- Title: [SW News] (Baydhabo Press) Tele-conference on S/W
Federalism
- Posted by/on:[AMJ][Sunday, February 4, 2001]
SHIR BALAARAN AMA GLOBAL TELECONFERNCE OO KU SAABSAN
DHISMAHA DOWLADA KOONFURTA SOMAALIYA
by BAYDHABO PRESS
Forum Owner
SHIR BALAARAN AMA GLOBAL TELECONFERNCE OO KU SAABSAN
DHISMAHA DOWLADA KOONFURTA SOMAALIYA
BAYDHABO Feb 3, 2001 (BP)- Waxaa la qaban doonaa maaalinta Sabtida
ee ay tahay Bishan February 10, 2001 saacadu
markay tahay 2:00 galabnimo ee waqtiga Waqooyiga
Amerika Shir Tele-Confernce ah oo aad u balaaran loogana hadlayo
Siyaasadda koonfurta Somaaliya, iyo Maamul Goboleedka laga dhisi doono
magaalada Baydhabo dhawaan.
Shirkaas oo dad aad u tiro badan oo kala jooga shanta qaaradood ee
adduunka ay khadka Taleefonka isku dhaafsan doonaan afkaarta iyo
doodahaba waxaa lagu gorfeyn doonaa ajendeyaasha ah:
1- Taariikhda Federaalismka iyo
koonfurta Somaaliya.
2- Aragtida Maamulka looga dhawaaqi doono magaalada Baydhabo.
3- Sidii loo xoojin lahaa midnimada Shucuubta gobalada koonfureed ee
Somaaliya.
4- Xalka dhibaatada Somaaliya guud ahaan.
Waxaa ka hadli doono Siyaasiyiin, Odayaal, Indhergarad
iyo Aqoonyahanno rag iyo dumarba leh. Waxaa kale oo warbixin ka dhiibi
doona:
1- Fadumo Maxamed Xuseen [ Faayow ] oo
ah gabadha uu qaabilsan Maamulka RRA Xiriirka Dibada.
2- Md. Maxamed Cali Aadan [ Qalinle ] Guddomiyaha Gobolka Bay.
3- Md. Sheikh Aadan Maxamed [ Madoobe ] Guddomiye ku Xigeenka 1 aad ee
Ururka RRA.
4- Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [ Shaargaduud ] Guddomiyaha Ururka RRA.
Hadaba Jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ee ka qeyb
qaadanaya barnaamijka Tele-Confernce-ha waxay la xiriiri karaan
xiriiriyaha ay isku magaalada yihiin ama magaalada ugu dhow si ay
Talefoonka iskugu xirtaan. Jaaliyadaha aan lagu soo qorin halkaan
waxay la xiriiri karaan xiriiryaha ay isku qaarada yihiin, sida Yurub,
Middle East, Australia ama North America.
Waxaa kale oo aad toos ula xiriiri kartaan iskuduwaha barnaamijka, ama
waxaad email u soo diri kartaa baydhabopress@hotmail.com idinka
oo soo sheegaya magaciina oo sadexan iyo magaalda aad joogtaan si la
idin kugu daro xiriiriryayaasha.
Magacyadii dadka Xiriiriyayaaasha iyo goobaha ila iyo hadda nasoo
garay waa sida Tan:
1. Inj. Abdulkadir Mohamed Abow Toronto,
Canada
Tel. ( 416 ) 240-9947. Ahna xiriiriyaha Kanada.
2- Shamso Xaji Ali Ottawa, Canada Tel. ( 613 ) 521-3533
3. Sheekh- Noor A. Qassin, Tel.( 507 )536-0485.
Ahna xiriiriyaha Waqooyiga Amerika
4. Abdullahi Mohamed Idris ( Lesto ) Mineapolis, USA.Tel .(651)
31008693.
5. Mohamed Sharif Omar, Washington, USA.
Tel .( 703) 521-5588.
6. Dr. Ahmed Ali Ibrahim ( David ), Utah, USA.
Tel. ( 801 ) 908-7906.
7. Abdirashid H. Hassan, London, Uk.
Tel. ( 208 ) 577-2852. Ahna xariiriyaha Yurub.
8. Ahmed Ali Gaddud, Danmark, Tel. 0045-435-30905.
9. Mohamud Amin Mohamed, Dubay, U.A.E.;
Tel. ( 971 ) 506-575702. Ahna xiriiriyaha Khaliijka iyo Bariga dhexe.
10- Inj. Hassan Abukar, Australia Tel.
( 613 ) 9305-1420. Ahna xiriiriyaha Australia
11. Ibrahim E. Mohamed, Xiriiriyaha Guud ee qabanqaabada Barnamijka,
Tel.( 416 ) 816-9214.
(BAYDHABO PRESS)
http://network54.com/Forum/44498
[
News] |