XAFLAD LAGU KAALMEYNAYEY RADIO
GALKAYO OO MARAYKANKA LAGU QABTAY 16 Apr 2001 at
13:20
(Somalinet) Waxaa
habaynimadii Axaddii ka dhacay Hotelka weyn Radisson
ee magaalada St. Paul xaflad weyn oo ay ka soo qayb
galeen Somali aad u fara badan oo ku nool Minneapolis iyo
agagaarkeeda. Xafladaas oo hadafka laga lahaa uu ahaa in
dhaqaalaha ka soo baxa lagu taageero Raadiyaha Gaalkacyo.
Waxaa xafladaas ka soo qayb galay fanaaniin waa
weyn sida Axmed Cali Cigaal, Luul
Jeylaani iyo Cabdi Janan, sidoo kale
waxaa ka soo qayb galay fanaaniin dhawaan suuqa fanka ku soo
biirtay sida Siciid Dheere, Iskalaaji,
Maxamed yare, Xarbi, Barkhad
iyo Liibaan yare. Dhalinta soo qaban
qaabisay Xafaladaan waxay noo sheegeen in Raadiyo Galkacyo oo
1993-dii la aasaasay ay suuro gal tahay in hadda internet-ka laga
dhagaysto.
Minnepolis Team
- E-Mail
This Story -