19 May 2007 04:20

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country] WP 89
  • Posted by/on:[AMJ][Thursday, April 26, 2001]

Warsidaha   Puntland

Tirsi 89     

Khamiis    26/04/2001

 


Warsidaha   Puntland Tirsi 89-aad      Khamiis            26/04/2001                  Bogga 2-aad     

WARARKA MADAXTOOYADA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND

1.      MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAAND OO WARQAD KU SAABSAN ARRIMAHA SOMALIDA U DIRAY UN-ka IYO URURRO KALE.

Madaxweynaha Dawlad Gobo-leedka Puntland Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed,ayaa bishii ina dhaaftay eeMarch warqad ku saabsan arrimaha somaliya wuxuu u diray Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay iyo ururro kale….Waxaannu akhriteyaasha sharafta badan halkan ugu soo gudbinaynaa warqaddaas oo ku qoran afka ingiriiska ….. iyadoo ay jirto in warqaddaas hadda qaadaadhiggeedu ka bilaabmay qolqollada guud ahaan Qaramada Midoobey gaar aha-ana kuwa Golaha Ammaanka…. Warqaddiina waa tan: <?XML:NAMESPACE PREFIX = O />

Garowe Marso, 20. 

MW/DPS/PRESS-022/2001 

To:- H.E The President of the UN Security Council, New York

H.E Kofi Anan  

UN Secretary General, New York.

New York

Cc: President Omar Al-Bashir of Sudan & Chairman of IGAD, Khartoum,

President of the European Union, Stockholm, Sweden     

Dr Prodi, President of the European Commission,

Brussels, Belgium.  

Italian Foreign Ministry & International Corporation

Rome, Italy.  

We regretfully understand that the UN Secretary General is considering recognizing arbitrarily the Arta Faction (the so-called TNG) in Mogadishu as the only official and legitimate national government of Somalia.

It is also contemplating to move UN offices from Nairobi to Mogadishu under the guise of Peace Building Mission for Somalia. Mr. David Stephen, UN Secretary General Representative to Somalia, and Randolph Kent, UNDP Resident Representative and Humanitarian Coordinator for Somalia, both of who are presently in New York, are advocating such UN action to be taken urgently. This is a futile attempt on the part of these two officials to prolong the imminent demise of Arta Faction for inexplicable reasons of their own. The UN strategy or the action plan is as follows:

1.   To secure the UN recognition of the Arta Faction and, consequently, encouraging UN member states to follow suit.

2.   To move UN principal offices from Nairobi, Puntland and Somaliland to Mogadishu under the excuse of the proposed UN peace Mission theory.

3.   To channel all funds for humanitarian, relief rehabilitation and development project through the Arta Faction trying to make them the only legitimate entity in Somalia, giving the TNG a major say in the allocation of such international assistance.

4.   To undermine Puntland State of Somalia, Somaliland and RRA regions by punishing them for their non-cooperation with the Arta Faction, thus, ignoring the reality on the ground in Somalia that these zones are peaceful and their authorities control large areas.

5.   To undermine and obstruct all UN Secretary Council, OAU and IGAD/IPF resolutions on pursing the national process through dialogue and reconciliation.  

Such diabolic plan would definitely lead to renewed conflict and bloodshed in Somalia.

It would also be a further proof of the flagrant UN bias and political favouritism in Somalia’s political zones and organizations. The UN Political for Somalia (UNPOS) and UNDP should be concentrating, if they were genuine

Officials of the UN having the interests of the Somali People at heart, on the current critical issues of national unity, security, economic, currency and drought crises. Arta Faction/TNG, which is confined in 3 hotels, is a dead horse and any UN bilateral effort to save it is bound to meet with utter failure.

Puntland State of Somalia, while reserving the right to protect its security, interests and obligations to national unity and reconciliation, seizes this opportunity to appeal to the UN Secretary Council and the international community as a whole that the United Nations refrain from hasty foreign imposed decisions on the fare of Somalia. As has been often started in resolutions of the UN and other international organizations, Somalis are responsible for finding to their problems. If left alone politically, the Somalis will eventually resolve their differences and reconcile. Can the UN, please, honour its own resolutions in this regard and respectfully leave us in peace to settle our political problems in our ways.

 

With the assurance of my highest consideration,

 

Abdulahi Yusuf Ahmed

Puntland State President

Warsidaha   Puntland Tirsi 89-aad      Khamiis            26/04/2001                  Bogga 3-aad               

 

2.     MAALMAHA FASAXYADA D.G.PUNTLAND OO        DIKREETO      MADAXWEYNE KU SOO         BAXAY

Madaxweynaha D.G.Puntland, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa taariikhdii 19/04/01-da, Garo-we ka soo saaray dikreeto Lam. 216 oo suntaysa maalmaha fasaxyada D.G. Puntland, kuwaas oo ah :-

Ø      Ciidul-fidri 2-maalmood

Ø      Ciidul Adxaa 2-maalmood

Ø      Mowliidka Nebiga (NNKH)           hal maalin

Ø      Bilowga Sannadka Islaamka           hal maalin

Ø      26-ka Juun hal maalin

Ø      1-da Luuliyo hal maalin

Ø      Ciidda Puntland (1-da Oga-            sto) hal maalin

Ø      Ciidda Calanka Soomaaliyeed        (12-ka October)           hal maalin

Ø      Maalinta Shaqaalaha           Adduunka (1-da May) hal        maalin 

Dikreetadu waxay tixraacaysay go’aan Golaha Wasiirrada Daw-lad Goboleedka Puntland uu qaatay taariikhdii 03/09/99-kii… dikreetadaasi iyadoo isla go’aankaas tixraacaysa waxay saacadaha shaqada ee dawlada Goboleedka Puntland ku cadda-ysay in ay yihiin marka laga reebo maalinta Jimcaha iyo maa-lmaha kale ee fasaxyada maalin walba hal saac (7:00) subaxnimo ilaa 8-da…(2:00) duhurnimo…

3- MADAXWEYNAHA OO    DAAWADAY RIWAAYAD KU SAABSAN PUNTLAND

 

Isniin 23/04/2001  29 Muxarram 1422

Hablaha dhalinyarada ah ee la magac baxay (Barbaarta Punt-land) oo ay hoggaamiso Fadumo Cali Bootaan ( Fadumo Eyl) ayaa xalay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland,Mudane Cabdullahi yusuf Axmed ku casumay bandhig faneed uu ku daawaday Xarunta Cusub ee Golaha Wakiillada… Kooxdaasi waxay halkaas ku soo bandhigeen heeso fara-badan oo ku saabsan Puntland iyo Somaliya.. Waxaa daawashada bandhig-faneedkaas Madaxweynaha kala qaybgalay Madaxwene-ku-Xigeenka.. Wasiirka Iskaashiga Caala-miga…Wasiirka Arrimaha Bulsh-ada…Wasiirka Xannaanada Xoolaha..Wasiir-ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha….Xildhibaanno Golaha Wakiillada…Agaasimeyaasha Guud ee Madaxtoo-yada…Arrimaha Gudaha…Iskaashiga Caalamiga…Guddoomiyaha Gobolka Nugaal…Duqa Maga-alada Garowe…iyo dadw-eyne aad u fara badan…Ubaxa Gobolka Nugaal ayaa heestii ugu horreysay ku bilaabay: 

Ø        Bulshooy Ubax baannu nahay….

Ø        Puntland Koris baannu na-hay….

Ø        Baraarujin yaannu nahay…. 

Bandhig-faneedkaas oo aad loogu bogay mar dambe ayaanu suugaantiisii soo gudbin doonaa, haddii Alle idmo…  

 

WAFDI GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND OO U BAXAYA DALKA KOOFUR AFRIKA.

 

Arbaca 02 safar 1422…25/04/2001-da… Garowe… WARSIDAHA

  Wafdi ka socda golaha wakiillada Puntland ayaa maanta u ambabaxaya dalka koonfur afrika… wafdigaas waxaa casumay baarlamaanka koofur afrika… intuu dalkaas joogana wuxuu la kulmi doonaa hay’adaha sharci-dejinta, Garsoorka iyo qaybo kale oo dawladda koonfur Af-rika…wafdigaasi wuxuu ka sii qayb gali doonaa siminaar

 (Work-shop) lagu qabanayo dalka Kenya… Hay’adda Diakonia oo iyadu xiriirye u ah booqashada, waxaa wafdiga sii raacaya:. 

1.Md. Cabdi Xasan Jimcaale Xiriiriyaha Arrimaha Sharciga ee Diakonia…. 

2.Sahra Siciid Nuur Xiriiriyaha Arrimaha Haweenka ee Diakonia….Wefdiga baxaya ee Golaha Wakiilladu wuxuu ka kooban yahay: 

1.      Shukri Salaad Wayrax…

2.      Sahro Ciise Faarax…

3.      Caasho Geelle Diiriye…

4.      Jookho Geelle Faarax…

5.      Maxamed Yuusuf Axmed

6.      Maxamed Cumar Xaash-    Xaash

7.      Siciid Cabdulle Muuse…

Warsidaha   Puntland Tirsi 89-aad      Khamiis            26/04/2001                  Bogga 4-aad               

 

JOORNAALKA CODKA HAWEENKA OO LOO WALQALAY.

Awal-Safar 1422… 24/04/01-da Garowe… WARSIDAHA.

Galabta Casarkii (16:30 saac) ayaa fagaaraha Xarunta Golaha Wakiillada lagu cunay walqashii Joornaalka Codka Haweenka Puntland oo cadadkiisii furaha ahaa lagu qaybiyey xaflad munaasabaddaas loo abaabulay… xafladdaas oo ay ka soo qayb-gashay Marwada Madaxweynaha Puntland, Marwo Xaawo Cabdi Samatar, Xildhibaannada Golaha Wakiilada, Hay’ado wadani ah, hay’ado dibaddeed iyo dadweyne fara badan oo haween iyo ragba leh… 

Waxaa hor iyo abbaato aayado qur’aan ah ku furay Xildhibaan Carab… waxaa hordhac mawduuca xafladda ku iftiimisay Xildhibaan Caasha Geelle Diiriye… waxaa wax-qabadka gabdhaha  xubnaha ka ah Golaha Wakiillada  wax ka taataabtay Xildhibaan Shurkri Salaad Wayrax… waxaa nadaamka Joornaalku u howgeli doono ka warbixisay Xildhibaan Sahra Ciise Faarax (Xamari)… waxaa ujeeddooyinka iyo himilooyinka Joornaalka cusub tilmaantay Sahra Siciid Nuur (Madaxa Arrimaha Haweenka ee Hay’adda Diakonia)… gabdhaha Golaha Wakiilladu waxay u mahadnaqeen hay’adda Diakonia oo ku gacan-siiyey soo saaridda Joornaalkaan oo la qorsheeyey inuu bishiiba hal mar soo baxo (Insha Allaahu)… 

WARSIDUHU wuxuu Codka Haweenka ku soo dhoweynayaa Caleemo qoyan iyo ubax  

udgoon… isagoo walqashii codka wax ka cunay wuxuu leeyahay :

Marxab… Marxab… Codka Haweenka Puntland…. Cimri Dheer… iyo guul isdaba-joog ah…

 

ISLAN MAXAMED OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYEY GAROWE.

Talaado… 23 Muxarram 1422…17/04/01-da Garowe WARSIDAHA.

Maanta Saacaddii 11:30-kii subaxnimo Magaalada Garowe oo wadata oodaheeda ayaa soo dhoweyn uga hortagtay Islan Maxamed Islan Muuse oo Caafimaad muddo ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta…

Waxaa Islaan Maxamed iyo Mudankii kale ee la socday kaga hortegay Tuulada 22-aad oo Waqooyi Bari ka xigta Garowe, Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed…. Wasiirka Maa-liyadda Md, Siciid Maxamuud Maxamed Cad-duur… Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md, Axmed Aadan Carab… Suldaan Siciid

Maxamed Garaase… Agaasi-meyaasha Guud ee Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta Yusuf Macallin Ibraahim iyo Maxamuud Caynab Maxamuud… Guddoo-miyaha Gobolka Nugaal C/laahi Xasan Faarax (Baasaweyne) iyo labadiisa ku xigeen Injineer C/qa-adir Bicir iyo Cabdi Saleebaan… Duqa Magaalada Garowe Md, Daahir Cali Ciise oo dada-haynaya  ubixii Gobolka Nugaal, iyo dadweyne aad u faro badan… Baabuurtii lagu soo gelbiyey Islanka iyo Mudankii la socday ayaa 22-kaas kilometer xirii-rsantay… Islan Maxamed markii uu ummaddii soo dhoweysay salaamay wuxuu yiri waa ammin kulul iyo qorax… Waqti kale ayaan idiin warrami doonnaa…  

Mudanka Islan Maxamed la socday waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Puntland, Md, C/qaadir Islan Maxamed Islan Muse…

SIXITAAN

 

Waxaannu cadadkii kan ka horreeyey ee WARSIDAHA aannu kusoo qornay tiraab ah:-

Guddigga Diyaarinta Shur-uucda Doorashada… tiraa-bkaas oo aannu ku gefnay waxaannu ka bixinaynaa raalli-gelin… waxaana sax ah sidan:- Guddigga Puntland ee Door-ashadda…

 

 

Warsidaha   Puntland Tirsi 89-aad      Khamiis            26/04/2001                  Bogga 5-aad         

 

Shirweynaha Beesha Meherigu waa u muhiim Badda Cas iyo Badweynta    Hindiyaba.

 

Beesha Carbeed ee Meheri, ayaa u ballansan shirweyne beesha oo ballaaran oo lagu qabanayo Mag-aalada Garowe, taariikhda 30/05/2001-da… shirweynahaas waxaa loo wacay dhamaan qay-baha beesha Carbeed ee Meheri meel kasta oo ay ka deggan yihiin dalka Soom-aaliyeed… baaqa loo kala diray qaybaha beesha Carbeed waxaa lagu xusay :- 

1.      Kuwa mag-wadaagta ah: Cumar Muuse… Maxamuud Saalax… Xasan Saalax… Bin-        jixdi…

2.      Kuwa aan mag-wadaagta ahayn: Bin-cantuuni… Bin-Bir-mashowle… Bin-Caqiil…            Reer Siciid Timo Dheere… Xamu-umi… Aqaabira… Xu-jaydi… Daybaani… Reer        Taabid… Reer Saalim Dhagax… Suxuura iyo Makane….  

Ajendaha shirkaas waxaa ka mid ah:

1.            Midaynta Siyaasadeed ee Beesha

2.            Habayn qaabab lagu xoojinayo wada-jirka      beesha xag siyaasadeed, xag dhaqaale iyo   xag bulsho…  

Qaban-qaabada shirweynaha beesha waxaa loo magacaabay guddiyo kala duwan… shirwe-ynaha beesha Carbeed wuxuu wax-weyn ka tari doonaa xiriirka dalalka Puntland, Yemen, Salda-nadda Cumaan, Imaaraadka Carabta iyo Qaarad-u-yaasha Hindiya.

KOOXDA CARTA OO MARKII UGU HORREYSAY BALLAN AY GASHAY FULISAY.

Maalintii Arbacadii 7-dii Muxarram 1422… 11/04/2001, ayaa Golaha Wasiirrada ee Kooxda Carta Hoteelkiisii Rama-daan oo ah Muqdisho, wu-xuu ku qabtay shir saxaafad-eed… waxaa shirkaas ka hadlay Wasiirka B.faafinta Carta, Seke-riye Maxa-muud Xaaji Cabdi… aakhirkii waxaa hadalkii qaatay Wasiir-ku-xigeenka Gaashaan-dhigga Carta, Maxamed Maxa-muud Xaddi… Wasiir-ku-xigeenku isagoo aad caro u muujinaya, ayuu qaaday ballan culus… ballankaas oo uu ku nuux-nuuxsaday… Wasiir-ku-xigeenku shirkaas saxaafadeed ee Golaha Was-iirrada Carta in badani ka fadhiday ayuu ballan-qaadkaas culus kaga dhaw-aaqay… wuxuu ballan-qaaday inaanay dib danbe u xishoon doonin… wuxuu yiri Xishood danbe na lagu arki mayo… xishoodka waanu tuuraynaa ayuu yiri… wuu ku cel-celiyey… wuu ku nuux-nuu-xsaday… Maalintii Sabtidii ee 20-ka Muxarram 1422… 14/04/2001-da… ayaa Wasiirka B.Faafinta Carta Sek-eriye Maxamuud Xaaji Cabdi BBC-da wuxuu u sheegay oo yiri lacagta Been-abuurka ah ee dhowaan Muqdisho ka soo degtay waxaa keenay Madaxweynaha Punt-land C/laahi Yuusuf Axmed… Kooxda Carta oo hore looga bartay ballamaha ay gasho in ay garab-marto… mar-kani waxay noqotay, markii ugu horraysay oo ballan ay gashay ay fuliso… waxay ballan-qaadday in ay xishoodka iska tuurayso… wayna fulisay…  

OGEYSIIS  

Waxaa dhammaan bulshada ku nool deegaanka Puntland, loogu bishaaraynayaa in Dr Maxamed Axmed Gaas uu keenay Daawo tayo fiican leh, uuna yahay nin dalka gudahiisa daawadda ku suubiya balse kiimikadda uu kala yimid Italia.

Waxaana daawooyinkaas ka mid ah:-

Amxcelin Cup 500mg.

Haddaba,wixii faahfaahin intaa dheer  kala soo xiriir Farmashiyaha Tel. 4237 oo ku hoosyaal daarta Hotel Kamaal Gaalkacayo

Warsidaha   Puntland Tirsi 89-aad      Khamiis            26/04/2001                  Bogga 6-aad               

 

DEEQAHA HAY’ADAHANI WAA INAY GAARAAN SOOL, SANAAG IYO BUUHOODLE.

Axad 22/04/01-da… 28 Muxarram 1422 Garowe WARSIDAHA.

Waxaa saaka Saacaddii 10:00 Subaxnimo lagu qabtay Maxkam-madda Sare ee Puntland, fagaar-aheeda ku yaal Garowe, Xaflad Hay’adda Diakonia ay qalab xafiis ugu qaybisay Golaha Wakiillada, dhamaan Hy’addaha Garsoorka (ilaa heer degmo) iyo Ciidanka Asluubta… Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka (sii-hayaha Wasa-aradda Caddaalada iyo Arrimaha Diinta) oo xafladaas ka soo qayb-galay waxaa halkaas warbixino ugu soo jeediyey :-

1.      Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaalada       iyo Arrimaha Diinta Md,C/qaadir Xasan Ceegaag         oo       ammaan badan u soo jeediyey Wax-qabadkii          hay’adda Diakonia ay kasoo qabatay gaar ahaan Gobolka Nugaal muddo ah sannado badan… isagoo sheegay inuu ka mid ahaa mas’uuliyiinta Gobolka waqtiyadii Diakonia wax-qabadkeeda ay ka bilowday Gobolka Nugaal.

2.      Md, Yuusuf Xaaji Nuur, Guddoomiyaha Maxkammadda Sare oo warbixin faah-faahsan ka bixiyey hay’addaha Garsoorka Puntland (dib ayaannu warbixintaas ka soo gudbin doonnaa haddii Alla idmo)…

3.      Md, Cabdi Xasan Jimcaale… Xiriiriyaha  

Arrimaha Sharciyada iyo Garsoorka ee hay’adda Diakonia  oo ka warbixiyey qalabka hay’adaha la guddoonsiiyo…

4.      Pat Johnson… oo ah Isku-duwaha Mashaariicda UNDP ka fuliso Puntland… waxayna hadalkeedii ku bilowday iyadoo Af-Soomaali ku hadlaysa :-

Subax wanaagsan… raali iga ahaada… Af-Soomaaliga kuma hadlee… ka dibna waxay u bayrtay Af-ka Ingiriiska (waxaa ka tarjumaysay Sahra Siciid Nuur oo ka tirsan Saraakiisha Diakonia)… Pat Johnson waxay sheegtay in qalabkani qayb ka yahay mucaawinooyinka Hay’adda UNDP ay Soomaaliya ku caawiso…waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay barnaamijyadda UNDP oo si fiican uga socda Puntland… waxay tiri “Hay’adda Diakonia si fiican ayay u fulinaysaa hawshan oo ay wakiil uga tahay UNDP”… waxay mahadnaq ka celisay kasoo qayb-galka xafladdan lagu casumay…

5.      Xidhibaan Naalleeye oo ah Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda ee Golaha Wakiillada… wuxuu mahadnaq u jeediyey hay’adda UNDP iyo Diakonia… wuxuu sheegay in Diakonia hawlo faro badan oo kala duwan ka fuliso Puntland… dadka Diakonia ka shaqeeyaana ay si xilkasnimo ah wax-qabadka hay’adda u jeheeyaan…

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka Md, Maxamed Xaaji Aadan, ayaa ka dib markii hay’adihii la guddoonsiiyey qalabkii loogu deeqay, xafladdii wuxuu ku soo gebegabeeyey erayadan:-

Wuxuu salaamay dhammaan hay’adaha iyo cidkasta oo kasoo qayb-gashay xafladda… wuxuu u mahad-naqay hay’adaha deeqda soo gudbiyey…

Wuxuu sheegay in Diakonia si aad ah wax uga qabatay Gobolladan… wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in ay wax-qabadkaas sii wadi doonto siina kordhin doonto…  

Hay’adaha qalabka guddoomay wuxuu ku guubaabiyey inay muujiyaan isticmaal wanaagsan iyo xannaano… wuxuu yiri “wax-qabadka hay’adahani waa inuu u gudbaa oo gaaraa Sool, Sanaag iyo Buuhoodle”… dhammaan deeganada Puntland waa isku dawlad… waa isku goleyaal… waa isku odayaal… waa isku sharci… waa isku mid !!! ayuu yiri.

Xafladaas waxaa ka soo qayb-galay Xidlhibaanno Golaha Wakiilada iyo Madax badan oo ka socota Wasaaradda Caddaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha Diinta… Dhinaca Diakonia waxaa kasoo qayb-galay Agaasimaha Diakonia ee Puntland Md, Maxamed Cabdi Cali (Maxamed Dheere)…

Warsidaha   Puntland Tirsi 89-aad      Khamiis            26/04/2001                  Bogga 7-aad               

 

SUUGAAN  

SHIRQOOL

 

1.     Garaadada waxaan meeriyoo                    =                 meleg la raadshaaba

2.     Magliyada waxaan looliyoo                     =                 micida ruugaaba

3.     Salaan aan milgo lahayn                                              waxaan midigta saaraaba

4.     Maddadaalo beeneed waxaan                   =                 maandhe ku hayaaba

5.     Maqashoodii inaan qaar heloo                                     milic wareegeysay

6.     oo aan mareegaha ku riday                       =                 mahade yaa u sheega…

 

M.I.C Hargeysa

 

 

                   CID IGA FURATA AYAAN WAAYEY

1.     Duullaanka hore yaan lahaa                       =                 wiilasha u daaye

2.     Duqbaa tahaye joog baan lahaa                =                 Waa la soo didine

3.     Haddiise laga danbaxay                           =                 Xaajadaan idin la doonaayey

4.     Dirquu igu qabsaday inaan                       =                 Anigu dooxaaye

                                     

KAAHA BARI BOSASO

 

HADDII AANAY.

 

1.     Haddii aanay sidii beelo raran                   =                 xarunta soo beegin

2.     Ama aanay Bengaal iyo Hindi                   =                 iyo beled kale u dhoofin

3.     Senge bowda dheer iyo                           =                 intaan bulay taxaabaayo

4.     Inaan bihina geelladu jireyn                      =                 Ba’a ee yaa u sheega.

                            

Ururka SRRC Baydhabo

 

HADBA GEES MIYAAN DEYEY.

1.     Godobtaydu waa wada jirtaa                    =                 goonyohoo idile

2.     Gashi nimaan ku leeyahayba           =                 waan dabo gelaayaaye

3.     Waxaan goosan karo anigu                      =                 waan gurubsanaayaaye

4.     Hadba gees miyaan deyey                        =                 intaan gownaxyada buuray

5.     Guntigaan maroorsaday                           =                 miyaan labada low geeyey

6.     Ma genbaan u taagnahay                          =                 intay gaadho noloshaydu

 

Yaasir Carafaat

 

Warsidaha   Puntland Tirsi 89-aad      Khamiis            26/04/2001                  Bogga 8-aad               

 

JOORNAALKA KAAHA BARI GABOW  MIYAA TAABTAY!!!

Joornaalka KAAHA BARI ayaa Cadadkiisii 524-aad ee 13/04/2001,wuxuu qoray Cunwaan ah:

 

MUXUU KA DOONAY MADAXWEYNUHU BOOCAME??? 

Cid waliba cunwaankaas way la yaabtay…waana gar in cid waliba la yaabto… cunwaanku sida qof walba u muuqata, caqliga caafimaadka qabaa wuu diidayaa!!!! Maxa cunwaanku xambaarsan yahay??? Niyad-xumo miyaa??!! Aqoon la’aan Juqraafiga Dalka miyaa??!! Aqoon la’aan shuruucda Dawlad Goboleedka miyaa??!! Xumaato-u-bareer miyaa??!!Deegaan gaar loo colaadinayo miyaa??!!! Jawaabta aan wada baarno??!! Joornaalka KAAHA BARI waa Joornaalka ugu da’ weyn Joornaalada Puntland…. Waxaa laga filayay inuu isagu Joornaalada ugu  waayeelsan yahay….Haddaba maxaa keeni-kara waayeelkii Joornaaladu inuu qoro cunwaankaas iyo wax la mid ??!!! Waayeelkii gabow miyaa taabtay??!!! Jawaabta nala baara??!!

 

Duqa Magaalada Boocame

Maxamuud Xirsi Faarax-Biixi

OGEYSIIS

Waxaa dadweynaha la ogeysiinayaa in Agaasinka Warfaafinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta, Qaybta WARSIDAHA PUNA, ay soo bandhigtay saddex jago oo tartan imtixaan loo galayo, kuwaasoo looga baahan yahay dad aqoon sare iyo hal abuurba leh kana qayb qaadan kara tayaynta qoraalada, doorashada wararka, aqoon kordhinta iyo wacyi gelinta.  

Shuruudaha laga doonayo  

1.                  Waa inuu yahay Muwaadin Puntland ah.

2.                  Waa inuu haystaa shahaado jaamacadeed (Saxaafadda), waxbarashada iyo Culuumta bulshada

3.                  Waa inuu aqoon kaafi ah u leeyahay luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga.

4.                  Waa inuusan horrey u gelin dembi sharaftiisa wax u dhimi kara.

 

Hawlaha Laga Rabo.  

1.        Qoraalo iyo daraasad nuxur leh

2.        Diyaarinta wararka muhiimka ah ee gudaha iyo dibeda.  

Ciddii danaynaysa waxay araajida ku soo hagaajinayaan Agaasinka Guud ee Shaqadda iyo Shaqaalaha, waaxda shaqo qorista iyo tababarad. Qabashada araajidu waxay ku eg-tahay 27/04/01-da.

Mahadsanidin

Eng. Yaasiin Axmed Jaamac

Ag. Waaxda Shaqo Qorista iyo Tababarada.

  

 

 


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:07 AM. Webmaster HomePage