- Title: [SW News](S/L Democracy Watch Org-Bayaan)BBC-du Waxay
Noqotay MogRadio
- Posted by/on:[AMJ][Saturday, February 10, 2001]
Somaliland
Democracy Watch Organisation
To Promote
Democracy in Somaliland
BAYAAN
BBC du Waxay Noqotay Reedyoow Muqdisho
Sida
aaynu wada maqalnay, dhowaan ayay BBC da iyo dowlada Somaliland ku
kala sexeexdeen heshiis BBC du ku balaadhinayso baahinteeda kana
furaysao mowjada FM ta oo laga dhegaysan karo Hargeysa. Heshiskan aay
hada BBCdu la gashay dowlada Somaliland oo ah mid aay ahayd in uu mudo
horeba laga hirgeliyo Somaliland sida looga hirgeliyay Magaalooyinka
Muqdisho iyo Jabuuti. Waxa uu ahaa mid aay hirgelintiisa uu hortaagnaa
Tafatiraha BBC da ee Yuusuf Garaad taasi oo aay ugu wacnaayd ujeedo
siyaasadeed oo uu aaminsan yahay.
Haddaba Laanta afsoomaaliga ee BBC
da oo ahaayd mid sanadahii danbe caadaaysatay iska dhega tirida in aay
ka waranto horumarka dhaqaale iyo siyaasadeed ee aay Somaliland ku
talaabsatay kana faafiso warar kutiri ku teen ha oo aan sal iyo raad
toona lahayn, taasi oo aay dhamaanba umada reer Somaliland ka wada war
qabto guda iyo dibadaba gaadhsiisayna ilaa heer in la abaabulo
mudaharaadyo kala gedisan oo isugu jira kuwo lala hortago xafiisyada
BBBC da iyo qaar luugu soo gudbiyay qoraalo iyadoo la adeegsanayo
qalabka is gaadhsiinta sida internetka , fagas iyo boostaba. Jaliyada
Somaliland ee ku nool wadankan ingiriiska aay mudaharaadyo ka
hordhigay daarta weeyn ee BBC du ku taal ee la yidhaah bush house kuna
muujinayeen sida aay uga xun yahiin in BBC dii aay noqotay hayad u
adeegta Abdi qaasin oo keliya iskana idha tirto waxyaabaha kale ee ka
dhacaya Somaliland iyo dhamaan Somaliyada kalaba, tani oo qoraalo kala
gedisana luugu gudbiyay hogaanka sare ee BBC da.
Waxyaabah kuu sii cadayn kara waxa
ka mid ah in labadii jeer ee sanadkii in soo dhaafay ee jaaliyad
Somaliland ee ingiriisku soo abaabuleen banaanbaxyo aay ku
taageerayeen gooni isu taaga Somaliland, in BBC da si toos ah loo soo
casuumay loona sheegay in bananabaxyadani aay dhacayaan aayna ka soo
qaayb galaan indhahoogana ku arkaan si aay uga qortaan wixii warbixin
ah ee ay uga baahan yihiin banana baxyadaas iyo ujeedooyinkii ka
danbaysayba.
Laakiin nasiib daro waxay noqotay in
aany labadii goor aanay marnaba iman, ama diideen in aay xitaa
aqbalaan in banaanbaxani dhacay, markii aay warka ka sheegayeena aay
yidhaahdeen warar naga soo gaadhay booliska ingiriiska ayaa noo
sheegay in banaabax ka dhacay magaalada London. Tani oo marka la
barbar dhigo mudahraad yar oo aay taageerayaasha cabdiqaasin ka
dhigeen London oo dhamaaa ilaa iyo 75 qof aay markiiba warka ka
sheegeen aadna u buunbuuniyeen, Halka kuwii Somaliland oo aay ka soo
qaayb galeen dad ku dhow kun qof aay iska indho iyo dhego tireen.
Waxyaabahan oo dhamina waxa aay kuu
cadaynaysaa sida uu Yusuf Garaad u cadaystay in uu BBC da ugu adeego
ninkaa aay aadka isugu dhowyihiin ee Cabdi Qaasin uuna had iyo jeer
buunbuuniyo warar aan sal iyo raad toona lahayn oo uu ku taageersan
yahay Cabdi Qasin.
Somaliland waxa qudha oo uu jecel
yahay in inteeda xun uu raadiyo oo haddii uu maqlo mudaharaad yar baa
meel ka tiran Somaliland ka dhacay uu markiiba warka qodobka koowaad
ka dhigo. Waxa uu bilaabay xataa in uu waraysiyo aay BBC du la yeelato
taageerayaasha Somaliland uu diiday ama uu aad u xakameeyo.
Anagu waxaan aaminsanahay BBC du in
aanay cidna waxba u dhimi Karin cidna aanay wax u kordhin Karin,
sidaas darteed waxa aanu ku talinaynaa in marka hore BBC da la iska
ilaabo oo aan loona baahnayn in aaynu u tagno oo aaynu nidhaahno na
waraysta mar haddii aay iyadii ina soo doonan weeyday, waa laga qurux
badan yahay in aay yidhaahdan qof baa manta nuugu yimid xafiiskayaga
oo aanu wax ka weeydiinaynaa wax uu rabo in uu sheego ee uu naga soo
doonay, ama uu talefoonka uu nuugu soo diray. Afkan oo ah mid aad u
qalafsan kuna jihaysanayn habka saxaafadaha ito dimoqraadiyadaba.
Sababaha kuu cadaynay in aanu
Yusuf Garaad daacad ka ahayn mowjadan FM ta waxaa ka mid ah
1.Hargeysi waxay mudanyd haddii uu
Yusuf Garaad daacad ka yahay FM tan uu hadda wado in ay noqoto meeshii
koowaad ee laga hirgelin lahaa kana mudnayd xamar iyo jabuutiba dhan
wal oo la dayaba, laakiin waa mid aay ku keliftay culays iyo cadaadis
weyn oo kaga yimid umada reer Somaliland iyo maamulka sare ee BBC da..
Tanina waxa ay ku tusaysaa sida uu u jecelyahay in uu arimahii BBC
daba uu uga wareejiyo Somaliland oo aahyd halkii aay ka soo
bilaabantay aasaaska BBC du.
2.Wax kale oo uu ku muujiyay
hadaladiisii uu kaga hadlay BBC da iyo Raadyoow Hargeysa in aay
laahyeen xidhiidh dheer oo soo jireena, isla markaasna uu xusay in
qofkii ugu horeeyay ee BBC da ka hadlaa uu ka yimid Raadyoow Hargeysa,
Hadaba maxaa keenay in iyadii oo Hargeysi sidaas ugu horeeysay BBC da
aay noqoto tii ugu danbaysay ee aay mowjada FM tu soo gaadho, ma
maanta aayuu se ogaaday Yusuf garaad xidhiidhkaas qotoda dheeraa, waa
mid aad odhan karto waa qiiq isku qarin i yo is yeelyeel.
Hadaba waxa aan BBC da u sheegaynaa
in shacbiga Somaliland aanay ku kalsoonayn in mojada FM ta ee uu hada
Yusuf Garaad la orordayo oo ah Saanbuuse laga eedmay, aanay ka
duwanaan doonin BBC dii cadiga ahayd, Somaliland idaacadeeda ayaa ku
fulin, shacabkuna kaga kalsoon yahay warka aay BBC du sheegto, iyo
weriyaasheeda aad mooda in aay afsomaligaba ku mergenayaan
kicintiisuna ku adagtahay.
Sidaas darteed maadama oo aay
laantii afsoomaliga ee BBC du noqotay laan u shaqaysa shaqsiyaad gaara
kana weecatay nidaamkii u sinaanta umada afsoomaaliga ku hadasha,
waxaan dhamaan xilwadeenada laamaha kala duwan ee dowlada Somaliland,
ururada gaarka ah iyo dhamaanba shacbiga Somaliland iyo dhamaanba
umadaha afsoomaaliga ku hadla ee dareensan dhan u janjeedhkan aan
geedna luugu soo gaban ugu baaqaynaa in aany wax xidhiidh ah la yeelan
BBC da isla markaasna wax waraysi ahna aanay siin haba yaraatee inta
aay ka waantoobayso nidaamka kala sooca.
Guled
Cabdi Sheekhaash Mukhtar Axmed Sh. Adan (Teysa) Axmed Maxamed Yuusuf
Gudoomiye
Gudoomiye ku xigeen Afhayeen
RELATED STORY:
[SW News](SHASNA)BBC: No Longer a Source of
Reliable News!!!
[
News] |