19 May 2007 04:25

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW Column] (HERSI M. LABAGARRE) SOOMAALIYEY: SIDEE LOOGA FAA'IIDAYSAN KARAA SHIRKA JABUUTI?
  • From:[]
  • Date :[23 July 2000]

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


SOOMAALIYEY: SIDEE LOOGA FAA'IIDAYSAN KARAA SHIRKA JABUUTI?
W.Q: HERSI M. LABAGARRE

[1] Dulmar gaaban oo ku saabsan shirka

Shirka Jabuuti sida aan la wada soconaba, wuxuu ahaa shir aad u ballaaran oo soomaalida nolosheeda maanta iyo tan berritaba aad u saamayn doona, sidaa darteed, waxaan doonayaa in aan halkan ku qodobeeyo waxyaabihii ugu waawaynaa ee shirkaasi ka dhashay shar iyo khayrba, kadibna waxaan isku deyayaa in aan faydo siyaabaha ugu mudan ee loogu dheefsan karo waxtarkiisa, iyo sidii loogu dhabbaqa raadin lahaa wixii dhib ah ee uu la yimid.

[2] Waxyaabaha uu shirka Jabuuti ku wanaagsanyahay

Waxyaabaha faa'iidooyinka u leh Soomaalida ee laga yaabo in ay ka dhashaan shirkan waxaa ka mid ah:

[2-1] In dowlad dhexe oo dalka nabad ku soo celiso ka dhalato shirkan, haddii ay doonto ha ahaato dowlad wayd ah oo aanan awood badan u lahayn in ay gacanta ku qabato dalka oo dhan, maxaa yeelay, dowlad xumi dowlad la'aan bay dhaantaa.

[2-2] Shirka jabuuti wuxuu soo nooleeyay rejadii ay soomaalidu ka qabtay dowladnimada, taasina waxay keentay in ay ka soo qaybqaataan shirka dad badan oo soomaali ah oo markii hore dalka dibadda uga baxsaday kana reja dhigay ku laabashadiisa.

[2-3] Shirka jabuuti wuxuu fursad ay shirka uga qaayb qaataan siiyay dad aanan waligood ka qayb gelin shirarkii hore ee dhowr iyo tobanka ahaa ee la qabtay, dadkaasna waxaa ka mid ahaa, madax dhaqameedyada, haweenka iyo qaar kale oo ka mid ah ururrada bulshada.

[2-4] Shirka Jabuuti wuxuu indhaha u furay bulshadii soomaaliyeed meel kasta ha joogeene, waxayna dareemeen in ay lagama maarmaan tahay in ay soo ceshadaan sharaftoodii iyo karaamadoodii ayaga oo aanan marnaba taas ku hallayn dagaal oogayaasha.

Ugu dambaystii shirka Jabuuti wuxuu isku soo dhaweeyay xiriirkii ka dhexeeyay bulshada reer Jabuuti iyo bulshawaynta soomaaliyeed, wuxuuna ummadda soomaaliyeed u caddeeyay in aanay kaligood ahayn ee ay leeyihiin walaalo heegan u aah in ay tageeraan.

[3] Dhibaatooyinka ka dhashay shirka jabuuti

Dhibaatooyinkani ma aha qaar uu shirku dhaliyay ee waa qaar shirka ka dhashay, macnaha dhibaatooyinka aan soo sheegi doonno waa kuwo ka yimid khaladaadkii la galay intii shirka la weday ama khalad laga fahmay shirka, waxaaana ka mid ah:

[3-1] Dareenkii qabiil oo sii xoogaysatay, taasna waxaa keenay shirka oo qabiil lagu saleeyay. Waxaan kolka aragnay dhallinyaro badan oo dalka dibadda uga soo baxday oo aanan waligood qabiil u danaanin oo hadda uu qabiilku qandho cusub ku qabtay, taasna waxay ka arkeen in soomaalidii qabiil uun wax ku qaybsanayso, marka dhallinyaradaas waxaa u caddaatay in aanay dowladda cusub ee dalka ka dhalandoonta meelna ka geli doonin haddii aanay qabiilkoodii ka soo dhex muuqan!

[3-2] Waxaa kale oo shirka ka dhashay loollaan cusub oo dhex maray dadkii dhallinyarada ahaa ee qabiilku dardarta cusub ku hayay iyo kuwii jilib waynta ahaa ee qabiilka u soo halgamay tobankii sano ee la soo dhaafay.

[3-3] Waxaa kale oo shirku colaad cusub ka dhex abuuray qabiilooyinkii ku noolaa dalka dhexdooda, waxaan ognahay in habargidir isu haysato Cayr iyo Sacad, murusadena dhexdiisa dagaal iyo isdil baa ka oogmay, waxaana kacshay kooxda Qanyare taageerta ee shirka diiddan, mareexaan wuxuu asiguna ku dhawyahay sidoo kale, majeerteen asiga hadalkiisa iskaba daay, waaba qoladii uu dagaalku ka dhex billowday ugu horrayntiiba, abgaal ilaa iyo hadda wax lama maqaal, laakiin ilaah baa xaal og, raxanwayn iyaguna waa xaal mastuur, laakiin lama yaqaan wax ay soo wadaan, Somaliland dad xirxir bay ku waalatay, marka guud ahaan, qabaa'ilkii soomaalida ee markii hore colaaddu ka dhexaysay ayaa iyagu dhexdoodii isku soo jeestay.

[3-4] Shirka Jabuuti markii hore wuxuu ku socday waddo aad u toosan oo loo wada riyaaqay, laakiin waxaa lagu khasbay in uu waddadii toosnayd ka leexdo, una rukuuco codsiyadii madaxdii dowladdii Siyaad barre iyo Dagaal oogayaasha.

[3-5] Shirka jabuuti wuxuu soo nooleeyay dagaal oogayaashii sii dhimanayay, taasna waxaa keenay siyaasadda ay raaceen maamulayaasha shirka ee ah suuman salaaxa, tusaale ahaan, Ina caydiid iyo Caato oo taageerayaashoodii ku jiray qabiilka Habargidir sii yaraanayeen kuna soo kobmeen Sacad, ayaa hadda taageerayaal badan yeeshay kadib markii dowladda jabuuti dhowr jeer isku dayday in ay soo xera geliso nimankaas.

[4] Hadda iyo dan, shirka Jabuuti sidee uga faa'iidaysan karnaa?

Shirka jabuuti waxaa lagu baxshay xoog iyo maskax badan iyo dadaal badan oo soomaaliyeed iyo mid jabuuti intaba, loomana baahna in aan ku kalatagno haddii uu mirihii aan ka filaynay keeni waayo, qaalinta abeerta ah haddii ay dhali wayso oo caana laga waayo waa la qashaa, shirkanna sidaa si la'eg ayaan uga faaiidaysan karnaa, waana sidan:

[4-1] Madaxda shirka waxaan kula talinaynaa in aanay marnaba shirka gunaanadin, haddii aysan gaarin dantii ay shirka ka lahaayeen oo dhamaystiran. Macnaha haddii aanay u caddaanin in dowlad soomaaliyeed oo caafimaad qabta aanay meeshii ka soo baxayn, waxaa habboon in aanan shirka la gunaanadin ee uu furnaado, loona raro soomaaliya dhexdeeda.

[4-2] Si loo caynsho shirka, loogana badbaadsho fashilmid, waa in la bedelo siyaasadda lagu wado shirka, oo shirka hoggaankiisa wax laga siiyo dadka laysleeyahay waxbay tarayaan. Tusaale ahaan, shirka haaddii ay wax ka soo bixi waayaan, waxaaa la bedeli karaa siyaasaddiisa, dabadeedna waxaa loo rari karaa meelaha nabadda ah ee soomaaliya goballadeeda ka mid ah ayada oo lala kaashanayo madaxda dhulkaas ka talisa sida Somaliland iyo Puntland iyo Bay-bakool iwm.

[4-3] In soomaalida dibadda joogta ay shirka faraha kala baxaan oo howshoodu ku ekaato taageerada iyo talo bixinta ee aanay ka qaayb qaadan sharrixidda madaxda ee shirkan lagu soo dooran doono. Maxa yeelay taasi waxay yaraynaysaa colaadda cusub ee ka dhalanaysa labada kooxood dhexdooda, tan kale soomaalida dibadda joogtaa iyo tan gudaha joogta isku aragti iyo dulqaad maaha.

[4-4] In la kaashado qabiilooyinka shirka u daacadda ah, tusaale waxaa u ah qabiilka abgaal oo runtii muujiyay dadaal dheeraad ah iyo isku duubni, taas oo aanan lagu arag qabiilooyinka kale, marka qabiilkan oo kale wuxuu wax wayn ka tari karaa dejinta dalka iyo soo dhisidda dowladda cusub iyo badbaadinta shirka Jabuuti.

[4-5] In meel looga soo wada jeesto qabiilooyinka ama kooxaha fallaagada ah ee aanan marnaba soomaaliya nabadda la doonayn sida kooxda ina caydiid, ee shaqada ka dhigtay fidno abuurka. Tusaale ahaan, habargidir maanta isku mid maaha, Cayr waa dad nabad raba oo doonaya in soomaaliya dowlad noqoto, meesha Sacad ay doonayaan in ay boob iyo dagaal iyo dhac iyo qalalaaso dalka ka sii wadaan ayaga oo waliba taas u kaashanaya kooxo ajnabi ah oo aanan marnaba dalka maslaxadiisa ka fekerayn, sida Masar, Talyaaniga, Eritrea iwm.

[4-6] In wadaaddada iyo ahludiinka lagu dhiirri gelsho in ay dalka midnimadiisa iyo dhalinta dowlad soomaaliyeed u guntadaan, wadaaddadu waxay waligoodba ahaayeen lafdhabarta ummadda soomaaliyeed, marka waa in la dareensiiyo in ay yihiin ururka bulsho ee kaliya ee soomaalidu leedahay aaminsantahayna, kaliya waxay u baahanyihiin in ay ka fogaadaan qabiilka iyo tacasubka mad-habiga ah. Waadaaddadii la faca ahaa sida daalibaan waayagaa dalkii hagaagsaday, marka wadaaddada soomaalida waa in ay ka kacaan fadhiga iskuna duubmaan.

Waxyaabahaas aan soo sheegay iyo qaar kale oo aan toddobaadyada soo socda soo sheeggi doonno ayaa ka mid ah, waxyaabaha laga yaabo in ay caawiyaan sidii loo badbaadin lahaa shirka jabuuti ka socda, iyo sidii looga gaari lahaa shirkaas dantii laga lahaa ee ahayd in la helo dowlad soomaaliyeed.


[Column]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:12 AM. Webmaster HomePage