- Title: [SW News](Midnimo) Warsaxaafadeed Beesha Mudulood
- Posted by/on:[AMJ][Friday, March 2, 2001]
Midnimo
Information Center
Warsaxafadeed
ay soo saareen beesha Mudulood
MIC-01-03-2001
London, Shir ay isugu yimaadeen beesha Mudulood oo ka dhacay
magaalada London taariikhdu markay ahayd 24-25/02/2001, oo ay ka soo
qayb galeen dad fara badan oo isugu jira aqoonyahano, indheergarad,
culumaa-udiin iyo dad weyne fara badan oo ku abtirsada bulshada
Mudulood kuwaasoo ka kala yimid Yurub, Waqooyiga America iyo meelo
kale oo dunida ka mida ah. Intuu shirkaasi socdey mudadaa labada
maalmood aheyd waxaa leysla soo qaadey arimo faro badan oo ey kamid
yihiin:
1- In ay jiraan dowlada
ku sheegyo iyo ururo fara badan oo ujeedoodu yihiin awood-doon oo aan
ka turjimi karin baahida bulshada Soomaaliyeed, iyagoo kari waayey in
ay wax xal ah u keenaan oo looga baxo dhibaatoyinka dalku uu ku sugan
yahay guud ahaan, gaar ahaan Banaadir iyo Gobolada ku hareereysan.
2- Dhibatoyinka
siyasadeed iyo bulsho oo keenay khilaafaad iyo kala fogaansho beesha
Mudulood dhaxdeeda.
3- Beesha Mudulood oo aan
lahayn hogaan siyasadeed iyo maamul ay ku midaysan tahay.
4- Iyadoo la waayey
dowrkii ay lahaayeen hogaan dhaqameedyada beesha Mudulood.
5- Dhibaatoyinka dhaqaale,
bulshadeed iyo deegaaneed ee loo gaystay beesha Mudulood, oo gaartay
heer aan indhaha laga qabsan karin.
6- Lacagta been abuurka
ah oo loogu tala galay in lagu bara kiciyo dadkii deegaanka lahaa iyo
qalabka warbaahinta oo loo adeegsado in lagu marin habaabiyo loogana
jeediyo dadka xaqiiqada jirta.
Hadaba si xal loogu helo
dhibatoyinka aan kor kusoo sheegnay, shirwaynuhu wuxuu go,aan saday in
la abuuro Hay'ad siyaasadeed oo ujeedooyinkeedu yihiin:
1- Mideynta iyo xal
uraadinta dhibatoyinka haysta beesha Mudulood ee xaga siyaasada,
dhaqaalaha, bulshada iyo dhismo maamul Gobleed oo ey yeelato beeshu.
2- Wacyi galinta
dadweynaha iyo ladagaalanka baro kicinta beesha Mudulood.
3- In loo howlgalo soo
celinta hogaan siyasadeed oo mideysan oo ey ee beeshu yeelato, iyo soo
celinta sharaftii iyo dowrkii ay lahaayeen hogaan dhaqameedyada.
4- hagaajinta xiriirka
beesha Mudulood la leedahay beelaha kale ee ay isku deegaanka yihiin.
5- Shirweynuhu waxuu ugu
baaqey dhamaan beesha Mudullod iney iska ilaaliyaan wax ala iyo waxii
keeni karo iska horimaad ama isku dhac oo beesha dhexdeeda ah.
6-Sidoo kale shirweynuhu
waxuu ka codsanayaa dhamaan qeybaha bulshada ey ka kooban tahey sida
aqoonyahanka, culumaa'udiinka, odeyaasha dhaqanka iyo ururada bulshada
iney ku soo biiraan gacana ka geystaan jiritaanka XISBIGA MIDEYNTA
BULSHADA SOOMAALIYEED, si loo meel mariyo ahdaafta ku xusan
baaqaan.
7- In uu ka shaqeeyo
midaynta ummadda, si loo soo celiyo sharaftii iyo qaranimadii ummadda
Soomaaliyeed. Gudoomiyaha Xisbiga ayaa waxaa loo magacaabey Dr
Cabdulqaadir Wehliye Afrax.
Saxiixa Gudoomiyaha
Dr Cabdulqaadir Wehliye
Afrax
Walaahu waliyu al-toofiiq
Mudadii uu shirkaas
socdey ayaa waxaa la'aas'aasey Xisbi u adeega ahdaafta siyaasadeed ee
lagaga damacsanyahey in beesha Mudullood gaarto, waxaana la doortey
Gudoomiye, G/ku xigeen, Xoghayn, Afhayeen, Gudi dhaqaale, xubnahii
gudiga fulinta iyo wakiilo u matalo xisbiga wadamada caalamka.
Xubnaha la doortey
magacyadooduna waa kuwa hoos ku qoran:
1- Dr Cabdulqaadir
Wehliye Afrax Guddoomiye
2- Yaasiin Maaxi Macalin Gudoomiye ku xigeen
3- Cabdullaahi Axmad Maalin Xoghaye
4- Prof. Cumar Maxamed Xassan(Gaala guul) Afhayeen
5- Dr. Maxamed Axmad Maxamuud Gud/ Dhaqaalaha
6- Cabdullaahi Ibraahim Caseyr Xubin
7- Axmad Maxamed Gacal "
"
8- Dr. Axmad Calas Cali
"
"
9- Axmad Cali Daahir
"
"
10- Abuukar Cali Geedi
"
"
11- Maxamuud Xassan Cali(gaaboow) " "
12- Eng. Maryan Cumar Axmad " "
13- Dr. Maxamad Xassan Tiffoow " "
14- Dr. Maxamed Macalin(Marooco) " "
15- Daahir Abuukar
" "
16- Cabdiraxmaan Sheekh Xassan " "
17- Nuur Cali Xassan
" "
18- Abuukar Carraaye
" "
19- Xuseen Sheekh Cusmaan " "
20- Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan " "
21- Cawil Xassan Xuseen
"
"
22- Eng.Cabdullaahi A. Xaaji Cabdi(Biikolo) " "
23- Dr. Maxamuud Xassan(Dr. Ingiriis) " "
24- Dr. Maxamuud Maxamed Jimcaale " "
25- Axmed-Nuur Faarax
"
"
26- Cabdullahi Cali Maxamed(C.Community) " "
27- Maxamed Abuukar Nuur(Jhon) " "
28- Faarax Cali Nuur(Scotland)
" "
29- Cabdullahi Cumar Wardheere "
"
30- Dayax Guutaale Maalin
"
"
31- Dr. Sacdi Xuseen Rooble
" "
32- Dr. Saalax Maxamuud Maalin "
"
33- Maxamed Cali Xuseen(Eeboow) " "
34- Axmed Muxudiin Macalin(Nuune) " "
35- Abuukar Maxamuud Boor
"
"
[
News] |