19 May 2007 04:20

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW Column]( Abukar Hirabe)Runta Maxaa la Iskaga Indhatiraa? 
  • Posted by/on:[AMJ][Friday, February 9, 2001]
  •  
  • Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


     RUNTA MAXAA LA ISKAGA INDHATIRAA?
     
    W.Q Abukar Hirabe
    Hamilton, Canada

    Waxaan hubaa in dad badan oo u badan reer koofurka Soomaaliyeed ey yaqaannaan micha uu leeyahay "MA ANAA WAALAN MASE CADAN AYAA LAGA HEESAA". Shirar fara badan oo lagu baadi goobaayo sidi Soomaalida Dawlad loogu dhisi lahaa ayaa meelo badan lagu qabtay sanadihii nasoo dhaafay.

    Dhammaan Shirarkaas waxa loo maray wado qalad ah. Inkastoo Kii Jabuuti uu ugu qiimo roonaa, waayo wuxu isu keenay dad aad uga fara badan kana kooban dad ka duwan kuwi shararki hore ka qayb geli jiray. Waxaa run ah in qabaa'ilka Soomaalidu eynan weli runta isu sheegeynin. Waxa la isku dayaa in guri aan aas-aas lahayn la dhiso.

    Sida aan ognahay, Soomalidu waxay lahaan jirtay dhaqan qaali ah oo ey iskula noolaadaan. Waxay kala degganaayeen deegaan qabiil kasta loo yaqaan. Xuduudka deegaanka qabaa'ilka wuxu lahaa sharci lagu dhaqo oo wixi dhib yimaad lagu xaliyo. Haddi dagaal dhaco, aqyaar ka koobnayd odayaal iyo culumaa'u diin dadka oo dhan uu ixtiraamo kana danbeeyaan ayaa dhasi u xallin jiray iyada oo aan la isku tarax tegin.

    Soomaalidu waa isku dhax safri jirtay, ismarti gelin jirtay. Haddey qoysas qabiil kale degaan deegaan qabiil kale, waxay la qaaraan noqon jireen qabiilka deegaankaas loo yaqaan. Waxay taasi ku tuseen in Soomaalidu ey leheed hab raali la isaga yahay oo aanan ku dhisneyn waa kaa xoog badnahay . Bal aan isweydiino su'aanshaan: Maxa dhacay oo keenay in la ismari waayo? Haddi aan isku dayo in aan fikradeyda ka dhiibto su'aanshaan .

    Marka hore aan farta ku fiiqo dhawr arrin oo Bulshada Qabaa'ila Soomaaliyeed ku cusub iyo qaybaha ey u kala qaybsantay:

    Ku xadgudub lagu xadgubay xuduud deegaameed dhawr qabiil

    Ujeedooyin qarsoon oo qabaa'ilka qaarkood qabaan

    Qabaa'ilka ka soo guuray deegaankoodi lagu yiqiin oo qabaa'il kale soo kor degay, una arkay deegaanka cusub in uu yahay mid ka qayraad badan midkoodi.

    Dhalinyaro badan ee uu anshaxi iyo sharafti ey Soomaalidu leheed ka nabaad guurtay hubna uu gacanta u galay oo aan marnaba dooneyn in dawlo dhalato waayo dawladu waxay la imaaneysaa sharci , amni iyo kala dambeyn.

    Niman dhawr qof ah oo mas'uuliin ku sheeg ahaan jiray oo aan ILAAHEY ka cabsaneyn, oo dhaqaale badan ka sameeyey Dawladda la'aanta iyaga oo ku shaqeysanaaya Dhalinyarada caasiyooday oo anshaxi ka tegay.

    Bulsho u badan waayeel ka kooban hooyooyin, aabayaal, carruur , cuuryaan ku go'doomay dalka gudihiisa oo u dhimanaaya cudur, nafaqa la'aan iyo nabadgelyo la'aan.

    Aqoonyanki wax isku falaayey oo dalka dibadda ka jooga muddada tobanka sano ka badan ee dalku baaba'aayey.

    Bulsho fara badan oo dalka dibadda uga qaxay oo ku kala nool wadamada Reer Qalbeedka, kuwaas oo currurtoodi ku dhalatay iyo kuwi yaraanta lagu geeyey ey ku beddelmeen oo Soomaalinimadoodi, Afkoodi, iyo Dhaqakoodi uu gabaabsi ku sii dhaw yahay.

    Iyadoo arrimaha aan kor kusoo tixay ey yihiin kuwa aan muran ku jirin oo qofkasta ee Soomali ah uusan ka murmi Karin, ayaa loo baahan yahay in runta la isu sheego haddi la doonaayo in ummada Soomaliyeed la badbaasho . Runtu maxay tahay? Waa in xalka Soomaaliyeed lagu saleeyo siyaabaha soo socda:

    Waa in loo noqdo habdhaqanki Qabaa'ilka ee asluubta iyo xilkasnimadu ku dheehnaa jirtay.

    Waa in xumaanta Qabiil kasta ee Soomaaliyeed uurka hayo uu si cad u sheegto lagana qanciyo dhibka loo geestay ee uu sheegto.

    Waa in Qabaa'ilka isku ballaarshay deegaamada Qabaa'ilka kale ey ka baxaan oo ey deegaankoodi ku noqdaan.

    Waa in la iska raaligelsho dadki la iska dilay iyo wixi hanti la iska dhacay, hantidaas oo ey ka mid yihiin beero, guryo, iyo wax kasta oo kala sheeganaayo. Yaan waqtiga la iskaga dhameynin in madaxa gidaarka lagu garaaco oo heshiis laga jersho meel uusan jirin. Qalbi buka heshiis kama suuragelaayo ee qalbiga qabaa'ilka Soomaaliyeed daawo ha loo helo oo wax kasta ha laga hormarsho.

    Waxa iyaduna mudnaan leh in farta lagu fiiqo iney jiraan Qabaa'il ILAAHEY ku ibtileeyey "Isla qabweynin". Waxay rumeysan yihiin in wax kasta xoog lagu qaato. Waa nasiib daro in Qabaa'ilka fikrada nuucaasa qaba ey iska indhatirayaan taariikhda aduunka. Waa iney aqristaan oo ey ka bartaan buugagta taariikhda qoomiyaadka ka tirtirmay dunida guudkeeda islaweynin awgiis. Waa in Qabaa'ilka damacaas qaba ey ogaadaan in qofna aan xoog wax looga qaadi karin.

    Haddiiba ey dhacdo in xoog wax looga qaato, waa dabaalnimo in qofki wax xoogay uu rajeeyo in uu nabadgelyo kula noolaado qofki uu xoogay ee uu weliba ka rajeeyo in uu dawlad kala mid noqdo.

    SOOMAALIYEY RUNTA ISU SHEEGA EE ISDABA QABTA !!!!

     

    QORAAL HORE:

    [SW Column](Abukar Hirabe)Is He Capable of Solving Somali Problems?


    [Column]

    Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:08 AM. Webmaster HomePage