Warsidaha
Puntland
Tirsi
80
Garoowe – Khamiis 22 Febraayo 2001
MADAXWEYNAHA D.G.PUNTLAND OO DALKA KU SOO LAABTAY
Axad
18/02/2001 – 24 Dulqacda 1421 PUNA-Garowe.
Maanta
saacaddu markii ay ahayd 15:00 (Duhur-dabadii) ayaa Madaxweynaha Dawlad Goboleedka
Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee dalka dibadda kaga
maqnaa uu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalo-Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland,
Garowe… Madaxweynaha iyo Wefdigiisa waxaa halkaas ku soo dhoweeyay
Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, Wasiirro, Saraakiil Dawladda iyo
Ciidammada iyo qaybo badan oo kala duwan oo shacbiga ah… Madaxweynuhu isagoo halkaas
lagu siiyay salaan iyo soo-dhoweyn diirran ayuu isaguna ummaddii soo dhoweysay halkaas ku
gaarsiiyay salaan iyo mahadcelin, ka dibna wuxuu u sii gudbay xarunta Madaxtooyada ee
Garowe…
Isniin
19/02/2001- 25-Dulqacda 1421
Saaka 9:00
subaxnimo ayaa Madaxweynuhu xarunta Ma-daxtooyada shir-kula yeeshay xubnaha xukuumadda iyo
Madaxda kale ee dawladda…. Halkaas oo Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee wefdigiisu ay
warbixin ku siiyeen xubnihii kale ee xukuumadda iyo dawladda iyaguna warbixin beddelkeeda
ah ay kaga dhegeysteen… shirkaas oo gaaray ilaa duhur-dabadii ayaa isla habeenkaas
Madaxweynuhu shir gaar ah oo socday ilaa habeen barkii wuxuu gaar ula yeeshay Golaha
xukuumadda…
Talaada
20/02/2001 – 26-Dulqacda 1421.
Kulan
bilaabmay 8:30 Subaxn-nimo socdayna ilaa 13:30 duhurnnimo ayaa maanta Madaxweynuhu xarunta
Mada-xtooyada kula yeeshay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka
Puntland.… Shirkaas oo ahaa isu-xogwarran iyo wada tashi…
Madaxweynuhu
markii uu shirkaas ka baxay ayuu la kulmay WARSIDAHA PUNT-LAND iyo Radio-Galkacayo…
Madaxweynuhu
saxaafaddaas uu qaabilay wuxuu uga xogwaramay safarkii isaga iyo wefdigiisa… isagoo
sheegay in shirkii Ceelberde (waa Degmo ka tirsan Gobolka Bokol), wixii lagaga wada hadlay
ay ugu muhimsanaayeen:-
B-
Heshiisiin Guud ee dadka dega Gobollada Bay, Bakol, Shabeellada Hoose, Gedo iyo labada
Jubba…
T-
Guda-heshiisiinta Beelaha wada dega Gobolka Jubada Hoose…
J-In loo
gogol-dhigo sidii Gobolladaasi u sameysan lahaayeen Maamullo u dhigma Puntland iyo
Somaliland…
Madaxweynuhu
wuxuu sheegay in shirkaas oo socday afar maalmood, Puntland ka sokow, ay ka soo qaybgaleen
Ururrada kala ah:- RRA, SNF, SPM iyo SSNM/PRM (Pio-mal Risistance Movement)…
Madaxweynuhu
wuxuu sheegay in qodob walba oo ka mid ah ujeeddooyinkii shirkaas laga gaaray heerar
wanaagsan, mid walbana la sii amba-qaadiddoono…
Madaxweynuhu
wuxuu guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaanna Reer Puntland wuxuu u soo gudbiyay
salaan iyo duco… isagoo kula taliyay dadka Reer Puntland in ay dhowrtaan guulaha
nadaam-nololeed ee ay iyagu garashadooda iyo dadaalkooda ku dhisteen….
WARSIDUHU,
cadadkiisa danbe ayuu ku soo qoriddoonaa su’aalihii saxaafadda iyo jawaabihii
Madaxweynuhu ka bixiyay….. Haddii Alla idmo….
NABADGELYADA AYAA
WAX WALABA KA QAALISAN
Khamiis
15/02/2001 21 Dulqacda 1421.
WARSIDAHA iyo
Radio-Galkacayo ayaa saaka 9:00 subaxnnimo Madaxweyne-ku-xigeenka Dawlad Goboleedka
Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ku waraystay xafiiskiisa Garowe oo horraantii
weyddiyay arrinta nimanka Gobolka Bari laga soo xirxiray, isaguna uu shalay xabsiga
Magaalada Galkacayo ka sii-daayay…
Madaxweyne
ku-xigeenku, wuxuu arrintaas kaga warramay sidatan:- Dawladi waa inay dadkeeda la
tashataa… inay afgaradkooda raadisaa…. Ra’yigooda tixgelisaa una leedahay naxariis
badan, isla markaasna nabadgelyadooda aad u sugtaa oo aanay debec ka oggolaannin ama in
lagu cayaaro… waxaa meesha la yiraahdo Bosaso ka dhacay mudaaharaad fool xun oo
nabadgelyadii khalkhal geliyay, oo keenay dhibaatooyin badan oo leh dhimasho, dhaawac,
maal dhumay iyo….iyo… sidaa darteed, dawladdu waxay ku khasbanayd, ciddii nabadgelyada
khalkal gelisay inay xirxirto…. Sharcigana hor-keento…
Dawladdu
waxay gashay howlo farabadan oo ay nabadda ku xasilinayso…. Si wax waliba
sidoodii
ugu soo noqdaan…. Odayaal iyo rag kale oo
shacbiga
ah ayaa talada nala waday…. Hadda waxaa loo arkay nimankaasi inaanay nabadgelyada iyo
xasilloonida ku ahayd wax khatar ah…
Odayaashii
ayaa na weyddiiyay in la cafiyikaro…. Xukuumadduna way ka oggolaatay…. Sidaas ayaa
lagu cafiyay oo lagu sii-daayay….
Su’aal:- Maxkamad
lama geyn… ee sharcigee xariggooda loo cuskaday?
Jawaab:- Madaxweyne
ku- xigeenku, su’aashaasi wuxuu kaga jawaabay oo yiri:- Dawladdu habkasta oo ay
wax-u-xdho ayaa ah Maxkamad….
Dawladda
lafteeda ayaa Maxkamad ah…. Nabadgelyada ayay khatar geliyeen…. Dawladdu markay aragto nabadgelyada oo khalkhal ku jirta
wax alla waxay doonto ayay sameynkartaa…. Waayo amniga ayaa waxwalba ka qaalisan…. Si
aan annarkiya u dhicin, dawladdu waxay xaq u leedahay xitaa mararka qaarkood inay sharciga
dhaafto…. Oo ay nabadgelyadii soo celiso…. Marka waxa dawladdu sameyso oo nabadgelyada
ku soo celisaa waa xaq…. Maxkamad bayna ka oo bexeen….
Su’aal:- Nabadgelyada
Puntland hadda heerkee ayay maraysaa???
Jawaab:- Waxannu
qabnaa nabadgelyada Dawlad Goboleedka Puntland 100% saannu doonaynnay ma aha…. Laakiin
khatar weyn ayay ku jirtaa lama oran karo…
GUDDOOMIYAHA
BARLAMAANKA PUNTLAND OO DHAGAX-DHIGAY
Axad
18/02/2001-24 Dulqacda 1421 PUNA-Garoowe.
Guddoomiyaha
Barlamaanka Puntland, Mudane Yusuf X. Siciid…. Ayaa saaka 8:30 subaxnnimo dhagixii
asaaska dhigay dhismaha fagaaraha cusub ee shirarka Golaha Wakiillada D.G.Puntland oo
xaruntla Madaxtooyada D.G.Puntland ee Garoowe ka soo eegaya dhinaca waqooyi-galbeed….
Guddoomiyaha
oo dhismahaa asaaska ah u duceeyay, wuxuu kaftan dhab ah ku heesay:- Daarku daarbay…. Daalibaysaa… (Adigu
Fassiro…)….
Guddoomiyaha Shirkadda <Diriye
Construction Company>> (shirkada Diriye ee dhismaha) oo ah shirkadda iyadu
dhismahaas gacanta ku haysa, Mudane Warsame C/laahi Diriye, ayaa sheegay in dhismaha
fagaaruhu ku dhammaan karo muddo bil keliya ah haddii aanay iman duruuf qorsheha. Waxa ka beddeshaa!!! Waxa dhagax-dhiggaas ka soo qaybgalay
xubnaha kale ee shirguddoonka Barlamaanka iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha….
DAWLADDA PUNTLAND LACAG KAMA GANACSATO.
Sabti 17/02/2001 – 23/Dulqacda 1421 Garowe.
WARSIDAHA iyo Radio-Galkacayo ayaa
Wasiirka Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta Mudane Dr. Maxamed Xasan Nur,
saaka xafiiskiisa Garowe kula yeeshay waraysi isla maalintaas laga siidaayay
Radio-Galkacayo…. WARSIDUHU wuxuu halkan ku soo gudbinayaa waraysigaa qaarkii….
Saxaafadda:-
Maaddaama idinku aad tihiin Wasaaraddii
Qorsheynta oo shacabiga Puntland iyadu ugu maqnayd Qorshaha Dhaqaalaha, Wel-welkaa faraha
Badan ee hadda Shacbigu qabo Xukuumad ahaan
Maxaad is oran kartaan shacbiga wey wel-wel tiri karaan oo aad ugu maqan tihiin?
Wasiirka:-
:- waa run; Dawladdu dadka iyadaa
mas’uul ka ah… Hawlahaan Dawladdu wey ku jirtaa weyna la socotaa, in kasta oo waddanku
isu furan yahay oo haba qayb-qaybsanaadee uu aad isugu dhex jir jiro, haddana Dawladdu
hawlo badan bay diyaar u tahay… waxyaabo badan bay ka qabanaysaa, si dhaqso ahna waxaan
u rajaynaynaa in tallaabooyin looga qaado.
Wasiirka:-
:- Ganacsatada Puntland waxaan u soo
jeedin lahaa inay ka qayb qaataan waxyaabaha danta u ah Dalkooda iyo dadkooda, inaanay la
socon wixii bur-burinaaya oo wax yeelaaya umaadda guud ahaan Soomaaliyeed gaar ahaanna
ummadda reer Puntland, waxaan ku waaninayaa inay aad iyo aad uga taxadaraan waxyaalaha
lagu marin habaabinayo ama dhaqaalaha dalka wax lagu yeelayo.
Saxaafadda:-
Maaddaama Wasaaraddiinu Dhaqaalaha ku
shaqo leedahay; ma idinka dhexeeyaa xiriir sugan oo lagu wada shaqayn karo idinka iyo
Ganacsatada?
Wasiirka:-
:- Ganacsatada waxaa xiriirka ugu horreeya la leh Wasaardda Maaliyadda, waxaa ku xigta
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, runtiina waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan,
Wasaaradda Maaliyaada fadhigeedu wuxuu yahay Boosaaso oo ah halka Ganacsatada ugu
ballaaran oo Puntland ay joogto, si fiican bayna u wada xiriiraan, annaga hawlahayagu waa
isku dubbaridka iskaashiga Caalamiga ah ama hay’adaha caalamiga ah iyo Dawladda isku
xirkeeda iyo hay’adaha Dawliga ah… taana aad baan ugu dadaallaa, meel fiicanna wey noo
maraysaa.
Saxaafadda:-
Xagga lacagaha la soo sameynayo oo dalka lgu soo kordhinayo in kasta oo hadda ishu ay
saaran tahay Muqdisho oo la yiri lacago badan oo cusub baa ayaamahaan laga soo dejiyay,
haddana mar-mar waxaa la sheegaa in Xukuumaddenna lafteedu inay lacago soo sameysato oo
keensato, Eedda ma muqdishaa wada leh, Xukuumaddeenu eedda sow qayb yeelan mayso oo ascaar
kicinta wax kuma laha ?
Wasiirka:- Taasu waa ka duwan tahay; waa jirtaa lacag yar
oo Dawladdu Puntland soo sameyso; waa marka hore e lacagtaa looma soo sameyn in lagu
ganacsado oo Doolar lagu gato, lacagtaasu waa lacag la kontroollo, haddii la keeno waxaa
la dhigaa Bangiga waxayna u baxdaa qaab Mushaharka oo lagu kabo, lacag suuqa gasha oo
Doolar wax ka bedeli karta marna ma aha… marnana wax kama bedelin, lacagta suuqa wax ka
bedeshaa Doolarka kicisaa waa lacagta Muqdisho ka soo degta oo telefoonka marka lagu wada
hadlo qiimaha isbedelo, lacagtani ma aha mid markeedii horeba ganacsi loo keenay waa lacag
qaabaysan oo bangi taal oo nidaam ku soo baxda oo mushahar ku baxda.
Saxaafadda:-
Marka la isku daro Wasaaradda Maaliyadda
oo ku shaqo leh Maaliyaddii, Wasaaradda Ganacsica, Rugta Ganacsiga iyo Wasaaraddiinan
Qorsheynta oo Golaha Wasiirada Puntlandna lagu daro ma fileysaan inaad heli kartaan wax
shacabka aad ku wel-wel tirtaan oo aad ku rajo gelisaan xagga Ascaarta iyo xagga nolosha
kacaysa?
Wasiirka:-
:- Haa xagga Dawladda; Dawladdu xil weyn bay iska saartay sidii ay wax uga qaban
lahayd arrimahaa… Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga ah iyo Qorsheynta waxay xiriir la
sameysay Jamciyadda Quruumaha ka dhexeysa wakiilkeeda u jooga Nayroobi, Mr. Kent… waxay
ka codsatay inuu qayb weyn ka qaato maaddaama lafdhabarta dhaqaalaha Soomaaliya uu Xoolaha
ku saabsan yahay in xoolihii laga qaado cuna qabatayntan ay Carabtu ku soo rogeen, marka
hawl weyn buu ka qabtay haddana wuxuu yimi bishaan Febraayo 11dii Garoowe
isagoo wafti ah waana is aragnay wuxuu sheegay inay jiraan wafti dhakhaatiir ah oo ka
imaanay imaaraadka, ayna baari doonaan qaybna ay ka qaadan doonaan qaabkii looga qaadi
lahaa xiritaanka Xoolaha Soomaaliyeed Gaar ahaan Puntland, runtiina hawlo waaweyn bay
Dawladdu ka qabatay xagga kheyraadka badda in culayska la saaro iyana wey ku jirtaa hadii
Ilaahay idmo waxaan mustaqbalka rajaynaynaa in Dawladda Puntland ay wax weyn ka qabato
xagga Dhaqaalaha Dalkeenna.
Saxaafadda:-
Qaadku waa dhiig bax ku socda Dhaqaalaha
Dalka iyo Dhaqaalaha shacbiga wax qorshe ahaan Dawladdu ay kaga jirto arrintaa iyada ah ma
jiraan?
Wasiirka:- :- Dhibta Qaadka ciddii xil ka
saaran yahay ma aha Dawladda oo keliya wa Ummadda oo dhan; Dawladdu dhineceeda ayay kaga
jirtaa wacyi gelin bay waddaa ummadda intaa wey u sheegeysaa laakiin arrinta ugu
muhiimsani waxay tahay in dadku tashado isagu oo wixii naftiisa iyo caafimaadkiisa iyo
dadnimadiisa wax u keenaya inuu isagu ka
tashado… hawshaasu dadkay u taallaa Dawladduna diyaar bay u tahay,waxayna jeceshay inay
wax badan ka qabato.
BEENTII
HABEENKII
1. <<Bosaso Waa Caasimadda
Dawlad Goboleedka Puntland>> Laanta Afka Somaliga ee Idaacadda BBC-da 14/02/2001
2. <<Waxaa Gobolka Bari ee
Puntland lagu afduubay Marwada Madaxweynaha Puntland C/Laahi Yuusuf Axmed iyo nin ka
tirsan Golaha Wakiillada Puntland oo magiciisa la yiraahdo Gaagaab>> Idaacadda
BBC-da Laanteeda Afka Ingiriiska (Focus of Africa) 08/02/2001..
RUNTII
AROORTII.
1. <<Caaimadda Dalka Puntland
waa Magaalada Garoowe, Bosaasana waa xarunta Ganacsiga>> Axdiga D.G .Puntland….
qaybtiisa 1aad… qodobkiisa 3aad… xubintiisa 1aad…
2. <<Warka beenta ah ee la
yiri waxaa la afduubay Marwada Madaxweynaha D.G.Puntland waxaannu ka maqallay BBC-da,
waxana gudbiyay Weriyeheeda Muqdisho u jooga Xasan Bariise… Marwada Madaxweynuhu Warkaas
waxay ku dhegeysatay Hotel Huruuse oo Bosaaso ah oo ay markaas degganayd>> Mudane Axmed Al-Busuri…
Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Puntland 16/02/2001 Garoowe….
3.
<<Arrintaas
waxba kama jiraan… ee waa been kooxda Carta ka danbayso… ayna ka leedahay qorshe ah
iska horkeen lagu kicinayo beelaha Puntland…
arrintani waxay ka mid tahay mashruucyada
Carta oo lagu khaldayo ra’yi-Caamka caalamka… waxaase yaab leh in BBC-du fidiso
arrintan iyadoo og inay beentahay oo weliba weiyeyaasha caanka ahaa ee BBC-du ay nala
joogeen Bosaaso waqtiga ay beentaas fidinaysay, sida Yoonis Cali Nur oo isagu toos arrinta
ugala hadlay ninka Kooxda Carta beentan u faafinayay oo ah Xasan Bariise oo ka hadla
qaybta Afka Ingiriiska ee BBC-da… waxaana ninkaas lala hadlasiiyay Marwada Madaxweynaha
Puntland Xaawo Cabdi Samatar… hase yeeshee wuxuu gaasinnimo u yeelanwaayay inuu ka noqdo
beentiisii hore… ma daama ay arintu ahayd mashruuc siyaasadeed oo ay wadatay Kooxda
Carta>>
Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf
Gaagaab oo WARSIDAHA uga jawaabayay su’aal arrintaas ku saabsanayd…. Garoaowe
14/02/2001….
JOORNAALKA
<<RIYAAQ>> OO KA SOO AFLAXAY BBC-DA
Joornaalka <<Riyaaq>> ee
toddobadii maalmood hal mar ka soo baxa Magaalada Madxda Puntland ee Garoowe…. Ayaa
dhowaan magaalada Bosaso ku soo dhammeystay tababbar ah akhlaaqda Joornaaliisimada (Ettics
of Journalism)….
Cadadkii ugu horreeyay ee
<<Riyaaq>> ee soo baxa intii uu ka soo laabtay tababbarkaas
<<akhlaaqda>> ee BBC-da oo ah cadadkii Jimcihii 16/02/2001, ayaa waxaa ka
muuqatay inuu <<Riyaaq>> si weyn uga soo aflaxay tababbarkaas BBC-da, kuna
adkaysanayo inuu noqdo arday si daacadnnimo ah u taabacsan Macallinka….
Horeba waxaa <<Riyaaq>> caado
iyo dhaqan ugu ahayd inuu arrin kasta oo Puntland ku saabsan dhinaca qallinka u rogo…..
Hayeeshee maqaalka cadadkaas ku qorani wuxuu muujinayaa inuu <<Riyaaq>> intii
uu tababbarkaas soo dhammeystay uu yahay kii oo Kabo loo tolay…. Waxaynnu wada baraannay
oo Somali oo dhammi ka dheregsan tahay in kutubta BBC-da kuwa ugu waaweyn yihiin:-
1.
Kitaabka culuumta sare ee beenta….
2. Kitaabka culuumta
dira-diraalaha….
3. Kitaabka gaadmo-ku-qaniinka…
4. Kitaabka (Khiyaamo ugu dhufo oo
ka dhaqaaq)….
Haddaba Maqaalkaas ku soo baxay cadadkaas
<<Riyaaq>> Boggiisa 6aad, waxaa nuxurkiisa ka mid ah qodobbadan:-
1. Inta Madaxweynuhu dalka ka maqanyahay wax walba isaga ayaa lala
sugaa!!!.
2. Marka Madaxweynuhu maqanyahay
Wasiirradu lama shaqeeyaan Madaxdwyene ku-xigeenka, waxayna aadaan Gobollada ilaa inta
Madaxweynuhu ka imanayo…
3. Wasiirka Maaliyadda D.G.Puntland
Siciid Cadduur wuxuu 07/02/2001 warsaxaafadeed dhaafsan xilkiisa ka soo saaray Magaalada
Bosaaso….
4. Wasiirka Maaliyaddu
war-saxaafadeedkaas uu soo saaray kama hadlin wixii isaga khuseeyay oo ah Sicir-bararka
iyo wixii la xiriira...
Runtii ma aha sidaas uu
<<Riyaaq>> u qalloocinayo ee waa sidan:-
1. Intii hadda Madaxweynuhu dalka
ka maqnaa waxaa Puntland ka dhacay arrimo aad u culculus oo la xiriira siyaasadda iyo
nabadgeliyada…. Lalama sugin Madaxweynaha ee Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xalliyay isagoo
la kaashanaya Wasiirrada iyo waxgaradka kale ee Puntland….
2. Wasiirrada Gobollada ku maqnaa,
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa u diray…..
3. Wasiirka Maaliyaddu,
War-saxaafadeedka uu Bosaaso ka soo saaray, xukuumada Puntland ayaa u igmatay, wuxuuna ku
soo saaray wada tashi xukuumadda iyo magaceeda..
4. Wasiirka Maaliyaddu
Warsaxaafadeedka wuxuu ku sheegay in Kooxda Carta ka abuurayso Puntland dhibaatooyin
siyaasadeed, kuwo bulsho iyo kuwo dhaqaale, sida sicir-bararka iyo qiimaha maciishadda oo
la gaarsiiyo heer shacbiga dhibaateeya…
Iyadoo xaqiiqadu sidaas tahay aan isu
eegno sida <<Riyaaq>> arrimaha u soo dhigay iyo kutubta culuumta BBC-da ee
Joornaalka <<Riyaaq>> ka soo rartay dhowaan Bosaaso…
SIDA AY ILA TAHAY:-
DOORASHADA PUNTLAND DIB HA LOO DHIGO
Waxaa WARSIDUHU akhristayaasha, halkan ugu
soo gudbinayaa Fax-kan isfasiraya ee ka yimid Jaaliyadda Puntland ee woqooyiga Amerika…
waana kan:-
Ku:- Guud ahaan dadweynaha Reer Puntland,
dibad iyo daakhilka… gaar ahaan:-
1. Issimada Puntland
2. Madaxda Golaha Ummadda.
3. Madaxweynaha Dawlad Goboleedka iyo
ku-xigeenkiisa… woqooyi-Bari Soomaalia…
Annagoo ku hadleynna magaca Jaaliyadaha
Puntland ee North America, waxaad naga guddoontaan salaan walaalnnimo iyo kal-gacayl huwan
oo kal iyo laaba ah… intaas ugu horreynta idinkoo eegaya arrimaha ina ku soo foolleh
waxaad ka fiirsataan inaad doorashad Madaxweyne Gobolee-dka ugu yaraan (1) Hal sano iyo
wax ku dhow dib loo dhigo…
1. Waxaa horay loo yiri guntin carraabo waxaa
fura ninkii xiray… macneheedu waa loogu kaadiyaa arrimaha dadkii horay ugu jiray inta
dhibaatooyinka taagani dhan u dhacayaan…
2. Tan labaad dalka Somalia oo dhan waxaa ka
socda waxyaalo danaha soomaalida ka soo horjeeda kuwaasoo lagu falkiyay Tuuladdii Carta ee
Jabuuti… waxaa horay loo yiri nimaan ku furiddoonin yuusan ku rarin… sidaas daraadeed
ma jiraan maanta wax idinku kalifikaraa doorasho aad danihiinna u dayacdaan…
3. Waxaan ku dhexjirnaa dalkii oo ay ka jiraan
(Sicir barar) ay sababtay Mooryaanta Xamar, maafiya Caalamiga ah, dawladaha Carabta iyo
danaystayaashii dalka horay u dumiyay… sidaas darteed yaan cadowgu dalaal inaka helin
4. Dhoofinta Xoolaha nool ee la xayiray dano
waaweyn ayaa laga leeyahay…. Kuwaasoo la isku hortaagayo midaynta Gobollada Galbeedka ee
Soomaalia.
5. Annagu bulsho ahaan idinkaanu arrin iyo talo
idinka sugaynnaa… walaalayaal waa in qof waliba danaha guud xil iska saaraa…. Oo loo
guntada halgan iyo xorayn cusub… idinkoo xusuusan (30) soddonkii sano ee aan soo
dhaafnay…
Sidaas iyo nooli kulantee… waxaan inoo
rajeynaynnaa khayr oo dhan aakhiro iyo adduunkaba…
1. Xasan Alloore Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland
ee North America…
2. Xaaji Dahir Cali
3. Axmed Shire Afbuur.
4. Cabdi Muse
5. Maxamed Saalax
6. Digriyow Xaaji Maxamed
7. Xaaji Siraji Nur Cilmi.
8. Suldan Cali Tima-yare.
9. Maxamed Nur Cabdullaahi
10. Maxamed Adan Rafle Mudug
11. Cumar Cabdi Yuusuf.
12. Xuseen Gure Xanaf
13. Cabdulwahaab Xaaji Xuseen
14. Canbaro Jaamac Nur Baydhabo.
15. Shakiib Cumar Xayd.
16. Xaali Maxamed
17. Faadumo Xaaji C/laahi
18. Caanood Maxamed
19. Sulddaan C/laahi Faarax
20. Cabdiraashiid Xaashi
21. Xaaji Maxamed Adan
22. Caddaawe Gudcur
23. Xanaf maxamed Aw-Maxamed.
24. Maxamed cali
25. Axmed Khalif Wiille.
26. C/ Salaan Qurux-u-booy
27. Xirsi Buluq.
28. Ubaxa X.Cabdi Xasan
29. Cumar Cabdi Yusuf
30. Burhan Dio-Mio.
31. Faadumo Cadille Cisman.
32. Bashiir Cali Salad
Wasaaradda Iskaashiga Caalam-iga iyo
Qorshaynta waxay dadweynaha Reer Puntland ogeysiinaysaa in Xafiiskeeda ay ka banaan yihiin
jagooyin shaqo (Agaasime Waaxeedyo) loo baahan yahay in si deg deg ah loo buuxiyo.
Qofka danaynaya jagooyinkaas in uu buuxiyo shuruudaha looga
baahan yahay waa kuwa hoos ku qoran:
-Waa inuu yahay Reer Puntland
-Waa inuusan dambi ka galin Puntland, sumcadiisuna wanaagsan
tahay.
-Aqoontiisu waa in aysan ka hooseyn heer Jaamacadeed gaar ahaan
dhaqaalaha, luqadaha ama wax u dhigma.
-Ugu yaraan (5) shan sano oo khibrad ah, waa inuu u leeyahay
dhaqaalahaama (Dibolomaasiyada) arrimaha Dibadda.
-Luuqadaha Soomaaliga iyo Englishka waa inuu si fiican u qori
yaqaan uguna hadli karaa… afaf dheerad ah qofkii yaqaan mudnaan gaar ah ayaa la
siinayaa.
-Araajida waxaa la keenayaa ama lagu soo hagaajinayaa Xafiiska
Madaxa Qaybta Shaqaalaha ee Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga io Qorshaynta.
-Qabashada araajidu waxay ku egtahay 25 Febraayo 2001.
-Goorta iyo goobta imtixaanka lagu qaadayo dib ayaa laga soo
sheegi doonaa.
-Wixii faaf-faafin dheeraad ah kala xiriir Wasaaradda
Iskaashiga Caalamiga & Qorshaynta Garoowe.
Wasiirka Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo Qorsheynta Mudane
Maxamed Xasan Nuur
FAALLEYNTA WARARKA
DIBADDA.
1) Yemen:- Iabdii Xisbi oo isku dhuftay.
13/02/2001 19
Dulqacda 1421
WAKAALADAHA
Dagaal dhimashooyin iyo dhaawacyo keenay ayaa
dhexmaray labadii xisbi ee ugu waaweynaa dalka Yemen, kuwaasoo ah xisbiga Mu’tamarka
xisbiga Madaxweynaha iyo (xisbiga Al-Islaax xisbiga guddoomiyaha barlamaanka).
Dagaalkaas waxaa sababay doorashooyinka dawladaha hoose oo labaatan sano ay ka soo
wareegtay markii ugu danbeeysay ee la qabtay…. Dagaalkaasi wuxuu sababay afar nin oo
lagu dilay masjid gudihiis …. Xisbiga Mu’tamarka wuxuu
xisbiga Islaaxa ku eedeeeyay inuu dalka burburinayo…
Walaalkaa god-ha u qodin, adigu ku dhicidoontidna
mooyiye!!!
2.
FEBUARY IYO IIDII JACAYLKA
14/02/2001
– 20 Dulaacda 1421 Wakaaladaha
Maaanta ayaa meelo badan oo ka mid ah adduunka (min
china ilaa Canada) waxaa laga xusay wax lagu magacaabo iidda jacaylka (Saint valinline
day)… culimada caalamka islaamku dhabarka ayay u jeedisay iidddaas; iyagoo sheegay
inaanay diinta Islaamka raad ku lahayn, iskastoo dalalka Carabta qaarkood dhallinyaro
dhaqammada shisheeyaha daba-oroddaa ay iiddaas xuseen….
FAALLADA
WARSIDAHA
Haddii aaanay culimada Islaamku reebin, WARSIDUHU
qalbigiisa jacayl wuu ka baarbaari lahaa…
3. CARABTA OO KA HADASHAY CARRUURTA SOOMAALIYEED
15/02/2001 21 Dulqacda 1421 Wakaaladaha
Shir lagaga hadlayo xaaladda iyo
nolosha carruurta carbeed ayaa manta lagu soo gebagebeey ay magaalada Ribaat ee dalkaa
boqortooyada Moroko … shirka oo ahaa shir-goboleed waxaa ka soo qaybgalay Jaamicadda
carabta,
Ururro carbeed oo daneeya xuquuqda iyo daryeelka carruurta iyo ururro caalami ah … shirka waxaa furay boqorka Moroko Maxamed Al-saadis … waxaa shirku ka dayriyay xaaladda guud ee carruurta Soomaaliya.
Maalintii Askarta Yuhuuddu dishay wiilkii
yaraa ee ahaa Reer Fillistiin Maxamed Al-Durrah sannadkii 2000.
Amiir Talaalow, ilmaha Soomaaliyeed,
hooyadiis iyo aabbihiisa godkooda ayaa biyo ugu galeen…
4. BBC-DA AFKA-SOMALIGA OO ISU URTAY
15/02/2001 21Dulqacda 1421 AhajiGlobal Serve net Internet...
shaqaalaha laanta Afka-Somaliga ee Idaacadda
BBC-da ayaa dacwad Maxkamadeed ku furay ninka hadda laantaas Madaxa ka ah Yuusuf Garad
Cumar….iyagoo ku dacweeyay Musuqmaasuq, Maamulqalloocin, Eex, qaraaba-kiil, Isir-sooc,
shaqo-ka-eri gardarro ah, howlkharbud iyo qunjuraaf xun oo fara badan….
Shaqaaluhu waxay dacwaddooda u wakiisheen
<<Company>> Sharciyahan ah oo magiciisu yahay Wilson & Co…Xaruntiisuna
London… dacwaddiina waa socotaa….
Faallada WARSIDAHA:-
Carabtu waxay tiraahdaa, hebli Suuqa ayay ka
soo maqashay in sariiteeda hoosteeda mukullaal (bissad) bakhti ahi ku quruntay…. Laanta
Afka-Somaliga ee BBC-du haddii ay iyadu hadda aakhirkii isu-urtay… ummadda Soomaaliyeed
hore ayay ugu urtay…. Reer Puntland-na si gaar ah ayay ugu duryeen beryahan danbe….
Yusuf Garad dhaqankii uu Muqdisho kala tegey ayuu London geeyay…. Adeer waano abuur ayaa
ka horreeysay… Xasan Bariise iyo…. Iyo…. Yuusuf Xasanow…. Idinna haye… Maxaa
idiin baxay… waagee idiin beryay!!! Buulkiinnu kor ayuu dhaqso ugu soo dumayaa!!!
5. Maraynka
oo Nacay Wasiirka Arrimaha Dibadda MASAR.
16/02/2001 – 22 Dulqacda 1421 Saxaafadda
Carabta –gaar ahaan joornaalka Al-Safiir… Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka
ayaa bixisay ishaaro ah feero-iga-garo, ishaaradaas oo ay ku muujisay inaan indheheedu ku
qabowsan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Mudane Camar Musa….
Madaxweynaha Masar wuxuu dan biday in uu
haddaba Camar ka dhigo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta isagoo isla markaas durufka
cismat Cabdulmaajid meel kale u doondoonaya.
Faallada
WARSIDAHA:-
Carabtu waxay tiraahda:- Man khadam Yukhdam
(Ciddii adeegta ayaa loo adeegaa)
DOODIHII BARLAMAANKA
BUSHASHKA.
Sida la
wada ogyahay,bushashka magaalooyinka ee lagu qayilo, midwalba inta badan. Waxaa fariisata
in is baratay oo ay isugu-baxdo. Midwalba oo iyaga ka mid ahna jawigaas laftiisa ayaa ku
noqda daroogo uu u soo hiloobo oo qaayibo. Bush waliba kooxda ku qayisha wuxuu u yahay
gole barlamaan yar oo waxwalaba ay kaga wada doodaan…..
WARSIDAHA
ayaa talaadadii dhoweyd soo dhegeystay dooddii bushkii uu so dhegey sanjiray oo inoogu soo
mirguuriyay sidaatar:-
Teegsade:-
kii ina cumar geelle ahaa weligii markan ayuu run sheegay…..
Wuxuu yiri
Somaalida anaa geeyay saxaraha saxruhu sow ma aha meel ah omos… abaar iyo gabaahiir…
Golmud:-
Kii ina Salad - Boy ahaa ayaa naftii ii keenay oo ku leh, i kaxee oo shir kasta igee
intee ayay isu jiraan Somaliya iyo saxaraha weyn ee Afrika… dawladaha xaggiisa inaga
xiga Ethiopia, Kenya iyo Uganda, midina
ma aadin !!!
Feente:-
War wixiisu waxaa weeye:- anna waa i kan!!!
Garsalaax:-
Ina salad-Boy waa gartii !!! haddii aanu haddeer cid walba isbarin, xagguu maalin dhow
u shaqo-tegayaa marka Somalidu iska erido!!!
Biindhe:-
Waryaa maafiyadii Carta iyo tii Yemeneed ayaa shebeg wada dhigtay oo yiri; Yemen ayaa
xoolaha Somalida qaadanaysa !!! tolow yaa debinka ugu dhiciddoona, dhirindhirray jees
dagan ma weydo-ee !!!.
Wasiirka
ganacsiga EE Carta isna waa garttii !!! reer Carta qofwaliba magaca uu sito waxaa uu
muddandaas hadba aad u sso yaraanaysa ku
boobo oo ku mafiyeeyo ayaa raandhiis u ah !!!. waa bahalo god ka dareeray !!! Midba wixii
uu afka la haleelo !!!.
Naftiisoor:- Gabaray !! isii
nus-shaah ah !!! Suubbisna iigu dar!!!
Tiigsade:-
Kii cowke ahaa ee BBC-da ee arbacdii dhoweyd ee 14 ka bishan intuu afkiisii aad ogayd
oo dhan intuu furtay yiri caasimadda Puntland waa Bosaso !!! Muxuu uga dan lahaa???
Biindhe:-
Muxuu uga dan lahaa ?? dee wuxuu u shqeeyaa BBC-dii tiri waxaa la afduubay marwada
Madaxweynaha Puntland
Golmud:- Joornaalka JAMHUURIYA oo
Hargeysa ka soo baxa ayaa afduubkaas BBC-du been-abuurtay isna far waaweyn ku qoray!!!
Biindhe:- Waar dadkani qashinka
calooshooda jiifa ayay soo wada matagayaan!!!
Cowke !!!
Yusuf Garad !! Bariise !! iyo... iyo ... Cuqdiinna iyo cowridiinna!!! Waa is-wada
qaawiyeen!!!
Feente:-
Oo radio-gii yaraa ee las-canodna maxaa isna waalay!!! Muxuu isna dhidirradaas
Puntland xagxaganaya muxuu ula ciyay!!! Waa yaabe!!!
Golmud:-
Waa iska dameeri-dhaan raacday!!! Wuxuu is-yiri aad weer noqotid dhidirrada ha ka
harin!!!.
Tiigsade:-
Isaga xumaato kama ahee warkuu run mooday!!! Waxaanay hubsan reerahayagaa u dhowaanjiraye!!!
Garsalaax:-
Dhamaantood waa gartood!!!
Naftiisoore:-
Shaaha ii soo kordhi !!! kirligii salkiisa wax ma ku hareen!!!???
Golmud:-
Oo waxaa la yiri, soddon qof oo ah reer Puntland ah ayaa BBC-du hadda Bosaso tababbar
ku siisaaye!!! Puntland ma qaadi kartaa intaasoo wada ah
Cowke:- Yusuuf
Garaad, Bariise iyo nuuroo miiran!!!
Biindhe:-
Waa qaadi kartaa!!! Puntlandwaa dal weyn oo leh bado,
buuro iyo bannaanno…
Feente:-
Iska daa calmiskeed iyo shilamadow ee soddon Cowke iyo bariise ka soo aflaxay,
beentooda, hala-booqad iyo qaaxoodweyne ayaa liqaya!!!
Golmud:- Alla ninka Cali Khalif ahi
xariifsanaa!!! Alla ninku caqli iyo tabo badanaa!!!
Feente:-
Caqliyaraani xaggee ayay u soo maraysaa!!!
Golmud:-
Markii uu dareemay in isaga lagu xamanayo in shirkadihiisu leeyihiin qaybta ugu badan
lacagaha cusub ee la soo daabacay ee xamar laga dejiyay, Maciishaddiina cirka ku shareeray
ayuu yiri lacagtaas xukuumadda ayaa la wareegtay!!! Wuxuu leeyahay ciddii lacagtaas,
lahayd ayaa la siinayaa lacagah a mucaawinada la ino siiyo!!! Ayuu ku yiri!!! Yaa lacagaha
keenay??? Yaa hadda loo beddelayaa!!!???
Feente:-
Ninkaasi maafiya xero dhigatay ayuu xeradoodii ugu soo galay!!!
Garsalaax:-
Cali Khaliif waa gartii hadduu lacago ka ganacsado!!! Labaatan in ka badan oo wada ah
booc-gabaar hungurigu wada gaammuray ayaa bookh iyo xargega inta u dhexeysa ku wada
sugayee!!! Waa gartii???
Saluugsane:- Waxa aad ku
xiiqdeen oo dhan ayaan macnoba lahayn!!! Micno la’aan ayaad ku wada xiiqdeen!!!
Garsalaax:- Adna
waa gartaa!!! Iyana waa gartood!!!