Xilligaas hore, dhaqanka qabiilka ee
nolosha xoolo-dhaqatadeenu, wuxuu ahaa mid ka duwan midka
nasakhan oo ay ina dhaxalsiiyeen raggii ceynaanka dowladnimo
inoo qabtey. Wuxuu ahaa mid ka duwan kan maanta muuqda oo
aragtidiisu tahay colaad loogu gol leeyahay raadin maslaxad
shakhsiyadeed. Dhaqanka qabiilku wuxuu lahaa saldhig adag oo
abtirsiinyo ku salaysan, taas oo uusan qofna ku danaysan
karin. Waxaa kale oo uu lahaa xeerar lagu ilaaliyay aragti
talo-wadaag ah oo ay beeluhu lahaayeen. Xoolo-dhaqatadu
waxay ka midaysnaayeen ilaalada maslaxadda guud. Waxay si
wanaagsan u garanayeen in beeluhu isu baahan yihiin, beel si
gaar ah u danaysan kartana aysan jirin. Sidaa darteed ayay
xoolaha baadida ah isu celin jireen. Qoyska saboolooba
xooluhuna ka guran-yihiin waxaa loogu deeqi jiray irmaan
ubadka abaarta lagaga gudbiyo. Socotada qariibka ah, reer
kasta oo uu yahay, waa la soo dhoweyn jiray. Cadaawada iyo
colaadaha waa laysaga digi jiray. Si guud iyo si gaar ahba
waa loo kala wa! ! r qaadan jiray. Meesha ay raxmaddu qabato
si nabad ah ayaa wadajir looga cabi jiray. Ceelasha ayaa la
wadaagi jiray. Heshiisyada ay beeluhu dhigtaan, beel walba
dhankeeda ayay ka ilaalin jirtay. Qoyskii ciidan darri hayso
waa la taakuleyn jiray.
Degaamada duddadu, ayaa waxay ahaayeen
meelaha sida wacan looga garan karay hannaankii siyaasadeed
ee dhaqan-qabiilku lahaa oo ay awoowayaal lahaayeen.
Duddada, sida badan, waxaa isugu iman jiray beelo abtirsi ku
kala duwan. Colaadaha iyo nabadaynta beelaha duddo-wadaagta
ah waxay ahaayeen kuwo ku dhaca fadhiyo talo-wadaag ah iyo
guddoon-beeleedyo laysla og-yahay. Beelaha reer miyiga ah
waxaa ka dhex dhici jiray heshiisyo u qaab eg kuwa dowliga
ah oo ay ummaduhu ku guddoonsadaan dagaalka ama nabadda.
Fadhiyadaasi waxaa lagu qaban jiray meel duddada u dhexaysa.
Fadhiyada jaadkaas ah ayaa qabashadooda waxaa lala beegsan
jiray xilliyada barwaaqada ah oo beelaha maan-dhaafku
dhex-yaal ay is xaal marin karaan. Dhaqanka Soomaalida waxaa
ku badan maahmaahyaha iyo oraahda tilmaamaya heshiisyada
colaadda iyo nabadaynta beelaha. Waxaa kamid ah :
Goortay ceelalyo heshiiso ayaa xoolo
cabaan
Col iyo nabad mid baa caynka lagu giijaa
Beel nabadeed baa baadiyi kala dhex martaa
Beelo colloobay, war-san iskama geeyaan
Hannaanka qabyaaladda ee reer miyigeenii,
wuxuu ahaa mid ka duwan kan maanta ee noqday mu asasad loo
adeegsado riwaayadahakan aan dhamaadka lahayn ee halka nin
buunka u yeerinayo dabadeedna beelo idil ay ku adduun iyo
aakhiro seegeen. Waxaa iyana dhaqanka qabiilka ugub ku ah
dagaaladan dhuumaalaysiga ah oo ay beeluhu isku soo
boodayaan iyo xaaladdan aanan colaad iyo nabad midna lagu
tilmaami karaynin oo ay dagaal-oogayaashu badeen dadkayagii.
Arrimahaasi meelna kagama xusna noloshii dhaqan-qabiil oo ay
gumaystayaashu ugu yimaadeen reer miyigeena. Talada beelaha
reer miyiga ah, waxay ka cusleyd wax kolay lagu qaato.
Haddii si dhab ah loo milicsado sheekooyinkii iyo suugaantii
laga dhaxlay facaheenaas hore, waxaa inoo muuqanaya in
noloshoodii dhaqan-qabiil aysan ka baxsanayn arrimahan hoos
ku xusan :
1. Xigto isu dhega nugul
2. Xidid is xaq-dhowro (is xooleeya)
3. Xasaradda deriska (ood-wadaagta) oo
layska ilaasho
Haddii aanu wax ka niraahno isu
dhega-nuglaanta xigtada, waxaanu helaynaa in beelaha xigtada
ahi, xataa haddii ay colaadi dhex-taal ay isu
dhega-nuglaayeen. Sheekooyinka laga wariyay da waynteenii,
waxaa ku badan tusaalayaal inoo tilmaamaya dareenka noocaas
ah. Waxaa tusaale noqon kara colaad dhex martay beelo
absaxan-wadaag ah ee deganaa gobolka Mudug. Beel kamid ah
beelihii colaaddu ka dhaxaysay ayaa degaankoodii waxaa ku
habsatay abaar adag, beelihii kalena roob bay heleen. Oday
kamid ah maqaawiirta beeshii abaartu heshay oo la oran jiray
Takar ayaa yiri anaa u tegaya reeraha nala dagaalamay oo
xoolo inooga keenaya. Arrintaas waxay ahayd mid caqliga ka
wayn, waayo colaadda jirtay baa waxaa laga dhadhansanayay
haddii nin kamid ah reerka waayeelkiisa uu qolada kale u
gacan-galo sida ay natiijadu noqonayso. Takar wuxuu ahaa nin
geesi ah oo xikmad badan. Wuxuu ahaa caaqilkii beesha.
Markii uu dhex-tegay beelihii ay colaad! ! du ka dhexaysay
ayuu wuxuu abbaaray aqalkii odaygii u waynaa beelihii ay
colaaddu dhex-tiil. Odaygaas oo la oran jiray Dhoore Xasan
ayaa xilligaas aqalka ka maqnaa. Dhoore wuxuu wakhtigaa ku
sugnaa madal ay ku xaajoonayeen odeyadii beelaha. Takar
wuxuu ahaa nin bar-yar oo gaaban, cagahiisuna aad bay u
yaraayeen. Takar, xaaskii Dhoore Xasan ayuu wuxuu u soo
dhiibay labadiisii kabood, isaga oo ka codsaday in ay
kabahiisa dhinac dhigto kabaha Dhoore Xasan. Dhoore wuxuu
ahaa nin aad u dheer oo xooggan oo caga waawayn. Xaaskii
Dhoore inta soo kacday ayay kabahii Takar garab dhigtay
kabihii ninkeeda. Dhoore markii uu arkay kabaha is garab
yaal, wuxuu gartay in Takar uu aqalka u fadhiyo. Xaaj! !
adii geedka loo fadhiyay markii ay dhamaatay ayuu Dhoore,
raggii madasha fadhiyay, wuxuu waydiiyay waxa ay sameen
lahaayeen haddii ay Takar arkaan. Nin waliba meel ayuu
hadalkii la maray, iyaga oo tilmaamay colaadda dhexdooda
tiil iyo sida ay u fog tahay in Takar la bixiyo. Dhoore ayaa
markaas u jawaabay oo ku yiri :
" Takar waa inala joogaa oo
kabahiisii waa kuwan. Waxa keenayse wax yar maahan. Dad
maata ah ayuu ka yimid oo hiil u baahan ee waa in aanu u
hiilinaa ".
Halkaas bay ku joogsatay colaaddii
sanooyinka badan ka dhex aloosnayd beelahaa ehelka ah.
Xilliga ay xaalufinta ku bilaabatay
caadooyinkii caynkaas ahaa ayuu Cismaan Yuusuf wax ka
tilmaamey dhaqan-wareegga ku yimid Soomaalida. Cismaan wuxuu
yiri tixdan :
Cawaansiga
tolnimo waa intii lays cisayn jiraye
Kol hadduu caloosha iska noco caafimaad ma lehe
Cisad li'du waa waxa dadkuba la caddilmaayaaye
Colba midaadan moodaynin baa kuu cadaawa
ahe
Ciribtiyo boqnaha waxa ku goyn kii cad kuu xigaye
Cashiirada is wada xoortay soow kuma ciraab qaadan
Inteeyan raad nagu yeelan ilbaxnimada
daciifka ah oo layna dhaxalsiiyay, beelahayaga reer miyiga
ah waxaa u dhaqan ahaa in ay ka guursadaan beelo ay degaan
iyo dhalashoba ku kala drugsan yihiin, iyaga oo isla-markaa
gabdhahooda siin jiray beelo aanan la duddo ahayn. Marka
gabdhaha la isa siiyona, waxaa halkaas ka abuurma xiriir
xididnimo. Xiriirkaasi wuxuu ahaa xiriirradii dhex-mari
jiray xubnaha bulshada reer miyiga ah kuwooda loogu xushmad
iyo xishood badnaa.
Qiimiga uu xiriirkan agtooda ku lahaa
waxaa laga garan karaa magaca au siiyeen. Sida aanu ognahay,
xididka geedka ayaa wuxuu yahay midka isku haya laamaha iyo
caleemaha geedka, kuwaas oo isugu jiro kuwo qalalan iyo kuwo
qoyan, kuwo mira leh iyo kuwo aanan miro lahayn, kuwo
qurxoon iyo kuwo fool-xun, kuwo nafac leh iyo kuwo aanan
waxba tarin, kuwo waaweyn iyo kuwo yar-yar. Sidaas oo kale
ayaa xiriirka xididkuna wuxuu isku hayaa dad laamaha geedka
la wadaaga tilmaamahaas.
Waxaa miyiga Soomaaliya ku badan nin meel
kula nool soddohdiis oo eeyan weligood wejigooda is arag.
Xoolo-dhaqatadu, wax badan oo nolosha u sahla ayay ku heli
jireen xiriirka xididnimo. Aw-Muuse Ismaaciil oo ina
hoga-tusaalaynaya dhaqanka caynkaas ah ayaa wuxuu yiri :
Duuddii himile khaylida raggii duudin idin
saaray
Dacaamkiina nimankii ka dhigay malab la
soo diiqay
Nimankii deg-deg u keeni jiray xidid wuxuu
doono.
Salaan Carrabey ayaa isna mar uu xaaskiisa
kala hadlayay maamuuska uu xididku ku leeyahay aqalkiisa,
wuxuu tixdiisii yiri :
Naagyahay hannaan xiditinnimo waa hantiyo
soore
Laba la hinjiyaba waa hunguri kii horreyn
jiraye
Aqalkaan hilbiyo soori ool haqab la' oo
buuxa
Aan Haanta caanuhu ku jirin halab
karuurkeedu
Guur uma hagaagine waxbaa loo hadoodilaye.
Taas bay ahayd sababta uu Eebe uga mahad
celiyay abwaankii lahaa tixdan :
Xamdi mahad xigto iyo tol iyo xidid
haddaan yeeshay.
Maamuuska
xididku maahayn arrin xilliyo gaar ah ku jaango an. Sida uu
dhaqanku ahaa, dadka xididka ah mar kasta oo ay colaad jirto
waa ay is bixin jireen. Tub-marka arahduna, xididku wuxuu
kamid ahaa meelaha socdaalka lala beegsado oo ay reer miyigu
higsadaan. Xushmadda iyo maamuuska xididku leeyahay iyo
gudashadeeda, meelo badan ayay sheekooyinka Soomaalida kaga
xusan tahay. Waxaa kamid ah markii Sayid Maxamad uu gabadha
ka doonay Islaan Faarax oo ahaa isimka ugu magac waynaa
gobolka Mudug. Islaanku gabadhii waa uu bixiyay. Dabadeed
siduu dhaqanku ahaa Sayidku waa uu marin-gobeeyay, wuxuuna
bixiyay xoolo badan oo isugu jira geel, fardo iyo qoryo.
Sayid Maxamad waxaa loo sheegay in Islaan Faarax uusan ku
qancaynin xoolo yarad ah oo uu ka maqan yahay faraska la
yiraahdo Xiin-finiin. Inkasta oo Sayid-ku uu bixiyay
faraskii misana waa ay ku cus! ! layd, qiimiga uu farasku
lahaa awgiis. Waxaa jira gabay uu Sayid-ku ka tiriyay
dhacdadaas oo uu kaga faaloonayo qiimaha wayn ee uu farasku
lahaa. Gabaygaas oo lagu magacaabo Xiin-finiin, wuxuu
tilmaamayaa sida ay ugu cuslayd Sayid-ka in uu faraska
bixiyo. Waxaa kale oo uu tilmaamayaa in xushmadda xididku ay
ka sareyso wax kasta oo la qiimeeyo. Tixihii gabaygaas waxaa
kamid ahaa :
Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i
weydiisto
Xayow iyo Qayuumey haddii, la igu
xoodaansho
Xubbigayga kuma hayn inaan xiisow
bixiyaaye
Xiddaysane ma dhiibeen anaan xaaladday
bogane
Ha yeeshee xogtaydaan ka biqi inay
xumeeyaane
Xaashaa-lillaahiye nin goba xamasho waw
ceebe
Xayawaanka oo idil naftay, kala xeraadaane
Mar hadduu suldaan igu xil-lihi, igaga
xaydaantay
Xadhigigiisa qabo aadmi kale, kuma
xurmeeyeene
Maahmaahda oranaysa : Xidid buka xubin
kuktuu leeyahay, ayaa waxay tilmaan wacan ka bixisay xididka
laga waayo xiriirka wanaagsan
Mataan lidiqa
laas miilo leh yaa mitimis dhaama
Marwo camal xun maangaab ninkeed maqasha
baa dhaanta
Xididkii aan maamuus lahayn malihi baa
dhaama.
Waxaa kale oo jiray naadaam kamid ah
hannaanka dhaqan-siyaasadeed nolosha xoolo-dhaqatadeena.
Nadaamkaasi oo lagu magacaabo Diyo, waxaa laga soo guuriyay
shareecadda diinta islaamka. Diya-du waa nadaam isku tola
xubno beeleed oo dhalasho wadaaga, waana meesha ay ka
guntanto aragtida dhaqan-siyaasadeed ee beelaha reer miyiga
ah. Hannaanka diyadu wuxuu ururiyaa tiro isku hayb ah oo rag
ah, kuwaas oo tirsigoodu gaarayo 500-1000 nin. Tiradaas
waxaa dhici karta in ay ka taagan tahay qabiil, waxaa kale
oo dhici karta in ay ka taagan tahay jilib ama jifi.
Dareenka nadaamkani waa mid uu qofku helo goor hore nolosha.
Isir wadaagga ka sokow, dadka hanaankan ku bahoobay, waxaa
isku haya diyada oo ay wadaagaan. Abtirsiguna, sidaan soo
xusnay, meesha hore ee laga barto waa dugsiga hooyada.
Hooyada reer miyiga ah, sida dhaqanku yahay, si
dheelli-tiran ayay ilmaheeda u bartaa abtirs! ! iga aabe iyo
midka hooyo. Waxaa kale oo ay wax uga sheegtaa beelaha ay
duddo-wadaagta yihiin. Tacliinta hooyada, waxaa uu qofku ka
helaa dhaqan wanaagsan iyo dareen masuuliyadeed oo sida
Eebbe sheegay uu ku kala aqoodo sida ay isugu tolan yihiin
dadka uu la nool yahay. Carays Ciise oo dugsiga hooyo
tilmaamaya wuxuu yiri :
Afka aan ku hadalniyo
Hannaankeeniyo hub-qaad
Hagaag bay noo bartaye
Hooyadu waa lama huraan.
Aqoontaasi waa midda sababi jirtay
xushmadda iyo xaq-dhowrka ay beelaha xoolo-dhaqatada ahi
sida joogtada ah isu waydaarsan jireen.
Xiriirka dadka diyo-wadaagta ah wuxuu
xambaarsan yahay dareen sare oo ku salaysan hiil, hoo iyo
howl-wadaag (waa intooda meel ku wada nool). Diyo-wadaagtu
waa dad is og isna shinsada, goortay isu baahdaanna waa ay
isu ciidamiyaan, isu cududeeyaan isla markaasna waa dad
calaf-wadaag ah. Xiriirka caynkaas ah ma ahayn mid uu nin
af-miishaar ahi ku adeegan karay ama nin dagaal-ooge ahi uu
beesha uga laayo wiilasha iyada oo dhiigooda uu ku
raadsanayo kursiga wahmiga ah oo ay soomaalidu ku
dugaagowday. Xiriirka ka dhexeeya xubnaha diyo-wadaagtu
maahan mid ay reer miyigu isku wax-yeelleeyaan, bal wuxuu ka
qayb qaataa heshiisiinta beelaha is-maandhaafku dhexmaro.
Hannaanka dhaqan-siyaasadeed ee diyo-wadaagtu wuxuu
ilaaliyaa xiriirka iyo xeerarka beelaha deriska ah wuxuuna
kamid yahay meelaha laga garto garaadka sare iyo asluubta
wanaagsan ee uu dhaqankayagu leeyahay. Xilliyada beelaha
deriska ahi ay colloobaan, xoolo-dhaqatada s! ! oomaaliyeed
waxay leeyihiin xeerar ay ku ilaalinayaan xaq-dhowrka
deriska. Colaaddu waxay lahayd :
1. Xal.
2. Xad.
3. Xushmad.
Xal u helidda dhaqameed ee colaadaha
beelaha reer miyiga ah waxaa inoo tilmaamaya xeerarka ay ku
heshiiyaan beelaha duddo-wadaagta ah oo ay ku biyo iyo baad
wadaagaan. Colaadu ma ahan xuduud ay qaar kamid ah beelaha
duddada iyo xoolahoodu la cabi waayaan iyada oo qaarka kale
ay barwaaqaysan yihiin. Xilli kasta oo lagu jiro, degaanka
raxmaddu ku da do waa loo soo guuraa, biyahana si wadajir ah
ayaa loo cabaa. Waxaa baadiyaha Soomaaliya ka dhaca labo
qoys oo beelahoodu colaad ka dhaxayso in mid kamid ah uu
dhaan u yimaado, markaas oo qoyska kale biyo u soo doontaan
dabadeedna halkaas lagu waraabiyo reerihii oomanaa.
Inkasta oo ay heestaan caqiidada islaamka,
misana aqoonta diinta oo baadiyaha ku yar awgeed ayaa iyaga
oo dadaal ay ka tahay baa waxaa dhacda in labo beelood ay ku
heshiiyaan mag kabadan tii xeerk iyo dhaqanka ahayd (100
geel ah). Dilka foosha xun, haybadda ninka la dilay iyo
xilliga dilka la geystay ayaa waxaa ka ratibma in diyo
dheeraad ah iyo gabar godob tir ah la bixiyo. Waa arrin sida
qaalibka ah la cuskado marka lagu jawr falo beelo (ood
wadaag iyo mid durugsan labadaba) aan gacantoodu isu
gudbijirin. Xoolaha dheeraadka ahi waa ganaax, godobtirkuna
waa asaas qaraabanimo iyo xididtooyo lagu daaweynayo gabood
falka dhacay. Ismaaciil Cigaal Bullaale wuxuu kamid ahaa
abwaanadii wax ku lahaa gabayadii Guba ee uu Cali Dhuux
bilaabay. Ismaaciil oo tilmaamay godobta Cali Dhuux ka dhex
shidayo dadka deriska ah in eeyan haboonayn wuxuu yiri : ! P !>
Sidee baad dawaar uga rogtaa dunida
geestaada
Ma dugaaga cunayaad tihiyo haadka daba
jooga
Mise derisnimaa kaaga dhiman hadalkan
deelqaafka.
Reer guraaga waa dad noloshoodu ku dhisan
tahay socod iyo geeddi joogto ah, waxay si wanaagsan u
garanayeen baahida ay u qabaan in ay dhulka nabad ku maraan.
Nabadda ayaa agtooda uga qiimeysneed si eeyan facahan danbe
u qiimeyn. Taasina waxaa laga garan karaa maahmaahyaha badan
oo ay arintan ka yiraahdeen. Tusaale :
Nabad waa sahaydaada oo aad suxulka ku
sidato
Nabad waa geel xeradi iyo rag gogoshi
Nabad waa lagu tarmaa, colaadna waa lagu
tirmaa
Nabad waa lagu hirtaa, colaadna waa laga
haajiraa
Nabad waa dheef lagu naaxo, nin dhug leh
baa og
Nabad waa geel xeradi iyo rag gogoshi
Nabad waa aan wax dhisano, colaadna waa
aan kala dhaqaaqno
Nabad baa caano macaan.
Sidaa darteed waxay dadaal badan ku bixin
jireen in ay colaaddu xad yeelato, heshiisyada beeluhuna ay
hir-galaan. Waxaa dhacda meel boqol wiil laysaga dilay in
laga heshiiyo oo dadkii dhibka isu gaystay ay maalmo
dabadeed is dhex qaadaan, wixii laysu geystayna Xalay
Dhalay laga yeelo. Mana jirin qof awood u lahaa in uu
dhaawac u geysto heshiis beeshu qaadatay, sikasta uu qofku
ula kharaaraado.
Xeerarkii ka yiil xushmadda dagaalka
beelaha waxaa kamid ah inaan lagu dhaqmin silic dilka ay
Soomaaliduu waayahan dambe ku dadnimo seegeen. Haddii qof
col ah uu gacan-galo, dhaqanku wuxuu ahaa inta la ilbaadsado
in lagu dilo meel cirif ah oo ka baxsan degaanka beesha
falka geysatay. Danta arintaasi laga leeyahay waxay tahay in
la helo qolo kale oo dhacdada tebisa si wixii xuquuq ah oo
uu maydku lahaa (asayda iyo ciddada, dhaxalka iwl.) loo
oofiyo. Dhaqanka Soomaalida kuma jirin musmaaradan maskaxda
laysaga daloolinayo iyo xumaanta aanan hambada lahayn laga
dhaxlay dhaqan-mooryaaneedka wy inoo reebeen wiilashii
Kacaanka. Maahmaah Soomaaliyeed baa oranaysay :
Xeer waa negaadi
Xeer la aan, waa xukun iyo xoolo la aan.
Saadiq Enow