19 May 2007 04:19

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country](Mogadishu) Arta Faction on Egal's Referendum
  • Posted by/on:[AMJ][Monday, April 30, 2001]

War Saxaafadeed.

waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba inay ka hortagaan afti ku sheega uu abaabulayo Maxamed Ibarahim Cigaal.

 

caraale.gif

(Somaligov 29/4/2001). Waxaa manta Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta ka soo baxay Warsaxafadeed lagaga hadlayo Afti ku sheega uu Maxamed Ibaraahim Cigaal ka wado Gobolada W/Galbeed. Wasiir kuxigeenka Warfaafinta oo soo saaray Warsaxaafadeedkaa ayaa yidhi:

Burburkii ku dhacay Soomaaliya waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhinacyo badan leh, sida siyaasada, dhaqaalaha iyo bulshada, hadaba dhibaatooyinka laga dhaxalay waxa ka mid ah, bililiqo loo geystay, hanti, dhul, cir, iyo badba.

Haddaba maalmahan waxa soo baxaya warar sheegay in maamulka W/Galbeed ay abaabulayaan wax aay ugu yeereen Afti laga qaadaayo dadka ku nool deegaankaas, oo lagu dooransiinayo in ay noqdaan gobol ka go’ay Soomaaliya inteed kale, Taas oo meel ka dhac ku ah Midnimadii iyo Qaranimadii Soomaaliya ee lama taabtaanka ah.

Dowladda KMG ah waxay arrinta uu Max’ed Ibrahim Cigaal uu wado u arkeysaa in ay abuureyso dhibaatooyin hor leh oo keeni kara dagaalo sokeye iyo burbur soo food saara dadka ku dhaqan deegaanadaas.

Haddaba, waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba inay ka hortagaan afti ku sheega uu abaabulayo Maxamed Ibarahim Cigaal isla markaana aan gacan lagu siin isku deygiisaas. Taas oo salka ku haysa Jujuub iyo u adeegid dano shisheeye.

 

Cali Caraale

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta

______________________________________

Mohamud Yusuf
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
Soomaligov@yahoo.com
Muqdisho, Soomaliya


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:07 AM. Webmaster HomePage