Warsidaha Puntland

Tirsi 79

Garoowe – Khamiis 15 Febraayo 2001

 

T  U  S  M  A  D  A 

 


BAYAAN SAXAAFADEED (PRESS RELEASE) OO AY SOO SAARTAY D.G.PUNTLAND   BOGGA 2-3AAD

 

 WASIIR KU- XIGEENKA ARRIMAHA BULSHADA OO LA SHIRAY SHAQAALAHA WASAARADDA   (BOGGA 3AAD)

 

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA OO KA SOO LAABTAY KORMEER

BOGGA 3AAD

 

SIDAY ANIGA ILA TAHAY

BOGGA 5AAD

NABADGELYADA WAA FURAHA HORUMARKA BOGGA 4AAD

 

MR. STEPHEN FOUND IN THE MUD (I.M LEWIS)

BOGGA 6AAD

 

SOOMAALIDU WAA IN AY KU DHAQANTAA SHAREECADA ISLAAMKA IYO XEER BEEGTI  BOGGA 7AAD 

WARBIXIN DEGMADA BURTINLE BOGGA 8AAD

 

TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA BOGGA  7AAD

 

OGAYSIIS BOGGA 8AAD

 


BAYAAN SAXAAFADEED (PRESS RELEASE) OO AY SOO SAARTAY DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND)

 

Warsaxaafadeed uu warbaahinta siiyay wasiirka Maaliyadda ee DGPL Md. Siciid Max’ed Max’ud (Cadduur) ayuu ku canbaareeyay u soo jeediyay kooxdii ka abaabushay mudaharaadka Magaalada Boosaaso, warsaxaafadeedkaas oo u qornaa sidatan:- 

Ujeeddo:- Bayaan Saxaafadeed (Press Release) oo ay soo saartay Dawlad Goboleedka Puntland. 

Wasiirku isaga oo ku hadlaya afka Dawlad Goboleedka Puntland arrintaas waxa uu ka soo saaray qoraal dheer oo ka kooban saddex bog oo uu ugu talo galay saxaafadda. 

Puntland waxaa la aasaasay 1998 sida ku cad Dastuurka ku meel gaarka ah waxaa laaday dhammaan ururadii iyo abaabul kasta oo siyasadeed oo keenaya kala qaybsanaan iyo iska horimaad bulshada ku nool dawlad Goboleedka Puntland. 

Maamulka dawlad goboleedka Puntland wuxuu mudnaanta 1 aad siiyey sugida nabad gelyada, xasiloonida gudaha iyo xiriirka darisyada. Waxaana la xaqiijiyey nabaddii iyo xasiloonidii taas oo ay Dawlad Goboleedka Puntland inay ku guulaysatay qireen dadka puntland iyo adduun  weynuhuba. 

Shirkii Jabuuti ee arrinta Soomaaliya lagaga hadlayey, Puntland iyo dhamaan qaybaha muhiimka ah ee Soomaaliyana ku gacan sayreen ka dib markay Jabuuti caddaysatay khiyaano, iska horkeenid iyo magaccaabid maamul aan loo dhammayn oo hurinaya dagaal iyo colaad ka cusboonaata Soomaaliya markiiba Jabuuti waxay ku dhaqaaqday inay Puntland mudaharaad iyo kharibaad  ka fuliso taasoo ay ku guul daraysatay marar badan. 

Xukuumadda Jabuuti waxay ku talo baxday inay ku dhawaaqdo, maamul aan loo dhammayn waana kan loo yaqaan kooxda Carta, Jabuutina u taqaan Dawladda Soomaaliya  

Kooxda Carta waxay muqdisho ka degen yihiin dhowr Hotel oo aagga waqooyi ku yaal . sidii la faliyey, durba colaad iyo fidmo bay ka oogtay qaybaha Soomaaliya waxaana tusaale u ah arrintaas: 

1.      Dagaalkii ay ka abaabuleen Muqdisho-balcad .

2.      dagaalkiimuqdisho- Baydhabo

3.      dagaalkii Muqdisho- Tiyooglow.

4.      Dagaalkii muqdisho- Garbahaaray, Dagaaladaas oo dhammaanntood lagu jabiyey. 

Kooxda Carta, waxay u qlab qaateen inay qalalaase ka ridaan Dawlad Goboleedka Puntland oo nabad iyo xasilooni ku suganayd, shirkii Jabuuti iyo kooxda Carta ka hor. 

Shirkii Carta iyo wixii ka soo baxay Dawlad Goboleedka Puntland waxay ka soo saartay. 

1.      Sharciga Lr. 10 taariikhdiisuna ahayd 29/7/2000 oo qeexaya ciddii shegata Carta in talaabo shrciga waafaqsan la mariyo

2.      Ka qayb galayaasha aan xil sidana inay Puntland ku soo noqon karaan

3.      Ciddii ababusha fal xasiloonida Dawlad Goboleedka Puntland wax u dhimaya in Maxkamad la hor geeyo oo sharciga lagu qaado. 

Dawlad Goboleedka Puntland waxay la socotay oo u dulqaadanaysay muddo dheer inay jiraan qaar ka mid ah ka qayb galayaashiii Carta, oo kaashanaaya kuwo xag jira inay ka wadeen abaabulo khatar galinaya Nabadda, xasiloonida iyo dhaqaalaha  Dawlad Goboleedka Puntland. Xukuumadda Puntland ayadoo la socota arrimahaas waxay door biday inay la sugto illaa ay bareeraan oo fal dambiyeed ku dhaqaaqaan. Waxaa tusaale u ah falalka ay ku talaabsadeen:- 

Ř   Dacaayad iyo been abuur lid ku ah Dawlad goboleedka Puntland.

Ř   Mudaharaad aan shrci ahayn, ayagoo sita Calamo dawlado shisheeye kuna dhawaaqaya hal ku dhigyo xambaarsan taageero shisheeye oo lid ku ah Dawlad Goboleedka Puntland. Mudaharaadkaas dhibaatoo-yinka ay geesteen waxaa ka mid ah: 

1.      Kicin dadweyne iyo ku dhawaaq  taageero shisheeye iyagoo sita calamo dalal kale .

 

Eeg Bogga 3aad

 

Ka yimid Bogga 2aad

 

2.      Boob hanti dadweyne  (danyarta waratada ah) 

3.      Khatar galin ah bililiqaysi magaalada Boosaaso.

4.      Weerar iyo dhagax tuur saldhiga Booliska Boosaaso. 

Ciidamada booliska oo xabado kor u ridaya ayaaa kala dareershay ka qayb galayaashii mudaharaaadka, abaabulayaashiina qaar xir xiray, qaar dhuuntayna raadinaya nasiib daro xabad darbi ku dhacday oo soo noqotay baa gabari ku geeriyootay  dhagax tuurkiina waxaa  ku dhaawacmay dhowr Booliska ah. 

Intaa waxaa dheer dhalinyaro la khatalay lagu aruuriyay hab qabiil soocan ah oo loo geeyay baro deegaan kooda ah si ay jid gooyo qul-qulato kala xirid gobolada dawlad goboleedka Puntland iyo khatar galinta xasiloonida iyo in nabadglyada guud u sameeyaan . 

Xukuumaddu waxay la xaa jootay wax garadka iyo odayaasha gobolada Bari si loo ga hortago fidmada ay wadaan wax xun ka taliyayaalku taasoo waxna ka qabsoomeen inta kalena haddii aan la dhameestirin amanigu deg-deg wax ugu qaban doono xukumada Dawlad Goboleedka Puntland u dulqaadan mayso talaabo deg-deg ah oo sharciga waafaqsan ayeyna kaga hortageysaa falkasta oo lid ku ah nabadgalyada iyo xasiloonida Dawlad Goboleedka Puntland, sidaas darteed waxaa looga digayaa kuwa u adeega shisheeyaha iyo xagjirayaasha in ay ka waantoobaan falalka dambiga ah. 

Waxaan beeninayaa dacaayadaha raqiiska ah oo aan salka iyo baar la heyn ee ku saabsan afduub dad katirsan dawlad goboleedka Puntland taa soo ay faafiyeen warxuma tashiil la og yahay u jeedooyinkooda iyo cidda ka dambaysa. 

Ugu dambeentii Dawlad Goboleedka Puntland waxay digniin culus usoo jeedinaysaa kooxda Carta iyo xukumadda Jabuuti oo aasaaskeeda ka dambaysay kuna dhiiri galisay mu’aamuraadka ay maleegayso kooxda Carta una ah afhayeen iyo taageero haddaba dawlad goboleedka Puntland si ay u sugto nabad galyada dadkeeda iyo dalkeeda waxay qaadaysaa talaabo kasta oo ku haboon in lagaga hortago cidkasta oo wax yeelo u geesanaysa jiritaanka iyo nabadgelyada, xasiloonida ummada Reer Puntland.  

 

 

WASIIR KU XIGEENKA WASAARADDA ARRIMAHA BULSHADA OO LA SHIRAY SHAQAALAHA WASAARADDA

 

PUNA-Garowe 

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Inj. Maxamed Cabdi Kulmiye, ayaa ku shiray Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Bulshada, wuxuu kala hadlay Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha sidii dardar horleh loo gelin lahaa Hawlaha Wasaaradu u hayso bulshada iyo sidey uga soo dhalaali lahayd laguna miradhalin lahaa hadafkii iyo u jeedooyinkii wasaaradda, Wasiir ku xigeenku waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha oo hadalo kooban oo isugu jira soo dhaweyn iyo warbixin ka soo jeediyey. 

Wasiir ku xigeenku wuxuu halkaas Shaqaalaha kala hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim ah wuxuuna xusuusiyey in wax qabadka dhabta ahi uu yahay nidaamsamida iyo mooralka, haddii taasi la helana ay ka fiican tahay hantida maadiga ah, isagoo waayaha iyo duruufta taariikhiga ah ee Soomaaliya kala hadlayey, wuxuu kaloo kala hadlay dhowrista sharciga iyo qawaaniinta u degsan shaqada, arintaas mas’uuliyadeedana waxaa iska leh madaxda waaxyaha iyo mas’uuliyiinta kale ayuu yiri, shaqaalahana wuxuu ka codsaday ilaalinta nidaamka dawliga ah.

Wasiir ku xigeenku wuxuu kaloo ka hadlay inay mas’uuliyada madaxda sare ka mid tahay dhisida guddi shaqaale iyo hal abuurka shaqo, wuxuu yiri hadba sida hal abuurkeena shaqo noqdo ayaa mustaqbalkeena iyo ayaaha u badkeena ku xiran yahay. 

Wasiir ku-xigaanku mar uu ka hadlaayey habka wada shaqaynta wuxuu yiri waxaan ka digayaa ilaalin la’aanta jaran jarada wada shaqaynta, taas oo haddii aan la helin ama la dhoorin ay soo baxayso xafiisyo qaarkood in aysan waxba qaban.

 

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA OO KA SOO LAABTAY KORMEER UU KU TEGAY DEGMADA BUURTINLE  

PUNA-Garowe/09/02/2001 

09/02/2001 waxaa ku soo laabtay Magaalada Garoowe wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md. Yuusuf Macalin Ibaraahim oo ay la socdeen Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Md. C/laahi Xasan Faarax (Baasa-weyne) iyo Madaxa qaybta miisaaniyada ee Waaxda Dawladda Hoose ee Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga Md. Faarax Maxamed C/raxmaan (Faarax Duul-Duul). 

Wafdigaas waxay kormeer shaqo ah u tageen Degmada Buurtinle iyo Tuulooyinka la xiriira, Wafdigu waxay u kuur galayeen habka Maamulka Degmada Buurtinle iyo dhaqan galka canshuuraha, Hubinta arrimaha nabadgelyada, wacyi gelinta dadweynaha iyo arrimo kale oo la xiriira hawlaha Wasaaradda iyo guud ahaan siyaasadda dawladda.

 

 

NABADGELYADDU WAA FURAHA HORUMARKA  

Intii bur-burka iyo Qaran la’aantu la soo deristay ummadda Soomaaliyeed, waxay ahaayeen kuwo ku nool nabadgelyo la’aan guud ahaan saameeysay wadanka siduu u badan yahay in yar mooyee, nabadgelyo la’aantaas waxay keentay in dad badan oo soomaaliyeed ay ku nafwaayeen mood iyo noolba, haddaynu dib u eegno dhibaatooyinkii ka dhacay Gobolada koonfureed, dad badan ayaa gaajo ugu dhimanayay, taas oo soo jiidatay indhaha caalamka markay u adkaysan waayeen. 

Naxdinta iyo foolxumada meesha taal waxaa kale oo xusid muddan in kumanyaal qof oo qaxooti Soomaaliyeed ay u qaxeen dibadaha taas oo ay keentay kuna kaliftay nabadgelyo xumida wadanka ka jirtay, iyagoo naftooda la raadinaayo ama la doonayo meelay nabadgelyo ka helaan oo ay ku noolaadaan, iyagoo arrimahaas waxa dhacay aynu ogsoonahay nabdgelyadu waa u dan qof kasta waana furaha horumar kasta oo dad gaaro haddaba adiga ma ka qayb qaadataa nabadda, nabaddu waa nolol noloshuna waa nabad. 

Haddaan u soo leexdo Gobollada waqooyi Bari, way xasiloonayd ilaahay mahadiis waxay ahaayeen kuwo ay ka jirto nabadgelyo. 

Dad badan oo soomaaliyeed ayaa u soo qaxay cid wax lagu yeelana ma jirto, taasi waxay ka timid Issimada, Waxgaradka iyo inta nabadda jecelba oo ku dadaalay in ay noqoto  goob nabadeed.

Iyadoo xaaladu sidaas tahay ayaa waxaa samaysmay maamul Goboleedka Puntland wuxuuna si adkeeyay siina horumariyay nabadgelyaddii iyo ammaankii, wuxuu isla markiiba qaaday barihii koontoroolada ku taxnaa laamiga, wuxuuna degmo kasta iyo tuulo kasta geeyey ciidamadda, Nabadgelyada ka shaqeeya (BOOLIIS), waxayna guulo waawayn ka soo hoyiyeen sugidda nabadgelyada. 

Haddaba waayaha dambe waxa soo ifbaxayay kooxo isku dayaya in ay fadqalado geliyaan nabadgelyada iyo xassilloonida Puntland si ay uga dhigaan meel aan nabadgelyo ka jirin. 

Ciddii isku daydaa inay waxyeesho nabadgelyada iyo xassilloonida reer Puntland haysato, maamulka iyo shacabka Puntland gacmaha ka laaban maayaan, waxayna ka waraabinayaan waxa ay waajib u leeyihiin iyagoo la marinaayo sharcigga u degsan Maamul Goboleedka Puntland, waxaa habboon muwaadin kasta oo reer Puntland ah in uu xil iska saaro sidii uu u illaalin lahaa nabadgelyada uu illaahay siiyay uguna xamdi noqo nabaddu waa furaha horumarka dalkasta iyo dad kasta, aakhirkiina waxay gaarsiisan tahay barwaaqo, horumar iyo isku filaansho dhan walbaba ah. 

Soomaali weyn oo dhan waxay u baahan tahay dawlad iyo nabad laga soo unko salka kuna midowdo qaab FEDERAAL ah, dadkeeduna waxay u baahan yihiin nabad iyo horumar. 

 

WARSIDAHA PUNTLAND 

WAXAA CEELALYO U AH:-

1.      Axmed Sheekh Jaamac. 

WAXAA QORA:-

2.      Tifaftire:- Cabdi Bashiir Xaaji Maxamuud.

3.      Kaaliye Tifaftire:- Yaasiin Aadan Rooble

4.      Qoraa:- Faarax Yuusuf Nuur (K.K)

5.      Computer Operator:- Maxamuud C/laahi X. Xuseen (Alakis).

Arbaco kasta ayuu ka soo baxaa Madbacada N.P.C-Garoowe

Tel. 252-944-2600

 

SIDA AY ANIGA ILA TAHAY

(Prof. I.M. Lewis) Qaybtii 2aad

Meesha hadda is-herdigu ka aloosan yahay waa deegaanka Raxanweyn, oo Carta ka hor ku socday jid koritaan ah oo la saanqaadayay kaas Puntland….

Taasi waxay muujinaysaa in kuwa hadda Mr. Stephen surradda u ahi ay oggolaadeen inay <<Xukuumaddooda>> cusub xarun uga dhigiddoonaan bartamaha Raxanweyn oo ah Baidoa… ha yeeshee ay arrintaas ka afarqaadeen oo gundhada u fariisteen qabiilka C/qaasim iyo Muqdisho, iyagoo ku tallaabsanaya ballanfur ku dhisan daacaddarro iyo ujeeddo xun…. 

Mr. Stephen arrinta Federalka ayuu afka ku ballaariyaa laakin C/qaasim iyo Wasiirradiisu fagaareyaasha ayay kaga nuuxnuuxsadaan inaanay oggolayn wax aan ahayn xukun meel-keliya ka soo fula….  

Qaab wadaag ahna aan laga yeeleyn Somaliland iyo Puntland, oo aan dan loo yeelanayn waxa shacbiga labadaas meelood uu rabo…. Shacbiga labadaas meelood uma soo joogsanayo huuhaada maran ee nabad ku-sheegga ah oo aan ahayn wax run ah oo la taaban karo….. 

Waxaa taas ka dhigan waxa hadda lagu sheegayo <<Dhismaha Nabadeed>> ee sida liidata loo soo habeeyay  

oo ah mid jirjircadka isu rogiddoonta…. UN-kuna ku ceeboobayo.

Arrintani ma ah keliya mid uga siidaridoonta nabadgelyada koonfurta Somaliya, waxayse mar kale uga sii daraysaa xaaladda waqooyiga iyagoo C/qaasim iyo Kooxdiisu ah kuwii markii horeba Siyaad Barre cabburiska kala shaqayn jiray.

Taasoo sii fogeyndoonta Somaliland iyo Puntland…. 

Dhibaatada taagani waxaa weeye tii hore oo ah habar-Gidir-tii hore dool ugu timid Muqdisho oo wax Allaale wixii ay dhicikartay oo dhan dhacday (Marka lagu daro Haweenkii qabaa’ilka laga badan yahay) ayaa iyadu maanta meeshiiba ka talinaysa….Mr. Stephen wuxuu sheegayaa inaanay jirin waraaqihii mulkiyadda ee dhulka iyo dhismeyaasha Muqdisho…. Arrintu waxay ka mid tahay waxyaabaha qarxaya oo lagu xallinkaro keliya kooxaha oo dhan oo hareeraha iskataaga (Kooxda C/qaasim qudheedana ku daroo)….  

Kuwo badan ayaa waxay C/qaasim u taagerayaan aad sii haysateen hantida aad boobteen oo dhulka iyo dhismeyaashu ku jiraan….. arrintu ma aha arrin ku xallismaysa haysasho waraaqo mulkiyadeed, mar haddii kuwa boolida ku haystaaba ay u sameysankaraan waraaqo  

lahaansho ah oo been abuur ah… xagga koonfurta Somaliya, waqti hore ayaa lahaanshaha dhulka lagu saleeyay inta awoodda haysata oo kaga habsata kuwa tabarta yar…. Haddaba arrimahaasi ma aha kuwo gooni-gooni loo daaweyn karo…. 

Waxaa wax tarikara iyadoo meelaha irmaanka ah ee hadda la kala leeyahay dib loo wada wadaago, sida dekedaha iyo garoommada Muqdisho….

Nasiibdarro, ma muuqato in taas ku meel-gaarka lagu sheegay ee C/qaasim awood u leedahay dib-u-dejinta iyo nadaam-soo-celinta Muqdisho looga baahan yahay, in kasta oo qaybaha isaga daba socdaa ganacsi ahaan iyo daneysnnimo isugu xiranyihiin… Xafiiska Arrimaha Dibadda ee talyaaniga, siday doonto ha la ahaatee… Marka la xalliyo arrimahaas Somalida u gaarka ah, markaas keliya ayaa Muqdisho soo hadal qaadi kartaa inay Somali xarun u tahay… ilaa inta taas la gaarayo, waxa UN-ku wax-tar uun ka noqonkaraa waa xeebaha Somalida oo laga ilaaliyo kalluumeysiga sharciddarrada ah iyo Wasakhaynta… halka UN-ku, iyadoo niyad-sami loogaba qaadanayo, uu isku wareeranayo arrimaha Somalida u gaarka ah inuu dhexboodo, waxaa roon inuu meesha geeyo biinanka waraaqaha lagu qodbo oo Mr. Stephen uu sheegay in meesha lagu la’yahay.

I.M.Lewis London School of Economics 18/01/2001. 

Dhammaad

 

MR. STEPHEN FOUND IN THE MUD.

(I.M.Lewis) 2nd part

Main current focus of conflict is, however, in the Rahanwein region which, prior to Arta, was developing local authonomy long the lines of Puntland… This in part reflects the fact that although Mr. Stephen’s protégés agreed to establish their new “government” headquarters in the Rahanwin center of Bidoa, they cavalierly reneged on this agreement and, in bad faith, sought to insert themselves amongst Abdulqasim’s own clansmen in Mogadishu. Mr Stephen speaks rather grandly of ‘federalism’ but the actual public statements of Mr Abdulqasim and his Ministers have, on the contrary, emphasized their commitment to a unitary state which would incorporate Somaliland and Puntland whatever the wishes of the citizens there. This hardly augurs well for the ‘peace process’ (an empty piece of rhetoric) ‘reaching out’ successfully to embrace those communities’ here, again, we see how this premature and poorly thought-out UN ‘peace-building’ initiative is already proving counter-productive. It is not only contributing directly to the deteriorating security situation in southern Somalia, but also-and very understandably in the light of Abdulqasim’s and his associates’ involvement in Siyad’s brutal military supprieesion of the north-in einforcing local nationalism in Somaliland and Puntland. 

The most pressing problem is as usual, of course, in Mogadishu itself, now dominated by the Habar Ghideir invaders who overthrew Siyad and seized most of the property that is worth  seizing (including women from minority groups). Mr Stephen speaks of the lack of ‘land writs’, presumable meaning written titles to property. Actually, this is one of the of a general political settlement amongst all the factions in the city (including Abdulqasim’s). some of those who hold this stolen propery, and who will not readily on understandings that in return for their backing they can continue to hold what they have seized. The nation that written documents are all that is needed to resolve these issues is simplistic, those who illegally hold property will quickly manufacture documents to authorize their holdings. Indeed, earlier land registration programmes in southern Somalia resulted in most cases in powerful urban interests grabbing land from impoverished owner. These problems cannot be effectively dealt with piecemeal. They require a general political settlement in Mogadhishu which could only hope to succeed if it through tax apportionment) the resources (Airport and Port etc) which they currently control separately. Unfortunately, there is so far no indication that, despite the commercial interests which bind their leaders, Abdulqasim’s transtionals’ possess the Mogadhishu. Whatever the Italian foreign office may imagine, in the wider Somali view (which is rather more important), it is only when these local issues are resolved that Mogadhishu will have any legitmate claim to serve again as a Somali capital. 

In the meantime, environmental abuse and illegal fishing along the Somali coast are topics where imaginative Unaction could actually be of some use. Other than that, on current performance, rather than meddling in Somalia’s internal politics, perhaps the UN highlighted by Mr Stephen the absence of paper clips! 

I.M Lewis London School of Economics 18 January 2001 

ENDED

 

SOOMAALIDA WAA IN AY KU DHAQANTAA SHAREECADA ISLAAMKA IYO XEER BEEGTI. 

Somaliya isticmaarka ka hor waxay ahayd degeeno ku dhisan Qabiil-Qabiil waxaana ka jiray dowlado Qabiil oo diin ku salaysan waxaana ka jirtay xasi looni, iyadoo Qabiil waliba uu Aamaankiisa mas’uul ka yahay markii ay colaadi dhexmartana, waxaa lagu xallin jiray xeer beegti iyo shareecada Islaamka xeerbeetiga oo ah xal sulux ku samaysan Diinteenna Islaamkuna ay suluxa mudnaanta koowaad siisay oo shareecadda ka sii mudan yahay, markaasna ka bacdi waxaa inoo yimid Isticmaarkii oo xoog iyo hishiiso qabaa’ilka qaar la galeen ku qabasaday dalka, iyagoo weliba kala goos goostay qabaa’ilka Soomaaliyeed, si ay isirada qaarkood u kala qaybiyaan, waxayna ka dhaqan geliyeen Dowlado ku dhaqamay sharcigoodii iyo xeerkoodii, markii Isticmaarka dalka qaarkii ka xoroobayna waxaa la sii waday shuruucdoodii iyo xeerarkoodii kuwaas oo ahaa kuwo aan dhaqan soomaalida ku haboonayn una cuntami Karin waxayna sababtay inay dowladu iyo qaranimadii soomaaliyeed bur-burto, waxaana loo noqday nadaamkii qabiiliga ahaa ee aynu ku noolayn intaa Isticmaarkii inoo iman.

Haddaba si aan burbur dambe inoogu dhicin innagoo ka duulayno xaqiiqada Soomaalida oo ah in qofka soomaaliga qabiilka daacad u yahay naftiisana u hurayo si ka badan daacadnimada uu diinta iyo qarankaba u yahay waa intooda badan eh. 

Marka waa in ay qaranimada Soomaalida aynu doonayno ay ku dhisnaataa hab dhaqankeeni hore si ay wax aynu leenahay oo raagi kara u noqoto haddiise aynu ku noqono nadaamkii reer galbeedka wax aan inoo cuntami Karin ayay noqonaysaa, Bur-burkiina marlabaad ayay noqonaynaa, si taa looga waantoobo waa in uu sharciggeena qaranku (National Constitution) ku salaysnaadaan kana soo xeer beegtigii Soomaaliyeed iyo shareecadda Islaamka 

Jacfar Cilmi Faarax

 

TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA!(Qore Khaalid Yuusuf) 

Soomaaliya Burbur u maharin, dib-u-dhiskeedu ka fiirsasho weyn buu u baahan yahay. 

Haddii dhibka la joojiyo, cidwaliba degaankeedii ku ekaato, muddo ka dib waa laysu soo hiloobi karaa, Soomaaliya laga sugimaayo heshiis iyadoo aan la xalin arrimahan:- 

1.      Marka haddii qabiil la doortay, cidwaliba ha ku ekaato degaankeedii ay lahayd xorriyadii ka hor, Gobol, Degmo iyo Tuulo midku yahay-ba.

2.      Ha laysu celiyo waxa hanti la kala haysto oo dhan.

3.      Waa lagama maarmaan in la sameeyo maamul federal ah.  

4.      Waa in laysla ogolaado Magaalo madax dhex-dhexad ah oo aan cid u gaar ahayn. 

5.      In la abuuro jawi nabadeed iyo in lays-dhexmari-karo. 

6.      In laysugu yimaado meel dhow oo amaankeedu sugan yahay, kana mid ah dalalka deriska ah. 

7.      Waa in Maamulka ugu horeeya oo la sameeyo ka qayb-galaan dhammaan madaxda “Factions-ka si loo dejiyo xiisada qabiil iyo saluugmada.

8.      Waa in la helo isu-garaabid iyo is-cafi massibadii ay Soomaalidu isu gaysatey, wixii maal iyo naf la waayey iyo waliba tacadiga shacabkii Soomaaliyeed ku haysta daafaha aduunka oo is la Soomaalidu sababtay. 

9.      Waa in aad looga fiirsado mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed in aysan wixii 30kii sano oo u dambeeyey dhacayna mar kale ku imaan, lana sameeyo daraasad aad looga fiirsady. 

10.  Haddii arrimahan iyo garwosho la helo iyo in cid waliba degaankay lahaan jirtay maamul iyo jawi nabadeed ka samayso, waxaan qabaa in muddo ka dib wixii dhacy la ilaawi karo. 

Ilaahow Soomaalida xaqa iyo wanaaga tus sharaf teediina u soo cili.

Aamiin Aamiin.

 

WARBIXIN DEGMADA BURTINLE 

Raadiyo-Galkacayo

 

Guddoomiyaha Degmada Burtinle Max’ed Saalax Dhaashane ayaa mar uu waraysanayey weriye ka tirsan Raadiyow Gaalkacyo uga waramay arrimo dhawr ah oo sawir guudna ka bixinaya xaaladda ka jirta Degaanka Degmadaasi. 

Guddoomiyuhu waxa uu ka waramay xiriirada ay degmadiisu laleedaha degaamada la deriska ah iyo ilaha dhaqaale ee isla degmada, taasoo uu sheegay inay ugu weyn tahay xoolaha nool. 

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu xusay in degmada Burtinle oo maamuladii hore ay aad isugu lari jireen ay noqotay mid baahideedu aad u badan tahay, wax ka qabad ballaaranna u baahan, maamulkiisuna ay waxyaabaha ugu horeeya oo ay wax ka qabteen ay ka mid yihiin khashin aad u tiro badan oo degmada aad bilicdeeda iyo saxadeedaba wax u dhimi jiray oo ay intii karaankooda ahayd qaadeen, taasoo ay bulshadu gacan ka siisay.

 

Guddoomiyuhu isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan Canshuuraha waxa uu sheegay in canshuuruhu aysan u soo bixin sidii la rabay, waxana uu tusaale uga dhigay misaaniytaddii sanadkii la soo dhaafay ee 2000 in miisaaniyadda la rabay inay soo xerooto degmadu inay ahayd 426milyan, ayna ka soo baxday 260milyan, sababaha keenay inay sidaas waxa noqdaana waxa uu ku

sheegay:- 

Joojinta la jiijiyay Xoolihii dibedda u dhoofi jiray.

Degmada oo aan lahayn gaadiid u shaqeeya.

Kaamamka oo iyaguna faro ba’an ku haya deegaanka, taasoo uu ku tilmamay inay la wadaagaan degmooyin badan, haba ku kala badnaadeene. 

Guddoomiyuhu waxa uu aad ugu nuuxnuuxsaday dhibaatooyinka ka jira deegaanka kuwaasoo uu ku tilmaamay inay waxyeelada ugu daran uga timaado kaamaka guur-guura iyo bacaha dadku ka caado yeeshay inay wax ku iibsadaan ka dibna sida taxadar la’aanta ah ugu tuura hawdka ka dibna ay kudheg-dhegaan dhirta qalajiyaanna, xooluuhuna ay cunaan dhibaatooyin caafimaad darrona u geystaan. 

 

 

OGAYSIIS 

 

Ku: Dhammaan Agaasimayaasha Waaxyaha. W. Dh, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Shaqaalaha. 

Dhammaan waxaa la ogeysiinayaa Agaasimayaasha iyo Shaqaalaha Agaasinka Guud ee Warfaafinta Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta in ay Deg-Deg u soo galaan caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garoowe. 

Ciddii ku imaan weyda muddo todobbo berri laga bilaabo taariikhda markay tahay 14/02/2001 ilaa 21/02/2001 waxaan u aqoonsanaynaa Dad shaqadii iskood uga tagey Bedelkoodna waan qaadanaynaa, iyadoo ay jirto habac sanaan iyo wada shaqayn la’aan ee Agaasinkan Guud ee W. Dh. Boostada iyo Isgarsiinta. 

Wasiir -xigeenka Agaasinka. Guud ee W.Dh. B. & Isgaarsiinta 

Jacfar Cilmi Faarax

OGAYSIIS 

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed  (Xafiiska Gaalkacayo) (Xarunta Dhaqan celinta Naafada) waxaa dhammaan dadka naafada ah la ogaysiinayaa in Magaalada Gaalkacayo ay ka furan tahay Xarun Bisha Cas oo lagu sameeyo lugo, dadka ay ka go’an yihiin lugaha illaa hadda waxaa lugo samafal ah loo sameeyay in ka badan 230, qof, waxaa kale ee la ogaysiinayaa dhammaan naafada jimcinta jirka u baahan inay isla xarunta leedahay qaybta jimcinta jirka. Adeega Xaruntu waa samafal aan wax kharaj ah laga rabin