- [SW Country] (Maxamed
Xaaji Caddoow ) Soomaaliya intii u dhexaysay sannadihii 1960
ilaa 1969 :Posted on 19 Feb 2003
Soomaaliya
intii u dhexaysay sannadihii 1960
ilaa 1969
Maxamed
Xaaji Caddoow, London, England
Email: mohamedadow@hotmail.com
Ka
dib markii, siduu abwaan Soomaaliyeed hore u yiri “ay curatoo
mataanaysay” oo uu abwaanku murtida ku cabbirayay curashada dawlad
qaran oo Soomaaliyeed ee ka dhalatay is-raacii labadii qaybood ee
dhulka Soomaalida ee ay mustacmiriintii (gumaystayaashii) Britain iyo
Talyaanigu kala maamulayeen ee la kala oran jiray Maxmiyaddii British
Somaliland iyo mustacmaraddii Italian Somaliland ee ay Maxmiyaddii
British Somaliland ka xorowday mustacmirka Britain 26-dii Juun ee
sanadku markuu ahaa 1960-kii, oo shan maalmood ka dibna oo ku beegnayd
1-da Luulyo
ee sanadkii 1960-kii ay iyadana heeryadii gumaysiga laga dul
qaaday mustacmaraddii Italian Somalilnd, oo si rasmi ahna u midoobay
isla 1-da Luulyo ee sanadkii 1960-kii, ka dibna la magac baxay magaca
Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa qaab- dawladeedkii ugu horeeyay ee dalka
lagu dhaqo loogua yeeri jiray maamulkii rayidka (madaniga, shacbiga)
ahaa, ayadoo xukuumadihii dalka soo maray intii u dhexaysay 1960-kii
ilaa iyo sanadkii 1969-kii loogu magac daray Dawladihii Rayidka ahaa
oo sida laga fasiran karo erayga rayid ay majaraha siyaasadeed
ee xukunka dalku qabteen madax rayid ah oo aan ciidan ahayn. Sadarrada
uu maqaalkan ka koobanyahay waxaa xuddun ah oo ay
diiraddu saari doonaan mid ka mid waayadii siyaasadeed ee ay
Soomaalida soo martay oo ay dawladnimadu ugub ahayd, siyaasadda
dalkuna curdun ahayd. Wuxuuna maqaalkan dib u jalleecayaa oo uu
faaqidaad kooban iyo muqaal guud ka bixinayaa qaar ka mid ah
dhacdooynikii xilligaas iyo hab-dhaqan siyaasadeedkii dalka Soomaaliya
ka jiray xilliyadii Dawladiihii Rayidka ahaa ee u dhexaysay sannadihii
1960 ilaa 1969.
Inkastoo
labadii gole ee sharci-dejintaee
ka kala jiray labadii geyi Soomaaliyeed ee ay gumaystayaashii Biritain
iyo Talyaanigu kala xukumayeen ay si buuxda u ansixiyeen midowga
labadii qaybood ee dhulka Soomaalida, haddana ma jirin haba yaraatee
wax mucaahado amaba heshiis ah oo dhex maray labadii qaybood oo ku
saabsan awood-qaybsi siyaasadeed oo ma uusan jirin baayactan
(gogortan) ay labada qaybood wada galeen oo la tacaalayay ilaa xad
heerka awoodihii ay yeelan lahaayeen labada geyi
ka dib isku darka iyo istiqlaal gaaridda. Waxaana si wayn uga
dhex muuqday dawladdii cusbayd ee ka dhalatay is-raaca madax ka soo
jeeday waxa loogu yeero gobollada Koonfureed
“reer-koonfur” ama si kale haddii loo dhigo Italian
Somaliland. Reer koonfureedku waxay qaateen jagooyinkii uga waawaynaa
ee dawladda. Masalan jagooyinka ay ay reer koonfureedku ka
hayeen dawladii
ugu horraysay ee rayidka ahayd (waa xukuumaddii uu madaxda ka ahaa
Madaxwayne Aadan Cabdulle Cusmaan Dacar) waxaa ka mid ahaa: jagada
madaxwaynenimada; jagada ra’isul wasaaranimada; jagada Taliyaha
Ciidamada Booliska; Taliyaha Ciidamada militeriga (Xoogga Dalka);
jagada wasiirka gaashaandhigga; jagada wasiirka arrimaha gudaha iyo
jagadii wasiirka arrimaha dibadda. Magaalo madaxdana waxaa loo soo
xulay in ay noqoto magalada Muqdisho oo noqotay xaruntii dalka.
Waxaana beenowday riyo ay qabeen siyaasiyiintii gobollada Waqooyi oo
ahayd in tanaasulkii ay muujiyeen lagu abaal marin doono oo ay
helayaan matalaadii ay ka quudarraynayeen dawladdii cusbayd.
Sanadku
markuu ahaa 1962-dii dawladdii ugu horraysay ee rayidka ahayd waxay
dalka u yeeshay cumlad (lacag qaran) oo loo bixiyay SCELLINO
SOMALI (Shilin Soomaali). Dawladdu waxay kaloo sanadkii 1963-dii
dejisay qorshe loo bixiyay “Qorshihii Shanta Sanadood”. Dawladdu
waxay taageero u fidisay dareenkii “Soomali-wayn” oo uu gundhig
u ahaa yoolka dib
u midaynta dhulalkii ay Soomaalidu degto oo uu weli isticmaarku
xukumayay ee French Somaliland (Jabuuti), Ogadeen (Itoobiya), Northern
Frontier District (NFD) ee Keenya, tasoo keentay in Soomaalidii ku
hoos noolayd gumaysiga ay si cartan iyo dhiidhi ay ku jirto dagaallo
goos-goos ah uga abuureen dhulalkii ay degganaayeen. Mid ka mid ah
dagaalladaasi oo ka dhacay NFD waxaa loo bixiyay “Dagaalkii
Shiftada) wuxuuna dhacay horraantii lixdamaadkii.
Waxaa
dalka ku baahay axsaab (ururro) siyaasadeed ku-sheeg fara badan oo
magaca mooyaane laf iyo ludba ahaa qaabiil suuradiisa (bidhaantiisii)
gediyay oo aan lahayn haba yaraatee wax garaad siyaasaded ah amaba
barnaamij siyaasadeed qorshaysan oo mandiqi (caqligal ) ah,
axsaabtaasoo badidooda dalka ka hanaqaaday tobankii sanadood ee ka
horreeyay qarannimada ee ay labada geyi tabaabushaha ugu jireen
xorriyadda. Axsaabtan waxaa sida qalibka ah horseedayaal ka ahaa madax
reer-magaal ah oo markoodii
hore ahaa hawl-wadeennadii ka haw-gali jiray maamulladii
mustacmiriinta ee labada qaybood ee ay Britain iyo Talyaanigu kala
maamulayeen. Waxaa xusid mudan in xilligan ay jirtay
arrin cayb loo arkayay aalaaba marka ay timaado arrimaha
haybta (beesha, reerka, qabiilka) oo siyaasiyiintii waaagaas
marka la waydiiyo beesha ay ka dhasheen ay caado ahayd
in ay ka gaabsaadaan in carrabka ay
ku dhuftaan qabiilka ay ka dhasheen oo “Soomaali baan ahay”
keliya ku koobi jireen jawaabtooda.
Inkastoo hab-dhaqankan munaafaqnimo lagu sifayn karo marka la eego
ururradii beeelah salka ku hayay ee u baratamayay awoodda siyasadeed
ee dalka.
Dastuurkii
cusbaa ee Soomaaliya waxaa namuudaj (naamuunad, qaab) looga dhigay oo
lagu saleeyay hannaan siyaasadeedkii mustacmirkii Talyaaniga. Waxaana
dastuurka lagu qoray (lagu dhigay) in uu dalku yeelanayo Gole Sharci
Dejin (Gole Qaran) oo hal –aqal ka kooban oo ay xubnihiisuna
gaarayeen 123 xildhibaan (mudane baarlamaan) oo si toos ah loo soo
doorto; Madaxweynaha waxaa dooranayay Golaha Qaranka, madaxweynahaasoo
ah madaxa uga sarreeya qaranka, wuxuuna Goluhu dooranayay Madaxweynaha
lixdii sanaba mar; Madaweynuhu waxaa uu dastuurku awood u siiyaay in
uu soo tarshiixo (uu soo jeediyo qofka qabanaya ) xilka Ra’isul
Wasaaranimada oo uu ka soo dhex xulanayo xisbiga markaas hormuudka ka
ah (ugu kuraasta badan) Baarlamaanka; dastuurku wuxuu kaloo uu awood u
siiyay Madaxweynuhu in uu soo xusho mudanayaasha Golaha Qaranka
afartii sanaba mar iyo in uu u magacaabo shan gar-soorayaal
(qaalliyaal, gar-qadayaal) Maxkamadda Sare.
Idaaro
(maamul) ahaan dalka waxaa loo qaybiyay siddeed (8) gobol iyo soddon
iyo lix (36) degmo; barasaabyada (Governatore-yaasha);
guddoomiyayaasha gobollada iyo maamulayaasha degmooyinka waxaa
magacaabayay Wasaaraddii Arrimaha Gudaha ee dawladdii dhexe. Heer
hoose ahaan jagada keliya ee doorasho loo galayay waxay ahayd jagada
duqa baladiyada
(munishiimbiyada).
Guulihii
xagga wax-qabadka ee fara ku tiriska
ahaa ee xagga horumarinta bulshada ee ay
saddexdii maamul ee dawladihii rayidka ahaa ay keeneen
waxaa ka manaafacaaday oo keliya dadkii ku dhaqnaa
magaalooyinka. Tusaale ahaan waxaa dugsiyo (iskuullo) yar-yar laga
dhisay magaalooyin ku yaalla Koonfurta; waxaa isbitaal laga dhisay
magaalada Muqdisho; waxaa la dhisay jid laami ah oo isku xira Xamar
iyo Afgooye. Hase yeeshee dawladdu way iska indha saabtay dadkii reer
miyiga ahaa. Halkii uu ka shaafin lahaa dhibaatadii reer baadiyaha
maamulkii ugu horreeyay ee uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa marxuum
Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa uu ka sii dudiyay (caraysiiyay,)
dadkii xoolo-raacatada (reer-guuraaga, xoolo- dhaqatada) ahaa ka dib
markii maamulkiisu kor u qaaday xaddiga (heerka) canshuurtii laga
qaadi jiray xoolo- dhaqatada.
Difaaca
(gaashaandhigga) iyo maamulka waaxaha dawladda waxay ahayeen xagga
kharash-garaynta (kharashka ka baxa dawladda) meelaha mudnaanta
sare kaga jira qoondada miisaaniyadda dawladda. Taasoo loo
turjuman karo in meelihii hal-bawlaha u ahaa koboca iyo horumarka
bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo
xanaanada xoolaha ay darajo hoose kaga jireen xagga
kharash-garaynta dawladda.
Waxaa
aakhiritaankii dhacday in loo arko dawladdu durdur amaba il ay
siyaasiyiintu ku arooraan oo laga cabo, si fududna loogu tanaado. Taa
waxaa daliil u ahaa tirada aan caqli-galka ahayn ee
murashixiintii u hanqal taagaysay in ay kursi ka helaan Golihii
Qaranka. Siiba waxaa sheegis gaar ah mudan ololihii doorashada ee
bishii Maarso ee sanadkii 1969-kii markii murashixiin tiradoodu kor u
dhaaftay kun (1000) murashax oo huwanaa magaca in ka badan lixdan
xisbi siyaasadeed ay ku hamiyeen in ay galaangal u helaan Golihii
Qaranka ee ka koobnaa 123-da xubnood oo loo arkayay goob ruuxii galaba
uu ku hodmo. Waxaa la xusaa in tartamayaashii doorashada qaarkood ay
ku kharash gareeyeen ololaha doorashada lacag qaddarkeedu gaarayo
$30,000 oo doolarka Maraykanka ah oo u dhiganta lacag aad u tiro badan
marka dib loo eego lacagtii waagaas ayadoo welibana la ogyahay in
miisaaniyad sanadeedkii dalka Soomaaliya ee xilligaas ay ahayd
qiyaastii $35 Malyuun oo doolarka Maraykanka ah.
Ururkii
Dhallinyarada Soomaalida ee leegada ee xisbiga isu rogay
(SYL) wuxuu ku
guulaystay 73 ka mid ah 123-dii kursi ee uu ka koobnaa Golaha Qaranka.
Libinta amaba guulaha xagga doorashada ee SYL waxaa badanaa loo
tiiriyaa dib u qaabayn amaba wax ka beeddelid lagu sameeyay xeerarka
nidaamka doorashada, xeerarkaasoo u hiiliyay SYL iyo weliba
waxaa kaloo guusha SYL loo aanaynayaa adeegsiga maaliyaddii
hanti-dhawrka qaranka oo ay xubnaha SYL aad uga dheefeen marka
ay timaaddo maal-gelinta ololahooda doorashada. Dhacdooyinka lama
illaawaanka ah waxaa ka mid ah in
markii ugu horraysay ee uu Golaha Qaranku yeesho kalfadhigiisii
ugu horreeyay ay dhammaan (marka laga reebo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen
oo markii danbe noqday Ra’isul Waasaare) xubnihii aan horay uga mid
ahayn SYL ay gebigoodaba ku
biireen Xisbigii SYL iyagoo safkii ay ka fadhiyeen kuraasta Golaha
Qaranka ka wada kacay una tallaabay saqxadii ay ay fadhiyeen xubnihii
SYL si ay dib ugu soo ceshadaan kharashkii uga baxay ololaha
doorashada oo ay welibana jagooyin uga ka helaan xukuumadda. Si loogu
muujiyo qaddarin loona abaal mariyo
xubnihii SYL u soo goostay ayaa waxaa la kordhiyay tirada
jagooyinka Golaha Wasiirrada oo markeedi hore ahayd 12, waxaana laga
dhigay 21 xaqiibadood, waxaana la abuuray manaasibta 10 wasiirro ku
xigeen. Tallaabadan waxay Soomaliya u rogtay dal ficil ahaan leh
hannaanka xisbiga keliya inkastoo
la tilmaamo in ay Soomaaliya ka mid ahayd dimuqraadiyadihii ugu
horreeyay Afrika ee yeelata nidaamka xisbiyada badan, haddana waxaa
muuqatay in dawladdu xoogga saaraysay u adeegidda siyaasad-xisbiyeedka
oo aysan isu abaabulin horumar qaran.
Dawaladihii
Rayidka ahaa waxay soo af-jarmeen
ka dib markii Madaxweynihii ugu danbeeyay ee dawladdii rayidka
ahayd Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu magaalada Laascaanood ku toogtay
mid ka mid ah ciidamada Booliiska. Lix beri ka dib dilkii marxuum
sharkmaarke oo uu maamulkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dhaxlay la
tacaali waayay xaaladdii ka dhalatay dilkii Madaxweynaha waxaa xigay
inqilaabkii (af-genbigii) ay ciidamadu xukunka kula wareegeen.
(La
soco qayb kale (Soomaaliya intii u dhexaysay sannadihii 1969
ilaa 1991)
[Country] |