa isa soo taraya, sheegayana in labadii iskarogo iyo ragii watayba
laga soo qabtay aagga Sool, ayna saacadaha soo socda ku soo fool
leeyihiin Garoowe.
Isla dhanka Burco waxaa maalmihii ugu danbeeyay usii gudbay qori 'Zuu'
ah aadna loo raadinayay. Waxaa kale oo Burco ku sugan dhaawac gaaraya
illaa tobaneeye iyo ciidan u wato Cadde Muuse.
Waxaa kale oo la soo warinayaa in Cadde Muuse oo jooga Burco uu la
socdo Kor. Cabdi Yaasiin, oo ah ninkii maalin dhaweyd uu wariyaha
BBC-da Muqdisho, Xasan Bariise, yiri waa waraystay oo wuxuu ku
suganyahay Dhuudo. Kor. Cabdi Yaasiin oo ah nin aad looga raadinayay
Puntland, kana qayb-qaatay dagaalkii 1992 ee al-Itixaadka, jabkii
ciidankiisii al Itixaadka kadibna baxsad noqday. Kor. Cabdi Yaasiin oo
ay is weheliyeen Kor. Daahir Caweeys waqtigaa, saaxiibna ahaayeen kana
wada qayb-qaateen dagaalkaas 1992, ayaa ah nin magiciisa lagu daray
argagixisada adduunka. Labada Kornayl, Daahir iyo Cabdi, ayaan il la
saarin indhawaalaba, lana isla dhexmari jirey inay ku sugnaayeen
Afganistaan.
Kor. Cabdi Yaasiin ayaa yimid Jabuuti, kana qaybqaatay dhiskii kooxda
CARTA, kaddibna uga sii gudbay Xamar. Wuxuu ku sugnaa Xamar illaa iyo
maalintii wariyaha BBC-da Muqdishu, Xasan Bariise, uu ka helay
Kornaylka buuralayda Dhuuda. Kornayl Cabdi Yaasiin ayaa wali ku jira
liiska ragga aad loo raadinayo.
Cadde Muuse, Kor. Cabdi Yaasiin, saraakiil kale iyo kuwo ku soo
biiriya maalinkiiba laba jeer ayaa haatan ku sugan Burco.
Jaah-wareerka
Somaliland
Mar haddii badanaa mucaaradkii Puntland isugu yimid aagga Burco,
mucaaradkaasna uu u badanyahay Ururka al-Itixaad, lagana soo
barakiciyay Puntland oo dhan; su'aasha taal waa: yaa Ururka iyo
hoggaankiisa ku haya aagga Burco, yaase bixiyey amarkaas?
Jawaabta su'aashu ma fududa, duraafaha ka jira Soomaliland daraadeed.
Waa mare dadku waa qabiil; waa marka kale waa daris; waa marka
saddexaade maamulku ma gaarsiisna meel kasta, hadduu gaarsiisanyahayna
ma qoto dheera.
Aaga Burco oo ay u badanyihiin qabaa'ilka Habar Jeclo iyo Habar
Yoonis, talada reerku waa go'antahay, amarna waxay ku bixiyeen wixii
dhib wada ama dhib la yimaadaa inaysan ku nagaan Burco. Taladaas oo
cad ayaan hadana talooyinka ka imaanayaa Hargeysa iyo Kor. Daahir
Riyaale Kaahin aysan is waafaqsanayn. Warar la xaqiijiyay una dhexeeya
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliland iyo Jan. Cadde Muuse, ayaa ku cad
Wasiirka oo leh, "kaligaa kaliya waan ku magan-galin karnaa, cid
kalese maya." Isla hadalka wasiirka kaddib, waxaa Burco ku sugnaa
illaa iyo 53 nin, una badan ragga aad looga raadinayo Puntland. Isla
Xafiiska Kor. Daahir Riyaale ayey ku caddahay in "la saacido
raggaas si kasta oo suurta-gal ah."
Intaas oo amar oo is burinaya kaddib, ayaa hadana waxaa xaqiiqo ah in
Burco ay wax badan kaga duwantahay Hargaysa. Dhan ganacsi iyo
dhaqaale, Burco waxay aad ugu xirantahay dariska iyo gobolka Sool.
Dhan siyaasadeed, Burco waxaa u badan mucaaradka Hargaysa. Dhanka
diinta, Burco waa meesha kaliya oo la dhihi karo Ururku saldhig aan la
sahlan karin buu ku leeyahay. Waxaan kaloo la xaqiri karin xiriirka
iyo wada shaqaynta ka dhexaysa Ururka meel kasta oo uu joogo, iskaba
daa Soomaaliyee.
Isla intaas oo danood oo iska soo horjeeda, hadana booska ha ka saarin
xiriirka ka dhexeeya Itoobiya, Soomaaliland iyo Puntland. Itoobiya
ayaan indhawaalaba ku qanacsanayn huggaanka Kor. Daahir Riyaale iyo
siyaasadiisa daris-xumida ee Puntland. Intaas ka sokoow, waxaa maanta
Burco ku sugan rag badan oo Itoobiya ay daba-joogtay illaa Luuq illaa
Baydhabo iyo Xamar.
Warar aan la xaqiijin, goor-dhawaydna na soo gaarey, ayaa isla maanta
tibaaxaya in arrintii Burco ay qaadatay qaab qabiil, lana waydiistay
waxaan gobolka u dhalan inay isaga baxaan Burco. Ayadoo hadalkaa la
daba-joogo, ayaa isla maanta waxaa ka biloowday magaalooyinka
Laascaanood iyo Garoowaba isu diyaarin in arrimaha Burco ay wanaag iyo
nabad ku dhammaan doonaan, cadawaga Puntland-na si nabadi ku jirto isu
soo dhiibi doono. Wali way adag tahay in la saadaaliyo arrini meeshay
ku dhammaan, laakiin waxaa hubaal ah in dano kala duwan ay isugu
yimaadeen magaalada qadiimiga ee Burco, oo ah magaalo si wanaagsan uga
soo kabatay burburkii dagaaladii sokeeye.
[Column]
|