19 May 2007 04:24

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW Column]( Salwe1@hotmail.com) Carta filin ayaa ka socda
  • From:[]
  • Date :[ 2000-07-25 09:08:50]

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


Carta filin ayaa ka socda

 by  Salwe1@hotmail.com



 Carta filin ayaa ka socda, filinkastaana waxa uu leeyahay mu’allif, maalgaliye, matalayaal, iyo soosaare. Intaa ka dib, filinkasta wuxa uu ku fadhiyaa oo kusaleeysan yahay aragti mucayan ah ama waxa loo yaqaan “theory” afka qalaad. Ku dar intaa in filinkasta uu leeyahay qalab loo isticmaalo soo saaridiisa “Tools”. Filinka Carta yaa alifay maxayse tahay aragtida mu’allifkiisu? Qalbka loo isticmaalayna waa ceeynkee. Inkasta oo la isku dayay in la daboolo raga allifay filinka, haddana sadarada ku qoran buuga Carta ayaa si cad looga akhrisan karaa allifihiisa!!! Buuga waxaa allifay rag ka yimid qabiil ay talo isu tustay in haba yaraatee ayan wax maslaxad ah ugu jirin in maamullo goboleed laga dhiso dalka, si aad iyo aad ahna uga walwalayay is-maamulada gobaleed ee dalka ka soo if baxayay sannadihii ugu danbeeyay, laga soo bilaabo Somaliland, Puntland, Hiiraanland, Alta Jubbaland, iyo waliba Jubbaland oo iyadana rajo weeyn laga qabo in la dhiso ka dib marka ay dadkii aqalka lahaa soo nabad noqdaan. Tan ugu weeyn ee ay ka wal-walayaana ay tahay in ay maamuladaasi asaas u noqdaan nidaam fadaraal ah oo uu dalku qaato mustaqbalka. Ragaasi waxay talo isu tustay in ay labo arimood middood uga hortagi karaan wajahadaas ay ummaddu qaadatay. Waa mide in ay abaabulaan shir qaran oo dawlad si degdegah loogu dhiso, iyaga oo aaminsan dawladnimaduba in ay iyaga u xayirantahay, oo marka ay doonaan noo dhisi karaan. Dawladaas oo ay ka quud-dareeynayaan in ay keento hab ka duwan kan gobaleeysiga. Waa tan labaade haddii ay suura gali weeydo in shirkaas dawlad lagu dhiso waa in uu ugu yaraan sababaa dagaal iyo iska horimaad cusub oo wax walba dib ugu celiya biloowgii sagaashameeyadii. Haddaan - daliil ahaan- taariikhda dib idiin kugu celiyana, si aaan idiinkugu cadeeyo in shirkani yahay mid ay qolo wadato, shirkii Boorama ee 91kii ay qabteen Somaliland, kuna goosteen in ay ka go’aan dalka intiisa kale, shirkaasi waxa uu socday haddaanan khaldaneeyn in ka badan ama ku dhoow laba bilood. Sidoo kale shirkii SSDF eey ku yeelatay magaalada Qardho ee gobalka Bari abbaarihii 95kii ama 96kii, waxa uu socday in ka badan bilo, waxaana la oran karaa wuxuu ku dhamaaday is afgaran waa. Kii 98kii lagu dhisay dawlad gobaleedka Puntland asna wuxuu socday in ka badan laba bilood. Intaasoo shir iyo kuwo kaleba ka dib shir kale ayaa dhacay, kaasoo aad uga duwanaa kuwii hore u dhici jiray. Sannadkii tagay shir ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay lahaayeen beelaha Hawiye, shirkaasi wuxuu socday haddaanan khaldaneeyn maalin galinkeed. Ogeebay qolooyinka Somaliland ama Puntland ma dhextaalo colaad la tilmaami karo marka loo bar-bar dhigo colaada dhextaala qabaa’ilka Hawiye oo inta badan tobankii sano ee burburka iyo qaran la’aanta iyagu ahaa masraxa colaadda. Hadaba su’aashu waxay tahay xageebay ragu ku dag-dagsanaayeen? Malaha shirkuba wuxuu qayb wayn ka ahaa ama hordhac u ahaa filinka Carta, anigu jawaabta mala’awaalkiina ayaan u daayay. Marka aan u soo leexdo aragtida filinka, waa noocyo badan tahay, mar waa is bar-bar ordaysaa, marna way isjiiraysaa. Waxay ku dhisan tahay aragti qadiim ah oo jirtay horaantii sagaashameeyadii, hayeeshee waqtigan lajoogo aan meel mar aheeyn. Waa argtida oraneeysa, dalka nin aan Hawiye aheeyn kama noqon karo Madaxweeyne. Waxay aragtidaas ku kaabaan, maadaama ay Daarooka iyo Isaaqu soo xukumeen dalka waxa la soo gaaray marxaladdii Hawiyaha!!!. Waa aragti aad iyo aad daciif u ah, oo aan haba yaraatee wax xaqiiqda waafaqsan aan salka ku heeyn. Aadan Cabdulle Cismaan, C/laahi Ciise, Gen. Da’ud iyo rag kale oo badan ayaa hor boodi jiray xukuumaddihii ugu horeeyay ee dalka soo maray. Intaasoo dhan ku dar in xukuumadihii dalka ee 60kii-69kii ay ahaayeen kuwo dimuqraadi ah oo dadku ay soo doorteen. Marka la’eego xukuumaddii milatariga ee Barre, waxay ahaayeen rajiim aan qabiil kaliya ka koobneeyn. Xukuumadaasi sida ay ula dhaqantay Majeerteen iyo Isaaqna kala barkeed ulama ayan dhaqmin Hawiye oo dhan. Sidaa darteed maaha wax la qaadan karo in dusha loo saaro Daaroodka in ay iyagu mas’uul ka ahaayeen wixii ay fashay xukuumadaasi. Waxa jirtay oo ay malaha ragaasi sharciyeeyeen, markii sannadkii 91kii ay wufuuddii Daarood ee ka qayb-gashay shirkii Jabuuti uga soo dhaqaaqeen qabaa’ilada Hawiye iyo isaaq manaasibta sare ee dalka sida Madaxweeyne iyo ra’iisul wasaare, taasoo falsafada ka danbeeysa aheeyd sida ay ku macneeyeen mudanayaashaasi in “maadaama Daaroodka loo leeynayo kursi dartii eey door bideen in ay dhiiga dadkooda ku badbaadiyaan in ay ka soo tanaasulaan xukunka” taasoo nasiib daro dhalisay in ay Hawiyuhu iyagu isku laayaan jagooyinkaas. Arinta kale ee ay ku kaabaan aragtidaasi waxay tahay mid aad loogu qoslo taasoo oranaysa xukunka waanu u soo jihaadnay dhiig rag iyo maalna wuu naga galay. Sababta ay sidaa u leeyihiina waa iyada oo aan wali la weeydiin wixii ay geeysteen iyo ummaddii ay hore u soo xasuuqeen qabiilkooda dartii, tiiyoo lala xisaabtamo iska daaye wali ummaddii sidaa la yeelay ayaa geed ku gabad ah. Aragti kale oo uu filinku ku dhisan yahay ayaa waxay tahay, bur-burinta Puntland iyo Somaliland, iyada oo loo adeegsanayo dadkooda. Aragtidaasi malaha waxay salka ku heeysaa isla shirkii Jabuuti ee 91kii ee ay natiijadiisu noqatay colaadii kharaareeyd ee dhexmartay beelaha Hawiye. Malaha aragtidu waxay aaminsantahay in la gaaray waqtigii aargoosiga. Waxa is weeydiin mudan, haddii odayaashii Daarood ee shirkaa ka qayb galay ay Hawiye kula gorgortameen haddaad xukun iyo kursi nagu leeynaysaan qaata waanu idiin daynaye, asay iyagii isku laayeen, isla markaana ay birtii uga dabacday maxastii Daarood ee loo leeynayay qabiilkooda dartii, maxay bi’iyeen ragaasi? Runtii waa riyo kale oo xaqiiqda ka fog masaafada ay qoraxdu ka fogtahay dhulka. Soosaaraha filinku wuxuu qalab ahaan u adeegsanayaa, mucaaradka ay aragtidooda dhami ku saleeysan tahay “NINKA ISKA CELI” iyaga oo aan haba yaraatee laheeyn qadiyad taa ka fog, haddeey ahaan laheeyd mid qaran iyo mid qabiilba. Waxan aad ula yaabay in mar la wareeystay shir-guddoonka shirka Md. Xasan Abshir Faarax uu isla soo maqiiqay shirka waxa jooga ergooyin ka wakiila Puntland iyo Somaaliland, Xasan Abshir waxan su’aali lahaa Jaamac yare iyo tuur maxaad uga soo horjeeday waagay ahaayeen madaxweeyna kuxigeenka iyo wasiirka Gen. Caydiid? Goormeeyse noqdeen kuwo matalaya ummaddaas? Mise arintu waa la jiifiyaaba banaan!! Arin kale oo uu filinku isticmaalayo ayaa waxay tahay, dareenka ummadda ee caadifadda iskaga dhisan, taasoo oo uu sixun u isticmaalayo. Ummaddu waxay aad iyo aad ugu baahan tahay in ay qaranimadeedii dib ula soo noqoto, xasilooni iyo nabad galyana lagu wada noolaado. Ummadda ceeynkaa ah ayaa lagu afuufay in ay tani tahay tii ugu danbeeysay ee ay ku xirneeyd rajadii qaranimadooda. Waxay malaha illaaween in Soomaali eey maanta biseeyl ugu dhoowdahay, oo ay soo mareen masiibooyin tan aad uga kharaar ayna wali ilaaheey mahaddi ka nool yihiin. Filinka waxaa matalaya fanaaniin ku caan baxday arimaha kala qaybinta iyo kala dullaalida qabaa’ilka, kuwaasoo ka soo qalin jabiyay kulliyaddii lug-gooyada ummadda ee Barre. Filinka waxaa maalgaliyay qayb ahaan isla dadkaa iyaga ah. Waxa kale oo maalgiliyay isla markaana soosaare ka ah Ismaaciil Cumar Geelle, oo isagu dusha u ritay in uu noqdo ninka madaxa loo saarayo in uu ka danbeeyo fikrada filinka. Waxayse ka qariyeen ragga illifay filinkaan madaxweeynaha in uu isagu bari mas’uul ka noqon doono cawaaqibka filinka wax kastaba arini ha noqotee. Waliba anigu waxan u maleeyay in miskiinka uu ka midyahay qalabka loo adeegsanayo filinka, oo uuba yahay shaashadda ugu weeyn ee laga daawanayo muuqaaladiisa foosha xun. Filinka dad ayaa taageersan, dad badanina waa ay diidan yihiin, inkasta oo sababaha lagu diidan yahay ama lagu taageersan yahay eey kala duwan yihiin. Taasna maqaal danbe ayaan uga hadli doonaa hadduu rabi idmo.


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:12 AM. Webmaster HomePage