19 May 2007 04:20

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country]WP82
  • Posted by/on:[AAJ][11 Mar 2001]

Warsidaha Puntland   Tirsi   82               Khamiis  8  Maarso  2001    

                         

T  U  S  M  A  D  A

  • MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO IIDDA KU BOGGAADIYAY UMMADA SOOMAALIYEED IYO SHACBIGA REER PUNTLAND BOGGA 2AAD

  • MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO DALKA DIBADDA UGA DHOOFAY (BOGGA 2AAD)

  • GUDDIGII OO SOO GABAGABEEYAY DIYAARINTA DASTUURKA CUSUB  BOGGA 3AAD

  • WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA OO KA HADLAY SHIRKA URURRADA SOOMAALIYEEDBogga 3-aad

  • PUBLIC INFORMATION STATEMENT    (BY PUNTLAND GOVERNMENT )BOGGA  4AAD

  • BANAAN-BAX GAROWE OO KA SOO HORJEEDA ISIMADII TIRADA YARAA EE KU SHIRAY GAROWE   BOGGA  5AAD

  • BOQOR C/LAAHI OO TALO QORAAL AH BIXIYAY      BOGGA  6AAD

  • BAYAANNO SHACBI OO KALA DUWAN OO LAGAGA SOO HORJEEDO DHOWRKII ISIM EE KU SHIRAY GAROWE. Bogga 6aad – 8aad


 

SALAANTA MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND EE MUNAASABADDA CIIDA ARRAFO

D

adweynaha Reer Garowe, ayaa subixii isniinta ee 10kii Bishan dul-xaj 1421, isagoo boqollaal kun ah ku soo qulqulay garoonka ku bbadda cagta ee Mire Awaare Jaamac.... imaamka guud ee Dawlad Goboleedka
Puntland Mudane Sheekh Siciid Axmed Faarax... ayaa dadkii tujiyay salaaddii iidda ka dibna jeediyay khudbaddii iidda oo inta badan ka hadlaysay sadaqadda iyo Ulxiyada iyo noocyada xoolaha ay ku ansaxdo... iimaamka guud ka dib, waxaa hadalkii qaatay Guddoomiyaha  Gobolka Mugaal Madane C/laahi Xasan Faarax (Baasaweyne)...

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Claahi Yuusuf Axmed labo arrimoodba wuu dhalliilay ..labadaas oo ah:- hadalkii Guddoomiyaha Gobolka Nugaal uu ka jeediyay fagaarihii iidda iyo qoraal Axmed Sheekh Jaamac soo gudbiyay maalintii iidda ka horraysay... hadaba annagoo hadalkaas Guddoomiyaha Gobolka meeshiisii ku dhaafayna, waxaanu halkan ku soo  

gudbinaynaa hadalkii Wasiirka Xanaanadda Xoolaha, Beeraha, iyo Deegaanka mudane Maxamed Xaaji Aadan oo Madaxweynaha ka hor hadal gaaban jeediyay ka dibna Madaxweynaha  makaroofanka kusoo dhoweeyay  waana tan:-  

SALAAN MADAXWEYNUHU SALAAMAYO UMMADDA SOO MAALIYEED IYO SHACBIGA  REER PUNTLAND. 

Madaxweynuhu wuxuu yiri:-

Munaansabaddda Ciidda Al-adxa oo ah ciidaha Islaamku midda ugu weyn ayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna shacbiga reer puntland u soo gudbinayaa salaan kal  iyo laab ah; anigoo ku bogaadinaya ciidaas qiimaha weyn ee aynu la wadaagayno dhammaaan caalamka Islaamka. 

Waxaan shacbiga reer Puntland,  dhammaaantii u rajaynayaa in uu ku ciido farxad iyo nabadgelyo. Waxaan Ilaahay ka baryayaa  inuu ciida ciideeda kale inagu gaarsiiyo caafimaad iyo baraare, iyo inuu malaayiinta muslimiinta ah ee maanta kacbada dawaafeysa ducadooda inagana inoogu dambi dhaafo.

Waxaanu dadka reer Puntland ugu baaqaynaa xurmeynta diintooda iyo gudashada waajibaadka diiniga ah ee Ilaahay ina faray. 

Dawladda Puntland waxay mar kale idiin caddaynasaa inay had iyo jeer diyaar u tahay inay u adeegto xoriyadda, horumarka iyo mustaqbalka dadweynaha reer Puntland. 

Idinkoo og in sicir bararka iyo kor u kaca qiimaha maciishadda ay sababayaan kooxda Carta iyo dawladaha carbeed ee xayiray dhoofka xoolaheenna, hadaana anagu si weyn ayaaannu ugu  dadaalaynaa inaanu wax  kasta oo suurto gal ah arrintaas ka qabanno. 

Ugu dambeyntii, waxaanu shacbiga reer Puntland ku guubaabinaynaa inuu aad ugu dadaalo nabadgelyadiisa,dhismaha dalkiisa iyo horumarkiisa dhaqan dhaqaale.

 

Mahadsanid

C/laahi Yuusuf Axmed

Madaxweynaha Dawladda

MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO DALKA KA DHOOFAY  

06/03/2001  11/12/ 1421 Hijriya.

M

adaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dibadda uga dhoofay.... isagoo ugu horraynta booqanaya Dalka             Itoobiya. 

 

GUDDIGII DIYAARINTA DASTUURKA OO HAWSHOODII SOO GABA-GABEEYEY

 

Khamiis 01/03/001 Garoowe – WARSIDAHA. 

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada D/G/Puntland, Mud. Yuusuf  Xaaji Siciid ayaa saakay 10: 30-kii saac ee subaxnnimo, hawshii guddiga diyaarinta dastuurka ku soo gebagabeeyay xaruntii guddigaas oo ku tiil Magaala-madaxda Garoowe ....

Munaasabadaas oo ay ka soo qayb galeen dhamaan guddigii diyaarinta dastuurka, xubnaha guddiga joogtada ah, xog-haynta iyo saraakiisha kale ee Maamulka Golaha wakiilada waxaa bilogii ereyo ah soo dhoweyn iy warbixin kooban ka soo jeediyey guddoomiya ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Mud. Xassan Daahir Afqurac, isagoo kadibna hadalkii ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha...

Guddoomiyuhu hadalkiisii wuxuu mariyey tubtaan: guddigu hawshii wuxuu kaga soo baxay  

mudadii loo cayimay oo ahayd 6 (lix) bilood oo ku dhamaatay 28/02/001 ... guddigu wuxuu ku soo shaqeeyey duruuf adag ... waqti dhaqaalaha Puntland uu liito ...

Ma hawl yara in dastuur dawladeed lagu diyaariyo mudadaas gaaban ... iyadoo waliba dadka badankoodu aanay hawshaan waaya-aragnimo hore u lahayn ... 

Guddigu aad ayuu u dadaalay, wuxuunna soo maray 6(lix) bilood oo ahaa << Marathoon>> ...kadib markii << daraft>>  kii hore diyaariyey ayuu soo mariyey Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada .... kadibna markii  uu bandhigay dadweynaha... ma hawlyara in dadkeenna loo bandhigo dastuur ... kii 60-kii ( lixdankii) ee Soomaaliya, looma soo bandhigin dadweynaha ... dadweynuhu isagoo aan akhriyin ayuu sanduuq madow iyo  

sanduuq cad kala <<doortay>> ... duruufeheena ayaa inagu khasbayey inaad hawsha dadajisaan ... wuxuu golaha xukuumadda mahad uga celiyey sidii golaha wakiilada uu gacan uga siiyey hawsha diyaarinta dastuurka ... qaylo-dhallaan ayaanu aduunka u dirnay ... annaoo ku weyddiisanaya  gacan-siin ... sidoo kale Hay’ado kala duwan ... cidina wax naguma darsan ... kadibna Puntland ahaan ayaannu isku- tashanay ... mashruucani wuxuu markhaanti u noqday in Puntland oo isku tashatay wax badan qabsan –karto ... hawshii guddiga diyaarin dastuurka waa inoo soo gebagebeeyey ... idinkoo  mahadsan... dhamaantiin ...  

Guddoomiya ku-xigeenka 2-aad ee Golaha wakiilada ayaa mahadnaq u celiyey guddoomiyaha ... kuna khatimay shirku waa xiranyahay iyo faataxada

Wasiirka Xanaanadda Xoolaha oo ka hadlay shirka Ururrada Soomaaliyeed

10kii dul-xajja 1421 05/03/01, Garowe –WARSIDAHA   

wasiirka xannaanadda xoolaha, Beeraha iyo deegaanka...  Mudane Maxamed Xaaji Aadan oo rabay in uu fagaarihii Iidda, Madaxweynaha Makoroofanka kusoo dhaweeyay, hadaladiisii hor dhaca ahaa wuxuu ku yiri:- kullay soomaalidu wey shiraysaa ... oo wey usu tagaysaa.. haddaba, mar haddii aan la kala maqnaaneyn ee la wada shirayo.. dalka gudihiisana lagu shirayo.. in aannu martida noqonno, waxaannu  ka sii jecelnnahay  oo nooga sii magac roon in annaga marti naloo noqdo.. oo annago aan

wax-marti-galinno.. sidaas ayaannu u leenahay ururrada soo maaliyeed, haku soo dhawaadeen Garowe ... hore ayaannu annagu xamar u aadnnay... oo meelo kale u aadnnay... ee waa in markayaga nala soo aadaa !!!  

Dadka habeenkii wax qoraa  ee mugdiga ku dhuuntaa ma aha  Reer Nugaaleed, Reer Nugaaleed duhurkii ayay qori lahaaye-en....ee ma dhuunteen...Reer Nugaaleed... wax ma miraan ...kuwa habeenkii wax qoraa waa soo galooti ... Reer Nugaaleed hadda wax Gobolada kale ka dhaca ayay daweeyaan oo u gurmadaan ... wixii Gobolada kale ay ka waaninayeen iyagu masameenayaan ...Reer Nugaaleed hadda waa samo-ku-taageeraayaasha Gobollda Puntland oo dhan .... waana heeganka nabadgalyada... waxaa dhowaan  inoo yimi takhaatiir xoolaad oo Imaaraadka Carabta  oo Reer Yurub soo direen ... waxaannu  rajeynaynnaa in mowqifkii Carabta ee xooleheenna ku saabsanaa wax iska badalaan ... aad ayaanu u rajaynaynaa.

 

PUBLIC INFORMATION STATEMENT 

INTRODUCTION                                                                                                          March 04/2001

The Principal obligations of the puntland adminitration includes the upholding of the puntland Charter  (Constitution ) , ensuring the security of it’s people, safeguarding their civil liberties and freedoms and the planning and delivery of their socio-economic needs. The state admininstration always encouraged and invited Puntland elders, professional groups, individuals and all sectors of the society to bring their advice and constractive criticisms to the government. While the government is responsible for the execution of the people’s collective will the public input enriches and enhances the state policies and facilitates their implementation. 

The puntland state of Somalia was established in Augost 1998 with puplic acclaim and unanimous vote at the Garoe constitutional Conference. In the short two half years of it’s life, the Puntland Government achiefed as much as it’s available manpower, financial and working  infrastucture would alow it. 

GOVERMENT PRIORIES: 

Although a Regional state administration was a new concept in Somalia and there was great deal of puplic uncertainty about approuch, methods and organization, the Goverment moved quickly to set up

priorities and targets top top it’s priorities were:- 

1.                  the establishment of puplic institutions from ground zero and with out facilities and working infrastructure like offices, office equipment and trained personnel.

2.The formation of a Police securty force to ensure low and order in the state this was done by organizing and recruiting large number of the former police force and the various militia groups in the state;

3. the local mobilization of resources: local revenue generation, recruiting of locally available qualified and experienced personal as administrators, teachers, doctors, engineers, etc. 

1.The incouragment promotion and nourishment of democratic values, all traditional, religious and governance, has been another principal task of the Puntland state. In fulfilment of the Puntland charter, the Government makes all possible efforts to protect personal and group liberties, reights and freedoms of movement, faith, profession, occupation and expression, in the particular.

-         It encourages free and unfettered press and speech that self-regulates and censors its self with in the limits of the law

-         The exercise of the freedom of gathering, meetings,  conventions, seminars and

-         workshops, which are continually held in many parts of the state, some of them strongly critical of the     Government.

-         Staging of peaceful and orderly demonstrations.

The second Phase Democratization Process.

As the Mandate of the state government is due to end in 5 months’s time, work on the second phase of the Puntland State democratic process in progress. The second phase State democratic process involves a number of major stages. Our charter makes it mandatory the drafting of a new state constitution, conde-cting a parrallel popula-tion census taking, holding of referendum to approve the new constitution and, finally the holding of a state election. The process requires commitment, great deal of organization and treme-ndous resources in terms of manpower, financial, materials and equipment. The financial demand to emplement all the  mandatory 4-stages could run into millions of dollars. This could prove very difficult considering our limit-ed resources in view of the current economic problems, which are due to circumis-tances beyond the governm-ent’s control.

On the outcome of a through assessment of all the needs and implications of the constitutional process, the government will inform and consult with the people.

 State and National Laws are in effect to fight crime, Dhaqax xumo  and socio-economic disruptions and sabotage. Criminal acts include constitutional violations disturbance of the peace, destuction of the environment and illegal financial dealings. Members of the public who commit or abate such acts would be guilty of crime against the state, gruop individuals. It is the duty of every citizens of Puntland to play his/her part to support the government in upholding the constitution, defend the state and to fight crime. 

The Jubbaland Issue. 

The Puntland State Government is committed to the peaceful resolutions of the Jubaland community conflict and toi restore Kismayo to the control of its rightful owners. A dialogue has been initiated recently among the brotherly communitties in the regions concerned through the mandate of the Puntland Government. A series of community reconciliation meetings are planned after which a regionaly state would be formed jointly by all the people in the area concerned. With a joint commitment and political approach of the Puntland people and the administration.The government is confident of an early honorable, just and equitable resolution to this complex problem. 

The National Reconciliation Process.

Along with all the obligations and responsibilities within the state, the National Reconciliation Process (NRP) continues. Puntland has a responsibility to play its part in the search for a realistic and eqiutable solution  to the Somali National crisis. Puntland leaders participate national conferences in all regions of Somalia and abroad. The Punland government is, in turn, duty-bound to organize meetings in its territory and

invite Somali political leaders and organizations to debate matters of national interest. It has done it in the past and it will do it again. 

The state government welcomes public views, advice and constructive criticisms, all of which it takes into serious consideration in its conduct of public affairs. It frequently consults with all sectors of the community, especially with the traditional elders, women professionals, youth and private individuals to protect and safeguard civil rights, to promote justice, equality and progress for the people.

However, the ultimate responsibility and decision-making on the vital issues of the protection of the state constitution, security of the people and the conduct of national and international policy lies with the government.

 

(Turjumadda Wargelintan oo Af-Soomaali ah kala soco Cadadka dambe ee WARSIDAHA haddii alla idmo)

 

BANAANBAX GAROWE OO KA SOO HORJEEDA (QAYBTA TIRADA YAR EE DEGDEGEYSA)

01/03/01, 5tii Dul-xajja 1421

Garowe WARSIDAHA 

B

anaanbax lagaga soo horjeedo qoraalkii ka soo baxay (qaybta tirada yar ee degdegaysa) ayaa saaka barqadii lagu maray magaalo-Madaxda dawlad Goboleedka Puntland ee garowe... Banaanbaxaas oo socday dhowr saacadood, kul miyayna qayba kala duwan ee Bulshada Garowe waxaa hal ku dhigyadii dadku ku dhawaaqayay ka mid ahaa :-

1. Haloo hoggaansamo xeer dhaqameedka eynu leenahay

2.       Go’aanka shacbiga ayaa leh oo eey horumuud u yihiin nabadoonadu.... Isimmadu gudoon qura ah          ayay leeyihiin...

3.      Maamulka hawlaha aynnu u egmannay yaan lagu qabsan.

 

BOQOR C/LAAHI OO TALO QORAAL AH BIXIYEY.

Waxaannu akhristayaasha sharafta leh halkaan ugu soo gudbinaynaa qoraal talo bixin ah oo uu gudbiyey Boqor C/laahi waanakan;-

 

Ku: Isimada Shirka ku jiray                                                       Garowe

Ku: Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland                             Garowe

Og: Golaha Wakiilada Puntland                                                 Garowe

 

Ujeeddo: U Dhamaan Shirka  Iyo Dib U Dhigid Go’aan

 

Isimada Sharafta leh ee shirku uga socdo Magaalada Garoowe waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka. Salaan kadib, waxaan si sharaf leh idiinku soo gudbinayaa:- 

  1. In marka Isimada Puntland ay shirayaan u dhamaadaan Shirka ay yeelanayaan.
  2.  Waxaa haboon in Isimada aysan u kala muuqan Koox Koox si ay dadweynuhu ugu kalsoonaadaan Isimadooda, Una gartaan in Isimadoodu talo daacad u ah u hayaan.
  3. waxaan si buuxda Isimada sharafta leh ee shirku u socdo u soo jeedinayaa in go’aan aan loo dhamayn aydin hada soo saarin, waxaana haboon in dib loo noqdo wakhti cayiman shir loo dhanyahay oo rasmi ah loo qabto,  kaas oo ay u wada dhanyihiin Isimada Reer Puntland.
  4.  

Waxaan soo jeedinayaa in madaxda puntland iyo Isimadu sidaas u aqbalaan.

 

Allaa Mahad leh.

Boqor C/laahi Axmed Cali

 


 

BEESHA MEHERI WAXAY SI BUUXDA U AYIDAYSAA BARNAAMIJKA XUKUUMADDA D.G.PL         

Waxaannu akhristayaasha halkaan ugu soo gudbinaynnaa  bayaan isagu isfasirayaa oo naga soo gaaray Beesha Meheri... waana kan:

 

Ku: Madaxweynaha Dawlad Goboleedka PL                Garowe

Ku: Golaha Wakiilada ee DGPL                                   Garowe

Ku: Golaha Garsoorka DGPL                           Garowe

Ku: Isimada soo jireenka ah ee DGPL              Garowe

Og: Suldaan C/laahi Xaaji Nuur                                    Rugtooda

Og: Suldaan C/qaadir Cumar Faarax                             Garowe

 

 

UJEEDO: BAAQ AY SOO SAREEN BEESHA MEHERI  GAROOWE 28/02/01 

Annagoo ah cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka beesha meheri; waxaannu qaybaha dawladda, Isimada soo jireenka ah, waxagaradka iyo inta nabada jecel ogaysiinayaaa in aanaan la ogayn Isimada beesha  Meheri shirkii iyo Go’aamadii ay la gaareen qaybo ka mid ah Ismada Puntland 27/02/01,shirkaas oo lagu qabtay magaalo madaxda Puntland socdayna 24/02/01 Ilaa 27/02/01 kaas oo looga hadlaaayaay arimaha siyaasada dawlad goboleed Puntland.

Haddaba markii aan akhrinay go, aamadii siyaasadeed oo ay gaareen Ismada qaarkood 27/02/01 , markii aanu hubinay in ay Isimada Beeshu ay ku lug lahaayeen go, aamadii siyaasadeed, markii aanu u kuurgalnay taariikh siyaasadeedka maamulka Puntland iyo goolaaftanka ka dhexeeya Ismada qaarkood.

Arimaha dhaqanka, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada ee waqtigaan kala guurka ah iyo xaalada qalafsan eee aynu joogno...  markiiaanu dhinac walba ka eegnay, waxii jiray iyo waxa maanta jooga ayaanu waxaanu beelaha isir iyo danwadaagta ah ee nagaanshaaha iyo nabadda jecel ogaysiinaynaa in aanaan la ogayn una dirsan go, aamadaas siyaasadeed ee ay wax ka gaareen kuwaasoo aannu u aragno in aysan ahayn waajibaadoodii iyo hawlahii aanu u Caleemo saarnay, taasoo meel kadhac ku ah magacii iyo sharaftii tolka ee ay golajoog ku ahaayeen.    

 

Ka yimi Bogga 6aad

BAAQ AY SOO SAAREEN ............

Sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Isimada Beeshu in ay ka noqdaan Go’aankii ay wax ka gaareen oo aan beeshoodu la ogayn. Waxaanu taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba diyaarin ula nahay dawladda Puntland qabashada shirka kooxaha koonfurta soomaaliya.

CUQAASHA IYO WAXGARADKA BEESHA MEHERI GAROWE EE SAXIIXDAY BAAQAAS  

 

  1. Nabadoon Yaasiin Cali faarax
  2. Samaadoon Cali Xaaji Siciid
  3. Samadoon Axmed Faarax Wayrax
  4. Xaaji Maxamed Ciise
  5. Xafji Yaasiin Ciise
  6. Maxamuud Ciise Wayrax
  7. Maxamuud Xaaji Siciid
  8. Aw Jaamac Maxamed Cilmi
  9. C/raxmaan Cismaan maxamed
  10. maxamuud Kaaarshe Maxamed
  11. Sayid Cumar Cali
  12.  Xasan Siciid Faarax
  13. Cabdi Xaaji Siciid
  14. Maxamed Abshir Kaarshe
  15. Maxamed Yuusuf Kaarshe
  16. Dr. C/risaaq Cali Siciid (M Canshuuraha Berriga G/Nugaal
  17. (laba xidigle) Maxamed Axmed Faarax
  18. Dr. Maxamuud Xaaji Cali
  19. Maxmuud Yuusuf Kaarshe.

 


 

GO’AAN SHACBI OO KA SOO HORJEEDA {QAYBTA TIRADA YAR EE DEGDAGAYSA}

 Dadweyne katirsan shacbiga garowe oo tiradoodu gaarayso 71{ toddobaatan iyo kow} qof ayaa WARSIDAHA soo gaarsiiayay go’aan ay wada saxiixeen kana soo horjeeda qoraalkii ka soo baxay {qaybta tiradda yar ee dagdagaysa}... waxaannu akhristayaasha sharafta leh halkan ugu soo gud binaynnaa go’aankaas magacyadii saxeexay:-

1.       Daahir C/Qaadir {Ciiro}

2.       Yuusuf Cilmi Mataan

3.       Cumar C/laahi Max’ed {Farolu}

4.       Max’ed Muuse Guudxiir

5.       Bashiir Cabdi faarax

6.       Xuseen Muuse Cismaan

7.       Axmed Cismaan Xaqmajire

8.       Aflao   Max’ed Kulan

9.       Xasan Xirsi Bare

10.   Kamal Dahir Cabdi

11.   Max’ed Yuusuf Nur Islan

12.   Xuseen C/qaadir Xusen Jahil

13.   C/rashiid Max’ed Gala-Jabiye

14.   Jabaan Yuusuf Maax

15.   Cabdi Faarax Xayd

16.   Dhagaafe C/raxmaan Cali

17.   Sacid Sh. Bardacad

18.   Max’ed Jamac Faarax

19.   Max’ud Bare Hundul

20.   C/raxmaan Max’ud Jamac

21.   Xidigle Askar Burale

22.   C/khadar Siciid Cabdi

23.   Axmed Yuusuf Nuur

24.   Cismaan Cumar

25.   Kamaan Yuusuf   Cumar

 

26.   Ardo Siciid Max’ed

27.   Luul Jaamac Samatar

28.   Jamaad Bare Ciise

29.   Abshiro Jaamac   Dhangad

30.   Xaawo max’ed Xasan

31.   Ruqiyo Max’ed Bare

32.   Saynab Max’ed Xirsi

33.   Shamis Max’ed    Ismaaciil

34.   Sacdiyo Aadan     Xuseen

35.   Xaawo Shire Faarax

36.   Hani Daahir C/qaadir

37.   Juweeriya Yuusuf            Cumar

38.   Layla Cali  Saciid

39.   Kaafi Sh. Deer

40.   Khadiijo Cabaas Cali

41.   C/rashiid Aw Maxamed (Gaalojabiye)

42.   Yaasiin Bare Dalab

43.   Jaamac Samatar Guuleed

44.   Jaamac Shire

45.   Dr. C/Nuur Siciid Sheekh

46.   Maxamed Jaamac Faarax

47.   Yaasiin Bare Diirshe

48.   Luul Yaasiin Cali

49.   Shukri Maxmed Yuusuf

 

50.   Cawil Bashiir Jaamac

51.   Fu’aad Cali Siciid

52.   Shukri Ismaaciil Faarax

53.   Boosteeya Siciid Nuur

54.   Xaliimo Cali Warsame

55.   Caasho Jaamac Samatar

56.   Faadumo Aadan Xuseen

57.   Roodo Daahir C/Qaadir

58.   Aamino Daahir C/Qaadir

59.   Shamso Yuusuf Cumar

60.   Jamiilo Nuur Ciise

61.   Diireye Faarax Shire

62.   Caato Hiirad

63.   Dr. C/laahi Xaashi Jaamac

64.   Maxamed Cabaas Aw Maxamed

65.   Ciise Faarax Nuur

66.   Surato Jimcaale Cali

67.   Farsal Cali Siciid

68.   Bashiir Jaamac Yuusuf

69.   Faa’iza Daahir Seed

70.   Siciid Maxamed Nuur

71.   Kulmiye Siciid Cali

 

HOGAAMIYAYAASHA (QAYBTA TIRADA YAR EE DEGDAGAYSA ) OO LAGU TILMAAMAY IN AY XILKOODII GARAB-MAREEN

109(boqol iyo sagaal) qof oo kale ayaa iyana WARSIDAHA soo gaar siiyay qoraal hogaamiyayaasha ( qaybta tirada yar ee degdagaysa ) ku tilmaamaya in ay garab-mareen xilkoodii iyo rabitaanka Reer Puntland ... liiska qorayaasha oo aad u dheer, anngoo aan halkaan ku soo tixi karin, waxaan halkaan idinku soo gudbinaynaa qoraalkoodii, iyadoo liiskooda uu ugu horeeyo Suldaan Cali Jaamac C/Raxmaan (Cali Dheere) waana kan qoraalkoodii :-

Ku: Madaxweynaha dawlad-Goboleedka Puntland 

Ku: Golaha wakiilada D.G.PL

Ku: Golaha Garsoorka D.GPL

Ku: Isimada D.G. Puntland

Ku: BBC London laanta af                       Soomaaliga

Og : Maamulka G/ Nugaal 

Og: wargaysyada ka soo baxa Gobollda Dawlad Goboleedka Puntland

Og: Raadiyow Galkacyo

 

Ujeeddo:  Go’aan Talooyin iyo Baaqyo ka soo baxay waxgardka gobolka Nugaal 

 

Go’aan ka soo baxay waxgardka gobolka Nugaal , waxaan halkaan ku cadaynaynaa

mawqifkayaga siyaasadeed ee ku  

aadan dib u heshiisiinta soomaaliya, haddaba annaga oo tixraacaynna waraaqdii  ay qoreen Isimada  dawlad Gobole-edka Puntland qaarkood, oo ah kuwo ay ka dambeeyaan xisb-iyo ama ururo siyaasi ah ama kuwo caqiidi ah mana aha kuwo ka tarjumi kara masiirka umadda reer Puntland annaga oo tixraacayna waraaqdii ay qoreen 24/02/01 oo ujeeddadu ahay in shuruudo lagu xiro shirka dib u heshiisiinta gobolka nugaal waxaannu diyaar u nahay in shir kasta oo dib u heshiineed ee soomaaliya lagu qaban karo Magaala madaxda D.G.PL  ee Garowe ayna tahay meel nabadeed ee aan cidna loo diidi karin, waxaanuna uga digeynaa inaysan in yar oo meel isla gashay aysan matelikarin kana talin karin masiirka ummadda Puntland oo dhan

 N.B. Talo soo jeedin

Waxaanu kula talinaynaa nimaanka qoraalaka soo saaray in ay aqaoonsadaan hawshooda dhaqameed ee beelaha ay ka soo jeedaan kana baxaan arrimaha siyaasadda una daayaan ciddii loo doortay oo ah maamulka D.G. Puntland . 

WAXAA KALE OO LAGU EE DEEYAY KU LIDNIMO MAGAALADA GAROWE.

 

Waxaannu akhristeyaasha halkaan ugu soo gudbinaynaa bayaankan isagu is fasiraya oo ay WARSIDAHA u soo gudbiyeen 75 (todabaatan iyo shan) qof oo

uu liiskooda ugu horeeyo Dr. C/qaadir Axmed Ceegaag ...

bayaankaas oo (qaybta tirada yar ee degdagaysa) ku eedaynaya in ay lid ku yihiin Magaalada Garowe .... waana kan bayaankii:-

 

Ku: Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Garowe

Ku: Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DGPL  Garowe

OG: Guddoomiyaha Magaalo    Madaxda DGPL Garowe

Og: Saxaafada Garowe

 

Anagoo ah waxgaradka, dadwey-naha, ganacsatada yar-yar, dhalinyarada iyo dadka u dhaq dhaqaaqa talo wadaaga iyo xuquuqda aadmiga ee Puntland waxaan si bareer cad ah u diidanahay fikrada shirka Isimada lagu gudoomiyay kana soo horjeedo godoonkeenii hore ee ka qeybgalka shirarka nabadeynta soomaaliyeed ee uu ka mid ahaa kii Carta (Jabuuti) oo maanta lugu baaqayo in nabadeynta aan lagu qaban karin magaalada Garowe. Waxaannu u aragnaa afkaartaasi mid xasidnimo ku dheehan tahay.

Waxaan afkaartaas u aragnaa fikrad cunsuri ah, lidna ku ah aragtida caamka ah ee dadweynbaha ku dhaqan magaalada garowe oo hormood u ah xasiloonida, nabadglayda, midnimada, iyo astaanta jiritaanka DGPL, waxaan soo dhaweynaynaa wada xaajood... wada hadal , xudunteedu noqoto dhisme qaran soomaaliyeed gogoshana ay fidiso magaalo madaxda DGPL.

 

Siyaasada waxaa u xilsaaran golaha wakiilada iyo golaha xukuumada DGPL.

Berito oo eey taariikhdu tahay 01/03/01 saacadu markay tahay 7:00 subaxnimo waxaa ka dhici doono banaan bax  baarxada garowe kuna saleysan diidmada go’aaamada eey saxiixeen Isimadu, nuxurkiisa wuxuu noqon doonaa : haloo hogaasamo xeer dhaqameedka eynu leenahay... go’aanka shacbiga ayaa leh oo eey hormood u yihiin nabdoonada,Isimadu gudoon qura ay ayay leeyihiin`

Bayaanka waxaa la gaarsiin doonaa Madaxweynaha DGPL iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada DGPL.

 

QOREYAASHII BAYAANKII NUGAL TIMES OO LAGU TILMAAMAYO KOOX YAR OO AH DANAYSTEYAAL

 

Waxaannu halkaan ku soo gudbinaynaa bayaan isagu isfasiraya oo ay WARSIDAHA , soo gaarsiiyeen liis ah 100(boqol) qof uuna ugu  horeeyo Maxamed Cali Qase ... liiskaas oo qoreyaashii bayaankii ku soo baxay Joornaaka Nugaal times ku tilmaamaya koox yar oo ah daneystayaal ... wana kan bayaankii :-

Ujeedo: soo saarid bayaan iyo baaq dadweyne  

 Sida la ogsoonyahay joornaalka magaciisa la yiraahdo Nugaal Times ee soo baxay 24/02/01 cadadkiisa 6aad , waxaa ku qornaa koox yar   ee qortay baaq ay ku sheeganayaan, iyagoo ku hadlaya codka dadweynaha in aan shiraar lagu qaban karin Magaalo Madaxda Puntland ee garowe, oo aan soomaliya isugu imaan karin

Arrintaasi dhamaan dadweynaha Rer nugaaleed, Garowe iyo Reer puntland waa ka yaabisay waxaana si degdeg ah loo yeeshay shirar iyo tashiyo kala duwan, waxaana loo arkay inay dadkaasi yihiin koox yar oo aan ummadda matali karin ayna yihiin kuwo dano gaar ah wata, waxaan dhamaan dadweynaha Reer Puntland isku waafaqsan yahay kana midaysan yahay in magaalo-Madaxda Puntland ee Garowe ay tahay meel nabadeed oo ah hoyga soomaaliyeed laguna qaban karo shirkasta ee soomaaliyeed guud ahaan iyo kooxkoox hadba kii loo baahdo. 

Sdaas darteed annagoo ah, dadka hoos ku qoran oo tirsigooduna yahay  100 (boqol) qof oo isugu jira nabadoono, culima’udiin, aqoon yahano, dhalinyaro iyo dhamaan xubnaha qaybaha bushadu ka kooban tahay ee Gobollka Nugaal kuna hadlayna codka dadweynaha waxaannu soo jeedinaynaa baaq dheer oo aano ugu baaqayno ummadda soomaaliyeed meel kasta hajoogeen in shirkasta oo lagaga hadlayo danaha soomaaliyeed lagu qabankaro hooyga nabada soomaaliyeed Garowe laguna soo dhaweynayo, kooxda hore ee danaystayaasha ah ee warqadda qortayna aan warkooda iyo diidmadooda waxba ka jirin, waxaa Reer garoowe lee yihiin soomaaliyeey ku soo dhawaada hoyga nabada soomaaliyeed waa garowe .   

 


[Country]

Copyright � 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:08 AM. Webmaster HomePage