Warsidaha
Puntland
Tirsi
89
Khamiis
26/04/2001
Warsidaha
Puntland Tirsi 89-aad
Khamiis
26/04/2001
Bogga
2-aad
WARARKA
MADAXTOOYADA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND
1.
MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA
PUNTLAAND OO WARQAD KU SAABSAN ARRIMAHA SOMALIDA U DIRAY UN-ka IYO
URURRO KALE.
Madaxweynaha
Dawlad Gobo-leedka Puntland Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed,ayaa
bishii ina dhaaftay eeMarch warqad ku saabsan arrimaha somaliya
wuxuu u diray Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay iyo ururro
kale….Waxaannu akhriteyaasha sharafta badan halkan ugu soo
gudbinaynaa warqaddaas oo ku qoran afka ingiriiska ….. iyadoo ay
jirto in warqaddaas hadda qaadaadhiggeedu ka bilaabmay qolqollada
guud ahaan Qaramada Midoobey gaar aha-ana kuwa Golaha Ammaanka….
Warqaddiina waa tan: <?XML:NAMESPACE
PREFIX = O />
Garowe
Marso, 20.
MW/DPS/PRESS-022/2001
To:-
H.E The President of the UN Security Council, New York
H.E
Kofi Anan
UN
Secretary General, New York.
New
York
Cc:
President Omar Al-Bashir of Sudan & Chairman of IGAD,
Khartoum,
President
of the European Union,
Stockholm,
Sweden
Dr
Prodi, President of the European Commission,
Brussels,
Belgium.
Italian
Foreign Ministry & International Corporation
Rome,
Italy.
We
regretfully understand that the UN Secretary General is
considering recognizing arbitrarily the Arta Faction (the
so-called TNG) in Mogadishu as the only official and legitimate
national government of Somalia.
It
is also contemplating to move UN offices from Nairobi to Mogadishu
under the guise of Peace Building Mission for Somalia. Mr. David
Stephen, UN Secretary General Representative to Somalia, and
Randolph Kent, UNDP Resident Representative and Humanitarian
Coordinator for Somalia, both of who are presently in New York,
are advocating such UN action to be taken urgently. This is a
futile attempt on the part of these two officials to prolong the
imminent demise of Arta Faction for inexplicable reasons of their
own.
The UN strategy or the action plan is as follows:
1.
To
secure the UN recognition of the Arta Faction and, consequently,
encouraging UN member states to follow suit.
2.
To
move UN principal offices from Nairobi, Puntland and Somaliland to
Mogadishu under the excuse of the proposed UN peace Mission
theory.
3.
To
channel all funds for humanitarian, relief rehabilitation and
development project through the Arta Faction trying to make them
the only legitimate entity in Somalia, giving the TNG a major say
in the allocation of such international assistance.
4.
To
undermine Puntland State of Somalia, Somaliland and RRA regions by
punishing them for their non-cooperation with the Arta Faction,
thus, ignoring the reality on the ground in Somalia that these
zones are peaceful and their authorities control large areas.
5.
To
undermine and obstruct all UN Secretary Council, OAU and IGAD/IPF
resolutions on pursing the national process through dialogue and
reconciliation.
Such
diabolic plan would definitely lead to renewed conflict and
bloodshed in Somalia.
It
would also be a further proof of the flagrant UN bias and
political favouritism in Somalia’s political zones and
organizations. The UN Political for Somalia (UNPOS) and UNDP
should be concentrating, if they were genuine
Officials
of the UN having the interests of the Somali People at heart, on
the current critical issues of national unity, security, economic,
currency and drought crises. Arta Faction/TNG, which is confined
in 3 hotels, is a dead horse and any UN bilateral effort to save
it is bound to meet with utter failure.
Puntland
State of Somalia, while reserving the right to protect its
security, interests and obligations to national unity and
reconciliation, seizes this opportunity to appeal to the UN
Secretary Council and the international community as a whole that
the United Nations refrain from hasty foreign imposed decisions on
the fare of Somalia. As has been often started in resolutions of
the UN and other international organizations, Somalis are
responsible for finding to their problems. If left alone
politically, the Somalis will eventually resolve their differences
and reconcile. Can the UN, please, honour its own resolutions in
this regard and respectfully leave us in peace to settle our
political problems in our ways.
With
the assurance of my highest consideration,
Abdulahi
Yusuf Ahmed
Puntland
State President
Warsidaha
Puntland Tirsi 89-aad
Khamiis
26/04/2001
Bogga
3-aad
2.
MAALMAHA FASAXYADA
D.G.PUNTLAND OO
DIKREETO
MADAXWEYNE KU SOO
BAXAY
Madaxweynaha
D.G.Puntland, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa taariikhdii
19/04/01-da, Garo-we ka soo saaray dikreeto Lam. 216 oo suntaysa
maalmaha fasaxyada D.G. Puntland, kuwaas oo ah :-
Ø
Ciidul-fidri
2-maalmood
Ø
Ciidul Adxaa
2-maalmood
Ø
Mowliidka Nebiga (NNKH)
hal maalin
Ø
Bilowga Sannadka
Islaamka
hal maalin
Ø
26-ka Juun hal
maalin
Ø
1-da Luuliyo hal
maalin
Ø
Ciidda Puntland
(1-da Oga-
sto) hal maalin
Ø
Ciidda Calanka
Soomaaliyeed
(12-ka October)
hal maalin
Ø
Maalinta Shaqaalaha
Adduunka (1-da May) hal
maalin
Dikreetadu
waxay tixraacaysay go’aan Golaha Wasiirrada Daw-lad Goboleedka
Puntland uu qaatay taariikhdii 03/09/99-kii… dikreetadaasi
iyadoo isla go’aankaas tixraacaysa waxay saacadaha shaqada ee
dawlada Goboleedka Puntland ku cadda-ysay in ay yihiin marka laga
reebo maalinta Jimcaha iyo maa-lmaha kale ee fasaxyada maalin
walba hal saac (7:00) subaxnimo ilaa 8-da…(2:00) duhurnimo…
3-
MADAXWEYNAHA OO
DAAWADAY RIWAAYAD KU SAABSAN PUNTLAND
Isniin
23/04/2001 29
Muxarram 1422
Hablaha
dhalinyarada ah ee la magac baxay (Barbaarta Punt-land) oo ay
hoggaamiso Fadumo Cali Bootaan ( Fadumo Eyl) ayaa xalay
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland,Mudane Cabdullahi yusuf
Axmed ku casumay bandhig faneed uu ku daawaday Xarunta Cusub ee
Golaha Wakiillada… Kooxdaasi waxay halkaas ku soo bandhigeen
heeso fara-badan oo ku saabsan Puntland iyo Somaliya.. Waxaa
daawashada bandhig-faneedkaas Madaxweynaha kala qaybgalay
Madaxwene-ku-Xigeenka.. Wasiirka Iskaashiga Caala-miga…Wasiirka
Arrimaha Bulsh-ada…Wasiirka Xannaanada
Xoolaha..Wasiir-ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha….Xildhibaanno Golaha
Wakiillada…Agaasimeyaasha Guud ee Madaxtoo-yada…Arrimaha
Gudaha…Iskaashiga Caalamiga…Guddoomiyaha Gobolka Nugaal…Duqa
Maga-alada Garowe…iyo dadw-eyne aad u fara badan…Ubaxa Gobolka
Nugaal ayaa heestii ugu horreysay ku bilaabay:
Ø
Bulshooy Ubax
baannu nahay….
Ø
Puntland Koris
baannu na-hay….
Ø
Baraarujin yaannu
nahay….
Bandhig-faneedkaas
oo aad loogu bogay mar dambe ayaanu suugaantiisii soo gudbin
doonaa, haddii Alle idmo…
WAFDI
GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND OO U BAXAYA DALKA KOOFUR AFRIKA.
Arbaca
02 safar 1422…25/04/2001-da… Garowe… WARSIDAHA
Wafdi
ka socda golaha wakiillada Puntland ayaa maanta u ambabaxaya dalka
koonfur afrika… wafdigaas waxaa casumay baarlamaanka koofur
afrika… intuu dalkaas joogana wuxuu la kulmi doonaa hay’adaha
sharci-dejinta, Garsoorka iyo qaybo kale oo dawladda koonfur
Af-rika…wafdigaasi wuxuu ka sii qayb gali doonaa siminaar
(Work-shop)
lagu qabanayo dalka Kenya… Hay’adda Diakonia oo iyadu xiriirye
u ah booqashada, waxaa wafdiga sii raacaya:.
1.Md.
Cabdi Xasan Jimcaale Xiriiriyaha Arrimaha Sharciga ee Diakonia….
2.Sahra
Siciid Nuur Xiriiriyaha Arrimaha Haweenka ee Diakonia….Wefdiga
baxaya ee Golaha Wakiilladu wuxuu ka kooban yahay:
1.
Shukri Salaad
Wayrax…
2.
Sahro Ciise Faarax…
3.
Caasho Geelle
Diiriye…
4.
Jookho Geelle
Faarax…
5.
Maxamed Yuusuf
Axmed
6.
Maxamed Cumar Xaash-
Xaash
7.
Siciid Cabdulle
Muuse…
Warsidaha
Puntland Tirsi 89-aad
Khamiis
26/04/2001
Bogga
4-aad
JOORNAALKA
CODKA HAWEENKA OO LOO WALQALAY.
Awal-Safar
1422… 24/04/01-da Garowe… WARSIDAHA.
Galabta
Casarkii (16:30 saac) ayaa fagaaraha Xarunta Golaha Wakiillada
lagu cunay walqashii Joornaalka Codka Haweenka Puntland oo
cadadkiisii furaha ahaa lagu qaybiyey xaflad munaasabaddaas loo
abaabulay… xafladdaas oo ay ka soo qayb-gashay Marwada
Madaxweynaha Puntland, Marwo Xaawo Cabdi Samatar, Xildhibaannada
Golaha Wakiilada, Hay’ado wadani ah, hay’ado dibaddeed iyo
dadweyne fara badan oo haween iyo ragba leh…
Waxaa
hor iyo abbaato aayado qur’aan ah ku furay Xildhibaan Carab…
waxaa hordhac mawduuca xafladda ku iftiimisay Xildhibaan Caasha
Geelle Diiriye… waxaa wax-qabadka gabdhaha
xubnaha ka ah Golaha Wakiillada
wax ka taataabtay Xildhibaan Shurkri Salaad Wayrax… waxaa
nadaamka Joornaalku u howgeli doono ka warbixisay Xildhibaan Sahra
Ciise Faarax (Xamari)… waxaa ujeeddooyinka iyo himilooyinka
Joornaalka cusub tilmaantay Sahra Siciid Nuur (Madaxa Arrimaha
Haweenka ee Hay’adda Diakonia)… gabdhaha Golaha Wakiilladu
waxay u mahadnaqeen hay’adda Diakonia oo ku gacan-siiyey soo
saaridda Joornaalkaan oo la qorsheeyey inuu bishiiba hal mar soo
baxo (Insha Allaahu)…
WARSIDUHU
wuxuu Codka Haweenka ku soo dhoweynayaa Caleemo qoyan iyo ubax
udgoon…
isagoo walqashii codka wax ka cunay wuxuu leeyahay :
Marxab…
Marxab… Codka Haweenka Puntland…. Cimri Dheer… iyo guul
isdaba-joog ah…
ISLAN
MAXAMED OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYEY GAROWE.
Talaado…
23 Muxarram 1422…17/04/01-da Garowe WARSIDAHA.
Maanta
Saacaddii 11:30-kii subaxnimo Magaalada Garowe oo wadata oodaheeda
ayaa soo dhoweyn uga hortagtay Islan Maxamed Islan Muuse oo
Caafimaad muddo ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta…
Waxaa
Islaan Maxamed iyo Mudankii
kale ee la socday kaga hortegay Tuulada 22-aad oo Waqooyi Bari ka
xigta Garowe, Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane, C/laahi
Yuusuf Axmed…. Wasiirka Maa-liyadda
Md, Siciid Maxamuud Maxamed Cad-duur…
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md, Axmed Aadan
Carab… Suldaan Siciid
Maxamed
Garaase… Agaasi-meyaasha Guud ee Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta
Yusuf Macallin Ibraahim iyo Maxamuud Caynab Maxamuud…
Guddoo-miyaha Gobolka Nugaal C/laahi Xasan Faarax (Baasaweyne) iyo
labadiisa ku xigeen Injineer C/qa-adir Bicir iyo Cabdi Saleebaan…
Duqa Magaalada Garowe Md, Daahir Cali Ciise oo dada-haynaya
ubixii Gobolka Nugaal, iyo dadweyne aad u faro badan…
Baabuurtii lagu soo gelbiyey Islanka iyo Mudankii la socday ayaa
22-kaas kilometer xirii-rsantay… Islan Maxamed markii uu
ummaddii soo dhoweysay salaamay wuxuu yiri waa ammin kulul iyo
qorax… Waqti kale ayaan idiin warrami doonnaa…
Mudanka
Islan Maxamed la socday waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha
iyo Amniga ee Puntland, Md, C/qaadir
Islan Maxamed Islan Muse…
SIXITAAN
Waxaannu
cadadkii kan ka horreeyey ee WARSIDAHA aannu kusoo qornay tiraab
ah:-
Guddigga
Diyaarinta Shur-uucda Doorashada… tiraa-bkaas oo aannu ku
gefnay waxaannu ka bixinaynaa raalli-gelin… waxaana sax ah
sidan:-
Guddigga Puntland ee Door-ashadda…
Warsidaha
Puntland Tirsi 89-aad
Khamiis
26/04/2001
Bogga
5-aad
Shirweynaha
Beesha Meherigu waa u muhiim Badda Cas iyo Badweynta
Hindiyaba.
Beesha
Carbeed ee Meheri, ayaa u ballansan shirweyne beesha oo ballaaran
oo lagu qabanayo Mag-aalada Garowe, taariikhda 30/05/2001-da…
shirweynahaas waxaa loo wacay dhamaan qay-baha beesha Carbeed ee
Meheri meel kasta oo ay ka deggan yihiin dalka Soom-aaliyeed…
baaqa loo kala diray qaybaha beesha Carbeed waxaa lagu xusay :-
1.
Kuwa mag-wadaagta
ah: Cumar Muuse… Maxamuud Saalax… Xasan Saalax… Bin-
jixdi…
2.
Kuwa aan
mag-wadaagta ahayn: Bin-cantuuni… Bin-Bir-mashowle… Bin-Caqiil…
Reer Siciid Timo Dheere… Xamu-umi… Aqaabira… Xu-jaydi…
Daybaani… Reer
Taabid… Reer Saalim Dhagax… Suxuura iyo Makane….
Ajendaha
shirkaas waxaa ka mid ah:
1.
Midaynta Siyaasadeed ee Beesha
2.
Habayn qaabab lagu xoojinayo
wada-jirka
beesha xag siyaasadeed, xag dhaqaale iyo
xag bulsho…
Qaban-qaabada
shirweynaha beesha waxaa loo magacaabay
guddiyo kala duwan… shirwe-ynaha beesha Carbeed wuxuu wax-weyn
ka tari doonaa xiriirka dalalka Puntland, Yemen, Salda-nadda
Cumaan, Imaaraadka Carabta iyo Qaarad-u-yaasha Hindiya.
KOOXDA
CARTA OO MARKII UGU HORREYSAY BALLAN AY GASHAY FULISAY.
Maalintii
Arbacadii 7-dii Muxarram 1422… 11/04/2001, ayaa Golaha
Wasiirrada ee Kooxda Carta Hoteelkiisii Rama-daan oo ah Muqdisho,
wu-xuu ku qabtay shir saxaafad-eed… waxaa shirkaas ka hadlay
Wasiirka B.faafinta Carta, Seke-riye Maxa-muud Xaaji Cabdi…
aakhirkii waxaa hadalkii qaatay Wasiir-ku-xigeenka Gaashaan-dhigga
Carta,
Maxamed Maxa-muud
Xaddi… Wasiir-ku-xigeenku isagoo aad caro u muujinaya, ayuu
qaaday ballan culus… ballankaas oo uu ku nuux-nuuxsaday…
Wasiir-ku-xigeenku shirkaas saxaafadeed ee Golaha Was-iirrada
Carta in badani ka fadhiday ayuu ballan-qaadkaas culus kaga
dhaw-aaqay… wuxuu ballan-qaaday inaanay dib danbe u xishoon
doonin… wuxuu yiri Xishood danbe na lagu arki mayo…
xishoodka waanu tuuraynaa ayuu yiri… wuu ku cel-celiyey…
wuu ku nuux-nuu-xsaday… Maalintii
Sabtidii ee 20-ka Muxarram 1422… 14/04/2001-da… ayaa Wasiirka
B.Faafinta Carta
Sek-eriye Maxamuud Xaaji Cabdi
BBC-da wuxuu u sheegay oo yiri lacagta Been-abuurka ah ee dhowaan
Muqdisho ka soo degtay waxaa
keenay Madaxweynaha Punt-land C/laahi Yuusuf Axmed… Kooxda Carta
oo hore looga bartay ballamaha ay gasho in ay garab-marto… mar-kani
waxay noqotay, markii ugu horraysay oo ballan ay gashay ay fuliso…
waxay ballan-qaadday in ay xishoodka iska
tuurayso… wayna fulisay…
OGEYSIIS
Waxaa
dhammaan bulshada ku nool
deegaanka Puntland, loogu bishaaraynayaa in Dr Maxamed Axmed
Gaas uu keenay Daawo tayo fiican leh, uuna yahay nin dalka
gudahiisa daawadda ku suubiya balse kiimikadda uu kala yimid
Italia.
Waxaana
daawooyinkaas ka mid ah:-
Amxcelin
Cup 500mg.
Haddaba,wixii
faahfaahin intaa dheer kala
soo xiriir Farmashiyaha
Tel. 4237 oo ku hoosyaal daarta Hotel Kamaal
Gaalkacayo
Warsidaha
Puntland Tirsi 89-aad
Khamiis
26/04/2001
Bogga
6-aad
DEEQAHA
HAY’ADAHANI WAA INAY GAARAAN SOOL, SANAAG IYO BUUHOODLE.
Axad
22/04/01-da… 28 Muxarram 1422 Garowe WARSIDAHA.
Waxaa
saaka Saacaddii 10:00 Subaxnimo lagu qabtay Maxkam-madda Sare ee
Puntland, fagaar-aheeda ku yaal Garowe, Xaflad Hay’adda Diakonia
ay qalab xafiis ugu qaybisay Golaha Wakiillada, dhamaan
Hy’addaha Garsoorka (ilaa heer degmo) iyo Ciidanka Asluubta…
Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka (sii-hayaha
Wasa-aradda Caddaalada iyo Arrimaha Diinta) oo xafladaas ka soo
qayb-galay waxaa halkaas warbixino ugu soo jeediyey :-
1.
Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Caddaalada
iyo Arrimaha Diinta Md,C/qaadir Xasan Ceegaag
oo
ammaan badan u soo jeediyey Wax-qabadkii
hay’adda Diakonia ay kasoo qabatay gaar ahaan Gobolka
Nugaal muddo ah sannado badan… isagoo sheegay inuu ka mid ahaa
mas’uuliyiinta Gobolka waqtiyadii Diakonia wax-qabadkeeda ay ka
bilowday Gobolka Nugaal.
2.
Md, Yuusuf Xaaji
Nuur, Guddoomiyaha Maxkammadda Sare oo warbixin faah-faahsan ka
bixiyey hay’addaha Garsoorka Puntland (dib ayaannu warbixintaas
ka soo gudbin doonnaa haddii Alla idmo)…
3.
Md, Cabdi Xasan
Jimcaale… Xiriiriyaha
Arrimaha
Sharciyada iyo Garsoorka ee hay’adda Diakonia
oo ka warbixiyey qalabka hay’adaha la guddoonsiiyo…
4.
Pat Johnson… oo ah
Isku-duwaha Mashaariicda UNDP ka fuliso Puntland… waxayna
hadalkeedii ku bilowday iyadoo Af-Soomaali ku hadlaysa :-
Subax
wanaagsan… raali iga ahaada… Af-Soomaaliga kuma hadlee… ka
dibna waxay u bayrtay Af-ka Ingiriiska (waxaa ka tarjumaysay Sahra
Siciid Nuur oo ka tirsan Saraakiisha Diakonia)… Pat Johnson
waxay sheegtay in qalabkani qayb ka yahay mucaawinooyinka
Hay’adda UNDP ay Soomaaliya ku caawiso…waxay sheegtay inay ku
faraxsan tahay barnaamijyadda UNDP oo si fiican uga socda Puntland…
waxay tiri “Hay’adda Diakonia si fiican ayay u fulinaysaa
hawshan oo ay wakiil uga tahay UNDP”… waxay mahadnaq ka
celisay kasoo qayb-galka xafladdan lagu casumay…
5.
Xidhibaan Naalleeye oo ah
Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda ee Golaha Wakiillada… wuxuu
mahadnaq u jeediyey hay’adda UNDP iyo Diakonia… wuxuu sheegay
in Diakonia hawlo faro badan oo kala duwan ka fuliso Puntland…
dadka Diakonia ka shaqeeyaana ay si xilkasnimo ah wax-qabadka
hay’adda u jeheeyaan…
Wasiirka
Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka Md, Maxamed Xaaji Aadan,
ayaa ka dib markii hay’adihii la guddoonsiiyey qalabkii loogu
deeqay, xafladdii wuxuu ku soo gebegabeeyey erayadan:-
Wuxuu
salaamay dhammaan hay’adaha iyo cidkasta oo kasoo qayb-gashay
xafladda… wuxuu u mahad-naqay hay’adaha deeqda soo gudbiyey…
Wuxuu
sheegay in Diakonia si aad ah wax uga qabatay Gobolladan… wuxuu
sheegay inuu ku kalsoon yahay in ay wax-qabadkaas sii wadi doonto
siina kordhin doonto…
Hay’adaha
qalabka guddoomay wuxuu ku guubaabiyey inay muujiyaan isticmaal
wanaagsan iyo xannaano… wuxuu yiri “wax-qabadka hay’adahani
waa inuu u gudbaa oo gaaraa Sool, Sanaag iyo Buuhoodle”…
dhammaan deeganada Puntland waa isku dawlad… waa isku goleyaal…
waa isku odayaal… waa isku sharci… waa isku mid !!! ayuu yiri.
Xafladaas
waxaa ka soo qayb-galay Xidlhibaanno Golaha Wakiilada iyo Madax
badan oo ka socota Wasaaradda Caddaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha
Diinta… Dhinaca Diakonia waxaa kasoo qayb-galay Agaasimaha
Diakonia ee Puntland Md, Maxamed Cabdi Cali (Maxamed Dheere)…
Warsidaha
Puntland Tirsi 89-aad
Khamiis
26/04/2001
Bogga
7-aad
SUUGAAN
SHIRQOOL
1.
Garaadada waxaan meeriyoo
=
meleg la raadshaaba
2.
Magliyada waxaan looliyoo
=
micida ruugaaba
3.
Salaan aan milgo lahayn
waxaan midigta saaraaba
4.
Maddadaalo beeneed waxaan
=
maandhe ku hayaaba
5.
Maqashoodii inaan qaar heloo
milic wareegeysay
6.
oo aan mareegaha ku riday
=
mahade yaa u sheega…
CID
IGA FURATA AYAAN WAAYEY
1.
Duullaanka hore yaan lahaa
=
wiilasha u daaye
2.
Duqbaa tahaye joog baan lahaa
=
Waa la soo didine
3.
Haddiise laga danbaxay
=
Xaajadaan idin la doonaayey
4.
Dirquu igu qabsaday inaan
=
Anigu dooxaaye
KAAHA
BARI BOSASO
HADDII
AANAY.
1.
Haddii aanay sidii beelo raran
=
xarunta soo beegin
2.
Ama aanay Bengaal iyo Hindi
=
iyo beled kale u dhoofin
3.
Senge bowda dheer iyo
=
intaan bulay taxaabaayo
4.
Inaan bihina geelladu jireyn
=
Ba’a ee yaa u sheega.
Ururka
SRRC Baydhabo
HADBA
GEES MIYAAN DEYEY.
1.
Godobtaydu waa wada jirtaa
=
goonyohoo idile
2.
Gashi nimaan ku leeyahayba
=
waan dabo gelaayaaye
3.
Waxaan goosan karo anigu
=
waan gurubsanaayaaye
4.
Hadba gees miyaan deyey
=
intaan gownaxyada buuray
5.
Guntigaan maroorsaday
=
miyaan labada low geeyey
6.
Ma genbaan u taagnahay
=
intay gaadho noloshaydu
Yaasir
Carafaat
Warsidaha
Puntland Tirsi 89-aad
Khamiis
26/04/2001
Bogga
8-aad
JOORNAALKA
KAAHA BARI GABOW MIYAA
TAABTAY!!!
Joornaalka
KAAHA BARI ayaa Cadadkiisii 524-aad ee 13/04/2001,wuxuu qoray
Cunwaan ah:
MUXUU
KA DOONAY MADAXWEYNUHU BOOCAME???
Cid
waliba cunwaankaas way la yaabtay…waana gar in cid waliba la
yaabto… cunwaanku sida qof walba u muuqata, caqliga caafimaadka
qabaa wuu diidayaa!!!! Maxa cunwaanku xambaarsan yahay???
Niyad-xumo miyaa??!! Aqoon la’aan Juqraafiga Dalka miyaa??!!
Aqoon la’aan shuruucda Dawlad Goboleedka miyaa??!!
Xumaato-u-bareer miyaa??!!Deegaan gaar loo colaadinayo miyaa??!!!
Jawaabta aan wada baarno??!! Joornaalka KAAHA BARI waa Joornaalka
ugu da’ weyn Joornaalada Puntland…. Waxaa laga filayay inuu
isagu Joornaalada ugu waayeelsan
yahay….Haddaba maxaa keeni-kara waayeelkii Joornaaladu inuu qoro
cunwaankaas iyo wax la mid ??!!! Waayeelkii gabow miyaa taabtay??!!!
Jawaabta nala baara??!!
Duqa
Magaalada Boocame
Maxamuud
Xirsi Faarax-Biixi
OGEYSIIS
Waxaa
dadweynaha la ogeysiinayaa in Agaasinka Warfaafinta, Dhaqanka,
Boostada iyo Isgaarsiinta, Qaybta WARSIDAHA PUNA, ay soo
bandhigtay saddex jago oo tartan imtixaan loo galayo, kuwaasoo
looga baahan yahay dad aqoon sare iyo hal abuurba leh kana qayb
qaadan kara tayaynta qoraalada, doorashada wararka, aqoon
kordhinta iyo wacyi gelinta.
Shuruudaha
laga doonayo
1.
Waa inuu yahay Muwaadin
Puntland ah.
2.
Waa inuu haystaa shahaado
jaamacadeed (Saxaafadda), waxbarashada iyo Culuumta bulshada
3.
Waa inuu aqoon kaafi ah u
leeyahay luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga.
4.
Waa inuusan horrey u gelin
dembi sharaftiisa wax u dhimi kara.
Hawlaha
Laga Rabo.
1.
Qoraalo iyo daraasad nuxur
leh
2.
Diyaarinta wararka muhiimka
ah ee gudaha iyo dibeda.
Ciddii
danaynaysa waxay araajida ku soo hagaajinayaan Agaasinka Guud ee
Shaqadda iyo Shaqaalaha, waaxda shaqo qorista iyo tababarad.
Qabashada araajidu waxay ku eg-tahay 27/04/01-da.
Mahadsanidin
Eng.
Yaasiin Axmed Jaamac
Ag.
Waaxda Shaqo Qorista iyo Tababarada.