19 May 2007 04:20

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country] WP81
  • Posted by/on:[AAJ][2 Mar 2001]

T U S M A D A

  • SHARCIGA HA NALOO KU GARSOORO ANNAGA IYO JOORNNAALADA WAXAA QORAY (Madaxweynaha D.G.Puntand)    Bogga 2aad

  • AD LAGA SAARAY SHAQADA D.G.PUNTLAND    Bogga 2aad

  • PUNTLAND KA QAYBGELIMAYSO SUUQA XOOLAHA EE YUHUUDDA EE LA SHEEGAY (Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha D.G.Puntland)   Bogga 3aad

  • SHIRKII URURRADA SOOMAALIYEED OO WAQTIGIISII DIB LOO DHIGAY   Bogga 3aad

  • WEFDI CULUS OO MIDOWGA YURUB OO MAANTA IMAANAYA GAROWE  Bogga 3aad

v  DANTU WAA BOOLIS HAGAAGSAN OO DHAQSO LOO DHISO (Taliye Xigeenka Boliiska D.G.Puntland)    Bogga 4aad

v   PUNTLAND OO LAGU DHALIILAY HEERKA FIDINTA TALLAALKA    Bogga 6aad

v   MAHAD CELIN AYAA KA TIMI BEELAHA HABAR YOONIS    Bogga 5aad

 

v   FAALLAYNTA WARARKA DIBEDDA  Bogga 7aad

 

v   WAXAY YIRAAHDEEN    Bogga 5aad

 

v   KAMARRADDA WARSIDAHA OO QABATAY    Bogga 8aad

 

v   FAX-YADII LA KALA DIRAY     Bogga 6aad

 

v   DOODIHII BARLAMAANKA BUSHASHKA    Bogga 8aad

 

v   HAMBALYO    Bogga 8aad


SHARCIGA  HA  NALOOKU GARSOORO ANNAGA IYO JOORNNAALADA WAXAA QORAY!!! 

Maalintii talaadada ee taariikhdu ahayd 20/02/2001- 26 Dulqacda 1421 ayaa WARSIDAHA iyo Radio Galkacayo waxay waraysteen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf  Axmed.... Waxaannu halkan akhristeyaasha ugu soo gudbinaynnaa qaybka mid ah waraysigaas.... 

SAXAAFADDA:- Mudane Madaxweyne, Joornaalada ka soo baxa Magaalada Bosaso qaarkood ayaa waxay qoreen inaad lacag farabadan oo ah Dollarka Maraykanka aad u sii qaadday shirkii Ceelberde.... Maxaa arrintaas ka jira??? 

Madaxweynaha:- Joornaalada Bosaso ka soo baxa qaarkood, ciddii rumaysataa way marin-habaabaysaa, ayay aniga ila tahay, waayo, joornaalada Bosaso ka soo baxa qaarkood wax run ahba ma qoraan.... Ilaahay ninkii ka yaabayaana waa ogyahay haddii aanu isyeelyeelayn!!! Lacag aan qaaday oo geeyay Ceel-Berde ama meel kale ma jirto.... 

Horta lacagta yaa haya???

Anigu lacagta xaggaan ka soo fagayaa??!!! oo xaggaan ka keenayaa???!!! Anigu lacagta miyaan daabacaa???!!! Baanan miyaan leeyahay; lacagi ii taaloo saandoono aan ka yeelo???!!! Ma waxaan ahay tuug dhaca ummaddii xilka u dhiibatay???!!! oo sharcigiii iyo nadaamkii ku xadgudbaya???!!! oo Banii-Aadamnnimadii ka  

baxay???!!! Waxaasi wax jira ma aha!!! Wixii sheegayna xilkas ma aha!!! Wixii ka rumaystaana way ka sii liitaan!!!   ii sheega... lacagta immisa ayay ku sheegeen???!!! Intee la yiri wuu sii qaaday???!!! . 

SAXAAFADDA:- $ 150,000/= (Boqol iyo konto kun oo ah Dollarka Maraykanka). 

Madaxweynaha:- Adeer horta intaasi Bangiga Puntland ma taal???!!! Lacag been ah ma daabacdo!!! Xataa haddii ay taal oo la helikaro anigu awood uma lihi!!! Mana yeelikaro!!! Wax aan Golaha Wasiirro soo marin oo aan nadaamka marin oo ban bixiyaa ma jiro!!! Shirarka aan anigu u socday ma ahayn kuwo aniga kharash la iiga baahnaa!!! Puntland haddii ay lacag haysato, lacagtii way u taal!!! Dadkii waxaa qoray, iyaga ayaa looga baahanyahay, haddii ay hayaan wax xaqiiqo ah oo waxaa caddeynaya inay soo caddeeyaan oo dadweynaha xaqiiqada ay hayaan u soo bandhigaan oo keenaan.... oo markaas annaga nalala xisaabtamo oo nala xirxiro!!! Intii Maxkamad nalageeyo!!! Annagu haddii aanu nahay dembiileyaal dadka wixiisa boobay Maxkamad hanala geeyo oo ha nala xirxiro!!! Haddiise waxaasi ay beenyihiin...de dadka beenta sheegaya ha la qabqabto oo ha la xirxiro!!! oo sharciga ha la mariyo... kulley anigu <<Person>> ahaan wax xumaato ah oo aan u qabaa ma jirto... laakiin wax nuxurkoodu dalkooda iyo dadkooda waxyeello u geeysanayo oo aan haddana jirin ee borobugaan iyo been ah... oo qof caqli leh oo waxgarad ihi aanu qaadan-karin inay qoraanba ma aha!!! Inay faafiyaanna ma aha!!! Ciddii akhrisataana inay ka rumaysato, waxaan u arkaa inay wax xumayso mooyee iaanay wax tarayn!!!.

DAD LAGA SAARAY SHAQADA D.G.PUNTLAND 

WARSIDUHU wuxuu halkan ku soo gudbinayaa DEKREETO Madaxweyne oo dad shaqada lagaga saaray waana tan:- 

UJEEDDO:- Ruqsayn Shaqaale. 

Madaxweynaha Dawladda Puntland. 

  Markuu arkay Xeerka Shaqaalaha Dawladda Puntland.

  Markuu u kuurgalay waxqabad la’aantii Agaasimadii Iskaashiga Caalamiga ah iyo Qorshaynta labadii sano ee tegey.

  Markuu garawsaday baahida loo qabo in Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta loo helo aqoon yahanno hanan kara xilka ay umadda u hayso.

  Isagoo tixraacay go’aankii maamul toosinta ee ka soo baxay golaha xukuumadda. 14/01/2001

 

Wuxuuu go’aamiyey:- 

In shaqada dawladda laga cayriyo dadka magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, oo ka tirsanaan jirey Agaasinnadii iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta, haddana ku sugan WICQ. Waxayna kala yihiin:- 

1.Gaanni Barre Muuse

2.Warsame Maxamed Cali

3.Muuse Xaaji Siciid (Abees)

4.Xariir Gaas Guutaale.

5.Maxamed Shiikh Xuseen

6.C/casiis Maxamed Diiriye.

7.C/qaadir Faarax Bootaan.

8.C/risaaq Ciise Xuseen

9.Maxamuud Maxamed Ciise

10.  Maxamed Askar

11.  Racwi Cabdikariin Ciise. 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Madaxweynaha Dawladda Puntland

 

PUNTLAND KA QAYB-GELIMAYSO SUUQA ISRAA’IIL EE LA SHEEGAY 

WARSIDAHA ayaa toddobaadkii hore Wasiirka Ganacsiga iyo Weshadaha ee Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cabdi Xaabsade ku waraystay Xafiiskiisa... Wasiirku isagoo ka jawaabaya su’aalo WARSIDUHU weyddiiyay waxaa hadkiisii ka mid ahaa:- 

Ascaarta kacday, sida la wada ogyahay waxaa sabab u ah dhoofkii Xoolaha oo joogsaday, markaasna la waayay lacagtii adkayd ee ka soo xeroonjirtay... waxna lagu soo gadanjiray... waxaa kale oo sabab u ah lacagta xadidhaafka ah ee la soo daabacay, lagana soo rogay Mugdisho.... wax howl yar ma aha in dhaqso loo helo suuqyo inoo beddela kuwii dalalka Carbeed ee aynnu deriska nahay... waaannuse ku jirnaa baadigoob suuqyo kale... 

Lacagta Muqdisho ka soo degtaa inaga kor ayay inaga martaa, ka dibna waxay ina kaga soo noqotaa Gobolka tog-dheer... lacagtaas waxaynnu iskaga caabbiyikarnaa innagoo diidna inay inaga soo gasho dhinaca Galkacayo... Shishadeeda io midda inaga soo gelaysa dhinaca Togdheer... Puntland la macaammilimayso Suuqa Yuhuudu hadduu u furmo Xoolaha Soomaaliyda... Puntland ma go’aansan inay Israa’iil la yeelato xiriir ka duwan jidka Dawladaha Islaamka ah.... 

Ganacsatada Puntland wax walba waa inay ka hormariyaan waddaniyadda iyo danta Puntland...

 

SHIRKII URURRADA SOOMAALIYEED OO DIB LOO DHIGAY

 

Talaadada 27/02/2001 – 3 Dul-xijja 1421, WARSIDAHA-Garowe. 

Guddiga qabanqaabada Shirka Ururrada Soomaaliyeed, ayaa saaka 11:30 saac war-saxaafadeed ku qabtay fagaaraha shirarka ee Gobolka Nugaal...

 Guddoomiyaha Guddigaas oo ah Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta Mudane Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa magaca Guddiga ku warramay oo sheegay in dib loo riixay waqtiga qabashad shirka ururrada Soomaaliyeed oo ku qorshaysnnaa in lagu qabto Magaalo-Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garowe taariikhda 25/02/2001 – Awal Dul-xijja 1421. 

Guddoomiyuhu sababta dib-u-dhigga wuxuu ku sheegay ururrada qaarkood oo dhexdooda wada hadal aan weli dhammaani uga socdo...  

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay waqtiga shirkaas loo cayyimo in dib laga soo sheegi-ddoono...

 

Guddoomiyuhu mar la weyddiiyay in ururrada lagu talo-galay ay wada oggolaadeen inay shirka ka soo qaybgalaan... wuxuu ku jawaabay inay wada oggolyihiin... 

 

WEFDI CULUS OO MIDOWGA YURUB OO MAANTA IMANAYA GAROWE 

 

Wefdi ka kooban saddegeesood Urur Midowga Yurub leeyahay oo ah Guddoomiyaha Ururka ee Xilligan, Guddoomiyaha kala wareegiddoona marka xilligu dhammaado iyo Xafiiska Xoghaynta Joogtada ah ee Ururka, ayaa la filayaa inuu maanta 28/02/2001 ka soo dego Garoonka Dayuuradaha ee Magaalo-Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland Garowe....

Wefdigu wuxuu u socdaa, sida la sheegay, in la isla meel-dhigo Iskaashiga Midowga Yurub iyo Dawlad Goboleedka Puntland.

 

SIXITAAN 

 

Cadadkii WARSIDAHA ee 79 soona baxay 16/02/2001, boggiisa 8aad, waxaa ku soo baxay magacaabid khalddan oo ah in WARSIDUHU Guddoomiyaha Degmada Burtinle ku sheegay Maxamed Saalax Dhaashane.... Haddaba Guddomiyaha Degmada Burtinle waa Maxamed Jaamac Salal....Akhristayaashu raalli ha ka ahaadeen khaladkaas WARSIDUHU galay...

 

 

WAXAY YIRAADEEN  

1.      <<Qofkii Madaxnnimo rabaa, ha ku raadsado hab sharciga waafaqsan oo rabitaankiisa ha u bandhigo shacbiga.... shacbiga ayaa markaas ama u oggolaanaya ama u diidaya... isaguna waa inuu go’aanka shacbiga u hogaansamaa...oo raalli ku noqdaa>>.

 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed... 20/02/2001... 26 Dulqacda 1421.... Garoowe... 

2.      Ummad laguma xukumi karo anaa iri... ee waa inaad ra’yiga dadka ee kala duwan dhegeysataa oo tixgelisaa...Nabadgelyada laguma dammaanad qaadi karo shacbiga oo askar fara badan lagu cabburiyo ee waxaa lagu dammaanad qaadikaraa, danihiisa oo la ogaado waxna laga qabto...>> 

Maxamed Khaatumi, Madaxweynaha Dawladda Iran, munaasabaddii xuska towradda ee sannad kan 2001...

 3.      <<Axdigan Cusub waxaan ka faa’iidayaa garsoor Madax bannaan... sidaa darteed ayaan ugu cod-bixiyay HAAH>> Muwaadin Reer Baxrayn... Munaasabaddii u codbixinta Axdiga cusub ee dalka Baxrayn sannadkan 2001... 

4.      <<Kooxda Carta.... sidii la filayay waxay durba colaad iyo fidmo ka oogtay qaybaha dalka Somaliya....>> 

wasiirka Maaliyadda D.G.Puntland Mudane Siciid M.M <<Cadduur>>.. 07/02/2001 Bosaaso. 

5.      BBC-du Warbeen ah ayay sheegtay>> 

Maxamed Ibraahim Yaaasiin (Colaad) Guddoomiyaha Shirkadda Dayuuradaha ee DAALLO... 24/02/2001.

 6.      <<Annagaa Dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya geynnay Shirkii Saxaaraha annagaana shirka ku jujuubnnay in loo oggolaado>> Ismaaciil Cumar Geelle Khartuum 13/02/2001... 

7.      <<Waxaa nala soo xidhiidhay Safiirka Djibouti u fadhiaya UN-ta Col haye, oo nagula taliyay inaannu nimaadno Maraykanka oo la hadallo Golaha Ammaanka>> Cali Khaliif Galayr.

Prime-Minister-ka Kooxda Carta... Washington 08/02/2001

8.      <<Waxaannu doonaynnaa nabadgelyo.... Siyaasadduna ma aha nabadgelyada oo la xumeeyo>> Sulddaan Siciid Maxamed Garaase.... Garowe 13/02/2001 

9.      <<Xukuumadda Janaraal Cumar Al-Bashiir ma aha Xukuumad sharci ah... Laakiin waxaannu tixgelinaynnaa duruufta jirta ee Sudan>> Saadiq – Al-Mahdi Guddoomiyaha Xisbiga Al-Uma ee Sudan... Khartuum... 13/02/2001 

10. <<Arrimaha Bariga Dhexe waxay la bexeen Xakamaha... mana muuqato cid xakamaha  dib-ugu-celinkartaa>>

journaalka Indipendent ee London 15/02/2001... 

11.  <<Barlamaanka Jabuuti hal qof oo haween ahi kuma jirto...>>weriye gabar ah oo ka shqaysa Radio-ga T.V-ga Jabuuti 14/02/2001.... 

 

DABAYLAHA IYO BEELAHA  

1.       Habaryoonis waxay u mahadclinaysaa Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland iyo Issimadda Harti.

 Beelaha habaryoonis ayaa qoraal mahadcelin ah u soo diray maamulka Dawlad Goboleedka Puntland iyo Isimmada Beelaha Harti, wuxuuna u qornaa sidatan:- 

Ku: Isimada Beelaha Harti Garoowe

Ku: Maamul G. Puntland Garoowe  

Ujeeddo:- Mahadcelin. 

Waxaanu idiinka mahadcelinaynaa sida qadarinta iyo maamuuska leh ee aad u aqbasheen una fuliseen codsigii aanu idiin soo gudbinay ee ku saabsanaa in aad reer ahaan gacanta noogu soo gelisaan saddexda nin ee beelahayaga ka tirsan oo denbi dhiig loo haysto. 

Waxaanan iloowikareyn sida xushmada leh ee aad isugu keenteen goobjoogna ka ahaydeen heshiisyada saddex geesoodka ah ay wada galeen ergadii dhexdhexaadka aanu idiin soo dirnay iyo labadii daraf ee wax kala tirsnayay, waxa xusuus mudan sida wadajirka ee ay xilka si gaar ah hawlahayaga u fudideyeen Isimada, Madaxweyne Xigeena, Taliska Booliiska, qaybaha iyo saldhigyada Booliiska ee Galkacayo iyo Garoowe iyo Bulshada Puntland oo dhan. 

Waxaanu kaloo mahad u celineynaa cutubkii ciidan ee ragayagii oo wada socda ka soo gubiyay Puntland.

 Waxaanu balan qaadeynaa haddii Eebe aqbalo wixii Issimada beelaha Harti naga codsadaan ee awoodayada ah in aan u fulin doono, iyadoo aanay manta inoo bilaabmeyn ee aynu xeer iyo dhaqan hore u lahayn. 

Waxaanu idinla socodsiineynaa in hawshii sidii aanu ugu talo galnay noogu socoto natiijadeedana aad ogaandontaan.

 

Guddomiyaha Beelaha Habaryoonis

Suldaanka Beelaha habaryoonis Suldaan Maxamed Suldan Xirsi (Qani)

 

 

FAALLEYNTA WARARKA DIBADDA.


1. KUWII KUFSIGA KA DHIGTAY HUB-DAGAAL AYAA ADDUUNKU U SOO JEESTAY.

 Khamiis 22/02/2001  28-Dulqacda 1421, Wakaaladaha.

 Maxkamadda Aduunka ee dembiyada dagaalka (Lahay) ayaa shalay xukuntay saddex nin oo ah Reer Serbiya (Jogoslavia-dii hore)... saddexdaas nin waxay ka mid ahaayeen kufsadeyaashii Reer Serbiya oo si qorshaysan oo lagu soo tala-galay u kufsaday Haweenkii Muslimka Bosniya sannadihii 1992-93-dii, iyadoo waqtigaas Reer Serbiya kufsashada Haweenka Muslimka ah ay u istimaaleen hub-dagaal... saddexda nin mid waxa la xiray 28-sano... labada kalena min 12 sano... Haweenayda Guddoomiyaha ka ah Maxkamadda Denbiyada Dagaalka ee lahay ayaa markay xukunka Maxkamadda ku dhawaaqday, nimankaas ugu dartay hadallo guhaad ah oo kulkulul... 

FAALADDA WARSIDAHA:- 

Maxkamaddooy xaggayana waa joogaan kuwo kufsiga u isticmaalay hub-dagaal ee la soco!!!

 

2. YEMEN OO HOLCAYSA:-

    Wakaaladaha. 

Yemen, doorashooyinkii Dawladaha Hoose oo dalka oo dhan ka dhacay, ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan toddobaatan qof.... laba nin oo mucaarid ahaa ayaa la dilay markii la ogaaday inay codad badan ku guulaysteen... waxaa dagaal kululi oo la is-ugaarsanayaa ka dhexsocdaa xisbiga Madaxweynaha (Al-Mu, tamar) iyo xisbiga Guddoomiyaha Barlamaanka (Al-Islaax).... waxaa u daran Gobollada Al-Bayda iyo Al-jawf...

 

FAALADDA WARSIDAHA:- 

Madaxda dalka Yemeni, maxay u lahaayeen Somali ayaannu heshiisiinaynnaa... Maxay gudohooda u hagaajin waayeen!!!

3. SHIISHAAN OO RUUSHKA XUSSUUSSISAY DUNUUBTOODII HORE:- 

26/02/2001  - 02 Dulxaj 1421, BBC- 

Dalka Shiishaan waxaa la xusay Munaasabad, Murugo iyo ciilqab leh, kaa soo ah berigii xukunkii Soofiyeetigu uu Reer shiishaan u raray dhulka qabow ee siberia iyadoo Ciqaab looga dhigayo sannadkii 1944... amarkaas oo uu baxshay... Hogaamiyihii  waqtigaas ee dalkii Soofiyeetiga Joosif Stalin... 

FAALADDA WARSIDAHA:- 

Waxay ila tahay Puntland iyana in laga xussiddoono qaxii dadkeeda lagu xukumay sannadkii 1991... 

4. KHAATAMI OO DALBADAY XUBIN JOOGTO AH EE GOLAHA AMMAANKA:- 

 26/02/2001  - 02/Dulxaj 1421

Idaacadda Dahraan. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee dalka Iran Mudane Maxamed Al-Khaatumi ayaa soo jeediyay dalalka Muslimka ahi inay  xubin ka noqdaan dalalka joogtada ku ah Golaha Amniga.... wuxuu arrintaas qoraal ahaan ugu gudbiyay Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee UN-ka... 

FAALADDA WARSIDAHA:- 

Beryahan Islaamku rag badan oo aad ka mid tahay ayuu ku diirsaday.... 

5. JANARAL BASHIIR OO KADAY RAGGIISII. 

25/02/2001 – 01/Dulxaj 1421.

Wakaalada  

Xukuumada Cusub ee Janaraal Al-Bashiir uu ka dhisay dalka Suudaan waxaa ka maqan axsaabtii caanka ahayd oo dhan (xisbiga Al-mahadi, Xisbiga Al-Mirqani iyo Xisbiga Al-Turabi).... Xasam Al-Turaabi wuu xiray... 

Joornaalkii Xisbiga Turaabi wuu xiray... Qoraagii Joornaalkaas wuu xiray... wuxuu dubbe madaxa kala dhacay xoogaggii isaga halkaas soo gaarsiiyay.... 

FAALADDA WARSIDAHA:- 

Waxaa kabaalkii jabay Maalintuu kaday raggiisiiye... (Ismaaciil Mire) 

6. DAGAALLADII SOKEEYE EE ALGERIYA WAXAY HALLEEYEEN CARRUURTII.

 26/02/2001 – 02/Dulxaj. 1421.

BBC. 

Dagaalladii sokeeye ee dalka Algeriya ka socday sagaalka sannadood (1992 ilaa hadda) ayaa qayb weyn oo ka mid ah carruurtii dalka Al-geriya waxay ka dhigeen duuflaal, Suuq wareeg iyo dibjirnnimo isugu baxay oo dhuuqa sigaarka, Pertol-ka, xabkaha iyo....iyo.... arrintaasi welwel  aad u weyn ayay ku abuurtay shacbiga Reer Al-geriya!!!

 

FAALADDA WARSIDAHA:-

Carruurta Xamar-na!!! Ciddii dagaal-sokeeye sababtay ayaa carruurta dalka bi’isay!!!

 

DANTU   WAA BOOLIS HAGAAGSANOO DHAQSO LOO ABUURO. 

 


27-Dulqacda 1421 – 21/02/2001. 

Saaka 10:15 Subaxdiniimo  ayaa  WARSIIDUHU taliye ku- xigeenka Ciidanka Booliska Puntland G/Sare Axmed Mijir kula kulmay Xafiiskiisa ah Xarunta Booliiska D.G.Puntland ee Garoowe waxaana dhexmaray isu warrankan hoos ku qoran:- 

WARSIDAHA:- Mudane Taliye-ku-xigeen, Puntland waxaaa yaal kaftan oranaya haddii qofka Booliiska ah (Is-af-garadka) aad ku heshiin weydaan, xabbad ayaad halis u tahay….maxaad arrintaas ka oranaysaa???!!! 

Taliye Xigeenka:- Waagii Ingiriiska iyo Daraawiishtu dirirayeen, ayaa Ingiriisku Ina Igare (Taliyihii Sayidka ka horjeeday ee Somaliga ahaa) ku yiri:- qabaa’ilka Somalida ah ee Ingiriiska raacsan ka qoro oo ka ururso ciidammo degdeg ah (Tribal Leved rifles)….wuuu ka soo urursaday... waa qabaa’il iska hobsheynaya… oo aan tababbar ciidan qabin… oo aan nadaam iyo akhlaaq ciidan lahayn….oo sharci waxba ka aqoon….kuwaasi, markii la howlgeliyay, waxay ahaayeen kuwii wax kufsaday… ee Guryaha galay… ee wax bililiqaystay oo maxaabiistii dagaalka lagu qabtay laayey oo sharcigu diiddanaa…. 

Innagu waxaynnu ciidanka Booliiska Puntlad qornay dad

badan oo aynnu isbaarooyinkii ka soo ururinnay…. Innagoo nabadgelyada waddooyinka shacbigeenna ugu danaynnaynna.. dadkaasina weli tababbar buuxa oo ku filan ma aynnu siin, oo duruuftu inooma oggolaan… sidaa darteed waxyaalo aynnu diidno  qaarkood waynnu ku arkaynnaa oo la yaab ma laha…. 

WARSIDAHA:- Askarigii ama sarkaalkii hore ee Booliisnnimadiisu dhisnayd, sidee dareen kiisu noqodaa markuu arko falfalka gaas dhegoolahan danbe qaarkood???!!

Taliyaha Xigeenka:- Mar mar waxaa ku soo dhacaysa iska-dhaqaaq…. Innaga Booliiskeennu wuxuu ahaan jiray kuwa ugu heerka sarreeya Afrika…. Marka raggii hore ma liqi-karaan waxyaalaha ka hor imanaya qaarkood…. Dareenkoodu wuxuu la mid yahay dareenka odayaashii hore ee arkaya facaayilka iyo dhaqammada dhallinyarada waqtigan qaarkood…. 

WARSIDAHA:- Maxaad dawo u aragtaa?. 

Taliyaha Xigeenka:- Dantu waa in ladedejiyo dhismaha ciidanka Booliiska hufan oo tababbaran oo aqoon leh…. Oo yaqaan  sharciga iyo shacbigiisa labadaba oo labada isku-wadi kara… sharcigu waa wax…. Shacbiguna waa bulsho noocyo badan…. Waa in labadu isu adeegaan ee aan la iska

horkeenin… taasina waxaa sameynkara Booliiska tababbarka iyo aqoonta leh…. 

WARSIDAHA:- Hay’adaha ajnebiga ah ee howlahaas dib-u-dhiska Booliiska idinla wadaa ma idinkula shaqeynayaan tallaabooyin dhaqso wax u dhali kara??? 

Taliye-Xigeenka:- Hay’adaha ajnebiga ahi waxay leeyihiin <<Beau-cracy>> Jiitanta… waxayna ku dhaqmaan ishaa falato…. Waxaase waxbadani ku xiran yihiin hadba sida loo liso… sida loo adeejiyo…. Booliiskii hore waxaa ka sii horay dad tiro yar…. Inta aanay dhammaan waa in laga faa’iidaystaa…. Oo iyagu ciidanka cusub dhisaan oo tababbaraan…. Haddii ay dhammaadaan waxaa loo baahandoonaa in ajnebi la soo waarido….. 

WARSIDAHA:-Gabagabadii maxaad ku talinaysaa???!!!  

Taliye-Xigeenka:- In dib-u-dhiska ciidanka Booliiska tallaabooyinkiisa la dedejiyo oo ahmiyad xoog leh la saaro!!!  

WARSIDAHA:- Mahadsanid 

Taliye-Xigeenka:- nabad Iyo Tu-San

 

 

PUNTLAND OO LAGU DHALLIILAY HEERKA FIDINTA TALLAALKA. 

18/02/2001 – 24 Dulqacda 1421 WARSIDAHA.

 

Saaka 8:00 subaxnnimo ayaa Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada Mudane Dr. Cabdiraxmaan Siciid Maxamuud (Dhegaweyne) xarunta NESHA ee Garowe ka furay shir ku saabsan kor u qaadidda heerka fidinta tallaalka hooyada iyo carruurta ee Puntland... Shirkaas oo lagu magacaabay <<Labada Toddobaad ee Xuska Marxuum Dr. Maxmaed Warsame Cali>>  Agaasimihii hore ee Isbitaalka Banaadir (Muqdisho)... takhtarkaas caanka ahaa oo dhowaan lagu dilay Magaalada Muqdisho, isagoo gudanaya xil-ummadeed...(Marxuumka faataxada ayaa shirku u maray)... Kharashka shirka waxaa bixisay Hay’adda UNICEF...waxaana ka soo qaybgalay Major-rada, isuduweyaasha, Maamuleya-asha Caafimaadka... MCH-yada iyo qaybaha kale ee Caafimaadka Magaalooyinka Garowe-Burtinle-Galkacayo-Qardho iyo Bosaso... 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada Mudane Dr. C.S.M (Dhegaweyne) ayaa furitaankii shirka ku sheegay in Puntland dhalliil ku mutaysatay heerka howlaha fidinta Tallaalka... shirkanina qayb ka yahay shirar isdabajoog ah oo loo qabanayo sidii loo daaweyn lahaa dhalliishaas Puntland ku habsatay.... 

Shirku saddexdii maalmood ee uu socday waxaa howlihiisa si talantaalli ah u hoggaaminayay:- 

1.      Agaasimaha Guud Mudan Dr. C.S.M (Dhegaweyne). 

2.      Dr. Axmed Abshir Faarax Agaasimaha Waaxda daaweynta Isbitaalka Garowe. 

3.      Dr. C/raxmaan Yuusuf Muuse Kaaliyaha Sarkaalka Mashaar-iicda ee UNICEF-Bosaso 

Intii shirku socday waxaa si joogto ah u fadhiyay oo ka socday UNICEF-Puntland. 

1. Dr. Willis Ouma Agut-Sarkaal UNICEF.

2.      Hodan Mire Ismaciil-Sarkaal UNICEF.

3.      C/risaaq C/Laahi Hagaa-Sarkaal UNICEF. 

Waxaa shirkaasi lagu go’aamiyey in la abuuro Guddi qaabilsan ku wacyigelinta Dadweynaha Howlaha Tallaalka oo ah heer Puntland... kana kooban Wasaaradda Arrimaha  

Bulshada, UNICEFiyo Warfaafinta. Shirkaas oo xirmay taariikhdii  

21/02/2001, waxa xiritaankii ka soo qaybgalay mudane Hiramosa Nakai-Madaxa UNICEF-Puntland... fiidnnimadii Xiritaanka, UNICEF ayaa ka qaybgalayaashii shirka casho-sharaf ugu samaysay:-

XARUNTA SAHRA ISLAN MAXAMED EE GAROWE....

 

FAX-YO LA DIRAY 

1. Ku: Reer Puntland   Geyigooda kii ka daadshow!!! Keeda doorkiyo!!! Daawad ka hungow!!! Jaaliyadda Reer Puntland ee waqooyiga Amerika....

2. Ku Puntland      Baaxaddeeda   Doob Cirweyniyo.... Carta-dooniyo... Caalle korisooy!!! Ciil ma ku hayaa!!!

WARSIDAHA 

3. Cabdul-fatax Cabdulle   Fadhigiisa.

Warkii shalay la diray doodihii.

Aad ka dabageysay!!!

Libaax kama digsiiyow.

Qalbigu waygu diirsadaye Waligaa Puntland ugu dadaal daafac iyo hiillo.... WARSIDAHA

4.      Ku:-  Joornaalka WAR-OGAAL Muqdisho...

Sagaaradi astaan muuqatay awdday leedahaye

Adiguna <<Adaahida>> Ma qarin uurka kugu taalla.

 WARSIDAHA.

DOODIHII BARLAMAANKA BUSHASHKA

 

Sida la wada ogyahay, Bushashka Magaalooyinka ee lagu qayilo, mid walba inta badan, waxaa fariista in Isbaratay oo ay isugu baaxdo.... midwalbana Jawigaas uu qaayibay laftisiisa ayaa ku noqda dorogo uu u hiloobo.... Bushwaliba Kooxda ku qayisha wuxuu u yahay Gole Barlamaan oo yar oo ay waxwalba kaga doodaan....WARSIDAHA ayaa inoo so dhegeystay dood maalin ka socota midkood waana:-

Tiigsade:- Saddexdan Joornaal ee Bosaso ka soo baxa ee kala ah YOOL, SOOYAAL iyo YOOLKA NOLOSHA..... Maxay Joornaalka JAMHUURIYA ee ka soo baxa Hargeysa uga xadeen <<dhanxiir>> kii iyadu iska lahayd ayna ku caanbaxday!!!... haddiise ay xadeen....Maxay ugu indha-adagyihiin inay haddana soo bandhigaan???!!! Tuugo miyaa la soo bandhigaa???!!!

Biindhe:- Ma laha maba oga in fekerka la kala xado sharci caalami ahi ka yaal!!! 

Feente:- Ma laha waa tuugo ku raagtayoo waaba iska xaalashadeen!!!

Golmud:- Joornaalka Jamhuuriya muxuu isagu uga aammusay oo joornaaladan dacwad ugu furi:- waayay!!! 

Biindhe:- Malaha tuugo lala fogaaday ayuu isaga qaatay!!! Mise ha ku far-barteen ayuu isyiri???!!! 

Garsalaax:- Joornnaaladu waa gartood.... inta ay helayaan feker iyaga ka dhashay... maxaa ku jaban inay JAMHUURIYA oo walaalkood ah kula sii dhuuqaan!!! JAMHUURIYANA waa gartii... ma intaas oo Joornaal oo isaga cayddi yar yar u ah ayuu dacwad la kala gaaraa???!!! 

Biindhe:- Dhanxiirkaasi dhaca faraha badan ee Somalidu kala hayso ayuu ka mid yahay!!! 

Golmud:- Waxay ila tahay guddigii la lahaa Cali Khaliif Galayr ayaa hadda qabtay ayaa dhanxiirkaas Joornaaladaas iyo Jamhuuriya u  kala celinddoonta!!! 

Naftiisoor:- Gabaray shaah i sii !!!  

Saluugsane:- Wuxuba macno ma laha... wax aan macno lahayn ayaad dhammaantiin ku wada xiiqaysaan!!! Iska qayila!!!

 

KAMARRADDA WARSIDAHA..

 

Kamarada WARSIDAHA ayaa inoo qaadday masawirradan oo inoo soo bandhigtay:-

1.      Xukuumadda Jabbuuti oo xambaarsan kooxda Carta... (waa weyd, weyd kale xambaarsan...) 

2.      Ismaaciil Buubaa oo la faqaya ina salad-Boy... iyo Cali Khaliif Galayr oo ilqoorka ka eegaya!!!  (Kooxda Carta Somali oo dhan ayay u maafiyaynaysaa... iyana dhexdeeda ayay isu sii maafiyayanaysaa!!!) 

3.      Deerow oo Cali Khaliif Galayr u hanjebaya oo miiska u garaacaya!!!  

(Awr awr  wado... iyo nin nin kale wadaa midna kaama leexdo!!!) 

HAMBALYO

 

Maxamed C/laahi Cawad, Jaamac C/qaadir Guureeye, C/casiis Xassan C/lle, Faarax Jaamac Nuux, C/risaaq Sh.Doon Cali, Nugaal Cabdi Aadan, C/fataax Sh. Aadan, C/risaaq Khaliif Aadan,  Jaamac C/laahi Wadaad, C/risaaq Islan Maxamed, C/casiis Siciid Guureeye, Cumar C/casiis X. Maxamuud, Madoobe Maxamed Siyaad, Madoobe Cali Nuur, Madoobe Shire Nuur, Suleeqo Yuusuf Dheere, Cali Axmed Dheere, Nasro Yuusuf Dheere, Ubax Sh. Maxamed, Batuulo Islaan Maxamed, Caasho Sh. Maxamed, Luul Diiriye, Dahabo Diiriye, Farxiyo Ciise, Xamdi Yaasiin, Sacdo Axmed Faarax, Xaajiyo Siciido Cilmi, Hooyo Sahro Ismaaciil Muuse, Nasro Cabdi Samad Shalaq-been, C/xakiin Xirsi, Faadumo Axmed Yuusuf, C/raxmaan Xasan Nuur, Maxamed Xasan Nuur, C/Nuur Bashiir, Faarax K.K, Maxamuud Alakis, Yaasiin Aadan Rooble waxay dhammaan dadkaasi oo idil hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Caruuska iyo Caruusadda  Maxamed Axmed Faarax iyo  Fartuun Ciise Xaaji oo dhawaan aqal galkoodu ka dhacay Magaalada Garoowe waxay na leeyihiin noqda kuwii isku raaga ubad iyo khayr kala hela.

 

Aamiin- Aamiin

 


[Country]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:08 AM. Webmaster HomePage