19 May 2007 04:19

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](BBC/Ingriis) Arta-sanctioned forgery wreaking havoc  
  • Posted by/on:[AMJ][Friday, February 9, 2001]

  Friday, 9 February, 2001, 17:33 GMT
Somali government criticised over forged currency

The interim government in Somalia is being criticised for failing to prevent the importation of huge amounts of forged currency into the country.

About three-million dollars-worth of forged Somali shillings arrived in the capital, Mogadishu, on Wednesday, producing economic chaos. The Somali shilling has slumped to an all-time low against the dollar and the prices of staple goods have soared. The speaker of the Somali parliament has threatened to call a vote of no confidence unless the government acts to restore order to the country's economy.

But a BBC correspondent in Mogadishu says the government is reported to have received a cut of the forged bank notes and it needs the revenue to pay civil servants and also militiamen who have "voluntarily" handed in their weapons.

From the newsroom of the BBC World Service

____________________________________________________________________________________

Xaaladda Maciishadda ee magaalada Muqdisho

 oo mar kale maanta sare u kacday


Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com

Feb 9 (HOL) - Waxaa maanta mar labaad xirmay suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha, kaddib markii ay suuqa soo camirtay shalay lacag shillin Soomaali ah oo macmal ah, taas oo sarriflayaasha suuqu ay billaabeen inaysan isku sarrifin iyada iyo doollarka Mareykanka. Mar kale ayaa maanta waxaa meeshii ugu xumayd gaaray maciishadda magaalada Muqdisho.

Waxaa xirnaa bakhaarrada cuntada jumlada iyo tafaariiqda, waxaana ay taasi daba taagan tahay iyadoo shillin Soomaaligii uu qiimo beelay. Maqaayadaha wax laga cuno ee magaalada ayaa badankood xiran, iyadoo la kordhiyey qiimihii saxanka bariiska, hilibka Ariga, suqaarka, kalaankalka iyo baastada. Waxaa keliya oo aan wax iska beddelin qiimaha khudaarta.
Masaajidyada magaalada Muqdisho ayaa khudbaddii salaadda Jimcaha ee maanta waxaa si kulul loogu weeraray ganacsatada keentay lacagaha been abuurka ah ee ku soo daabacay dalka dibaddiisa.

Sheekha caanka ah, Sheekh Axmed Qudubi ayaa khudbad qiiro badan leh la sare joogsaday Masjidka weyn ee Al-Hilaal. Waxa uu habaaray sheekhu ganacsatadan oo uu tilmaamay inay yihiin kuwo caado ka yeeshay inay quutaan xaaraanta, kuna aflaxaan dhiigga dadka maxaysatada iyo marrasta ah.

Waxaa kaloo uu weeraray dowladda KMG ah oo uu sheegay inay ku guuldarraysatay wax ka qabashada arrintan. Waxa uu ugu baaqay madaxda dowladdu in haddii ay doonayaan inay dowlad ahaadaan ay soo daabacaan lacag cusub si looga nabadgalo ayuu yiri abaarta kulul ee lacagahan cusub ka soo socota.

Masaajidyada kale ee magaalada ayaa badankood maanta waxaa khudbaddii salaadda Jimce lagu soo qaatay mawduuca ku saabsan lacagtan cusub oo magaalada oo dhan gilgishay, kana yeeshay arrin ay dhammaan dadku wax iska weydiinayaan.
Dadka aan shaqeynin ee baagamuundada ah ayaa waxa ay fadhiyaan gidaarrada dhismayaasha laamiyada

waaweyn ay maraan ee ku yaalla Muqdisho gudaheeda. Waxa ay ka wada hadlayaan sidii ay noloshooda ula halgami lahaayeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah, Cabdalla Deerow Isaaq ayaa mar kale maanta dhaleeceeyey dowladda KMG ah oo uu sheegay inay gacan ka geysatay in lacago been abuur ah dalka la soo geliyo.
Waxa uu ku hanjabay inuu is casili doono, waxaana uu sheegay inuu iska tagayo, isagoon sheegin halka uu aadayo. "Waxaan diyaar u nahay aniga iyo xubnaha Golaha sharci dejinta Qaranku inaannu baxno" ayuu yiri Deerow.

Waxa uu u jeediyey Dowladda KMG ah inay si degdeg ah wax uga qabato arrintan. "Ma fiirsan karo dadkeennii aan meteleynay oo baahi u le'anaya" ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah oo beeniyey in xubno ka tirsan Baarlamaanka ay qayb ku leeyihiin lacagtan, waxaana uu sheegay in Baarlamaanku uu ku shaqeeyo si mutadawacnimo ah.

Hoggaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho ayaa dhaleeceeyey waxa ay ugu yeereen kooxda Carta oo lacago faalse ah dalka soo geliyey. Waxa ay sheegeen inay dadweynaha ugu baaqayaan inay kacaan oo ay ka dhiidhiyaan arrintan. Idaacadaha taageera hoggaamiye kooxeedyada ayaa waxa ay ku cel celinayaan baraarujin ay dadka ku dhiirri gelinayaan inay weeraraan dadkii lacagahan keenay.

Lama oga ilaa iyo hadda sida ay arrintani noqon doonto, iyadoo ay abuurtay rajo beel ku yimid dadweynaha magaalada Muqdisho oo qaarkood ay sheegeen inay qabanqaabinayaan dibadbax xoog leh oo lagu cambaareynayo lacagahan been abuurka ah oo ka dhaca magaalada oo dhan

 PUZZLE OF THE WEEK:

 (a) Are the businessmen in question the same ones who pioneered 

and bankrolled the  ARTA Faction, the one that Dr. David Stephen is in

 search of (yikes!) paper clips?!

(b) Deerow, the Speaker, threatened to resign and move to somewhere 

else. Knowing that the D&M consider him a traitor, where else could he 

move if he carries out that "threat" ? Unless, of course, the D&M's practice 

the "XALAY DHALAY" of certain unnamed Somali clans.


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:07 AM. Webmaster HomePage