JAMHUURIYADDA
SOOMAALIYA
GOLAHA
DIB-U-HESHIISIINTA & DIB-U SOO CELINTA SOOMAALIYEED
Date:
24/04/2001
Ku:
Idaacadda Dalka
Rugtooda
Idaacadda BBC
Rugtooda
Wakaaladda Wararka
Rugtooda
Wargeysyada Madaxa Banaan
Rugtooda
Ujeeddo:
WAR-SAXAAFADEED LA XIRIIRA KAL FADHIGII 1AAD EE
GDDS
Maanta
oo ay taariikhdu tahay 18/04/2001 waxaa kalfadhigii 1aad
ku yeeshay magaalada Baydhabo GDDS.
Kalfadhigaas waxaa mahad ballaaran looga soo
jeedshay, shacabka iyo hoggaanka RRA sidii diiranayd ee aan kala
harka lahayn oo ay u soo dhaweeyeen imaatinka GDDS ee Xarunta
Baydhabo iyo taageerada buuxda oo ay u fidiyeen dhismaha GDDS.
Goluhu
wuxuu si gaar ah fiiro uga yeeshay dhibaatooyinkii shacabka
Soomaaliyeed ka soo gaaray dagaalladii sokeeye ee soo jiitamaya
tobankii sano ee la soo dhaafay siiba deegaanada RRA, wuxuuna u soo
wada jeedinayaa tacsi murugo iyo tiiraanyo leh.
·
Goluhu wuxuu si weyn u falan qeeyey ugana dooday
daganaansho la'aanta ay kooxda Carte ku soo kordhisay xaaladda guud
ee dalka Soomaaliyeed, taasoo ay ku naf waayeen muwaadiniin badan oo
wadanka gobolladiisa kala duwan ku kala baahsan, waxaana si gaar ah
loo xusay dhacdooyinkii dagaal oo ka dhacay dhawaan magaalooyinkii
Muqdisho iyo Balcad oo ay sababeen kooxda Carte. Goluhu wuxuu u
tacsiyeynayaa eheladii iyo qoysaskii ay ka baxeen geesiyadaas
naftooda u hibeeyey xajinta nabadda.
·
Goluhu
wuxuu si qoto dheer u darsay xaaladda dhaqaale ee wadanka iyo
lacagta been abuurka ah oo kooxda Carte iyo shurakadooda ay ku
hafinayaan wadanka si loo silic dilyeeyo loona xaalufiyo awoodda
dhaqaale ee shacbiga Soomaaliyeed oo markii hore aad u liidatay, una
baahnaa daryeel aadaminimo iyo nabadeyn guud.
·
Waxaan
nasiib daro ah kooxda Carte iyo shurakadooda si ay uga baxsadaan
carada shacab weynaha Soomaaliyeed ay bilaabeen in eeda falkooda
guracan ay dusha ka saaraan Dawladda Itoobiya iyo maamul
Goboleedyada dalka ka jira, taas oo xaqiiqda ka soo horjeedda cidna
aan lagu habaabin karin, ayna muujinayso wejiga dhabta ah ee
shirkadda Carta lagu soo dhisay.
·
Waxaa
fool xuma ah in kooxda Carte ay ku tilmaanto diidmada shacab weynaha
Soomaaliyeed ee ku wajahan falkeeda guracan duulaan shisheeye ee
dalka Soomaaliyeed lagu soo qaaday si ay ugu beer laxawsato bulshada
Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka oo aan moogeyn xaaladda
Soomaaliyeed, xog ogaalna u ah in isha ay dhibaatadu ka soo
burqanayso tahay kooxda Carte ee keliya oo ayadu isu caleema saartey
dawladnimo aysan ummadda raali ka ahayn, ha noqoto caasimadda
gudaheeda iyo gobollada dalkaba,
·
Golaha
DDS wuxuu ku dhaleecaynayaa kooxda Carte xeeladaheeda kala duwan ee
naxariis darada ah, isla markaasna wuxuu Goluhu ku baraarujinayaa
beesha caalamka in kooxda Carte marka hoos loo sii dhuuxo barnaamij
howleedkeeda ay ku sifowdey ka ganacsiga dhibaatada shacbiga
Soomaaliyeed ee tabaaleysan, dib u soo nooleynta dagaalada sokeeye
iyo waxyeeleynta degenaanshaha geeska Afrika.
·
Golaha
DDS wuxuu u xaqiijinayaa shacbiga Soomaaliyeed in uu ku taagnaan
doono wadada nabadda, dib u heshiisiinta iyo abaabul dhismo dawlad
qaran oo metesha ummadda Soomaaliyeed, xurmeynsan deegaanada wadanka
oo idil.
·
Goluhu
markuu darsey mawqifka colaadeed ee Dawladda Jabuuti iyo fara
gelinta ay ku hayaan guud ahaan arrimaha Soomaaliyeed, gaar ahaan
caburinta bareerka ah ay kula kaceen (Somaliland) dhowaan, wuxuuna
Goluhu DDS dusha uga ridayaa cambaarayn kulul Dawladda Jabuuti,
wixii dhibaato ah oo halkaas ka dhacana Dawladda Jabuuti ayaa dusha
u ridan doonta.
BAAQ
·
Golaha
DDS wuxuu ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed inay adkeeyaan
midnimadooda iyo walaaltinimadooda kana digtoonaadaan dibindaabyada
kooxda Carte ee lagula wareegayo hantidooda, laguna dhaawacayo
mustaqbalka ubadkooda.
·
Sidoo
kale wuxuu Goluhu ugu baaqayaa dawladaha iyo hay'adaha deeq
bixiyayaasha inaysan kaalmo u fidin kooxda Carte.
·
Dawladaha
Sacuudiga iyo Masar waxaa si adag looga codsanayaa in ay ka
waantoobaan garab istaaga kooxda Carte oo ku hawlan dib u soo
nooleynta dagaalada sokeeye.
Xoghayaha
Warfaafinta GDDS
Dr.
Maxamed Diiriye Cilmi