HALGANKII YAASIIN
CISMAAN EE FARTII CISMAANIYADA
WQ:
saadiq Eenoow
Email:
drsaad84@hotmail.com
Sanadkii
1920-kii ayuu Cismaan Yuusuf Keenadiid ku guuleystey in uu
allifo xuruuf loo adeegsado qoraalka
af-soomaaliga.Xuruuftaasi waa midda keliya ee
taariikhda lagu hayo oo nin Soomaali ah uu leeyahay. Hortiis
waxaa af-soomaaliga qori jirey, dadkana bari jirey Shiikh
Yuusuf Al-kowneyn, Xaaji Cali Majeerteen iyo Shiikh
Awees. Saddexdaas ninba wexey qoraalkooda
u adeegsanayeen xuruufta carabiga. Waxaa in laxuso mudan xilliga
uu Cismaan Yuusuf fartaas qorayey oo ahaa xilli aanan u
sahlaneyn nin dhallinyaro ah oo soomaali ah in uu fikradda noocaas ah
intuu helo. Haddii uu fikraddii heleyna,
in dadaal intaas leŽeg uu ku bixiyo si uu dadkiisa ugu helo
xuruuf ey afkooda ku qortaan. Fartaasi waa xuruufta
loo yaqaan Cismaaniya, waxaana loogu
magac darey magaciisa ah Cismaan. Fartaasi wexey tahay mid ku
haboon codka luqadda soomaaliga (phenologicaly). Isticmaalkeeduna
wuxuu aad u soo shaac baxay dagaalkii labaad kadib, markaas oo ey
soomaalidu ku keydsadeen qoraallo muhiim ah (taariikh iyo dhaqan) iyo
akhbaar badan. Fartaani wexey soomaalidu u sahashey in ey ku
urursadaan suugaan badan oo taariikhi ah sida gabeyadii la
tiriyey xilligii uu socdey halgankii Daraawiishta iyo silsiladihii
gabeyadii GUBA. Waxaa kale oo fartaani ey ka soo qeyb qaadatey
halgankii gobannimo doonka oo aasaaskii Leegada waxaa wax lagu qoran
jirey fartan Cismaaniyada.
Martino
Morelo oo nin talyaani ah, wuxuu buugiisa (Il Somalo della
Somalia) ku sheegey in qoraalka Cismaaniyada uu yahay mid
munaasib ku ah af-soomaaliga markii laga eego meelo dhowr ah, matalan
xuruufta uu af-soomaaliga u baahanyahay oo laga wada helayo, ku
dhawaaqista xuruufta, shaqalladeeda iyo shibanayaasheeduba.
B.
W. Andrezejewiski oo ah luqadyahan (linguist) una dhashey Ingiriis,
wuxuu Martino Moreno ku raacey aragtiduu kaqabo farta Cismaaniyada.
Sidaan soo sheegney, fartaasi wexey soo shaac-baxdey iyada oo lagu
jiro halgan gobanimo doon ah, wexeyna markiiba ku faaftey
dhallinyaradii Leegada aheyd dhexdooda, wexey noqotey xuruuf ey
halgankooda u adeegsadaan. I. M. Lewis oo arrintaas qiimeynaya waxuu
yiri "Cismaaniyadu wexey u shaqeysey sidii shey wax kala
sifeeya (catalist) wexeyna xafidey waxii ugu qiimo badnaa ee dhaqan
ahaa ee uu afka soomaaligu lahaa". Hadalkaas wuxuu Lewis ku qorey
buugiisa la yiraahdo (Modern history of Somalia).
Xirsi
Magan Ciise oo kamid ah ragga afhayeenada u ah farta Cismaaniyada,
mar uu ardey ka ahaa jaamacadda kolombiya (Colombia university) ee
dalka Mareekanka, halkaas oo uu ka qaatey shahaadada (bachelorŽs)
sanadihii kontonaadkii, wuxuu ka sheekeeyey, mar ey jaamacadda
dhiganayeen in subax uu macaallin u soo galey galaaskii, markaasuu
wuxuu ku yiri ardadii : qof walba hasoo istaago oo sabuuradda ha ku
qoro afkiisa sida ey ku noqoneyso (good morning). Xirsi wuxuu yiri
waxaa fasalka fadhiya ardey ka kala yimid Carab, Jabaan, Hindi iyo
kuwo ka yimid Ugaandha. Ardadii mid walba waa uu istaagey oo fartiisii
buu wuxuu ku qorey (Subax wanaagsan) aniguna waxaan ku qorey fartii
Cismaaniyada. Ardadii kayimid dalka Ugaandha waa eey qori waayeen oo
maŽeeyan qabin far qoran oo ey isticmaali kareen. Halkaas ardadii ka
timid Ugaandha wexey dareemeen in ey ardada kale ka hooseeyaan. David
D. Laitin oo nin Mareekan ah in muddo ahna af-soomaaliga diraasaad
ku hayey wuxuu tilmaamayaa in waxa khasbayey dhallinyaradii u doodayey
farta Cismaaiyada ey aheyd (sida sheekada Xirsi Magan ka muuqata)
iyaga oo doonayey in ey muujiyaan in ey soomaalidu yihiin ummad jirta
oo ummadaha kale dhinac taagan. Run ahaantiina xilligeedii waa ey ka
dhigtey ummad jirta.
Dhibaatada
ugu weyneed oo ey farta Cismaaniyada la kulantey wexey aheyd dhaqan -qabiileedka
soomaaliyeed oo wax walba la saaro misaan qabiil. Fartii ayaa miisaan
qabiil la saarey, markaasaa ninkii qorey wuxuu yeeshey abtirsiinyo
reereed. Halkaas baa qaar kamid ah siyaasiyiintii soomaaliyeed
wexey u arkeen in fartaan ey tahay xuruuf reer leeyahay. Cismaan
Yuusuf, Halkaas baa waxaa laga heley iin uu ninkii doonaya kala diriro
farta. Iintuna waa iyada oo loo nisbeeyo magacii Cismaaniya qabiilka
Cismaan Maxamuud ah. Halkaas baa waxaa laga heley iin uu ninkii
doonaya kala diriro farta. Iintuna waa iyada oo loo nisbeeyo magacii
Cismaaniya qabiilka Cismaan Maxamuud. Dicaayadda noocaas ahi
wexey fududeysey in ey abuuranto mucaarado xoog leh oo diiddan
xuruuftii Cismaaniyada. Waxaa kale oo abuurmey rag dhallinyaro ah oo
ey ku abuurantey in iyaguna ey sameystaan xuruuf si ey ula
loolantamaan fartan keligeed suuqa taal.Waxaase dhab ah in xuruuftii
Cismaaniyada, iyada oo mucaaradkeedu uu aad u xooggan yahay in
ey goysey masaafo dheer oo ey ku dhowaatey in ey qaramowdo. Dhibaato
kale oo fartaas hor istaagtey baa iyana jirtey oo wexey aheyd dareen
xagga diinta ka socdey oo xoog lahaa, kaas oo raadinayey in
af-soomaaliga lagu qoro xuruufta carabiga.
Dabayaaqadii sanadihii kontonaadkii waxaa soo xoogoobey raggii u
ololeynayey in af-soomaaliga lagu qoro xuruufta laatiinka.
Waxaa raŽyigaas difaacayey ragaqoonyahanno ah iyo kuwo kale oo kamid
ahaa raggii halgankii Leegada wax kaga jirey. Wexeyna u arkeen labo
sababoodba in loo qaato xuruufta laatiinka ah. Iyada oo aanan tabar
dhaqaale looheyn in la helo madbacado iyo makiinado qora xuruufta
Cismaaniyada iyo iyada oo eeyan jirin qabiil si gaar ah u sheegan kara
xuruufta laatiinka. Waxaa raggaas markii dambe hormood u ahaa Muuse
Xaaji Ismaaciil Galaal. Muuse markiisii hore wuxuu ahaa ragga
diidan xuruufta laatiinka ah. 1954-kii mar uu London wax ku baranayey
wuxuu soo saari jirey qoraallo af-soomaali ah oo ku bixi jirey xuruuf
carabi ah. Muuse wuxuu hadda kahor yiri : " xuruufta laatiinka
wexey innagu dhex abuureysaa dhaqan ku saleysan dabaqad, taasina waa
mid u adeegeysa dabaqadda aqoonta leh oo keliya iyo dadka tirada yar
oo xukunka haya. Arrintaasina wexey mustaqbalka sababeysaa
aayatiinxumi ku timaada soomaalida ". Waxaa iyana jirtey mashruuc
ey heyŽadda UNESCO waddey oo soo shaac baxay sanadkii 1966-kii oo ey
rabtey in ey xuruuf laatiin ah u
sameyso af-soomaaliga, waase socon waayey.
Xuruufta
carabiga soomaalida badankood waa ey yiqiineen, wexeyna ka baran
jireen dugsiyada quraanka caruurnimadooda sida dhaqanku yahay.
Waxaase dadka soomaalida ahi dhib ku ah afka carabiga. Intaanan
dowladaha khaliijka loo shaqa tegin lama aqoon carabiga. Waxaa kale oo
jirey, xataa hadduu qofku yaqaan xuruufta carabiga waxaanan u
sahlaneyn in uu af-soomaali ku akhriyo xuruuftaas. Midda keliya oo uu
carabigu kaga sito labada xuruuf oo kale wexey aheyd, carabigu
markiiba wuxuu markiiba heli karey dad qaada oo dadka bara iyo kuwo
soo dhoweeya ee barta, waayo diin ayaa laga raadinayey. Mana eeyan
jirin reero sheegan karey iyo kuwo reer ku ximiya midkoodna. Xoogga
ugu weyn ee fikraddan wadey wexey ahaayeen odeyaal ganacsato ah oo
bariga-dhexe ku xirraa. Odeyaashaa waxaa laŽoranjirey xaajiyaal,
waxaana kamid ahaa Xaaji Yuusuf Cigaal, Xaaji Diiriye, Xaaji
Cabdiraxmaan Garyare, Xaaji Maxamuud Cabdulle Dirir.
Raggaasi oo rag xoolo iska leh ahaa, dhinacooda ayey ka cadaadinayeen
maamulkii Leegada (SYL) in uu qaato farta carabiga. Xoog kale baa isna
jirey oo arkayey in farta carabigu tahay waddada isku kaaya xireysa
bulshooyinka carbeed, kuwaas oo aanu u baahannahay inaan gacan ka
helno si aanu uga kaashanno dagaalka aanu kula jirno cadowga
soojireenka ah ey soomaalidu leedahay, cadowgaasina waa Itoobiya.
Waayo Itoobiya marwalba wexey gacan kaheshaa dunida masiixiyadda.
Wadaaddadu wexey ahaayeen kuwa mideynayey xoogaggaas rabey carabiga.
Dagaalkii 2-aad
markuu dhammaadey baa J. Q. K. Wexey guddoonsatey in Soomaaliya la
siiyo istiqlaal, muddo 10 sanadood ahna loo diyaariyo in ey
iyadu is maamusho. Talyaanigii wuxuu ku guuleystey in uu isagu noqdo
dowladdii adduun weynaha wakiil uga noqon laheyd Soomaaliya
10-kaas sanadood. Muddadaas 10-ka sano ah baa waxaa dalka ka
dhismey muŽasasaadyo siyaasadeed (political institutions) oo madax
bannaan, kuwaasoo ku tartamayey ka qeybqaadashada dowladdan cusub iyo
isu diyaarinta dowladda xorta ah ee imandoonta. Waxaa xilligaas
aasaasmey xoog dhexe ee siyaasadeed (dowlad), waana markii ugu
horreysey taariikhda soomaalida oo la heley nadaam noocaas ah.
Maamulkii Talyaaniga ee halkaasi ka jirey wuxuu ku dadaaley in
xuruufta carabiga iyo tan Cismaaniyada eeyan noqon kuwo af-soomaaliga
lagu qoro. Sanadkii 1949-kii wargeys Xamar ka soo bixi jirey oo
la yiraahdo (Nuovo Giornale) baa wuxuu soo qorey maqaal uu
cinwaan uga dhigey (Il problema della lingua Somala). Ninka qorey waa
uu is qariyey wuxuuna maqaalkaas kaga cabanayey faragelinta uu
Talyaaniga ku hayo qorista farta af-soomaaliga. Wuxuu qoraagu codsadey
in dadka soomaalida ah loo daayo howlaha la xiriira afkooda hooyo iyo
qoristiisa. Talyaaniga oo arrintaas ey ku weyneed marna kama uusan
harin in uu talo ku yeesho howshan, wuxuuna dhisey guddi howshan
diyaariya kuna xiran
isaga. Dhismaha guddigan wuxuu dhacay intaanan la dhisin golihii
degaanka (Territorial Council), si uusan goluhu wax raŽyi ah ugu
yeelan guddiga far-soomaaliga.
Talyaanigu wuxuu
rabey in uu abuuro luqad uu isagu saameyn ku leeyahay, taas oo looga
shaqeeyo xafiisyada dowladda, dugsiyadana lagu dhigto. Talyaaniga
waxaa ka horyimid mucaarado adag oo uu xooggeedu ka imanayey
dhallinyaradii Leegada, kuwaas oo qodobadey degsadeen kiisa 4-aad uu
dhigayey in la dejiyo barnaamij lagu horu marinayo afka soomaaliga iyo
in farta Cismaaniyada loo qaato xuruuf lagu qoro af- soomaaliga. Ragga
qodobkaas fulintiisa ey Leegadu u xilsaaratey waxaa odey u ahaa Yaasiin
Cismaan Yuusuf. Yaasiin wuxuu ahaa ninka ka dambeeyey siyaasaddii
Leegada ee sanooyikaas hore qeybteedii ku wajahneyd qorista
af-soomaaliga.
Yaasiin wuxuu ku
dhshey magaalada Hobyo 1919-kii. Halkaas oo caruurnimadii uu ku
bartey quraanka. Magaalada Xamar wuxuu yimid markuu jirey 15 sano,
markaas oo uu bilaabey in uu barto carabiga iyo talyaaniga
Xilligii uu Ingiriisku dalka joogey Yaasiin wuxuu bartey afka
ingiriisiga Xilliyadaas buu wuxuu u istaagey in uu xoojiyo in farta
Cismaaniyada ey ku faafto dalka. 1949-kii Yaasiin wuxuu ahaa ninkii
lahaa talooyinkii ey Leegada u kaalmeystey xagga dhaqanka.
Talooyinkaas waxaa kamid ahaa :
1 - in la baaro lana ururiyo dhammaan buugaagta ka hadlaya
af-soomaaliga, iyo in la badiyo lana faafiyo buugaagtaas.
2 - in diraaso lagu sameeyo sidii loo heli lahaa xuruuf soomaaliyeed
(far-soomaali) oo qoran.
3 - in afka soomaaliga loo isticmaalo xiriirrada bulsho ee kala duwan.
6 - buugaagta qiimaha leh oo ey dadyowga kale qoraan in lagu turjumo
af-somali.
9 - af-soomaaligu waa in lagu dhigaa dugsiyada dalka.
10- in la baadi goobo qalabkii loo adeegsanlahaa in lafaafiyo buugaag
af-soomaali ku qoran.
Waxaa nasiib darro noqdey
dhaqdhaqaaqii uu Yaasiin bilaabey ee farta Cismaaniyada in uu
dhexgaley loolankii Leegada dhexdeeda ka socdey ee 2-da xoog (qabiil)
dhexyiil, kuwaas oo ahaa (xoogga Hawiye iyo xoogga Daarood) Xooggii
Daaroodka wuxuu ku yaraa maamulkii uu Talyaanigu sameeyey ee
maxmiyadda ahaa, sidaa darteed buu wuxuu lumiyey awoodii uu Leegada ku
heystey. Bishii Meey 1949-kii Xaaji Maxamad Xuseen
baa waxaa loo doortey in uu Leegada odey (president) ka noqdo.
Xoghayena waxaa loo doortey
Cabdullaahi Ciise. Xaaji Maxamad Xuseen wuxuu u dhashey reer
Xamar, Cabdullaahi Ciise isagu waa (Sacad - Hawiye). 2-daas
masuul midkoodna marabin farta Cismaaniyada in ey noqoto mid
soomaalidu ey wax ku qorato.
Taasi wexey dhalisey isbeddel xoog leh ee ku yimaada barnaamijkii
Leegada ee ku wajahnaa qorista afka soomaaliga. Xaaji Maxamad Xuseen
oo 3 sanadood keliya ayuu hayey xafiiskii maamulka Leegada, wuxuuna
raad xoog leh ku yeeshey siyaasaddii qorists af-soomaaliga. Xaaji
Maxamad wuxuu watey aragti u janjeerta carabta (Naasiriya). Wuxuu u
safri jirey Qaahira, halkaas oo uu raadiyaha Qaahira ka sii deyn jirey
barnaamij ah dicaayadaha reer galbeedka. Dagaalkii uu Xaaji Maxamad
qaadey wuxuu Leegadii ku reebey 2 arrimood :
1 - In aan fartii Cismaaniyada loo aqoonsan xuruuf af-soomaaliga lagu
qoro.
2 - Af-soomaaliga in uusan noqon afka ey Leegada ku shaqeyneyso
(official language), bal uu af-carabigu noqdo afka rasmiga ah.
Bishii abriil 1950-kii,
waraaq (memorandum) ka soo baxdey xafiiska maamulka Leegada wexey
sheegeysey in ey soomaalidu guddoonsadeen in afka carabigu uu noqdo
afka Soomaaliya laga qoro, kaas oo ey dadyowga kalena isku fahmaan (internatinal
language) waraaqdaas wexey ku socotey maamulihii talyaaniga oo
magaciisa laŽoranjirey Fornari. Waraaqdu wexey sheegeysey qodobadan
hoos ku qoran :
1 - Xoghayaha guud ee ururka Leegada Cabdullaahi Ciise, dhowaan wuxuu socdaallo
ku soo marey dalka oo dhan. Xoghayuhu wuxuu baarey lahjadaha kala
duwan oo ey soomaalidu ku hadlaan, kamana uusan helin mid laga
cabbir-qaadan karo si loogu qoro afka-soomaaliga.
2 - Afka carabiga oo ah mid ey xuruufttiisu aad u badantahay, waxaa
adag in af-soomaali lagu turjumo. Haddaba haddey soomaalidu u
suurto-geliweydey in ey habeystaan afkoodii hooyo, waxaa nala
haboonaatey in luqada carabiga ey noqto luqada caamka ah,
taas oo soomaalida fursad u siineysa in ey is af-fahmaan dadyowga
dunida kula nool. Waxaa kale oo afka carabigu u kexeynayaa (oo
uu tusinayaa) dadka soomaalida ah badweyn dhaqan ah oo aan xad laheyn.
Waxaa kale oo luqada carabiga aanu ka heleynaa iskaashi dhaqan iyo mid
siyaasadeed oo aannu la yeelanno dalalka muslinka ah ee aan walaalaha
nahay. Kuwaas oo aanu wada rumeysannahay Ilaah keliya, rasuulkiisa
Maxamadah (s. c. w.) iyo kitaabka muqaddaska ah ee quraanka.
Arrintaasi wexey baansiin kusii shubtey khilaafka aragtiyeed ee ka
dhexeysey Xaaji M. Xuseen iyo Yaasiin Cismaan. Waxii maalintaas ka
dambeeyey wargeysyadu wexey soo qori jireen maqaallo ey isaga soo
horjeedaan ragga labada aragti kala qaba. Xaaji M. Xuseen wuxuu mar
walba sheegi jirey in afka carabiga uusan aheyn mid ajnebi kuŽah
dalka Soomaaliya, wuxuuna ku eedeyn jirey Yaasiin in uu wato
aragti reer Yurub Taasaana ka dambeysa fikradda daafaceysa farta
Cismaaniyada. ahna raggaas bey ka socotaa.
Yaasiin isaga
oo taas ka jawaabaya wuxuu qoraalladiisa ku qori jirey in uu
ogsoonyahay in luqadda carabiga ey tahay luqaddii diinta Islaamka,
Islaamkuna uu yahay diinta ey dadka soomaalida ahi aaminsanyihiin,
laakiin haddaan soomaali nahay carabigu maahan luqadayadii koowaad,
mana ahan afkayaga hooyo. Wargeys Xamar kaas oo bixi jirey oo laŽoranjirey
(Corriere della Somalia), iyada oo hadalka Yaasiin dabataagan
baa nin
reeraha X.Maxamad ah wuxuu soo qorey maqaal markey taariikhdu aheyd
20/6-1952-kii, kaas oo uu ku sheegayo in rerka uu Xaaji M. Xuseen ka
dhashey ey mararka qaar u arkaan af-soomaaligu in uu agtooda ka yahay
luqad ajnabi. 24/7-1952-kii golihii fulinta ee Leegada wexey
guddoonsadeen goŽaan ey faafiyeen oo ah " luqadda carabiga waa
luqadda dalkan waana luqadda ey Leegada ku shaqeyneyso waana luqadda
dadweynaha soomaaliyeed. Luqaddan carabiga ah Ilaah baa ina siiyey,
waana taanu ku dhexgeleyno dunida Islaamka
".
Buugga layiraahdo
(politics, Language and Thought) ee uu qorey D D. Laitin wuxuu ku
sheegey (safxadda 99-aad) in ey jirtey heshiis qarsoodi ah ee
1951-kii dhexmarey masuuliintii Leegada iyo maamulkii Talyaaniga.
Heshiisku wuxuu ahaa luqadaha dalka lagaga shaqeeyo ey noqdaan Carabi
iyo Talyaani. Halkaas waxaa ka muuqata, carabiga loo doodayo in uu
yahay oo keliya talyaaniga oo loo gogol-xaaro. Waayo talyaaniga si
toos ah loollanka uma soo geli karo oo waxaa loo arkaa luqad isticmaar.
Cismaaniyada oo aad u faafsaneydna habka keliya oo looga hortegi karey
waa iyada oo carabiga laqaato. Heshiiskaasi wuxuu si dhab ah u wiiqey
fartii Cismaaniyada.
Xilligaas
2 arrimood baa isbiirsadey, midi waa ururada diiniga ah oo xoog lahaa,
midda kalena waa dowladda masaarida oo aad u xiiseeneesey in ey
Soomaaliya noqoto dal afka carabiga lagaga hadlo. J. Q. K. mar ey
damacdey in ey horumariso qorista af-soomaaliga, nin masaarida u
fadhiyey halkaas baa wuxuu sheegey in ey tahay loofarnimo in luqad
cusub loo raadiyo soomaalida. In laqaato luqadda carabiga xilligaas raŽyi
xoog leh buu ahaa. Waxaa kale oo xooganaa ururada raŽyigan raacsanaa,
wexeyna ahaayeen odeyadii leysku oranjirey xaajiyaal iyo urur laŽoranjirey
(Somalia Conference).
1952-kii Xaaji
Maxamad Xuseen wuxuu u safrey Qaahira. Jinaaxii reeraha Hawiye ee
Leegada aad buu u xoogoobey, doorashadii ey S. Y. L. gashey 1956-kii
waxaa muuqatey qolada codkoodu badnaa in ey iyagu ahaayeen.
Doorashadaasna waa tii u dambeysey ee uu talyaanigu dabadeed sallimi
lahaa talada. Maamulkii talyaaniga wuxuu Cabdullaahi Ciise u
doortey raŽiisul wasaarihii ugu horreeyey taariikhda oo ey dowlad
soomaaliyeed yeelato. Aadan Cabdulle Cismaan wuxuu
heley doorashadii loogaley xafiiska Leegada. Halkaas
waxaa maamulkii gacanta ku dhigey siyaasiyiin katirsan beelaha Hawiye,
talyaaniguna taas ayuu fadilayey. Nin talyaani ah oo la yiraahdo (Castagno)
oo arrintan wax ka qorey wuxuu sheegey " markii uu ingiriisku
ku guuleystey Soomaaliya wexey muujiyeen in ey xiriir fiican la
yeeshaan beelaha Daaroodka ah, halka uu maamulkii talyaaniga ahmiyadda
siiyey beelaha Hawiye" (fiiri Castagno pp 523-22) .
Guushii
ey heleen 2-daas siyaasi wexey dhaawac weyn ku noqotey fartii
Cismaaniyada. Markiiba wexey fuliyeen guddoon ahaa in luqadda carabiga
ey noqoto tan ugu xoog badan dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo ey
guddoomiyeen in dadka xubnaha kaŽah ururka Leegada in laga mamnuuco
xuruuf kale in ey wax kuqoraan. Taasi wexey muujisey isbedel ku yimid
fikraddii hogaamiyayaashii ururkii Leegada. GoŽaankaasi wuxuu
dhaliyey, Cabdullaahi Ciise oo raŽiisul wasaare ah sanadkii
1957-kii mar uu isku deyey in uu maqaalaad ku soo qoro wargeys Xamar
ka soo baxi jirey, maqaalaadkaasi wexey ku qornaayeen af-soomaali
wexeyna ku soo bexeen xuruuf laatiin ah, kadib markii uu 2 maqaal
qorey waxaa ka horyimid dadweynihii oo ku khasbey in uu joojiyo.
10-kii sano ee
dowlad hoosaadka la heystey, doodihii ugu waaweynaa ee dalka ka
dhacayey wexey ku saabsanaayeen qorista dejinta xuruuf af-soomaaliga
lagu qoro iyo qaadashada afka carabiga. Yaasiin Cismaan wuxuu marwalba
sidey calanka Cismaaniyada. Isku si buuna u difaaci jirey xilliyadii
kala duwanaa ee la soo marey, haddey ahaan laheyd bilowgii 50-aadkii
ee uu maamulkii talyaaniga isballaarinayey iyo haddey ahaan laheyd
dorashadii 1956-kii wixii ka dambeeyey. 7/3-1952-kii waxaa jirey
maqaal uu Yaasiin ku qorey wargeyskii (Corriere della Somalia),
maqaalkiisaas wuxuu cinwaan uga dhigey " La nostra lingua modre
" wuxuuna ku caddeeyey in soomaalidu ey ummadaha kaga duwantahay
iyaga oo ku hadla luqad qura. Wuxuu isbarbar dhigey luqadaha
ingiriiska, talyaaniga iyo faransiiska si uu u muujiyo in lahjadaha
af-soomaaligu ey yihiin luqad mid ah ee aan weli kala farcamin. Wuxuu
mataal u soo qaatey wadamo Islaam ah sida Baakistaan, Iiraan iyo
Indooniisiya, isaga oo muujinaya in aad luqadaadii xafidan karto adiga
oo luqadii diintaadana (carabiga) baranaya. Wuxuu maqaalkiisii ku soo
gabagabeeyey, caruurta oo yaraantooda labaraa luqad ajnabi wexey
la macna tahay adiga oo siiyey wax qiimaheedu uu liito, markii
loo eego barashada afkooda hooyo, taariikhdooda iyo halyeeyadooda.
Wuxuu tilmaamey in kuwan yaraantooda af-talyaaniga bartaa ey u arkaan
afkii soomaalida luqad ey ku hadlaan " dad aanan akhlaaq laheyn
oo aanan wanaagsaneyn ", kuwa carabiga bartaana ey u arkaan
af-soomaaliga af ey leeyihiin " dad diinta kadheer ee xagga
Ilaahey dembiilayaal ka ah ", kuwa ingiriisiga bartaana ey inoo
arkaan
" dad sabool ah ee hooseeya ". Sidaas buu Yaasiin wuxuu ku
noqdey nin difaaca oo u dooda guud ahaan af-soomaaliga, dareenkaasna
wuxuu heley xilli uu af-soomaaligu u baahnaa in laga difaaco luqado
duulaan ku ahaa oo loo diyaariyey in ey booska af-soomaaliga iyagu
galaan. Waxaa luqadahaas safka hore kaga jirey carabiga iyo talyaaniga,
garaadka dadka soomaaliyeedna ma gaarsiisneen in ey arkaan waxaan ku
soo socda.
WAA
SOCOTAA
Source:
From SAVE OUR HISTORY Month, a SW initiative
that promotes history education. This initiative encourages our
viewers to get involved with the preservation of our rich
historical facts and save it from total annihilation from
revisionists.