Dagaalkii Muqdisho- Garbahaaray, dagaaladaas oo
dhammaantood lagu jabiyey.
Kooxda Carta, waxay u qalab qaateen inay qalalaase ka
ridaan Dawlad Goboleedka Puntland oo nabad iyo Xasilooni ku
sugnayd, Shirkii Jabuuti iyo kooxda Carta ka hor.
Shirkii Carta iyo wixii ka soo baxay Dawlad Goboleedka
Puntland waxay ka soo saartay 1. sharciga Lr 10
taariikhdiisuna ahayd 29/7/2000, oo qeexaya ciddii sheegata
Carta in talaabo sharciga waafaqsan la mariyo.
2. Ka qayb galayaasha aan xil sidana inay Puntland ku soo
noqon karaan
3. Ciddii abaabusha fal xasiloonida Dawlad Goboleedka
Puntland wax u dhimaya in Maxkamad la hor geeyo oo sharciga
lagu qaado.
Dawlad Goboleedka Puntland waxay la socotay oo u
dulqaadanaysay muddo dheer inay jiraan qaar ka mid ah ka
qayb galayaashii Carta, oo kaashanaaya kuwo xag jira inay ka
wadeen abaabulo khatar galinaya Nabadda, Xasiloonida iyo
Dhaqaalaha Dawlad Goboleedka Puntland. Xukuumadda Puntland
ayadoo la socota arrimahaas waxay door bidday inay la sugto
illaa ay bareeraan oo fal dambiyeed ku dhaqaaqaan. Waxaa
tusaale u ah falalka ay ku talaabsadeen:-
- Dacaayad iyo been abaaur lid ku ah Dawlad Goboleedka
Puntland
- Mudaharaad aan sharci ahayn, ayagoo sita Calamo
dawlado shisheeyaa kuna dhawaaqaya hal ku dhigyo
xambaarsan taageero shisheeye oo lid ku ah dawlad
goboleedka Puntland
- Mudaharaadkaas dhibaatooyinka ay geesteen waxaa ka mid
ah:
- Kicin dadweyne iyo ku dhawaaq taageero shisheeye
iyagoo sita Calamo dalal kale.
- Boob hanti dadweyne ( danyarta waratada ah)
- Khatar galin ah bililiqaybsi magaalada Boosaaso
- Weerar iyo dhagax tuur saldhiga Booliska Boosaaso.
Ciidamada Booliska oo xabado kor u ridaya ayaa kala
dareershay ka qayb galayaashii mudaharaadka,
abaabulayaashiina qaar xir xiray, qaar dhuuntayna raadinaya.
Nasiib darro xabad darbi ku dhacday oo soo noqotay baa
gabari ku geeryootay, dhagax tuurkiina waxaa ku dhaawacmay
dhowr Booliska ah.
Intaa waxaa dheer in dhalinyaro la khatalay lagu
aruuriyey hab qabiil soocan ah oo la geeyey baro deegaan
kooda ah si ay jid-gooyo, qul qulato, kala xirid Gobolada
Dawlad Goboleedka Puntland iyo khatar galinta xasiloonida
iyo nabad galyada guud u sameeyaan.
Xukuumadu waxay la xaajootay, wax garadka iyo Odoyaasha
Gobolka Bari si looga hortago fidmada ay wadaan wax xun ka
taliyayaalku, taasoo waxna ka qabsoomeen inta kalana haddii
aan la dhamays tirin amnigu deg deg wax uga qaban doono.
Xukuumadda Dawlad Goboleedka Puntland u dulqaadan mayso,
tillaabo deg deg ah oo sharciga waafaqsan ayeyna kaga
hortageysaa fal kasta oo lid ku ah nabad galyada iyo
xasiloonida Dawlad Goboleekda Puntland.
Sidaas darteed waxaa looga digayaa kuwa u adeega
shisheeyaha iyo xag jirayaasha inay ka waantoobaan falalka
dambiga ah.
Waxaan beeninaynaa, dacayaadaha raqiiska ah oo aan salka
iyo baarka lahayn ee ku saabsan afduubka dad ka tirsan
dawlad Goboleedka Puntland, taasoo ay faafiyeen war xumo
tashiil la ogyahay ujeedooyinkooda iyo cidda ka dambaysa.
Ugudambayntii, dawlad Goboleedka Puntland waxay digniin
culus usoo jeedineysaa, Kooxda carta iyo Xukuumada Jabuuti
oo asaaskeeda ka dambaysay kuna dhiiri galisa mu'aamaraadka
ay maleegeyso Kooxda Carta una ah afhayeen iyo taageere,
haddaba dawlad Goboleedka Puntland si ay u sugto
nabadgalyada dadkeeda iyo dalkeeda, waxay qaadaysaa tallaabo
kasta oo ku haboon in lagaga hortago cid kasta oo waxyeelo u
geysanaysa jiritaanka nabadgalyada iyo xasiloonida ummadda
reer Puntland.
Guul Eebe iyo Horumar
SAXIIX (SIGNED BY):
Saciid Maxamed Maxamuud
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DGPL