19 May 2007 04:20

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](Baydhabo Press) Tele-conference With Dr. Che-Gaduud 
  • Posted by/on:[AMJ][Saturday, February 10, 2001]

Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo Talefoonka kula hadli doona in ka badan boqol kun oo qof
by BAYDHABO PRESS
Forum Owner

Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo khadka Talefoonka kula hadli doona in ka badan boqol kun oo dad ah.

BAYDHABO Feb 9, 2001 (BP)- Guddomiyaha Ururka RRA Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] ayaa khadka Talefoonka kula hadli doona maalinta barito ah oo bisha Febraayo ay tahay 10-ka boqolaal kun oo dad ah oo kala jooga shanta qaaradood ee aduunka.

Barnaamijkaas ayaa waxaa kalo qeeybo ka mid ah ka qeybqaadan doona Raadiyaha magaalada BAYDHABO iyo raadiyaal kale oo gudaha iyo dibadaba leh.

Natiijooyinka ka soo baxa shirkaan ayaa la sheegay in laga soo saari doono war saxaafadeed ku qoran Somaali iyo luqado kale oo loo kala diri doono UN-ta, dalalka caalamka iyo saxaafaada.

Shirkaan ayaa waxaa lagu wadaa in uu noqdo kii ugu balaarnaa ee noociisa ah oo ay dad intaas tiro le'eg khadka Talefoonka shir ku qaatan.


(BAYDHABO PRESS)

http://network54.com/Forum/44498


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:07 AM. Webmaster HomePage