- Title: [SW Country] WP81
- Posted by/on:[AAJ][2 Mar 2001]
SHARCIGA HA NALOO
KU GARSOORO ANNAGA IYO JOORNNAALADA WAXAA QORAY (Madaxweynaha D.G.Puntand) Bogga 2aad
AD LAGA SAARAY
SHAQADA D.G.PUNTLAND Bogga
2aad
PUNTLAND KA
QAYBGELIMAYSO SUUQA XOOLAHA EE YUHUUDDA EE LA SHEEGAY (Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
D.G.Puntland) Bogga 3aad
SHIRKII URURRADA
SOOMAALIYEED OO WAQTIGIISII DIB LOO DHIGAY Bogga
3aad
v DANTU WAA
BOOLIS HAGAAGSAN OO DHAQSO LOO DHISO (Taliye Xigeenka
Boliiska D.G.Puntland) Bogga 4aad
v PUNTLAND
OO LAGU DHALIILAY HEERKA FIDINTA TALLAALKA
Bogga 6aad
v MAHAD CELIN AYAA KA TIMI BEELAHA
HABAR YOONIS Bogga 5aad
v FAALLAYNTA
WARARKA DIBEDDA Bogga
7aad
v WAXAY
YIRAAHDEEN Bogga 5aad
v KAMARRADDA
WARSIDAHA OO QABATAY Bogga
8aad
v FAX-YADII
LA KALA DIRAY Bogga 6aad
v DOODIHII
BARLAMAANKA BUSHASHKA Bogga 8aad
SHARCIGA HA NALOOKU
GARSOORO ANNAGA IYO JOORNNAALADA WAXAA QORAY!!!
Maalintii
talaadada ee taariikhdu ahayd 20/02/2001- 26 Dulqacda 1421 ayaa WARSIDAHA iyo Radio
Galkacayo waxay waraysteen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed.... Waxaannu halkan akhristeyaasha ugu soo
gudbinaynnaa qaybka mid ah waraysigaas....
SAXAAFADDA:- Mudane
Madaxweyne, Joornaalada ka soo baxa Magaalada Bosaso qaarkood ayaa waxay qoreen inaad
lacag farabadan oo ah Dollarka Maraykanka aad u sii qaadday shirkii Ceelberde.... Maxaa
arrintaas ka jira???
Madaxweynaha:- Joornaalada
Bosaso ka soo baxa qaarkood, ciddii rumaysataa way marin-habaabaysaa, ayay aniga ila
tahay, waayo, joornaalada Bosaso ka soo baxa qaarkood wax run ahba ma qoraan.... Ilaahay
ninkii ka yaabayaana waa ogyahay haddii aanu isyeelyeelayn!!! Lacag aan qaaday oo geeyay
Ceel-Berde ama meel kale ma jirto....
Horta lacagta yaa haya???
Anigu lacagta xaggaan ka soo fagayaa??!!! oo
xaggaan ka keenayaa???!!! Anigu lacagta miyaan daabacaa???!!! Baanan miyaan leeyahay;
lacagi ii taaloo saandoono aan ka yeelo???!!! Ma waxaan ahay tuug dhaca ummaddii xilka u
dhiibatay???!!! oo sharcigiii iyo nadaamkii ku xadgudbaya???!!! oo Banii-Aadamnnimadii ka
baxay???!!! Waxaasi wax jira ma aha!!! Wixii
sheegayna xilkas ma aha!!! Wixii ka rumaystaana way ka sii liitaan!!! ii sheega... lacagta immisa ayay ku
sheegeen???!!! Intee la yiri wuu sii qaaday???!!! .
SAXAAFADDA:- $ 150,000/=
(Boqol iyo konto kun oo ah Dollarka Maraykanka).
Madaxweynaha:- Adeer horta
intaasi Bangiga Puntland ma taal???!!! Lacag been ah ma daabacdo!!! Xataa haddii ay taal
oo la helikaro anigu awood uma lihi!!! Mana yeelikaro!!! Wax aan Golaha Wasiirro soo marin
oo aan nadaamka marin oo ban bixiyaa ma jiro!!! Shirarka aan anigu u socday ma ahayn kuwo
aniga kharash la iiga baahnaa!!! Puntland haddii ay lacag haysato, lacagtii way u taal!!!
Dadkii waxaa qoray, iyaga ayaa looga baahanyahay, haddii ay hayaan wax xaqiiqo ah oo waxaa
caddeynaya inay soo caddeeyaan oo dadweynaha xaqiiqada ay hayaan u soo bandhigaan oo
keenaan.... oo markaas annaga nalala xisaabtamo oo nala xirxiro!!! Intii Maxkamad
nalageeyo!!! Annagu haddii aanu nahay dembiileyaal dadka wixiisa boobay Maxkamad hanala
geeyo oo ha nala xirxiro!!! Haddiise waxaasi ay beenyihiin...de dadka beenta sheegaya ha
la qabqabto oo ha la xirxiro!!! oo sharciga ha la mariyo... kulley anigu
<<Person>> ahaan wax xumaato ah oo aan
u qabaa ma jirto... laakiin wax nuxurkoodu dalkooda iyo dadkooda
waxyeello u geeysanayo oo aan haddana jirin ee borobugaan iyo been ah... oo qof caqli leh
oo waxgarad ihi aanu qaadan-karin inay qoraanba ma aha!!! Inay faafiyaanna ma aha!!!
Ciddii akhrisataana inay ka rumaysato, waxaan u arkaa inay wax xumayso mooyee iaanay wax
tarayn!!!.
DAD LAGA
SAARAY SHAQADA D.G.PUNTLAND
WARSIDUHU wuxuu halkan ku soo gudbinayaa DEKREETO Madaxweyne oo
dad shaqada lagaga saaray waana tan:-
UJEEDDO:- Ruqsayn
Shaqaale.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
· Markuu arkay Xeerka Shaqaalaha
Dawladda Puntland.
· Markuu u kuurgalay waxqabad laaantii
Agaasimadii Iskaashiga Caalamiga ah iyo Qorshaynta labadii sano ee tegey.
· Markuu garawsaday baahida loo qabo in
Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta loo helo aqoon yahanno hanan kara xilka ay
umadda u hayso.
· Isagoo tixraacay goaankii maamul
toosinta ee ka soo baxay golaha xukuumadda. 14/01/2001
Wuxuuu
goaamiyey:-
In shaqada dawladda laga cayriyo dadka magacyadoodu hoos ku qoran
yihiin, oo ka tirsanaan jirey Agaasinnadii iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta, haddana ku
sugan WICQ. Waxayna kala yihiin:-
1.Gaanni Barre Muuse
2.Warsame Maxamed Cali
3.Muuse Xaaji Siciid (Abees)
4.Xariir Gaas Guutaale.
5.Maxamed Shiikh Xuseen
6.C/casiis Maxamed Diiriye.
7.C/qaadir Faarax Bootaan.
8.C/risaaq Ciise Xuseen
9.Maxamuud Maxamed Ciise
10. Maxamed Askar
11. Racwi Cabdikariin Ciise.
Cabdullaahi Yuusuf Axmed
Madaxweynaha Dawladda Puntland
PUNTLAND KA
QAYB-GELIMAYSO SUUQA ISRAAIIL EE LA SHEEGAY
WARSIDAHA ayaa toddobaadkii hore Wasiirka Ganacsiga
iyo Weshadaha ee Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cabdi Xaabsade ku waraystay
Xafiiskiisa... Wasiirku isagoo ka jawaabaya suaalo WARSIDUHU weyddiiyay waxaa
hadkiisii ka mid ahaa:-
Ascaarta kacday, sida la wada ogyahay waxaa sabab u
ah dhoofkii Xoolaha oo joogsaday, markaasna la waayay lacagtii adkayd ee ka soo
xeroonjirtay... waxna lagu soo gadanjiray... waxaa kale oo sabab u ah lacagta xadidhaafka
ah ee la soo daabacay, lagana soo
rogay Mugdisho.... wax howl yar ma aha in dhaqso loo helo suuqyo inoo beddela kuwii
dalalka Carbeed ee aynnu deriska nahay... waaannuse ku jirnaa baadigoob suuqyo kale...
Lacagta Muqdisho ka soo degtaa inaga kor ayay inaga
martaa, ka dibna waxay ina kaga soo noqotaa Gobolka tog-dheer... lacagtaas waxaynnu
iskaga caabbiyikarnaa innagoo diidna inay inaga soo gasho dhinaca Galkacayo...
Shishadeeda io midda inaga soo gelaysa dhinaca Togdheer... Puntland la macaammilimayso
Suuqa Yuhuudu hadduu u furmo Xoolaha Soomaaliyda...
Puntland ma goaansan inay Israaiil la yeelato xiriir ka duwan jidka Dawladaha
Islaamka ah....
Ganacsatada Puntland wax
walba waa inay ka hormariyaan waddaniyadda iyo danta Puntland...
SHIRKII URURRADA
SOOMAALIYEED OO DIB LOO DHIGAY
Talaadada 27/02/2001
3 Dul-xijja 1421, WARSIDAHA-Garowe.
Guddiga qabanqaabada
Shirka Ururrada Soomaaliyeed, ayaa saaka 11:30 saac war-saxaafadeed ku qabtay fagaaraha
shirarka ee Gobolka Nugaal...
Guddoomiyaha Guddigaas oo
ah Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta Mudane Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa magaca
Guddiga ku warramay oo sheegay in dib loo riixay waqtiga qabashad shirka ururrada
Soomaaliyeed oo ku qorshaysnnaa in lagu qabto Magaalo-Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland
ee Garowe taariikhda 25/02/2001 Awal Dul-xijja 1421.
Guddoomiyuhu sababta
dib-u-dhigga wuxuu ku sheegay ururrada qaarkood oo dhexdooda wada hadal aan weli dhammaani
uga socdo...
Guddoomiyuhu wuxuu
sheegay waqtiga shirkaas loo cayyimo in dib laga soo sheegi-ddoono...
Guddoomiyuhu mar la
weyddiiyay in ururrada lagu talo-galay ay wada oggolaadeen inay shirka
ka soo qaybgalaan... wuxuu ku jawaabay inay wada oggolyihiin...
WEFDI CULUS OO
MIDOWGA YURUB OO MAANTA IMANAYA GAROWE
Wefdi ka kooban
saddegeesood Urur Midowga Yurub leeyahay oo ah Guddoomiyaha Ururka ee Xilligan,
Guddoomiyaha kala wareegiddoona marka xilligu dhammaado iyo Xafiiska Xoghaynta Joogtada ah
ee Ururka, ayaa la filayaa inuu maanta 28/02/2001 ka soo dego Garoonka Dayuuradaha ee
Magaalo-Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland Garowe....
Wefdigu wuxuu u socdaa,
sida la sheegay, in la isla meel-dhigo Iskaashiga Midowga Yurub iyo Dawlad Goboleedka
Puntland.
SIXITAAN
Cadadkii
WARSIDAHA ee 79 soona baxay 16/02/2001, boggiisa 8aad, waxaa ku soo baxay
magacaabid khalddan oo ah in WARSIDUHU Guddoomiyaha Degmada Burtinle
ku sheegay Maxamed Saalax Dhaashane.... Haddaba Guddomiyaha Degmada Burtinle waa Maxamed
Jaamac Salal....Akhristayaashu raalli ha
ka ahaadeen khaladkaas WARSIDUHU
galay...
WAXAY YIRAADEEN
1.
<<Qofkii Madaxnnimo rabaa, ha ku raadsado hab sharciga waafaqsan oo
rabitaankiisa ha u bandhigo shacbiga.... shacbiga ayaa markaas ama u oggolaanaya ama u
diidaya... isaguna waa inuu goaanka shacbiga u hogaansamaa...oo raalli ku
noqdaa>>.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane
C/laahi Yuusuf Axmed... 20/02/2001... 26 Dulqacda 1421.... Garoowe...
2.
Ummad laguma xukumi karo anaa iri... ee waa inaad rayiga
dadka ee kala duwan dhegeysataa oo tixgelisaa...Nabadgelyada laguma dammaanad qaadi karo
shacbiga oo askar fara badan lagu cabburiyo ee waxaa lagu dammaanad qaadikaraa, danihiisa
oo la ogaado waxna laga qabto...>>
Maxamed Khaatumi, Madaxweynaha Dawladda Iran,
munaasabaddii xuska towradda ee sannad kan 2001...
3.
<<Axdigan Cusub waxaan ka faaiidayaa
garsoor Madax bannaan... sidaa darteed ayaan ugu cod-bixiyay HAAH>> Muwaadin Reer
Baxrayn... Munaasabaddii u codbixinta Axdiga cusub ee dalka Baxrayn sannadkan 2001...
4.
<<Kooxda Carta.... sidii la filayay waxay durba
colaad iyo fidmo ka oogtay qaybaha dalka Somaliya....>>
wasiirka Maaliyadda D.G.Puntland Mudane Siciid M.M
<<Cadduur>>.. 07/02/2001 Bosaaso.
5.
BBC-du Warbeen ah ayay sheegtay>>
Maxamed Ibraahim Yaaasiin (Colaad) Guddoomiyaha
Shirkadda Dayuuradaha ee DAALLO... 24/02/2001.
6.
<<Annagaa Dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya geynnay Shirkii Saxaaraha annagaana shirka ku jujuubnnay in loo oggolaado>> Ismaaciil Cumar
Geelle Khartuum 13/02/2001...
7. <<Waxaa
nala soo xidhiidhay Safiirka Djibouti u fadhiaya UN-ta Col haye, oo nagula taliyay inaannu
nimaadno Maraykanka oo la hadallo Golaha Ammaanka>>
Cali Khaliif Galayr.
Prime-Minister-ka Kooxda
Carta... Washington 08/02/2001
8.
<<Waxaannu doonaynnaa
nabadgelyo.... Siyaasadduna ma aha nabadgelyada oo la xumeeyo>> Sulddaan Siciid
Maxamed Garaase.... Garowe 13/02/2001
9. <<Xukuumadda Janaraal Cumar Al-Bashiir ma aha Xukuumad sharci ah... Laakiin
waxaannu tixgelinaynnaa duruufta jirta ee Sudan>> Saadiq Al-Mahdi
Guddoomiyaha Xisbiga Al-Uma ee Sudan... Khartuum... 13/02/2001
10. <<Arrimaha
Bariga Dhexe waxay la bexeen Xakamaha... mana muuqato cid xakamaha dib-ugu-celinkartaa>>
journaalka Indipendent ee
London 15/02/2001...
11. <<Barlamaanka
Jabuuti hal qof oo haween ahi kuma jirto...>>weriye gabar ah oo ka shqaysa Radio-ga
T.V-ga Jabuuti 14/02/2001....
DABAYLAHA IYO BEELAHA
1.
Habaryoonis waxay u mahadclinaysaa Maamulka
Dawlad Goboleedka Puntland iyo Issimadda Harti.
Beelaha habaryoonis ayaa qoraal mahadcelin ah u soo
diray maamulka Dawlad Goboleedka Puntland iyo Isimmada Beelaha Harti, wuxuuna u qornaa
sidatan:-
Ku: Isimada
Beelaha Harti Garoowe
Ku: Maamul
G. Puntland Garoowe
Ujeeddo:- Mahadcelin.
Waxaanu
idiinka mahadcelinaynaa sida qadarinta iyo maamuuska leh ee aad u aqbasheen una fuliseen
codsigii aanu idiin soo gudbinay ee ku saabsanaa in aad reer ahaan gacanta noogu soo
gelisaan saddexda nin ee beelahayaga ka tirsan oo denbi dhiig loo haysto.
Waxaanan
iloowikareyn sida xushmada leh ee aad isugu keenteen goobjoogna ka ahaydeen heshiisyada
saddex geesoodka ah ay wada galeen ergadii dhexdhexaadka aanu idiin soo dirnay iyo labadii
daraf ee wax kala tirsnayay, waxa xusuus mudan sida wadajirka ee ay xilka si gaar ah
hawlahayaga u fudideyeen Isimada, Madaxweyne Xigeena, Taliska Booliiska, qaybaha iyo
saldhigyada Booliiska ee Galkacayo iyo Garoowe iyo Bulshada Puntland oo dhan.
Waxaanu
kaloo mahad u celineynaa cutubkii ciidan ee ragayagii oo wada socda ka soo gubiyay
Puntland.
Waxaanu balan qaadeynaa haddii Eebe aqbalo wixii
Issimada beelaha Harti naga codsadaan ee awoodayada ah in aan u fulin doono, iyadoo aanay
manta inoo bilaabmeyn ee aynu xeer iyo dhaqan hore u lahayn.
Waxaanu
idinla socodsiineynaa in hawshii sidii aanu ugu talo galnay noogu socoto natiijadeedana
aad ogaandontaan.
Guddomiyaha Beelaha
Habaryoonis
Suldaanka Beelaha habaryoonis Suldaan Maxamed Suldan Xirsi
(Qani)
FAALLEYNTA WARARKA
DIBADDA.
1. KUWII
KUFSIGA KA DHIGTAY HUB-DAGAAL AYAA ADDUUNKU U SOO JEESTAY.
Khamiis 22/02/2001 28-Dulqacda 1421, Wakaaladaha.
Maxkamadda Aduunka ee dembiyada dagaalka
(Lahay) ayaa shalay xukuntay saddex nin oo ah Reer Serbiya (Jogoslavia-dii hore)...
saddexdaas nin waxay ka mid ahaayeen kufsadeyaashii Reer Serbiya oo si qorshaysan oo lagu
soo tala-galay u kufsaday Haweenkii Muslimka Bosniya sannadihii 1992-93-dii, iyadoo
waqtigaas Reer Serbiya kufsashada Haweenka Muslimka ah ay u istimaaleen hub-dagaal...
saddexda nin mid waxa la xiray 28-sano... labada kalena min 12 sano... Haweenayda
Guddoomiyaha ka ah Maxkamadda Denbiyada Dagaalka ee lahay ayaa markay xukunka Maxkamadda
ku dhawaaqday, nimankaas ugu dartay hadallo guhaad ah oo kulkulul...
FAALADDA WARSIDAHA:-
Maxkamaddooy xaggayana waa joogaan kuwo kufsiga u
isticmaalay hub-dagaal ee la soco!!!
2.
YEMEN OO HOLCAYSA:-
Wakaaladaha.
Yemen, doorashooyinkii Dawladaha Hoose oo
dalka oo dhan ka dhacay, ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof waxaana ku dhaawacmay in
ka badan toddobaatan qof.... laba nin oo mucaarid ahaa ayaa la dilay markii la ogaaday
inay codad badan ku guulaysteen... waxaa dagaal kululi oo la is-ugaarsanayaa ka dhexsocdaa
xisbiga Madaxweynaha (Al-Mu, tamar) iyo xisbiga Guddoomiyaha Barlamaanka (Al-Islaax)....
waxaa u daran Gobollada Al-Bayda iyo Al-jawf...
FAALADDA WARSIDAHA:-
Madaxda dalka Yemeni, maxay u lahaayeen Somali
ayaannu heshiisiinaynnaa... Maxay gudohooda u hagaajin waayeen!!!
3. SHIISHAAN OO RUUSHKA XUSSUUSSISAY DUNUUBTOODII
HORE:-
26/02/2001 - 02
Dulxaj 1421, BBC-
Dalka Shiishaan waxaa la xusay Munaasabad, Murugo iyo
ciilqab leh, kaa soo ah berigii xukunkii Soofiyeetigu uu Reer shiishaan u raray dhulka
qabow ee siberia iyadoo Ciqaab looga dhigayo sannadkii 1944... amarkaas oo uu baxshay...
Hogaamiyihii waqtigaas ee dalkii Soofiyeetiga
Joosif Stalin...
FAALADDA WARSIDAHA:-
Waxay ila tahay Puntland iyana in laga xussiddoono
qaxii dadkeeda lagu xukumay sannadkii 1991...
4. KHAATAMI OO DALBADAY XUBIN
JOOGTO AH EE GOLAHA AMMAANKA:-
26/02/2001 - 02/Dulxaj 1421
Idaacadda Dahraan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee dalka Iran
Mudane Maxamed Al-Khaatumi ayaa soo jeediyay dalalka Muslimka ahi inay xubin ka noqdaan dalalka joogtada ku ah Golaha Amniga.... wuxuu arrintaas qoraal ahaan
ugu gudbiyay Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee UN-ka...
FAALADDA WARSIDAHA:-
Beryahan Islaamku rag badan oo aad ka mid tahay ayuu
ku diirsaday....
5. JANARAL BASHIIR OO KADAY
RAGGIISII.
25/02/2001 01/Dulxaj 1421.
Wakaalada
Xukuumada
Cusub ee Janaraal Al-Bashiir uu ka dhisay dalka Suudaan waxaa ka maqan axsaabtii caanka
ahayd oo dhan (xisbiga Al-mahadi, Xisbiga Al-Mirqani iyo Xisbiga Al-Turabi).... Xasam
Al-Turaabi wuu xiray...
Joornaalkii
Xisbiga Turaabi wuu xiray... Qoraagii Joornaalkaas wuu xiray... wuxuu dubbe madaxa kala
dhacay xoogaggii isaga halkaas soo gaarsiiyay....
FAALADDA WARSIDAHA:-
Waxaa
kabaalkii jabay Maalintuu kaday raggiisiiye... (Ismaaciil Mire)
6. DAGAALLADII SOKEEYE EE ALGERIYA WAXAY HALLEEYEEN
CARRUURTII.
26/02/2001 02/Dulxaj. 1421.
BBC.
Dagaalladii sokeeye ee
dalka Algeriya ka socday sagaalka sannadood (1992 ilaa hadda) ayaa qayb weyn oo ka mid ah
carruurtii dalka Al-geriya waxay ka dhigeen duuflaal, Suuq wareeg iyo dibjirnnimo isugu baxay oo dhuuqa
sigaarka, Pertol-ka, xabkaha iyo....iyo.... arrintaasi welwel aad u weyn ayay ku abuurtay shacbiga Reer
Al-geriya!!!
FAALADDA WARSIDAHA:-
Carruurta Xamar-na!!! Ciddii dagaal-sokeeye sababtay
ayaa carruurta dalka biisay!!!
DANTU
WAA BOOLIS HAGAAGSANOO DHAQSO LOO ABUURO.
27-Dulqacda 1421 21/02/2001.
Saaka 10:15 Subaxdiniimo ayaa WARSIIDUHU
taliye ku- xigeenka Ciidanka Booliska Puntland G/Sare Axmed Mijir kula kulmay Xafiiskiisa
ah Xarunta Booliiska D.G.Puntland ee Garoowe waxaana dhexmaray isu warrankan hoos ku
qoran:-
WARSIDAHA:-
Mudane Taliye-ku-xigeen, Puntland
waxaaa yaal kaftan oranaya haddii qofka Booliiska ah (Is-af-garadka) aad ku heshiin
weydaan, xabbad ayaad halis u tahay
.maxaad arrintaas ka oranaysaa???!!!
Taliye
Xigeenka:- Waagii Ingiriiska iyo Daraawiishtu
dirirayeen, ayaa Ingiriisku Ina Igare (Taliyihii Sayidka ka horjeeday ee Somaliga ahaa) ku
yiri:- qabaailka Somalida ah ee Ingiriiska raacsan ka qoro oo ka ururso ciidammo
degdeg ah (Tribal Leved rifles)
.wuuu ka soo urursaday... waa qabaail iska
hobsheynaya
oo aan tababbar ciidan qabin
oo aan nadaam iyo akhlaaq ciidan
lahayn
.oo sharci waxba ka aqoon
.kuwaasi, markii la howlgeliyay, waxay ahaayeen
kuwii wax kufsaday
ee Guryaha galay
ee wax bililiqaystay oo maxaabiistii
dagaalka lagu qabtay laayey oo sharcigu diiddanaa
.
Innagu waxaynnu ciidanka
Booliiska Puntlad qornay dad
badan oo aynnu
isbaarooyinkii ka soo ururinnay
. Innagoo nabadgelyada waddooyinka shacbigeenna
ugu danaynnaynna.. dadkaasina weli tababbar buuxa oo ku filan ma aynnu siin, oo duruuftu
inooma oggolaan
sidaa darteed waxyaalo aynnu diidno
qaarkood waynnu ku arkaynnaa oo la yaab ma laha
.
WARSIDAHA:-
Askarigii ama sarkaalkii hore ee Booliisnnimadiisu dhisnayd, sidee dareen kiisu
noqodaa markuu arko falfalka gaas dhegoolahan danbe qaarkood???!!
Taliyaha
Xigeenka:- Mar mar waxaa ku soo dhacaysa
iska-dhaqaaq
. Innaga Booliiskeennu wuxuu ahaan jiray kuwa ugu heerka sarreeya Afrika
.
Marka raggii hore ma liqi-karaan waxyaalaha ka hor imanaya qaarkood
. Dareenkoodu
wuxuu la mid yahay dareenka odayaashii hore ee arkaya facaayilka iyo dhaqammada
dhallinyarada waqtigan qaarkood
.
WARSIDAHA:-
Maxaad dawo u aragtaa?.
Taliyaha
Xigeenka:- Dantu waa in ladedejiyo
dhismaha ciidanka Booliiska hufan oo tababbaran oo aqoon leh
. Oo yaqaan sharciga iyo shacbigiisa labadaba oo labada
isku-wadi kara
sharcigu waa wax
. Shacbiguna waa bulsho noocyo badan
. Waa
in labadu isu adeegaan ee aan la iska
horkeenin
taasina
waxaa sameynkara
Booliiska tababbarka iyo aqoonta leh
.
WARSIDAHA:- Hayadaha ajnebiga ah ee
howlahaas dib-u-dhiska Booliiska idinla wadaa ma idinkula shaqeynayaan tallaabooyin dhaqso
wax u dhali kara???
Taliye-Xigeenka:-
Hayadaha ajnebiga ahi waxay
leeyihiin <<Beau-cracy>> Jiitanta
waxayna ku dhaqmaan ishaa falato
. Waxaase
waxbadani ku xiran yihiin hadba sida loo liso
sida loo adeejiyo
. Booliiskii
hore waxaa ka sii horay dad tiro yar
. Inta aanay
dhammaan waa in laga faaiidaystaa
. Oo iyagu ciidanka cusub dhisaan oo
tababbaraan
. Haddii ay dhammaadaan waxaa loo baahandoonaa in ajnebi la soo waarido
..
WARSIDAHA:-Gabagabadii
maxaad ku talinaysaa???!!!
Taliye-Xigeenka:-
In dib-u-dhiska ciidanka Booliiska
tallaabooyinkiisa la dedejiyo oo ahmiyad xoog leh la saaro!!!
WARSIDAHA:-
Mahadsanid
Taliye-Xigeenka:-
nabad Iyo Tu-San
PUNTLAND OO LAGU
DHALLIILAY HEERKA FIDINTA TALLAALKA.
18/02/2001 24 Dulqacda
1421 WARSIDAHA.
Saaka 8:00 subaxnnimo ayaa Agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada Mudane
Dr. Cabdiraxmaan Siciid Maxamuud (Dhegaweyne) xarunta NESHA ee Garowe ka furay shir ku
saabsan kor u qaadidda heerka fidinta tallaalka hooyada iyo carruurta ee Puntland...
Shirkaas oo lagu magacaabay <<Labada Toddobaad ee Xuska Marxuum Dr. Maxmaed Warsame
Cali>> Agaasimihii hore ee Isbitaalka
Banaadir (Muqdisho)... takhtarkaas caanka ahaa oo dhowaan lagu dilay Magaalada Muqdisho,
isagoo gudanaya xil-ummadeed...(Marxuumka faataxada ayaa shirku u maray)... Kharashka
shirka waxaa bixisay Hayadda UNICEF...waxaana ka soo qaybgalay Major-rada,
isuduweyaasha, Maamuleya-asha Caafimaadka... MCH-yada iyo qaybaha kale ee
Caafimaadka Magaalooyinka Garowe-Burtinle-Galkacayo-Qardho iyo
Bosaso...
Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Arrimaha Bulshada Mudane Dr. C.S.M (Dhegaweyne) ayaa
furitaankii shirka ku sheegay in Puntland dhalliil ku
mutaysatay heerka howlaha fidinta Tallaalka... shirkanina qayb ka yahay shirar isdabajoog ah oo loo qabanayo sidii loo daaweyn lahaa
dhalliishaas Puntland ku habsatay....
Shirku saddexdii maalmood
ee uu socday waxaa howlihiisa si talantaalli ah u hoggaaminayay:-
1. Agaasimaha Guud Mudan Dr. C.S.M (Dhegaweyne).
2. Dr. Axmed Abshir Faarax Agaasimaha Waaxda daaweynta Isbitaalka Garowe.
3. Dr. C/raxmaan Yuusuf Muuse Kaaliyaha Sarkaalka Mashaar-iicda ee UNICEF-Bosaso
Intii shirku socday waxaa
si joogto ah u fadhiyay oo ka socday UNICEF-Puntland.
1. Dr. Willis Ouma
Agut-Sarkaal UNICEF.
2. Hodan Mire Ismaciil-Sarkaal UNICEF.
3. C/risaaq C/Laahi Hagaa-Sarkaal UNICEF.
Waxaa shirkaasi lagu goaamiyey
in la abuuro Guddi qaabilsan ku wacyigelinta Dadweynaha Howlaha Tallaalka oo ah
heer Puntland... kana kooban Wasaaradda Arrimaha
Bulshada, UNICEFiyo Warfaafinta. Shirkaas oo xirmay
taariikhdii
21/02/2001,
waxa xiritaankii ka soo qaybgalay mudane
Hiramosa Nakai-Madaxa UNICEF-Puntland... fiidnnimadii Xiritaanka, UNICEF ayaa ka
qaybgalayaashii shirka casho-sharaf ugu samaysay:-
XARUNTA SAHRA ISLAN MAXAMED EE GAROWE....
FAX-YO LA
DIRAY
1. Ku: Reer
Puntland Geyigooda kii ka daadshow!!!
Keeda doorkiyo!!! Daawad ka hungow!!! Jaaliyadda Reer Puntland ee waqooyiga Amerika....
2. Ku Puntland
Baaxaddeeda Doob Cirweyniyo....
Carta-dooniyo... Caalle korisooy!!! Ciil ma ku hayaa!!!
WARSIDAHA
3. Cabdul-fatax
Cabdulle Fadhigiisa.
Warkii shalay
la diray doodihii.
Aad ka
dabageysay!!!
Libaax kama
digsiiyow.
Qalbigu waygu diirsadaye Waligaa
Puntland ugu dadaal daafac iyo hiillo.... WARSIDAHA
4.
Ku:- Joornaalka
WAR-OGAAL Muqdisho...
Sagaaradi
astaan muuqatay awdday leedahaye
Adiguna
<<Adaahida>> Ma qarin uurka kugu taalla.
WARSIDAHA.
DOODIHII
BARLAMAANKA BUSHASHKA
Sida la wada ogyahay,
Bushashka Magaalooyinka ee lagu qayilo, mid walba inta badan, waxaa fariista in Isbaratay
oo ay isugu baaxdo.... midwalbana Jawigaas uu qaayibay laftisiisa ayaa ku noqda dorogo uu
u hiloobo.... Bushwaliba Kooxda ku qayisha wuxuu u yahay Gole Barlamaan oo yar oo ay
waxwalba kaga doodaan....WARSIDAHA ayaa inoo so dhegeystay dood maalin ka socota midkood
waana:-
Tiigsade:-
Saddexdan Joornaal ee Bosaso ka soo baxa ee kala ah YOOL, SOOYAAL iyo YOOLKA
NOLOSHA..... Maxay Joornaalka JAMHUURIYA ee ka soo baxa Hargeysa uga xadeen
<<dhanxiir>> kii iyadu iska lahayd ayna ku caanbaxday!!!... haddiise ay
xadeen....Maxay ugu indha-adagyihiin inay haddana soo bandhigaan???!!! Tuugo miyaa la soo
bandhigaa???!!!
Biindhe:-
Ma laha maba oga in fekerka la kala
xado sharci caalami ahi ka yaal!!!
Feente:-
Ma laha waa tuugo ku raagtayoo waaba
iska xaalashadeen!!!
Golmud:-
Joornaalka Jamhuuriya muxuu isagu uga aammusay oo joornaaladan dacwad ugu furi:-
waayay!!!
Biindhe:-
Malaha tuugo lala fogaaday ayuu isaga
qaatay!!! Mise ha ku far-barteen ayuu isyiri???!!!
Garsalaax:- Joornnaaladu waa
gartood.... inta ay helayaan feker iyaga ka dhashay... maxaa ku jaban
inay JAMHUURIYA oo walaalkood
ah kula sii dhuuqaan!!! JAMHUURIYANA waa gartii... ma intaas oo Joornaal oo isaga cayddi
yar yar u ah ayuu dacwad la kala gaaraa???!!!
Biindhe:- Dhanxiirkaasi dhaca faraha badan ee
Somalidu kala hayso ayuu ka mid yahay!!!
Golmud:- Waxay ila tahay guddigii la lahaa Cali
Khaliif Galayr ayaa hadda qabtay ayaa dhanxiirkaas
Joornaaladaas iyo Jamhuuriya u kala
celinddoonta!!!
|