- Title: [SW News](SAHAN) Wixii Jananku Xabad Ku Waayay Nina Af Kuma
Heli Doono
- Posted by/on:[AMJ][Friday, February 8, 2001]
5-02-2001
Sahan Information Center
Bosaaso
"WIXII JANARAAL CAYDIID XABAD KU
WAAYAY
NINA AF KUMA HELI DOONO"
Shir muhiim ah oo shalay barqanimadii lagaga wada hadlayay xarunta
maamulka gobolka bari siminaar gaabanoo ay xubin ka socoday BBC-da
laanteeda tababaradda iyo nin tababare ah oo Soomaali ah oo wehliyay
ayaa gudoomiyaha iyo ku xigeenka Gobolka Bari Cali Ciise iyo
Ibraahin Carte oo Xaaji Bakiin loo yaqaanaa ku eedeeyeen in BBC-du
noqotay afhayeenka Beel ka Mid ah beelaha ku loolamaya siyaasadda
Soomaaliya ayna lumisay kaalintii dhexdhexaadnimo ee laga filayay.
Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa oo arintan uga waramay wargeyska
sahan ayaa sheegay in aan tababarka BBC-du u muuqdo mid ay doonayaan
in ay ku wacyigashadaan dad u adeega danahooda, wuxuuna gudoomiyuhu
intaas ku daray in ay ururka midowga yurub aydiisan doonaan in la
siiyo qaybtii ay ku lahaayeen lacagta nidawga Yurub ugu talo galay
in lagu horumariyo saxaafadda soomaaliya oo ah lacag ka badan hal
milyan oo doolar. Halka dhanka kalana kulankii Axadda ay Haweenayda
BBC-du soo dirsatay ka sheegtay in aysan iyadu wax awood ah ku
lahayn waxka badalka mashruucan oo sida muuqata maalgalintiisu 90%
ay ku baxayso Muqdisho iyo safaradeeda. Masuuliyiinta Gobolka Bari
ayaa waxa ay ku adkaysteen in aysan aqbali doonin haddii aan
mashruucan looga qorshayn qayb u dhiganta inta ay ka heleen qaybaha
kale ee Soomaaliya, iyadoo arinta ugu muhiimsan ee ahmiyadda
mashruucan looga gol lahaa dhanka siyaasadda EU-du ahaa in kor loo
qaado tayada saxaafadda Soomaaliya lana abuuro urur ka
dhexeeya saxaafadda Soomaaliya oo leh qalab iyo xarun ku xiriirisa
caalamka saxaafadda ee kale ayaa waxa haatan qorshaha BBC-ku ku soo
ururay in la
alabeeyo laba xarumood oo ku kala yaal Muqdisho iyo hargeysa,
kuwaasoo la geyn doono laba madbacadood ee casri ah iyo ugu yaraan
middiiba 6 kumbiyuutar sida ay xaqiijinayaan warar xog ogaal ah.
Mushruucan oo BBC-du qandaraas ku qaadatay in ay ku soo gabagabayn
doonto muddo sideed bilood ah ayaa waxa haatan ka haray muddo ka yar
sideed bilood oo qura iyadoo ay Muqdisho ka hirgaliyeen ugu yaraan
afar tababar oo qaarkood yihiin in ka badan saddex todobaad halka
Buntilaan illaa iyo hadda lagu qabtay oo kaliya tababar dufantiryo
ah oo lix casho ah. Dooda la xiriirta tababarkan ayaa ah mid
masuuliyadeedu isku tuurtuur ku jirto, haweenay u qaabilsanayd
dhanka midawga Yurub arimaha saxaafadda ayaa u sheegtay sahan
bartamihii sanadkii hore in aysan midawga Yurub wax masuuliyad ah ku
lahayn sida Mashruucan loo maamulayo waxayna qeexday in EU xilka
mashruucan ku wareejisay BBC-da sida ay u maamushana dib laga eegi
doono, sidoo kale wakiilka midawga yurub ee Buntilaan ayaa ku
celceliya in amar lagu soo siiyo in uusan fara gashan hawlaha
mashruuca ee BBC-du wado, halka dhanka kalana waaxda tababarka ee
BBC-du ay masuuliyadda ku riixdo laanta afka Soomaaliga, oo laga
qaato talada ugu danbaysa ee arimaha midawga yurub ee la xiriira
Soomaaliya, gaar ahaan dhanka wararka iyo wareer galinta. Haweenayda
Jarmalka ah ee laanta Tababarada BBC-da ee qaybta Soomaaligu usoo
xilsaaratay Arimaha Soomaaliya ayaa waxa ay Sabtidii u timid
magaalada Bosaaso in ay Buntilaan ka fuliso laba qorshe oo midka
muhiimka ahi qarsoodi yahay, kan kalana yahay tababar
nuxurkiisu yahay waxa ay Soomaalidu u taqaan "Dawacoy
af ku dufanleey" Danta kale ee dahsoon ee muhiimka ah
ee la tuhunsan yahay in ay qorshahan ku qarsoon tahay ayaa ah in la
helo, shaqsiyaad si gaar ah loogu adeegto oo u hiiliya qadiyadda
caydiid ka dhintay, isagana biilkiisa loo qoro., warar kale oo runta
u dhawna waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah masuuliyiinta Buntlaan
loo soo dhiibay xoogaa sooryo ah si ay u meel mariyaan mashruucan oo
haddii uu Buntilaan ka fashilo BBC-du ku waayayso kalsooni fara
badan oo ay wadamada deeqda bixiya kaga heli lahayd mashaariic kale
oo kuwan oo kale ah oo la ay ka faa'iidayso Boqolaal kun oo Doolar.
Waayadan danbe inta badan ee dalka aad ayaa loo dhaliilsan yahay
habka caadifadda qabiil ka dhex muuqato ee ay BBC-du uga faalooto
ama uga waranto arrimaha Soomaaliya. mid ka mid ah dhageystayaasha
BBC-da oo
galab galbaha ka mid ah ka carooday laba war oo ku saabsanaa
Buntilaan iyo Kismaayo ayaa yiri "Wixii janaraal
caydiid xabad ku waayay Nina af kuma heli doono" kulankii
Goobolka Bari ee Axadda 4tii bishan ayaa haweenaydu kaga dooday in
la kala qaado war baahinta BBC-da iyo tababarkan ay wado waxayna
intaas raacisay in aan tababarkani wax lug ah ku lahayn hawlaha
laanta af Soomaaligu baahiso. Hase ahaatee sida ku cad waraysi ay
haweenaydani siisay wargeys ka soo baxa muqdisho oo ka faalooda
arimaha qoyska oo waraysi lala yeeshay waxa ay u sheegtay in shaqada
hadda ay hayso uu Yuusuf garaad ugu yeeray iyada oo UNDP u shaqaysa,
waxa kale oo ay isla waraysigaas oo uu la yeeshay nin dhalinyaro ah
oo aad u firfircoon oo la yiraahdo Ingiriis haatana u warama
shabakadda internetka ee Hiiraan ay aad ugu amaantay Yuusuf Garaad
in uu yahay nin suxufiyiinta kale baro dheer. Waxa kale oo intaas
dheer in idaacaddu noqotay meel lagu colaadiyo ciddii runta sheegta
ama tiraahda cadaalad ayaa loo baahan yahay. Qormooyin danbe ayaa
kaga hadli doonaa xogga badan oo la xiriira hannaanka shaqo ee BB-da
haddii aan wa iska badalin, waxayse tahay mida ugu danbeysa ee aan
jeclahay in aan iraahdo sadexda dhinac ee ay arintani khusayso ayaa
ah; ugu horayn Ummadda Soomaaliyeed ayaan oranayaa Idaacadda BBC-da
ma laha Soomaalidu, mana laha cid Soomaalida jecel, ee waxaa leh
dalka Ingiriiska oo ugu talo galay in uu ku ilaashado danihiisa
waxtarka u leh dadkiisa, in dano qabiil oo heerar hoose ah ay inta
markaas ka shaqaysaa ku kala fushadaana waxa ay keenaysaa in ay kala
fogeyso dhinacyada Soomaalidu cuqdadaha u
kala qabto, iyadoo dhinac farxad ka helayo war eex loogu sameeyay oo
dhinac kalana ka gubanayo, taasoo laga yaabo in ay tahay danta hab
gumaysiga cusub. Midawga Yurub waxa la gudboon in aysan lacagtooda
ku bixinin wax cadaawad aan dhamaan mustaqbalka dhex dhiga
Soomaalida iyo dadka cadcad oo reer Yurubku ugu horeeyaan. Ugu
danbayntiina waxa aan reer Buntilaan leeyahay waxaa idinla gudboon
in aad qaadataan xigmadda ah "xaabo aan ninka soo guray aqaan
ninka sida waxba igama galin si aan cudur iyo nacayb fog na idiin
kala dhex dhigin idinka iyo walaalihiina kale ee Soomaaliyeed.
[
News] |