19 May 2007 04:20

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](SomaliNet)..OR FOR THE FEW FILTHY RICH??? 
  • Posted by/on:[AMJ][Thursday, February 15, 2001]

DIYAARAD AY LEEYIHIIN GANACSATO SOOMAALITYEED OO SHALAY DALKA TIMID 15 Feb 2001 at 08:21
(SomaliNet) Diyaarad weyn oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed ayaa shalay timid dalka Soomaaliya iyadoo ka soo degtay garoonka balli doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaaraddan oo qaadi karta 160 qof ayaa sidoo kale waxay ganacsatadaas soo iibsadeen laba diyaarad oo kale kuwaas oo mid ay qaadi kareyso 38 qof,halka tan kalena ay raaci karaan 50 qof.

Ganacsatada diyaaradahan soo iibsatay oo ku bahoobay shirkad la yiraahdo AIR SOMALIA ayaa abuuritaankeedu wuxuu ku soo aaday kadib markii dib u habeyn lagu sameeyey garoonka diyaaradaha ee Cisaley.

waxaa ka mid ah ganacsatada saami wadaagga ku ah diyaaradahan Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ah milkiilaha Hotelka Ramadaan oo xarun u ah golaha Wasiirrada ee Dowladda KMG ah iyo Mahad Dirir Guuleed, iyo xubno kale.

Maxamed Muxiyaddiin Cali - Muqdisho, Somalia

- E-Mail This Story -

 

[SW News](SOURCES) ..."TNG" FOR THE POOR??? OR... 


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:07 AM. Webmaster HomePage