- Title: [SW News](Prof. Yaxye Sh. Caamir) Xamar, Xamar Daye iyo
Falastiin...
- Posted by/on:[AMJ][Monday, February 26, 2001]
Xamar,
Xamar daye iyo Falastiin. Dhabta Xaalada Juuj Vs Wamaa Juuj.
Midnimo
Information Center
MIC-18-02-2001,
Dhibaatada ka dhalatay colaada qaraxa iyo barakicinta waa mid
saameysay Gobolada badan oo soomaaliya ah, taa oo ka bilaabatay
Gobolada waqooyi, kadibna ku soo fiday gobolada koonfur.
Hadaba
dadkii EX. Banaadir maxey uga duwan yihiin ? waxey ugu duwan yihiin,
dagaaladii gobolo badan wey ka istaageen dadkii qaxayna dib ayey ugu
soo noqdeen deganadoodii, kuwa kalena waxa ay su gayeen in ay dib ugu
soo noqdaan, deeganadoodii kuwa kalena waaxay sugayaan in ay dib ugu
soo noqdaan, laakiin daadkii reer Banaadirka qaxootiga waxa uu u
socday muddo 25- sano ka hor ah, welina waa socodaa, waxeyna u
muuqadaan sidii Falastiintii mustaqbalka ee soomaalida oo
deegaankoodii uu ka dhexel wareegay, iyagoo lagu barakiciyey dagaal
iyo doolar, lacag iyo laaluush, xil been ah, xod xoodasho, fikrad iyo
xaajo oo intaba looga xoreysatay Xamar iyo Xamar daye.
Looguma sinin in laga xaalufiyo xarumahoodii oo kaliya waxaa loogu
daray in la sharaf dilo, oo dhaqankooda iyo dhawaaqoodaba laga dhigto
wax lagu qoslo loona bixiyo magac cusub oo la yiraa (OTHERS ) maxaa
loogaa jeedaaa others, waa eray af ingriis ah, oo la micno ah (iyo
kuwa kale, , etc, Waqeyra Daalika) erayga waxaa luuqad ahaan loo
isticmaalaa marka aad sheegtid magacyo ama ereyo muhiim ah in gadaal
lagu raaciyo si loo muujiyo in ay jiraan kuwa kale oo aan muhiim aheyn,
sida adoo yiraa : Hawiye, Darood, Dir, Digiol, Mirifle, iyo OTHERS,
ama adoo yiraa : Magaalooyinka waa weyn ee Soomliya waa Muqdishu,
Hargeysa, Kismaayo iyo kuwa kale, adigoo ugu jeeda in kuwa kale ayna
muhiim aheyn.
Magaca
Others oo dulmid ku dhisan, waxaa ka sii yaab badan, in Soomaalidii ka
qayb gashay carta inay Soomaali run ahayn waxay isku raaceen oo ay
magac ay ugu yeeraan qabaa il kale Soomliyeed weliba iyagoo leh
walaalayaal naga daaya hadana lagu sharciyeeyey.
Magaca
lama bedeli weynin ee maxaa ku jira meesha? Taa waxaa ka sii yaab
badan in ereygaa quureed rag reer Banaadir ihi ay gobolka ku galeen oo
ay soor iyo saaba ku qabteen.
Haddaba,
maxaa others loo yiri ileyn dadkii ingiriis ma ahane, mise qaar cad
cad ayaa ku jira oo Soomalida miyiga ka timid ay u maleeyeen in ay
ingiriis yihii?? Waxaa la yiri: Ninkii Geeda tiriyey ee Mukay ka tegey,
geeda ma yaqaan, ninkii qabaa ilka Soomalida tiriyey ee kuwii ugu
badnaa ee asalka ahaa ku yiri Others-na Soomaali ma yaqaan, ninkii
qaaba'iilka Soomalida tiriyey ee juwii ugu badnaa ee asalka ahaa ku
yiri Others-na Sooamaali ma yaqaan.
Asal
waxaan uga jeednaa haddii aad taariikhdaa aqriso daadkii ugu horreeyey
ee dalka loogu yimid waa iyaga oo asal u ah Soomaalininmada aan ku
faano, tan kale Islaanimada aan kuu faanno kuwii ugu horeeyey ee
xeebeheenna soo gaarsiiyey (looguna yimid) waa iyaga xadaaradda iyo
il-baxnimada aan ku faanno kuwii ugu horreeyey ee dhismo dhagax ah ka
dhiso dalkeenna waa iyaga kuwii ugu horreeyey ee dharka aan hugano noo
sameeyey waa iyaga , qalabka aan beeraha ku falanno, xoolaha aan ku
qalano, isku difaacno iyaga noo sameeyey , inti waxna tartay waa iyaga.
Dulmi
dartii mar hore waxaan gaar u bixinay nasab dhiman, haddaana jareer
weyn iyo reer Xamar ayaa ku darnay qaringii 21-aad oo an Others u
buxinay markii deegaankoodii laga barakiciyey iyaga iyo deriskoodi oo
mustaqbal wada noqon doona (superothers) ama falastiin beri oo ah
Xamar iyo Xamar Daye shalay.
Dulmigu
wuxuu dib ugu soo noqon doonaa kuwii erayga bixiyey iyo kuwii
oggoolaaday. Guntii iyo gabagadiii reer Soomali land waxay ka taliyaan
deegaankooda, reer puntland waxay ka taliyaan deegaankooda reer Rahan
wayne (Digi iyo Mirifle ) iyaguna deegankooda ayey maamushaan maxaa u
diiiday reer Xamar iyo Xamar Daye inay ayaguna is maamulan oo ay iska
leexiyan dadka kale oo dulmiga wado una diidan Xamar xasilloni, oo
haddan lacago been aburr u sameeystay, lacagataasina ay rabaan inay ku
xaalufiyaan kulana wareegaan deeganka xamar.
Prof. Yaxye Shiikh Caamir
Muqdisho Times, 17/2/2001
[
News] |