Warsidaha Puntland

Tirsi 80

Garoowe – Khamiis 22 Febraayo 2001


 

MADAXWEYNAHA D.G.PUNTLAND OO DALKA KU SOO LAABTAY

Axad 18/02/2001 – 24 Dulqacda 1421 PUNA-Garowe. 

Maanta saacaddu markii ay ahayd 15:00 (Duhur-dabadii) ayaa Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee dalka dibadda kaga maqnaa uu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalo-Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland, Garowe… Madaxweynaha iyo Wefdigiisa waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, Wasiirro, Saraakiil Dawladda iyo Ciidammada iyo qaybo badan oo kala duwan oo shacbiga ah… Madaxweynuhu isagoo halkaas lagu siiyay salaan iyo soo-dhoweyn diirran ayuu isaguna ummaddii soo dhoweysay halkaas ku gaarsiiyay salaan iyo mahadcelin, ka dibna wuxuu u sii gudbay xarunta Madaxtooyada ee Garowe…  

Isniin 19/02/2001- 25-Dulqacda 1421  

Saaka 9:00 subaxnimo ayaa Madaxweynuhu xarunta Ma-daxtooyada shir-kula yeeshay xubnaha xukuumadda iyo Madaxda kale ee dawladda…. Halkaas oo Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee wefdigiisu ay warbixin ku siiyeen xubnihii kale ee xukuumadda iyo dawladda iyaguna warbixin beddelkeeda ah ay kaga dhegeysteen… shirkaas oo gaaray ilaa duhur-dabadii ayaa isla habeenkaas Madaxweynuhu shir gaar ah oo socday ilaa habeen barkii wuxuu gaar ula yeeshay Golaha xukuumadda… 

Talaada 20/02/2001 – 26-Dulqacda 1421. 

Kulan bilaabmay 8:30 Subaxn-nimo socdayna ilaa 13:30 duhurnnimo ayaa maanta Madaxweynuhu xarunta Mada-xtooyada kula yeeshay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland.… Shirkaas oo ahaa isu-xogwarran iyo wada tashi… 

Madaxweynuhu markii uu shirkaas ka baxay ayuu la kulmay WARSIDAHA PUNT-LAND iyo Radio-Galkacayo… 

Madaxweynuhu saxaafaddaas uu qaabilay wuxuu uga xogwaramay safarkii isaga iyo wefdigiisa… isagoo sheegay in shirkii Ceelberde (waa Degmo ka tirsan Gobolka Bokol), wixii lagaga wada hadlay ay ugu muhimsanaayeen:-

B- Heshiisiin Guud ee dadka dega Gobollada Bay, Bakol, Shabeellada Hoose, Gedo iyo labada Jubba… 

T- Guda-heshiisiinta Beelaha wada dega Gobolka Jubada Hoose… 

J-In loo gogol-dhigo sidii Gobolladaasi u sameysan lahaayeen Maamullo u dhigma Puntland iyo Somaliland… 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in shirkaas oo socday afar maalmood, Puntland ka sokow, ay ka soo qaybgaleen Ururrada kala ah:- RRA, SNF, SPM iyo SSNM/PRM (Pio-mal Risistance Movement)…  

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in qodob walba oo ka mid ah ujeeddooyinkii shirkaas laga gaaray heerar wanaagsan, mid walbana la sii amba-qaadiddoono… 

Madaxweynuhu wuxuu guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaanna Reer Puntland wuxuu u soo gudbiyay salaan iyo duco… isagoo kula taliyay dadka Reer Puntland in ay dhowrtaan guulaha nadaam-nololeed ee ay iyagu garashadooda iyo dadaalkooda ku dhisteen….  

WARSIDUHU, cadadkiisa danbe ayuu ku soo qoriddoonaa su’aalihii saxaafadda iyo jawaabihii Madaxweynuhu ka bixiyay….. Haddii Alla idmo…. 

 

NABADGELYADA AYAA WAX WALABA KA QAALISAN 

Khamiis 15/02/2001 21 Dulqacda 1421. 

WARSIDAHA iyo Radio-Galkacayo ayaa saaka 9:00 subaxnnimo Madaxweyne-ku-xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ku waraystay xafiiskiisa Garowe oo horraantii weyddiyay arrinta nimanka Gobolka Bari laga soo xirxiray, isaguna uu shalay xabsiga Magaalada Galkacayo ka sii-daayay… 

Madaxweyne ku-xigeenku, wuxuu arrintaas kaga warramay sidatan:- Dawladi waa inay dadkeeda la tashataa… inay afgaradkooda raadisaa…. Ra’yigooda tixgelisaa una leedahay naxariis badan, isla markaasna nabadgelyadooda aad u sugtaa oo aanay debec ka oggolaannin ama in lagu cayaaro… waxaa meesha la yiraahdo Bosaso ka dhacay mudaaharaad fool xun oo nabadgelyadii khalkhal geliyay, oo keenay dhibaatooyin badan oo leh dhimasho, dhaawac, maal dhumay iyo….iyo… sidaa darteed, dawladdu waxay ku khasbanayd, ciddii nabadgelyada khalkal gelisay inay xirxirto…. Sharcigana hor-keento… 

Dawladdu waxay gashay howlo farabadan oo ay nabadda ku xasilinayso…. Si wax waliba  

sidoodii ugu soo noqdaan…. Odayaal iyo rag kale oo  

shacbiga ah ayaa talada nala waday…. Hadda waxaa loo arkay nimankaasi inaanay nabadgelyada iyo xasilloonida ku ahayd wax khatar ah… 

Odayaashii ayaa na weyddiiyay in la cafiyikaro…. Xukuumadduna way ka oggolaatay…. Sidaas ayaa lagu cafiyay oo lagu sii-daayay…. 

Su’aal:- Maxkamad lama geyn… ee sharcigee xariggooda loo cuskaday? 

Jawaab:- Madaxweyne ku- xigeenku, su’aashaasi wuxuu kaga jawaabay oo yiri:- Dawladdu habkasta oo ay wax-u-xdho ayaa ah Maxkamad…. 

Dawladda lafteeda ayaa Maxkamad ah…. Nabadgelyada ayay khatar geliyeen…. Dawladdu  markay aragto nabadgelyada oo khalkhal ku jirta wax alla waxay doonto ayay sameynkartaa…. Waayo amniga ayaa waxwalba ka qaalisan…. Si aan annarkiya u dhicin, dawladdu waxay xaq u leedahay xitaa mararka qaarkood inay sharciga dhaafto…. Oo ay nabadgelyadii soo celiso…. Marka waxa dawladdu sameyso oo nabadgelyada ku soo celisaa waa xaq…. Maxkamad bayna ka oo bexeen…. 

Su’aal:- Nabadgelyada Puntland hadda heerkee ayay maraysaa??? 

Jawaab:- Waxannu qabnaa nabadgelyada Dawlad Goboleedka Puntland 100% saannu doonaynnay ma aha…. Laakiin khatar weyn ayay ku jirtaa lama oran karo…

 

GUDDOOMIYAHA BARLAMAANKA PUNTLAND OO DHAGAX-DHIGAY 

Axad 18/02/2001-24 Dulqacda 1421 PUNA-Garoowe. 

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland, Mudane Yusuf X. Siciid…. Ayaa saaka 8:30 subaxnnimo dhagixii asaaska dhigay dhismaha fagaaraha cusub ee shirarka Golaha Wakiillada D.G.Puntland oo xaruntla Madaxtooyada D.G.Puntland ee Garoowe ka soo eegaya dhinaca waqooyi-galbeed….  

Guddoomiyaha oo dhismahaa asaaska ah u duceeyay, wuxuu kaftan dhab ah ku heesay:- Daarku daarbay…. Daalibaysaa… (Adigu Fassiro…)…. 

Guddoomiyaha Shirkadda <Diriye Construction Company>> (shirkada Diriye ee dhismaha) oo ah shirkadda iyadu dhismahaas gacanta ku haysa, Mudane Warsame C/laahi Diriye, ayaa sheegay in dhismaha fagaaruhu ku dhammaan karo muddo bil keliya ah haddii aanay iman duruuf qorsheha. Waxa ka beddeshaa!!! Waxa dhagax-dhiggaas ka soo qaybgalay xubnaha kale ee shirguddoonka Barlamaanka iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha….

 

DAWLADDA PUNTLAND LACAG KAMA GANACSATO.

 

Sabti 17/02/2001 – 23/Dulqacda 1421 Garowe. 

WARSIDAHA iyo Radio-Galkacayo ayaa Wasiirka Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta Mudane Dr. Maxamed Xasan Nur, saaka xafiiskiisa Garowe kula yeeshay waraysi isla maalintaas laga siidaayay Radio-Galkacayo…. WARSIDUHU wuxuu halkan ku soo gudbinayaa waraysigaa qaarkii….

Saxaafadda:-  Maaddaama idinku aad tihiin Wasaaraddii Qorsheynta oo shacabiga Puntland iyadu ugu maqnayd Qorshaha Dhaqaalaha, Wel-welkaa faraha Badan ee hadda Shacbigu qabo  Xukuumad ahaan Maxaad is oran kartaan shacbiga wey wel-wel tiri karaan oo aad ugu maqan tihiin? 

Wasiirka:- :-  waa run; Dawladdu dadka iyadaa mas’uul ka ah… Hawlahaan Dawladdu wey ku jirtaa weyna la socotaa, in kasta oo waddanku isu furan yahay oo haba qayb-qaybsanaadee uu aad isugu dhex jir jiro, haddana Dawladdu hawlo badan bay diyaar u tahay… waxyaabo badan bay ka qabanaysaa, si dhaqso ahna waxaan u rajaynaynaa in tallaabooyin looga qaado.

 Saxaafadda:-  Maaddaama ganacsatada Puntland ay arrinta dhinac ka yihiin oo gacan ku leeyihiin maxaad u soo jeedin lahayd ? 

Wasiirka:- :-  Ganacsatada Puntland waxaan u soo jeedin lahaa inay ka qayb qaataan waxyaabaha danta u ah Dalkooda iyo dadkooda, inaanay la socon wixii bur-burinaaya oo wax yeelaaya umaadda guud ahaan Soomaaliyeed gaar ahaanna ummadda reer Puntland, waxaan ku waaninayaa inay aad iyo aad uga taxadaraan waxyaalaha lagu marin habaabinayo ama dhaqaalaha dalka wax lagu yeelayo.  

Saxaafadda:-  Maaddaama Wasaaraddiinu Dhaqaalaha ku shaqo leedahay; ma idinka dhexeeyaa xiriir sugan oo lagu wada shaqayn karo idinka iyo Ganacsatada? 

Wasiirka:- :- Ganacsatada waxaa xiriirka ugu horreeya la leh Wasaardda Maaliyadda, waxaa ku xigta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, runtiina waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, Wasaaradda Maaliyaada fadhigeedu wuxuu yahay Boosaaso oo ah halka Ganacsatada ugu ballaaran oo Puntland ay joogto, si fiican bayna u wada xiriiraan, annaga hawlahayagu waa isku dubbaridka iskaashiga Caalamiga ah ama hay’adaha caalamiga ah iyo Dawladda isku xirkeeda iyo hay’adaha Dawliga ah… taana aad baan ugu dadaallaa, meel fiicanna wey noo maraysaa. 

Saxaafadda:- Xagga lacagaha la soo sameynayo oo dalka lgu soo kordhinayo in kasta oo hadda ishu ay saaran tahay Muqdisho oo la yiri lacago badan oo cusub baa ayaamahaan laga soo dejiyay, haddana mar-mar waxaa la sheegaa in Xukuumaddenna lafteedu inay lacago soo sameysato oo keensato, Eedda ma muqdishaa wada leh, Xukuumaddeenu eedda sow qayb yeelan mayso oo ascaar kicinta wax kuma laha ? 

Wasiirka:-  Taasu waa ka duwan tahay; waa jirtaa lacag yar oo Dawladdu Puntland soo sameyso; waa marka hore e lacagtaa looma soo sameyn in lagu ganacsado oo Doolar lagu gato, lacagtaasu waa lacag la kontroollo, haddii la keeno waxaa la dhigaa Bangiga waxayna u baxdaa qaab Mushaharka oo lagu kabo, lacag suuqa gasha oo Doolar wax ka bedeli karta marna ma aha… marnana wax kama bedelin, lacagta suuqa wax ka bedeshaa Doolarka kicisaa waa lacagta Muqdisho ka soo degta oo telefoonka marka lagu wada hadlo qiimaha isbedelo, lacagtani ma aha mid markeedii horeba ganacsi loo keenay waa lacag qaabaysan oo bangi taal oo nidaam ku soo baxda oo mushahar ku baxda. 

Saxaafadda:-  Marka la isku daro Wasaaradda Maaliyadda oo ku shaqo leh Maaliyaddii, Wasaaradda Ganacsica, Rugta Ganacsiga iyo Wasaaraddiinan Qorsheynta oo Golaha Wasiirada Puntlandna lagu daro ma fileysaan inaad heli kartaan wax shacabka aad ku wel-wel tirtaan oo aad ku rajo gelisaan xagga Ascaarta iyo xagga nolosha kacaysa? 

Wasiirka:- :- Haa xagga Dawladda; Dawladdu xil weyn bay iska saartay sidii ay wax uga qaban lahayd arrimahaa… Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga ah iyo Qorsheynta waxay xiriir la sameysay Jamciyadda Quruumaha ka dhexeysa wakiilkeeda u jooga Nayroobi, Mr. Kent… waxay ka codsatay inuu qayb weyn ka qaato maaddaama lafdhabarta dhaqaalaha Soomaaliya uu Xoolaha ku saabsan yahay in xoolihii laga qaado cuna qabatayntan ay Carabtu ku soo rogeen, marka hawl weyn buu ka qabtay haddana wuxuu yimi bishaan Febraayo 11dii Garoowe isagoo wafti ah waana is aragnay wuxuu sheegay inay jiraan wafti dhakhaatiir ah oo ka imaanay imaaraadka, ayna baari doonaan qaybna ay ka qaadan doonaan qaabkii looga qaadi lahaa xiritaanka Xoolaha Soomaaliyeed Gaar ahaan Puntland, runtiina hawlo waaweyn bay Dawladdu ka qabatay xagga kheyraadka badda in culayska la saaro iyana wey ku jirtaa hadii Ilaahay idmo waxaan mustaqbalka rajaynaynaa in Dawladda Puntland ay wax weyn ka qabato xagga Dhaqaalaha Dalkeenna. 

Saxaafadda:-  Qaadku waa dhiig bax ku socda Dhaqaalaha Dalka iyo Dhaqaalaha shacbiga wax qorshe ahaan Dawladdu ay kaga jirto arrintaa iyada ah ma jiraan? 

 Wasiirka:- :- Dhibta Qaadka ciddii xil ka saaran yahay ma aha Dawladda oo keliya wa Ummadda oo dhan; Dawladdu dhineceeda ayay kaga jirtaa wacyi gelin bay waddaa ummadda intaa wey u sheegeysaa laakiin arrinta ugu muhiimsani waxay tahay in dadku tashado isagu oo wixii naftiisa iyo caafimaadkiisa iyo dadnimadiisa wax u keenaya  inuu isagu ka tashado… hawshaasu dadkay u taallaa Dawladduna diyaar bay u tahay,waxayna jeceshay inay wax badan ka qabato.

BEENTII   HABEENKII   

1.      <<Bosaso Waa Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland>> Laanta Afka Somaliga ee Idaacadda BBC-da  14/02/2001 

2.      <<Waxaa Gobolka Bari ee Puntland lagu afduubay Marwada Madaxweynaha Puntland C/Laahi Yuusuf Axmed iyo nin ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland oo magiciisa la yiraahdo Gaagaab>> Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Ingiriiska (Focus of Africa) 08/02/2001.. 

RUNTII AROORTII. 

1.      <<Caaimadda Dalka Puntland waa Magaalada Garoowe, Bosaasana waa xarunta Ganacsiga>> Axdiga D.G .Puntland…. qaybtiisa 1aad… qodobkiisa 3aad… xubintiisa 1aad… 

2.      <<Warka beenta ah ee la yiri waxaa la afduubay Marwada Madaxweynaha D.G.Puntland waxaannu ka maqallay BBC-da, waxana gudbiyay Weriyeheeda Muqdisho u jooga Xasan Bariise… Marwada Madaxweynuhu Warkaas waxay ku dhegeysatay Hotel Huruuse oo Bosaaso ah oo ay markaas  degganayd>> Mudane Axmed Al-Busuri… Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Puntland 16/02/2001 Garoowe…. 

3.      <<Arrintaas waxba kama jiraan… ee waa been kooxda Carta ka danbayso… ayna ka leedahay qorshe ah iska horkeen lagu kicinayo beelaha Puntland…  

arrintani waxay ka mid tahay mashruucyada Carta oo lagu khaldayo ra’yi-Caamka caalamka… waxaase yaab leh in BBC-du fidiso arrintan iyadoo og inay beentahay oo weliba weiyeyaasha caanka ahaa ee BBC-du ay nala joogeen Bosaaso waqtiga ay beentaas fidinaysay, sida Yoonis Cali Nur oo isagu toos arrinta ugala hadlay ninka Kooxda Carta beentan u faafinayay oo ah Xasan Bariise oo ka hadla qaybta Afka Ingiriiska ee BBC-da… waxaana ninkaas lala hadlasiiyay Marwada Madaxweynaha Puntland Xaawo Cabdi Samatar… hase yeeshee wuxuu gaasinnimo u yeelanwaayay inuu ka noqdo beentiisii hore… ma daama ay arintu ahayd mashruuc siyaasadeed oo ay wadatay Kooxda Carta>> 

Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo WARSIDAHA uga jawaabayay su’aal arrintaas ku saabsanayd…. Garoaowe 14/02/2001….

 

JOORNAALKA <<RIYAAQ>> OO KA SOO AFLAXAY BBC-DA 

Joornaalka <<Riyaaq>> ee toddobadii maalmood hal mar ka soo baxa Magaalada Madxda Puntland ee Garoowe…. Ayaa dhowaan magaalada Bosaso ku soo dhammeystay tababbar ah akhlaaqda Joornaaliisimada (Ettics of Journalism)….

Cadadkii ugu horreeyay ee <<Riyaaq>> ee soo baxa intii uu ka soo laabtay tababbarkaas <<akhlaaqda>> ee BBC-da oo ah cadadkii Jimcihii 16/02/2001, ayaa waxaa ka muuqatay inuu <<Riyaaq>> si weyn uga soo aflaxay tababbarkaas BBC-da, kuna adkaysanayo inuu noqdo arday si daacadnnimo ah u taabacsan Macallinka….

Horeba waxaa <<Riyaaq>> caado iyo dhaqan ugu ahayd inuu arrin kasta oo Puntland ku saabsan dhinaca qallinka u rogo….. Hayeeshee maqaalka cadadkaas ku qorani wuxuu muujinayaa inuu <<Riyaaq>> intii uu tababbarkaas soo dhammeystay uu yahay kii oo Kabo loo tolay…. Waxaynnu wada baraannay oo Somali oo dhammi ka dheregsan tahay in kutubta BBC-da kuwa ugu waaweyn yihiin:- 

1.      Kitaabka culuumta sare ee beenta…. 

2.      Kitaabka culuumta dira-diraalaha….

3.      Kitaabka gaadmo-ku-qaniinka…

4.      Kitaabka (Khiyaamo ugu dhufo oo ka dhaqaaq)….

Haddaba Maqaalkaas ku soo baxay cadadkaas <<Riyaaq>> Boggiisa 6aad, waxaa nuxurkiisa ka mid ah qodobbadan:-

1.      Inta Madaxweynuhu  dalka ka maqanyahay wax walba isaga ayaa lala sugaa!!!.

2.      Marka Madaxweynuhu maqanyahay Wasiirradu lama shaqeeyaan Madaxdwyene ku-xigeenka, waxayna aadaan Gobollada ilaa inta Madaxweynuhu ka imanayo… 

3.      Wasiirka Maaliyadda D.G.Puntland Siciid Cadduur wuxuu 07/02/2001 warsaxaafadeed dhaafsan xilkiisa ka soo saaray Magaalada Bosaaso…. 

4.      Wasiirka Maaliyaddu war-saxaafadeedkaas uu soo saaray kama hadlin wixii isaga khuseeyay oo ah Sicir-bararka iyo wixii la xiriira...

Runtii ma aha sidaas uu <<Riyaaq>> u qalloocinayo ee waa sidan:-

1.      Intii hadda Madaxweynuhu dalka ka maqnaa waxaa Puntland ka dhacay arrimo aad u culculus oo la xiriira siyaasadda iyo nabadgeliyada…. Lalama sugin Madaxweynaha ee Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xalliyay isagoo la kaashanaya Wasiirrada iyo waxgaradka kale ee Puntland….

2.      Wasiirrada Gobollada ku maqnaa, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa u diray…..

3.      Wasiirka Maaliyaddu, War-saxaafadeedka uu Bosaaso ka soo saaray, xukuumada Puntland ayaa u igmatay, wuxuuna ku soo saaray wada tashi xukuumadda iyo magaceeda..

4.      Wasiirka Maaliyaddu Warsaxaafadeedka wuxuu ku sheegay in Kooxda Carta ka abuurayso Puntland dhibaatooyin siyaasadeed, kuwo bulsho iyo kuwo dhaqaale, sida sicir-bararka iyo qiimaha maciishadda oo la gaarsiiyo heer shacbiga dhibaateeya… 

Iyadoo xaqiiqadu sidaas tahay aan isu eegno sida <<Riyaaq>> arrimaha u soo dhigay iyo kutubta culuumta BBC-da ee Joornaalka <<Riyaaq>> ka soo rartay dhowaan Bosaaso…

 

SIDA AY ILA TAHAY:- DOORASHADA PUNTLAND DIB HA LOO DHIGO

 

Waxaa WARSIDUHU akhristayaasha, halkan ugu soo gudbinayaa Fax-kan isfasiraya ee ka yimid Jaaliyadda Puntland ee woqooyiga Amerika… waana kan:- 

Ku:- Guud ahaan dadweynaha Reer Puntland, dibad iyo daakhilka… gaar ahaan:-

 

1.      Issimada Puntland

2.      Madaxda Golaha Ummadda.

3.      Madaxweynaha Dawlad Goboleedka iyo ku-xigeenkiisa… woqooyi-Bari Soomaalia…

 

Annagoo ku hadleynna magaca Jaaliyadaha Puntland ee North America, waxaad naga guddoontaan salaan walaalnnimo iyo kal-gacayl huwan oo kal iyo laaba ah… intaas ugu horreynta idinkoo eegaya arrimaha ina ku soo foolleh waxaad ka fiirsataan inaad doorashad Madaxweyne Gobolee-dka ugu yaraan (1) Hal sano iyo wax ku dhow dib loo dhigo…

1.      Waxaa horay loo yiri guntin carraabo waxaa fura ninkii xiray… macneheedu waa loogu kaadiyaa arrimaha dadkii horay ugu jiray inta dhibaatooyinka taagani dhan u dhacayaan…

2.      Tan labaad dalka Somalia oo dhan waxaa ka socda waxyaalo danaha soomaalida ka soo horjeeda kuwaasoo lagu falkiyay Tuuladdii Carta ee Jabuuti… waxaa horay loo yiri nimaan ku furiddoonin yuusan ku rarin… sidaas daraadeed ma jiraan maanta wax idinku kalifikaraa doorasho aad danihiinna u dayacdaan…

3.      Waxaan ku dhexjirnaa dalkii oo ay ka jiraan (Sicir barar) ay sababtay Mooryaanta Xamar, maafiya Caalamiga ah, dawladaha Carabta iyo danaystayaashii dalka horay u dumiyay… sidaas darteed yaan cadowgu dalaal inaka helin  oo waa inaad ka gudubtaan muddadaas gaaban… 

4.      Dhoofinta Xoolaha nool ee la xayiray dano waaweyn ayaa laga leeyahay…. Kuwaasoo la isku hortaagayo midaynta Gobollada Galbeedka ee Soomaalia. 

5.      Annagu bulsho ahaan idinkaanu arrin iyo talo idinka sugaynnaa… walaalayaal waa in qof waliba danaha guud xil iska saaraa…. Oo loo guntada halgan iyo xorayn cusub… idinkoo xusuusan (30) soddonkii sano ee aan soo dhaafnay… 

Sidaas iyo nooli kulantee… waxaan inoo rajeynaynnaa khayr oo dhan aakhiro iyo adduunkaba… 

1.      Xasan Alloore Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee North America…

2.      Xaaji Dahir Cali

3.      Axmed Shire Afbuur.

4.      Cabdi Muse

5.      Maxamed Saalax

6.      Digriyow Xaaji Maxamed

7.      Xaaji Siraji Nur Cilmi.

8.      Suldan Cali Tima-yare.

9.      Maxamed Nur Cabdullaahi

10.  Maxamed Adan Rafle Mudug

11.  Cumar Cabdi Yuusuf.

12.  Xuseen Gure Xanaf

13.  Cabdulwahaab Xaaji Xuseen

14.  Canbaro Jaamac Nur Baydhabo.

15.  Shakiib Cumar Xayd.

16.  Xaali Maxamed

17.  Faadumo Xaaji C/laahi

18.  Caanood Maxamed

19.  Sulddaan C/laahi Faarax

20.  Cabdiraashiid Xaashi

21.  Xaaji Maxamed Adan

22.  Caddaawe Gudcur

23.  Xanaf maxamed Aw-Maxamed.

24.  Maxamed cali

25.  Axmed Khalif Wiille.

26.  C/ Salaan Qurux-u-booy

27.  Xirsi Buluq.

28.  Ubaxa X.Cabdi Xasan

29.  Cumar Cabdi Yusuf

30.  Burhan Dio-Mio.

31. Faadumo Cadille Cisman.

32.  Bashiir Cali Salad

 
 
OGAYSIIS 

Wasaaradda Iskaashiga Caalam-iga iyo Qorshaynta waxay dadweynaha Reer Puntland ogeysiinaysaa in Xafiiskeeda ay ka banaan yihiin jagooyin shaqo (Agaasime Waaxeedyo) loo baahan yahay in si deg deg ah loo buuxiyo. 

Qofka danaynaya jagooyinkaas in uu buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay waa kuwa hoos ku qoran:

-Waa inuu yahay Reer Puntland

-Waa inuusan dambi ka galin Puntland, sumcadiisuna wanaagsan tahay.

-Aqoontiisu waa in aysan ka hooseyn heer Jaamacadeed gaar ahaan dhaqaalaha, luqadaha ama wax u dhigma.

-Ugu yaraan (5) shan sano oo khibrad ah, waa inuu u leeyahay dhaqaalahaama (Dibolomaasiyada) arrimaha Dibadda.

-Luuqadaha Soomaaliga iyo Englishka waa inuu si fiican u qori yaqaan uguna hadli karaa… afaf dheerad ah qofkii yaqaan mudnaan gaar ah ayaa la siinayaa.

-Araajida waxaa la keenayaa ama lagu soo hagaajinayaa Xafiiska Madaxa Qaybta Shaqaalaha ee Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga io Qorshaynta.

-Qabashada araajidu waxay ku egtahay 25 Febraayo 2001.

-Goorta iyo goobta imtixaanka lagu qaadayo dib ayaa laga soo sheegi doonaa.

-Wixii faaf-faafin dheeraad ah kala xiriir Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga & Qorshaynta Garoowe.

 

Wasiirka Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo Qorsheynta  Mudane

Maxamed Xasan Nuur

 


FAALLEYNTA WARARKA DIBADDA.


1) Yemen:- Iabdii Xisbi oo isku dhuftay.

13/02/2001    19 Dulqacda 1421

 

WAKAALADAHA 

Dagaal dhimashooyin iyo dhaawacyo keenay ayaa dhexmaray labadii xisbi ee ugu waaweynaa dalka Yemen, kuwaasoo ah xisbiga Mu’tamarka xisbiga Madaxweynaha iyo (xisbiga Al-Islaax xisbiga guddoomiyaha barlamaanka). 

Dagaalkaas waxaa sababay doorashooyinka  dawladaha hoose oo labaatan sano ay ka soo wareegtay markii ugu danbeeysay ee la qabtay…. Dagaalkaasi wuxuu sababay afar nin oo lagu dilay masjid gudihiis …. Xisbiga Mu’tamarka  wuxuu xisbiga Islaaxa ku eedeeeyay inuu dalka burburinayo…

 1.      FAALLADA WARSIDAHA 

Walaalkaa god-ha u qodin, adigu ku dhicidoontidna mooyiye!!! 

2.      FEBUARY IYO IIDII JACAYLKA

14/02/2001 – 20 Dulaacda 1421 Wakaaladaha 

Maaanta ayaa meelo badan oo ka mid ah adduunka (min china ilaa Canada) waxaa laga xusay wax lagu magacaabo iidda jacaylka (Saint valinline day)… culimada caalamka islaamku dhabarka ayay u jeedisay iidddaas; iyagoo sheegay inaanay diinta Islaamka raad ku lahayn, iskastoo dalalka Carabta qaarkood dhallinyaro dhaqammada shisheeyaha daba-oroddaa ay iiddaas xuseen….

 

FAALLADA WARSIDAHA 

Haddii aaanay culimada Islaamku reebin, WARSIDUHU qalbigiisa jacayl wuu ka baarbaari lahaa… 

3.      CARABTA OO KA HADASHAY CARRUURTA SOOMAALIYEED 

15/02/2001  21 Dulqacda 1421 Wakaaladaha 

Shir lagaga hadlayo xaaladda iyo nolosha carruurta carbeed ayaa manta lagu soo gebagebeey ay magaalada Ribaat ee dalkaa boqortooyada Moroko … shirka oo ahaa shir-goboleed waxaa ka soo qaybgalay Jaamicadda carabta, 

Ururro carbeed oo daneeya xuquuqda iyo daryeelka carruurta iyo ururro caalami ah … shirka waxaa furay boqorka Moroko Maxamed Al-saadis … waxaa shirku ka dayriyay xaaladda guud ee carruurta Soomaaliya.

 Guddi uu madax u yahay Amiir Talaal Binu-Cabdulcasis, Aala sucuud ayaa la faray ayay si gaar ah diraasado uga soo diyaariso xaaladaha carruurta dalalka Somaliya, falastiin, Yemen iyo Mooritaaniya…

 Mowduuca shirku wuxuu ahaa carruuurta carbeed 10kii sano ee tegey… waxa la go’aamiyay in shirka carruurta carbeed la qabto sannad walba bilowga bisha Oktobar oo ku beegan. 

Maalintii Askarta Yuhuuddu dishay wiilkii yaraa ee ahaa Reer Fillistiin Maxamed Al-Durrah sannadkii 2000.

 Faallada WARSIDAHA:- 

Amiir Talaalow, ilmaha Soomaaliyeed, hooyadiis iyo aabbihiisa godkooda ayaa biyo ugu galeen… 

4. BBC-DA AFKA-SOMALIGA OO ISU URTAY 

15/02/2001  21Dulqacda 1421 AhajiGlobal Serve net Internet... 

shaqaalaha laanta Afka-Somaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa dacwad Maxkamadeed ku furay ninka hadda laantaas Madaxa ka ah Yuusuf Garad Cumar….iyagoo ku dacweeyay Musuqmaasuq, Maamulqalloocin, Eex, qaraaba-kiil, Isir-sooc, shaqo-ka-eri gardarro ah, howlkharbud iyo qunjuraaf xun oo fara badan….  

Shaqaaluhu waxay dacwaddooda u wakiisheen <<Company>> Sharciyahan ah oo magiciisu yahay Wilson & Co…Xaruntiisuna London… dacwaddiina waa socotaa…. 

Faallada WARSIDAHA:- 

Carabtu waxay tiraahdaa, hebli Suuqa ayay ka soo maqashay in sariiteeda hoosteeda mukullaal (bissad) bakhti ahi ku quruntay…. Laanta Afka-Somaliga ee BBC-du haddii ay iyadu hadda aakhirkii isu-urtay… ummadda Soomaaliyeed hore ayay ugu urtay…. Reer Puntland-na si gaar ah ayay ugu duryeen beryahan danbe…. Yusuf Garad dhaqankii uu Muqdisho kala tegey ayuu London geeyay…. Adeer waano abuur ayaa ka horreeysay… Xasan Bariise iyo…. Iyo…. Yuusuf Xasanow…. Idinna haye… Maxaa idiin baxay… waagee idiin beryay!!! Buulkiinnu kor ayuu dhaqso ugu soo dumayaa!!! 

5. Maraynka oo Nacay Wasiirka Arrimaha Dibadda MASAR. 

16/02/2001 – 22 Dulqacda 1421 Saxaafadda Carabta –gaar ahaan joornaalka Al-Safiir… Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa bixisay ishaaro ah feero-iga-garo, ishaaradaas oo ay ku muujisay inaan indheheedu ku qabowsan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Mudane Camar Musa…. 

Madaxweynaha Masar wuxuu dan biday in uu haddaba Camar ka dhigo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta isagoo isla markaas durufka cismat Cabdulmaajid meel kale u doondoonaya. 

Faallada WARSIDAHA:- 

Carabtu waxay tiraahda:- Man khadam Yukhdam (Ciddii adeegta ayaa loo adeegaa)


DOODIHII BARLAMAANKA BUSHASHKA.

Sida la wada ogyahay,bushashka magaalooyinka ee lagu qayilo, midwalba inta badan. Waxaa fariisata in is baratay oo ay isugu-baxdo. Midwalba oo iyaga ka mid ahna jawigaas laftiisa ayaa ku noqda daroogo uu u soo hiloobo oo qaayibo. Bush waliba kooxda ku qayisha wuxuu u yahay gole barlamaan yar oo waxwalaba ay kaga wada doodaan….. 

WARSIDAHA ayaa talaadadii dhoweyd soo dhegeystay dooddii bushkii uu so dhegey sanjiray oo inoogu soo mirguuriyay sidaatar:- 

Teegsade:- kii ina cumar geelle ahaa weligii markan ayuu run sheegay…..

Wuxuu yiri Somaalida anaa geeyay saxaraha saxruhu sow ma aha meel ah omos… abaar iyo gabaahiir… 

Golmud:- Kii ina Salad - Boy ahaa ayaa naftii ii keenay oo ku leh, i kaxee oo shir kasta igee intee ayay isu jiraan Somaliya iyo saxaraha weyn ee Afrika… dawladaha xaggiisa inaga xiga   Ethiopia, Kenya iyo Uganda, midina ma aadin !!! 

Feente:- War wixiisu waxaa weeye:- anna waa i kan!!! 

Garsalaax:- Ina salad-Boy waa gartii !!! haddii aanu haddeer cid walba isbarin, xagguu maalin dhow u shaqo-tegayaa marka Somalidu iska erido!!! 

Biindhe:- Waryaa maafiyadii Carta iyo tii Yemeneed ayaa shebeg wada dhigtay oo yiri; Yemen ayaa xoolaha Somalida qaadanaysa !!! tolow yaa debinka ugu dhiciddoona, dhirindhirray jees dagan ma weydo-ee !!!.

 Garsalaax:- Yemen waa garteed, hadday dabin dhigato !!! waayo waa sabool fara badan …. Oo sabool fara badani waayihiisuu qabaa !!!

Wasiirka ganacsiga EE Carta isna waa garttii !!! reer Carta qofwaliba magaca uu sito waxaa uu muddandaas  hadba aad u sso yaraanaysa ku boobo oo ku mafiyeeyo ayaa raandhiis u ah !!!. waa bahalo god ka dareeray !!! Midba wixii uu afka la haleelo !!!.

Naftiisoor:- Gabaray !! isii nus-shaah ah !!! Suubbisna iigu dar!!! 

Tiigsade:- Kii cowke ahaa ee BBC-da ee arbacdii dhoweyd ee 14 ka bishan intuu afkiisii aad ogayd oo dhan intuu furtay yiri caasimadda Puntland waa Bosaso !!! Muxuu uga dan lahaa??? 

Biindhe:- Muxuu uga dan lahaa ?? dee wuxuu u shqeeyaa BBC-dii tiri waxaa la afduubay marwada Madaxweynaha Puntland 

Golmud:- Joornaalka JAMHUURIYA oo Hargeysa ka soo baxa ayaa afduubkaas BBC-du been-abuurtay isna far waaweyn ku qoray!!! 

Biindhe:- Waar dadkani qashinka calooshooda jiifa ayay soo wada matagayaan!!!  

Cowke !!! Yusuf Garad !! Bariise !! iyo... iyo ... Cuqdiinna iyo cowridiinna!!! Waa is-wada qaawiyeen!!! 

Feente:- Oo radio-gii yaraa ee las-canodna maxaa isna waalay!!! Muxuu isna dhidirradaas Puntland xagxaganaya muxuu ula ciyay!!! Waa yaabe!!! 

Golmud:- Waa iska dameeri-dhaan raacday!!! Wuxuu is-yiri aad weer noqotid dhidirrada ha ka harin!!!. 

Tiigsade:- Isaga xumaato kama ahee warkuu run mooday!!! Waxaanay hubsan reerahayagaa u  dhowaanjiraye!!! 

Garsalaax:- Dhamaantood waa gartood!!!  

Naftiisoore:- Shaaha ii soo kordhi !!! kirligii salkiisa wax ma ku hareen!!!??? 

Golmud:- Oo waxaa la yiri, soddon qof oo ah reer Puntland ah ayaa BBC-du hadda Bosaso tababbar ku siisaaye!!! Puntland ma qaadi kartaa intaasoo wada ah  

Cowke:- Yusuuf Garaad, Bariise iyo nuuroo miiran!!!

Biindhe:- Waa qaadi kartaa!!! Puntlandwaa dal weyn oo leh bado,  buuro iyo bannaanno… 

Feente:- Iska daa calmiskeed iyo shilamadow ee soddon Cowke iyo bariise ka soo aflaxay, beentooda, hala-booqad iyo qaaxoodweyne ayaa liqaya!!! 

Biindhe:- Oo reer Puntland maxay BBC-da cadowga u ah tababbar uga qaadanayaan???

 Garsalaax:- Waa gartood!!! 

Golmud:- Alla ninka Cali Khalif ahi xariifsanaa!!! Alla ninku caqli iyo tabo badanaa!!!  

Feente:- Caqliyaraani xaggee ayay u soo maraysaa!!! 

Golmud:- Markii uu dareemay in isaga lagu xamanayo in shirkadihiisu leeyihiin qaybta ugu badan lacagaha cusub ee la soo daabacay ee xamar laga dejiyay, Maciishaddiina cirka ku shareeray ayuu yiri lacagtaas xukuumadda ayaa la wareegtay!!! Wuxuu leeyahay ciddii lacagtaas, lahayd ayaa la siinayaa lacagah a mucaawinada la ino siiyo!!! Ayuu ku yiri!!! Yaa lacagaha keenay??? Yaa hadda loo beddelayaa!!!???

 Biindhe:- Adeer inkasta oo tabya qaan ah jirro soo mataxan ayaa beenisay!!! Miyuu u dhuumanayaa, sowkuwan maalinwalba suryada u gelaya!!! 

Feente:- Ninkaasi maafiya xero dhigatay ayuu xeradoodii ugu soo galay!!! 

Garsalaax:- Cali Khaliif waa gartii hadduu lacago ka ganacsado!!! Labaatan in ka badan oo wada ah booc-gabaar hungurigu wada gaammuray ayaa bookh iyo xargega inta u dhexeysa ku wada sugayee!!! Waa gartii???

 Naftiisoor:- Shaahi sii !!! kii hore wuu yaraa!!!  

Saluugsane:- Waxa aad ku xiiqdeen oo dhan ayaan macnoba lahayn!!! Micno la’aan ayaad ku wada xiiqdeen!!!  

Garsalaax:- Adna waa gartaa!!! Iyana waa gartood!!!